Home » Warar »

Madaxweynahii hore ee DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf oo Geeriyoodey

Madaxweynahii hore ee DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta (Jimce Maarso 23, 2012) waxa uu ku geeriyoodey magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta.

Cabdulaahi Yuusuf, Allah ha u naxariistee waxaa da’diisu ahayd 78 jir, waxana uu ifka kaga tegey xaas, 2 gabdhood iyo 2 wiil.

TAARIIKH KOOBAN ee Marxuum C/LAAHI YUUSUF AXMED

C/Lahi Yuusuf Axmed, Allah ha u naxariistee, waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ku dhashay December sanadkii 1934.

Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya, wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-1956.

Sanadkii 1957 dii ayaa loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubada sare iyo jubada hoose.

1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga soomaaliya.

Sanadkii 1964tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe “Lieutenant Colonel” waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya.

Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.

Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii.

Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay “ciiidanka koobaad” ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya.

Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii.

Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii.

Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan ‘Inqilaabkii dhicisoobey’, Waxa uu u galay dalka Itoobiya.

Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya (SSF).

Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu, xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday.

October 10, 2004 ayuu C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha KMG ee Dawlada Dhexe ee Soomaaliya. Jagadaas oo uu muddo ku taamayey in uu gaaro. Waxana uu dhawr jeer intii uu shirka Kenya socdey ku celceliyey in uu asagu bilaabay dhibka Soomaaliya uuna asagu dhamayn karo.

C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu xilka madaxweynahii DFKMG iska casiley Isniin December 29, 2008 (oo ku beegayd 1da bisha Koowaad ee Muxarram ee sannadka Hijrada 1430). Waxana uu sidaas ku dhawaaqay kaddib markii uu hor tegey xildhibaanadda baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo, waxana uu warqaddii is casilaadda u dhiibey Aadan madoobe, Guddoomiyahii baarlamaanka DFKMG. Isagoo muujiyey in is casilaadiisa ay sabab u ahayd cadaadis kaga yimid beesha caalamka.

Is casilaadiisii kaddib  waxa uu tegey dalka Yemen halkaas oo uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa.

Allah ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf waxa uu Jimce Maarso 23, 2012 ku geeriyoodey magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta.

Waxaa uu ifka kaga tegey 2 wiil iyo 2 gabdhood iyo xaas.

Samir iyo iimaan Allah haka siiyo ehel kiisii.

FG: Taariikhda C/laahi Yuusuf waxay SomaliTalk daabacday 2004 iyo 2008

Dhacdooyin Kooban ee Soomaaliya:

  • June 2006– ayaa Maxkamaduha Islaamigu waxay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Muqdisho.
  • December 28, 2006 – ayaa maxkamaduhu ka baxeen Muqdisho, maarkaas oo Itoobiya gashay caasimada Soomaaliya markii ugu horeysey taariikhda Soomaalida oo muddo dheer colaadi ka dhaxaysey.
  • January 8, 2007– ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu markii ugu horeysey Muqdisho ka degey ilaa marki la doortay October 2004.
  • August 30, 2007 – ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay kulkan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen beelo badan Soomaaliyeed, kulaankaas oo loogu yeeray dib u heshiisiin beeleed ayaan dhalin maxsuul.
  • March 26, 2008 – ayaa markale dagaalyahano ka tirsanaa Maxkamaduhu ay qabsadeen Jawhar oo la ollog ah Muqdisho.
  • August 18, 2008 – ayaa Jabuuti waxaa heshiis ku dhex maray qaar ka tirsan maxkamadihii iyo DFKMG, in kasta oo qaar kale ku gacan sayreen heshiiskaas..
  • August 22, 2008 – ayaa Koox ka tirsanaa Maxkamadihii ama/iyo Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Kismaayo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal dad badani ku dhinteen.
  • November 12, 2008 – ayaa magaalada Marka waxay ka baxday gacanta DFKMG..
  • November 14, 2008– ayaa Al-Shabaab waxay la wareegeen Siinka-Dheer iyo Ceelasha oo Muqdisho u jira 15 Km. Markaasna C/laahi Yuusuf waxa uu qiray in kooxaha ka soo horjeeda ay gacanta ku hayaan badanaa Soomaaliya, isagoo muujiyey in ay dsuurtagal tahay in xukuumaada DFKMG ay afka ciida la geli karto.
  • November 28, 2008 – ayaa Itoobiya sheegtay in ay la baxayso Ciidamadeeda ku jira Soomaaliya.
  • December 10, 2008 – ayaa markii ugu horeyey (ilaa markii laga cayriyey) waxaa Muqdisho ku laabtay Sh. Shariif Sh. Axmed oo warbaahintu ugu yeraan Islaamiyiinta aan mayalka adkayn. (Waxaana la sheegay in wixii ka dambeeyey cayrintii Maxkamadaha ee Muqdisho ay Soomaaliya ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso ilaa 16,210 qof, sida ay werisey Reuters.)
  • December 14, 2008- ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Cadde, isaga oo u cuskaday in xukuumaddiisu ku guul daraysatay wax ka qabashada ammaanka dalka. Maalintii xigtey ayaa waxaa la sheegay in barlamaanka DFKMG ee Baydhabo ay xilka ku celiyeen Nuur Cadde, in kasta oo filim laga duubay muujinayey buuq iyo sawaxan in uu kulankaasi ku dhammaaday (daawo….)
  • December 16, 2008 – ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Gacma Dheere.
  • December 24, 2008 – ayaa Gacma Dheere waxa uu shir jaraa’id (Baydhabo) ka shegay in uu iska casiley xilkii ra’iisul wasaare. Isla markaas waxaa soo baxay in C/laahi Yusuf afhayeenkiisu uu sheegay in madaxweynaha DFKMG uu is casilayo December 27, 2008.
  • Akhri Taariikhda Soomaaliya

Isha Taariikhda: SomaliTalk.com :

Tixraac: https://somalitalk.com/2008/dec/yuusuf.html


SHIR JARAA’ID DFKMG
TACSI QARAN

MADAXWEYNE ABDULLAHI YUSUF AHMED
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo si gaar ah xaaskiisa iyo carruurtiisa uga tacsiyeynayaa geeridii saakay arroortii salaada subux ka hor ku timid Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed oo ku geeriyooday Sheikh Zayed Hospital ee Abu Dhabi.
Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

Waxaan nasiib u yeeshay inaan dhowaan ku soo booqday Madaxweynihii hore Isbitaalka uu ku jirey ee Abu Dhabi.

Marxuum Abdullahi Yusuf waxuu ifka uga tagey xaas, iyo afar carruur ah ( 2 rag ah iyo 2 dumar ah).

Marxuum Abdullahi Yusuf waxuu wakhtigiisa inta badan u huray ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalku ku heli lahaa Dowlad waarta. Marxuumku waxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowladda Federaalka KMG ah ee la aasaasay October 2004. Ka hor Madaxweyne Abdullahi Yusuf waxuu ahaa Madaxweynaha Puntland, horseedna u ahaa nabadeynta iyo aasaaska Puntland.

Waxaan maanta isagu yeeray xubnaha golaha Wasiirada oo aan shir deg-deg ah yeelanay ugana hadalnay habka ugu habboon ee aan dowlad ahaan isagu diyaari karno aas iyo tacsi qaran.

Waxaan u xil-saaray guddi heer Qaran oo ku wajahan sidii Aas Qaran loogu sameyn lahaa Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed.

Golahu waxey isku raaceen:

In Tacsi iyo Aas heer Qaran ah loo sameeyo Madaxweynihii hore.
In Calanka Soomaaliya hoos loo dhigo muddo 7 cisho ah.
In Safaaradaha Soomaaliya la dhigo buuga tacsida.
In muddo seddex cisho ah idaacadaha iyo TV ga Qaranka ay sameeyaan baroor-diiq.
Guddiga Aaska Qaranka ee Madaxweynihii hore ayaa ka kooban:-

Abdiwahab Ugas Xuseen Ugas Khalif – Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Guddoomiyaha Guddiga
Ugas Axmed Gaboobe (Ugas Bile)
Cabdisamad Macallim Maxamud Sh. Xasan
Cabdullahi Xaaji Xasan
Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn)
Cabdiaziz Sheikh Yusuf
Maxamud Macallin Nuur
Axmed Maxamud Axmed (Yaqshid)
Siciid Jama Qorsheel
Cabdullahi Sheikh Cali (Qaloocow)
Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)

Isha: DFKMG

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun.

Ilaahey ha u naxariisto Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed. Madaxweyne Yuusuf waxaa uu noloshiisa ku dhameeyey halgan uu ugu adeegayey qaranka iyo dadka Soomaaliyeed. Intii aan la kulmey Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed waxaa uu ahaa qof ay mar walba ku weyn tahay midnimada, xasilloonida iyo qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Nuuradiin Aadan Diiriye
nuradin.dirie@googlemail.com

R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Farmaajo oo Shacabka Somaliyeed uga tacsiyeyay Geeridi ku timid Madaxweynihi hore ee Somalia Cabdilahi Yusuf

R/wasaarihi hore ee Somalia Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo aya waxaa uu manta tacsi tiiranyo leh u diray guud ahan Umada Somaliyeed gaar ahan qoyski uu kabaxay Madaxweynihi hore ee Somalia Mudane Cabdilahi Yusuf Axmed.

Geeridu waa xaq ma dhinte waa ilahay Waxaan ilahay uga baryaya janadii Fardowso in uu ka waraabiyo Umada Somaliyeed Qoyski iyo Qaraabadi uu ka tagayna Samir iyo imaan alaha kasiiyo Amin Amin Amin.

Waxaa sido kale Tacsi taa la mid ah diraya inta badan Xubnihi Golaha Wasiirada ee Xukumadi Tayo waxayna ilahay uga baryayaan in uu janadii Fardowso ka warabiyo guud ahan Umada Somaliyeedna Samir iyo imaan alah ka siiyo Amin Amin Amin

warbaahinta@aol.com
Xafiiska Warfaafinta ee R/wasaarihi hore ee Somalia
Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo

Beesha Sade Daarood oo ka Tacsiyadeynaysa Geeridii ku timid MDX hore ee Soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed…

Inaa lilaahi wa Inaa Illaahi Raajacuun.

Waxaa halkaan tacsi ka diraya dhamaan Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,waxgaradka,Cuqaasha,Culima awdiinka,Dhalinayada,Ururada haweenka ee Beesha Sade Daarood oo ku Nool Dal iyo dibadba Iyagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxdinta lahayd eek u timid Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed,oo maaalinimadii jimcada ahayd ku geeriyoodey dalka Imaaraadka carabta.

Waxayna uga tacsiyadeynayaan geeridaas naxdinta leh Qoyskii ,qaraabadii,iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay madaxweynihii hore ee soomaaliya mudane C/llaahi yuusuf axmed, waxayna illaahay uga baryayaan marxuumkaas inuu Qabrigiisa u waasiciyo janadii fardowsana uu ka waraabiyo,Eheladii,qaraabadii,iyo umadii soomaaliyeed oo uu ka baxayna Samir iyo Iimaan uu ka siiyo,,

Aamiin—aammiinn—aammiinn,

By-Durraan shirwac

Em-durta21@hotmail.com

London/Uk

TACSI : INNA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaa halkaan tacsi kadiraya dhamaan jaaliyada reer Puntland ee dalka Uganda oo isugu jira ganacsato iyo arday

Waxaan halkaan tacsi u diraynaa dhamaan bulsahada somaaliyed meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibad ba Geeridii ku timi madaxweynihii hore ee dalka soomaaliya kornile C/laahi Yusuf Ahmed oo ku geeriyooday magaalda dubai ee isutaga Emaaratka carabta habeenkii xalay

C/laahi yusuf axmed wuxuu ahaa shakhsi waddani ah geesi ah jecelna wax uqabadka dadkiisa iyo dalkiisa alle ha unaxaristee

Marxuumka alle ha unaxariistee waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu danbi dhaaf iyo raxmadiisa siiyo dhamaan bulshada somaaliyeed iyo ehelkii iyo qaraabadii uu katagay samir iyo ii maan in uu ilahay kasiiyo

Magacyada dadka tacsida diraya:

Ganacsata

  • 1. Cumar Xaashi Mandella (Ganacsade)
  • 2. Bashiir Muuse Yuusuf (ganacsade)
  • 3. Ciisa A Warsame (ganacsade)

Ardayda halkaan tacsi kadiraya waxaa ugu horeeya Madaxweynaha ardayda reer Puntland ee dalka Uganda Mr Axmed Maxamuud Saciid

  • 4. Axmed Abdirizaaq Xaashi
  • 5. Cumar Maxamed Salaad
  • 6. Saciid maxamuud maxamed rooraaye
  • 7. Jaamac maxamed xassan
  • 8. Rooble axmed daahir
  • 9. Maxamuud cabdiraxman maxamed (darwiish)
  • 10. Idiris maxamuud sheikh xaamud
  • 11. Liibaan cusmaan saciid
  • 12. Abshir maxamed abshir
  • 13. Axmed yuusuf qaaje
  • 14. Maxamuud axmed saciid (caanodumar)
  • 15. Abdiraxman shaafici maxamed
  • 16. Cabdirizaaq cawaash beeldaaje
  • 17. Cali salad xassan
  • 18. Maxamuud yuusuf fangas
  • 19. Cabdi casis ibraahim
  • 20. Ikraan cali khaliif
  • 21. Ramlo maxamed warsame
  • 22. Ayaan cabdulaahi cimaan
  • 23. Damo dalmar maxamed
  • 24. Maryan cumar ismaaciil
  • 25. Suhaam jamac maxamed
  • 26. Ikraan xuseen gacayte
  • 27. Xaawo cabdulaahi warsame
  • 28. Faaduma maxamed cabdisalaan
  • 29. Farax maxamud daadshe
  • 30. Xaawo
  • 31. Cabdulaahi maxamed cabdalle kaylaco
  • 32. Yusuf maxamed faarax
  • 33. Sharmarke cabdulaahi cali
  • 34. Mawliid aadan cade
  • 35. Axmed abdirizaaq xirsi
  • 36. Sacdiyo jaamac faarax
  • 37. Saado cali xirsi
  • 38. Khadro axmed shiri
  • 39. Ayaan xusen jamac
  • 40. Maymuun xassan abshir
  • 41. Maymuun saciid
  • 42. Xaawo maxamuud saciid
  • 43. Nasteexo muuse
  • 44. Nasteexo abdirazaaq
  • 45. Sundus daahir cismaan
  • 46. Caasho yaasiin abshir
  • 47. Salmo maxamud saciid
  • 48. Faadumo yaasiin abshir
  • 49. Bahjo cabdishukuur cisman
  • 50. Maryan sheikh maxamed
  • 51. Maxamed cabdi shakur cismaan
  • 52. Cali xirsi maxamuud
  • 53. Cumar cabdulaahi cusmaan
  • 54. Maxamed iimaan cabdulle
  • 55. Cabdiwali maxamed axmed dhooye
  • 56. c/raxman axmed faarax jeer
  • 57. sucaad maxamed cumar
  • 58. cabdulaahi maxamed jaamac
  • 59. cali xassan beeldaaje
  • 60. cabdi mahad maxamed faarax
  • 61. amal maxamed saciid
  • 62. c/naasir green
  • 63. saynab cabdi ismaaciil qoorgaab
  • 64. amaal xasan cabdi
  • 65. maxamuud cabdiraxman jaamac ganeey

Mahadsanidiin

Mr Axmed Maxamuud Saciid
Gudoomiyaha Ardayda Puntland ee Uganda
kuluu22@hotmail.com

TACSI: Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Massachusetts, Boston

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Massachusetts, Boston Waxay TACSI tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii, Qaraabadii iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogaan geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Puntland. Sidoo kalena ahaa odey qiimo badan oo wadani ah. Marxuum Cabdulaahi Yuusuf wuxuu ka geeriyooday Soomaaliweyn oo dhan. ILAAHEY waxaan uga baryeynaa marxuumka in uu Janatul Firdowsa ilbaabadeeda u furo. Dhamaan qaraabadii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo. Alahuma Aamiin.

Tacsidan waxaa qoray oo warbaahinta u qeybiyey.

Abdulkadir Hindi iyo Liibaan Bardecad

Tacsi: Ardeyda soomaaliyeed ee wadanka shiinaha oo ka tacsiyeynaya Geeridii Madaxweynihii hore ee soomaaliya .

Inaanililaahi waa inaa ilaahi raajicuun, dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee wax kabarata Gobolo badan oo ka tirsan dhulwaynaha shiinaha, waxay tacsi u dirayaan Guud ahaan umada soomaaliyeed , gaar ahaan Qoyskii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed.

Ardeyda waxay ilaahay uga baryayaan marxuumka inuu janadiisii fardowso ka waraabiyo, umada soomaaliyeed iyo qoyskiina Samir iyo iimaan rabi ka siiyo.

Ardeyda soomaaliyeed oo boqolaal kor u dhaafaya wiilal iyo gabdhoba, qoraal laguma soo koobi karo magacyadooda, waxayse si tiiraanya leh uga tacsiyeynayaan geerida madaxweyne Yuusuf, ilaahayna waxay uga baryayaan Janatul Firdowsa.

Wuhan, beking, jilin, Changchun, shian, yiwu, guanzhou , Hangzhou , Dalian iyo gobolo kale oo shiinaha ayay tacsida ka soo dirayaan dhamaan ardeydu.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajucuun.

(Somali Students Club In India),Anagoo oo ah Ururka Ardayda Somaliyeed ee waxkabarta wadanka India,waxan Tacsi U Direeyna Dhamaan ehelki,Qoyskii iyo Umada Somaliyeed meel walba oo ay Jogaan Geeri Ku timi allaha U Naxaristee marxuum Madaxweynihi Hore Ee Dowlada Federalka Kumeel gaarka ah ee Somalia Cabdullahi Yusuf Ahmed oo ku geeriyooday Hospitalka Sheekh Zaa’id ee magaalada Abu-Dubai, dalka Isutga Imaaraadka Carabta 23/03/2012.

waxaan allah uga baryeeyna Marxuumka in uu Janadii Fardowsa Geeyo,Dhaman ehel iyo Umada somaliyeedna Samir Iyo iimaan ka siiyo Amin Amin

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajucuun.

Madaxa Warfafinta
Somali Students Club In India

sscd_india@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Madaxweynahii hore ee DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf oo Geeriyoodey "

  1. INNAA LILLAAHI WA INNAA LILLAAHI RAAJICUUN, Rabi ha u naxariisto marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo,
    mudane abdilaahi ilaahay waxaan uga baryeenahaaaaaah janadii fardooso ka waraabi ina laaha

  2. Ilaahay Sub Xaanahu Wa Tacaala waxa aan ka baryaynaa in uu Cabdullahi Yusuf u naxariisto,u dambi dhaafo oo Janatul Fardowsa dejiyo. Xaaskiisii, caruurtiisii, qoyskiisii, qaraabadiisi, ehelediisii, asxaabtiisii iyo somali oo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin

    Gen. Allahi Ahmed Jama “Ilka Jiir”
    Danjire Mohamed Garad
    Dr. Mohamoud Abdi Nur
    Ismail Ali Geldon
    Eng. Mohamoud Ahmed Fatah
    Mohamoud Abdi Hamud
    Eng. Jama Mohamed Abdi
    Abdulkadir Ibrahim Salah
    Dr. Alin Ahmed Fatah
    Saeed Ahmed H. Salah
    Mohamoud Abdi Hassan
    Rasheed Mohamoud Ali Bayr

    Salah Ahmed Fatah

    Ahmed Mohamed Bod

    Abdallah Fatah

    Dr. Ali Abdikarim

    Ahmed Jama Ali

    Dahir Hagi Nuur

    Sh. Omar Abdi Nuur

    Col. Mohamed Abdi Qaac
    Col. Mohamoud Ali Eid
    Caabi Farah Ali Ashur
    Dr. Saeed Osman Fahiye
    Mohamed Jama Jibril
    Ali Ahmed Fatah
    Nur Salah Donyaale
    Abshir Aw Yusuf
    Yasin Sharmarke
    Col. Jama Shire
    Ibrahim Mohamed Huruuse
    Ahmed Salah Dhoodi
    Saeed Salah Ahmed
    Mohamed Salad Ruqur
    Ibrahim Aw Cadduur
    Abdirashid Sharmarke
    Saeed Ali Geeldoon
    Abdirashid Ali Warsame
    Ali Aw Yusuf

    Ahmed Ali Jama (Gacma Dheere)
    Mursal Warsame Xagar
    Muuse Wataama
    Marshaale Aden
    Ali Haji
    Jama Abdulkadir Daadey
    Ahmed Abdi Farah Gacamey
    Amir Abdi Ahmed Jiisow
    Abdiaziz Mursal Warsame
    Abdirahman Mursal Warsame
    Ahmed Abdullahi Yusuf Indha Caad

    Abshir Muse Ashur
    Saciid Bidaar
    Qoosh Geesood
    Mohamoud Ali Geldon
    Hasan Hagi Mohamoud
    Ismail Mohamoud Ali Bayr
    Ahmed YusufGarad Ali Yusuf
    Mohamed Guntahabash
    Abdirisaq Aw Yusuf
    Saeed Jama Warsame
    Luul Aw Yusuf

    Abdulkadir Hersi
    Said Mohamed Ibrahim
    Mohamed Abdi Ashur
    Abdulkadir Hagi Mohamed
    Ahmed Hagi Elemi Dholey
    Halimo Hersi Mohamed
    Mohamed Abdi Omar qoqani
    Dahir Dalmar Isse
    Saeed Mohamoud Aden
    Abdullahi Yaqoub
    Abdillahi Artan
    Mohamed Abdillahi Makaahiil
    Ali Ashur Mataan
    Abdullahi Farah Bihi
    Mohamoud Hussein Gurhan
    Salah Abdi Elmi
    Mohamed Salah Abdi

    Hagi Dahir Ramadin
    Ahmed Mohamed Abdi Bod
    Duale Hagi Elmi
    Eng. Essa Googoye
    Eng. Ahmed Jama Hamud
    Zakariya Wahabi
    Ahmed Ismail Hoori
    Khalid Ibrahim Urcad
    Saeed Ahmed Hassan Ali
    Eng. Allahi M Muse
    Jama Ismail
    Ahmed Saeed Dirie
    Allaahi Mohamoud M Shire
    Mohamed Ali Nur
    Adan Mohamed Muse Dabarani

    Jama Abdi Rage

    Col. Abdi Daad
    Mohamoud Mohamed Hassan
    Allahi Bahalbari
    Ali Mohamed Hasan
    Omer Ali Abdi Salah
    Abdi Mohamed Mohamoud Jarig
    Jama Hagi Ali
    Dr. Abdullahi Adan Gas
    Ali Mohamed Ali
    Faysal Mohamed Jama
    Mahdi Ali Ayan
    Awil Ahmed Hersi
    Jamal mohamed Hassan
    Khalid Maacir
    Saeed Dualeh
    Keyse Ali Serar

  3. Ikraam Cali says:

    Illaahey ayaa ma dhinte ah, xagiisana la ahaanayaa. Eebbe naxariistii janno ha siiyo. Qoyskii uu ka tagay iyo guud ahaan umada soomaaliyeedba, samir iyo iimaan ha ka siiyo, isagana qabrigiisa Allaah u nuursho hana ku basharo Nabigiisa.

  4. sayfuddiin says:

    INNAA LILLAAHI WA INNAA LILLAAHI RAAJICUUN, Rabi ha u naxariisto marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo, kolayba dadku ha iska cafiyo u maleyn maayo inuu taariikh fiican ka tegeye.

  5. xalimo says:

    In-naa lil-laahi wa-in-naa ileeyhi raajacuun, dadka yaqan cabdullahi yusuf waxaay jogan manta 23/03/12 lakin aniga waxaan joga manta malin la soo dhafay , runti waxaan soo xasustay dhacdo dhacday 1985-kii Allaahu Akbar, Allaahu Akba,r Allaahu Akbar,
    qabilku muxuu dad dhib u geystey oo dad an danbi galin loo dilay waa qabil hebay ahul-diin ah,Allaahu Akbar { naxaris yan u rajaynaya qofka muslimka ah laguma farxo dhimashadisa waan nin weyn oo jira 78 }

  6. Inaa lilaahi wa inaa ilahayhi raajucuun. Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan umada Somaliyeed gaar ahaan Ehelkii iyo Qarabadii uu katagay Murxuumka. Waxaana allah uga baryayaa in uu Janadiisa firdowsa ah geeyo. Uma Somaliyeedna waxaan lee yahay halays cafiyo marxuumku wixii dhimashadiisa ka danbaysa Danbigiisa anagaa qadanayna hadaan wax ka sheegno siiba kuwa Qoraalada iyo aflagaada meelaha ku sooqoraya oo aad moodid in ay Naxariista iyo Towbaduba iyaga agtaalo.

  7. nuur booshle says:

    waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa alaha u naxariistee marxuun cabdulaahi yuusuf axmed oo ahaa geesi soomaaliyeed oo taariikh dheer ku leh umada soomaaliyeed oona ahaa nin muwaadin ah ilaahey janatul fardoowsa haka waraabiyee aamiin eheladii iyo qaraabada na samir iyo imaan umada soomaaliyeedna samir iyo imaan haka siiyo

  8. Marxuumka ilaah ha u naxariisto inkastoo uusan ka tagin taariikh wanaagsan kolay waa oday Soomaaliyeed ilaah u barya inuu cafiyo.

  9. Aadam Zaki says:

    Waa xaq aanan jeclayn Geeridu lama huraana waa qof walba inuu mar uun dhiibi ruuxda , waxaa qof kasta u raacaya Qabriga Calal cad iyo Camalkuu lahaa , Qabiil iyo Qaran midna wax noo tari maayaan maantaa luxudka nala dhigo ,
    Kolba joogi maynee Ilaahoow Jidkii Nabi na qaadsii oo Jahanama ha noogayn
    Aamiin Aaamin

  10. Waxaan halkan uuga tacsinyeynayaa marxuunka soomaliyeed oo isagu ku dhintay xaleytoola isutaga imaaraadka carabta, Mr. Abdillahi yuusuf Ahmed waxa uu ahaa nin fiican marka loo eego dhinacyada go’aan qaadasha, xil-kasnimada, wax-maqalka,

  11. In-naa lil-laahi wa-in-naa ileeyhi raajacuun. Aniga oo ku hadlaya Magaca Jufida reer Cali Xaaji Baaruud oo dhan iyo Beesha Somaaliyeed ee ku nool British Columbia, Canada waxaan tacsi guud oo baaxad weyn u direenaa Ummad weynta soomaaliyeed oo dhan meel kastooy jooggaanba, oo waxaan tacsi gaar ah u diraynaa Afada Abddullaahi Yusuuf Ahmed, Caruurtiisa, caruurtiisu caruurta ay dhaleen, eheladiisa, qaraabadiisa, saaxiibadiis iyo dhammaan macriifadiisa. Waxaan leenahay marxuun Abddullaahi Yusuuf Ahmed, Allaah ha u naxariisto oo jannooyinkiisa ha ka waraabiyo hana u dambi dhaafo oo samir iyo iimaan khayr leh Allaah ha ka siiyo dhamaantood. Aamiin, Insha Allaah , Al-laahumma Aamiin.

    Vancouver, British Columbia, Canada

  12. waadi says:

    ala samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhanaan maanta soomali ayuu ka dhintay ehel kiisiina waan uga tacsiyayn

  13. dirir says:

    ilaahay ha u naxariisto c/laahi yusuf laakiin taariikh fiican somalia kagama tegin masuuliyadda ugu wayn ee wixii somalia ka dhacayna isagaa qaadaya

  14. Waxaan halkan tacsi tiiranyo kudhehantahay u diraya qoyska uu kabaxay madaxweynihi hore ee Somalia marxuum Cabdulahi yusuf axmed oo maanta ku geriyoday wadanka UAE alle ha,unaxariisto qabriga alle ha,unuuriyo amiin

  15. Tacsi : Marxuum Abdullahi Yussuf Ahmed, Madaxwaynihii hore ee Somaaliya

    Innalillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun

    Waxaan halkan uga diraya tacsi ummadda Somaaliyeed iyo ehelkii uu ka geeriyooday Madaxwaynihii hore ee Somaaliya Mudane Abdullahi Yussuf Ahmed. Waxaan Rabi uga baryayaa inuu raxmaddiisa iyo janadiisa ugu deeqo, ehelkiisana samir iyo imaan ka siiyo. Waxaan Illaahay uga mahadcelinayaa in laba asbuuc ka hor aanu telefoonka isku cafinnay marxuumka khilaaf siyaasadeed inoo dhexeeyay muddo sanado badan ah. Waxaan ku boorinayaa ummada Somaliyeed in ay iscafiso oo nabadda dalkeena iyo midnnimada laga wada shaqeeyo.

    Haji Mohamed Yassin Ismail
    Musharax Madaxwayne
    Doha-Qatar