Shirkii Gudiga Musaalaxada Culimada ku oo soo Gabagaboobay
Muqdisho
Qodobo Muhiim ah oo laga soo saarey
Culumaudiin soomaaliyeed oo ka kala yimid Dalka Gudihiisa iyo
dibadiisa Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho taariikhdu
markay ahayd 19-24/ Safar/ 1430H oo ku began 14-19 bisha
Febraayo 2009 kaas oo, laguna dhisay Hay'adda Culumada
Soomaaliyeed, ayna ka soo saareeen bayaankoodii ugu horeeyay.
Go’aamada Shirka Culumada Soomaaliyeed .
بسم الله الرحمن الرحيم
Go'aamada iyo Bayaanka Shirka Culumada Soomaaliyeed
Culumada soomaaliyeed kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho
taariikhdu markay ahayd 19-24/ Safar/ 1430H oo ku began 14-19
bisha Febraayo 2009 kaas oo ay kasoo qaybgaleen Culumo waaweyn
oo ka kala timid dalka Gudihiisa iyo dabaddiisa, laguna dhisay
Hay'adda Culumada Soomaaliyeed, looguna doortay inuu madax ka
noqdo Sh.Bashiir Axmed Salaad. Shirkaas oo ay Culumadu kaga
wadahadleen xaaladda dalka uu marayo, iyo dhibaatoyinka taagan
waxa ay soo saareen Go'aammadaan iyo qaraaraadkaan soo socda:-
1. Dhiigga Muslimka ee xaqdarrada lagu galo
Waxay Culumadu caddaynayaan inay xaaraan tahay sharci
ahaan in qof muslim ah daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah
ee soomaaliyeed, si gaadmo ah iyo si bareer ah midnaba, ama
sabab loo noqdo, ama uu ku xadgudbo Xoolihiisa iyo
sharafkiisa, waxaana arrinkaas ka dhalanaya khasaare
adduunyo iyo mid aakhiro, waxaana waajib ah in qof kasta oo
horay u galay dhiigga qof muslim ah si sharci darro ah inuu
towbad keeno, naftiisana u dhiibo una gacan galiyo ciddii uu
dhiigga ka galay (dhaawacay) ama dadka leh dhiiggiisa
(hadduu dil dhaco).
2. Xadgudubka Diineed
· Inay waajib tahay in lagu dhago laguna
toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca ee dhexdhexaadka
ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah,
lagana fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin
diineed ah, gaar ahaan arrimaha dhiiga, xoolaha, iyo
sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W:
{وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على
الناس}
· In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo
loolana laabto culumada ku xeesha dheer aqoonta diineed,
laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka cabsi,
gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba
yiri S.W.
{ وإذا جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه
إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه
منهم....}
· In laga digtoonaado ku degdegidda
Gaaleysiinta ruuxa muslimka ah iyo riddo ku xukunkiisa,
taas oo lagu banneysanayo dhiiggiisa, xoolihiisa iyo
sharafkiisa, maxaa yeelay xukunka arrinkaas waxaa geli
kara oo kali ah Culumo u khaas ah, kuwaasoo cuskanaya
ama tixgalinaya Xuduudaha uu sharcigu u dhigay arrintaas
oo ah:-
- - Inay qofka ka dhacdo arrin keeni karta gaalnimo
dhab ah
- - In la helo Shuruudaha sharcigu u dhigay
gaalaysiinta Shakhsiga.
- - In laga waayo wax ka horjoogsada in lagu rido
Xukunkaas Gaalaysiinta ama ridada ah.
· Waxaa xadgudub diineed ah Dilka, afdubka,
dhaca, iyo dhibateynta loo geysanayo hay'adaha iyo dadka
gaarka ah ee ku soo galay waddanka Dammaanadda jiho ama
qof Muslim ah, hadday dhacdo inay ku kacaan hay'adahaas
ama shakhsiyaadkaas wax xadgudub ku ah dadka diintooda
ama akhlaaqdooda, waxaa waajib ah in lagala xiriiro
cidda Damiinka ka ah.
3. Dhaqangelinta Shareecada Islaamka
Maaadaama ay sharecadu tahay waajib diini ah, dalabka
shacabka, Furaha Amniga iyo Musaalaxada, waxaa wajib ku ah
dowladda inay qaadato go'aan cad oo ah ku dhaqanka
shareecada Islaamka si Buuxad, si ay taasi u dhacdana waa
in baarlamaanku soo saaro si dhab ahna ugu dhawaaqo arinkaas
muddo sagaashan (90) cisho gudahood ah laga bilaabo 01/03/2009.
taas oo asaas u ah taageerada shacabka iyo kalsoonidiisa
4. Axdiga Ku meelgaarka ah
Kadib markay Culumad dib u eegeen Axdiga ku meel gaarka
ah ee dawladda waxaa uga soo baxay qodobbo ka hor imaanaya
shareecada islaamka, islamarkaana ka hor imaanaya qodob isla
Axdiga ku yaalla oo xusaya: - in shareecada islaamku saldhig
u tahay shuruucda qaranka – sida ku cad Qodobka 8'aad,
faqradiisa 2'aad, sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda
inay ka saarto Axdiga ku meelgaarka ah qodob kasta o ka hor
imaanaya shareecada islaamka, si taas loo helana waa in loo
xilsaaraa Dib u eegidda Axdiga iyo sixidiisa Culumo ku xeel
dheer Shareecada Isalaamka laguna kalsoon yahay Ammaanadooda
iyo Cilmigooda
5. Ciidamada Shisheeye
Kaddib markaan miisaanka sharciga ah saarnay arrinka
ciidamada Shisheeye ee wadanka joogo, waxaa noo soo baxay arimaha
soo socda:-
- · Ciidamada wadanka joogo kuma imaan qaab
waafaqsan shareecada Islaamka iyo doonista shacabka
midna.
- · Ciidamadaan sii joogitaankoodu waa mid aysan
shareecadu ogolayn ummadduna aanay raalli ka ahayn.
- · Joogitaankoodu waxaa uu dhib ku yahay ummadda
diinteeda, Anshaxeeda, Amnigeeda iyo madaxbananideeda.
Sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda:-
- · Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo
ugu badnaan mudo 120 cisho gudahood ah taas oo ka
bilaabanaysa: 01/03/2009.
- · Habka lagu saarayo waa inuu noqdo hab aan
dagaal ahayn, sababta oo ah:-
- Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu
gaaro hadba dariiqada ugu fudud uguna dhib yar ee
aan sharciga khilaafsanayn.
- Waxaa waajib sharci ah Xifdinta Dhiigga,
Hantida iyo sharafka shacabka, oo aan sabab loo
noqon dhibaato gaarta ayadoo la baajin karo.
- · Mudadaas gudaheeda waa in aysan ku kicin
Ciidammada hadda jooga falal dhaqdhaqaaq dagaal,
isbaahin iyo dhibaatayn shacab toona, iygana waa in aan
la weerarin.
- · Waa in aan sinaba loo soo kordhin, ama aan
loo keenin Ciidamo kale oo cusub.
6. Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowladda
Waxaa waajib ku ah mujaahidiinta dowladda ka soo
horjeeda, isla markaana ah maslaxad sharci ah, ummadduna ka
sugeysaa arrimaha soo socdo:-
- Inay wax ka abuuraan Jawi nabadeed iyo fursad lagu
xaqiijin karo arrimaha aan ku soo xusnay qodobbada (
3,4,5 ) isla markaana ka qaataan kaalin sidii loo
suurtogalin lahaa fulinta arrimahaas.
- · Inay ka fogaadaan wax alla iyo wiixii keeni kara
dagaal af iyo addinba, inta lagu guda jiro fulinta
arrimahaa kor ku xusan.
7. Haddii sida la soo sheegay wax u fuli waayaan
Haddii uu yimaaddo xad gudub lagu sameeyo fulinta
go'aammada kor lagu soo xusay, amaba lagu fulin waayo
xilligii loo qabtay, Dhinac kali ah go'aan ma qaadan karo,
waxaase arrinkaasi uu u noqonayaa oo caddeynaya Hay'adda
Culumada Soomaaliyeed, waxaana Go'aan ka gaaraya Ahlul
xalli Walcaqdiga .
8. Musaalaxada iyo heshiisiinta
In la heshiisiiiyaa dadka walaalalaha ah waa waajib
sharci ah, Waxa ayna ka mid tahay waxyaabaha waaaweyn ee allah Loogu dhawaado S.W. sida uu Allah yiri:
Rasuulkuna wuxuu yiri S.C.W:
" ألا أدلكم على أفضل من درجة الصلاة والصيام والصدقة؟ قالوا
بلى يا رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال: إصلاح ذات البين، فإن
فساد ذات البين هي الحالقة، لا اقول انها تحلق الشعر ولكنها تحلق
الدين" أخرجه أحمد والترمذي وابن حبان وغيرهم من حديث أبي
الدرداء.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Ummadda
Soomaaliyeed ee walaalaha ah inay ka fogaadaan wax alla iyo
Wixii keeni karaya dagaal iyo dhiig dhexdooda ka daata af Af
iyo addinba, taas oo keeni karta halaag aduunyo iyo mid
aakhiro.
Waxaan ugu baqeyna in si degdeg ah ay u joojiyaan wax
alla iyo waxii sabab u noqon kara kala fogaanshaha, kala
tagga iyo is nacaybka.
Waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhimriyaan isun
dabacsanaadaan. Waxaan ugu baqeynaa in cid waliba ogaato in
wadajirka oo kali ah lagu xaqiijin karo waxa alle raalliga
ka yahay, ummaddana maslaxaddeeda ah
Waxaan ugu baqeynaa in mashaakil walba oo la soo darsa
dadka walaalaha ah dhexdooda in lagu xalliyo wadahadal si
waafaqsan shareecada islaamka, lagana hor mariyo danta guud
midda gaarka ah, Hay'adda Culumaduna waxa ay sii wadeysaa
Musaalaxada iyo Heshiisiinta inta ay ka mirodhalayso
inshaa'allah .
9. Waxaan ugu baaqeyna dhamman shacabka Soomaaliyeed (shacabka,
Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowlada, Baarlamaanka &
Xukuumadba gaar ahaan kuwii dalka cadowga keenay inay Towbad
keen dhab ah la yimaadaan diintoodana qabsadaan,
culumadoodana ka danbeeyaan, gacmahana isqabsadaan, xaqqana
isuguna kaalmeeyaan.
Ugu dambeyn culumadu waxay u tacsiyeynayaan dhammaan
ummadda soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay xilligii la
soo dhaafay naf iyo maalba waxayna allaah uga baryayaan inuu
siiyo badel khayr qaba, dhaawacoodana bogsiiyo dhibaatadoona
xaliyo.
Shirka Culumada Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Shirka Culimada Soomaaliyeed
Dr. Bashiir Axmed Salaad.
###
Waxaa soo Tabiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com