Home » Faallo »

GAARISA JIGJIGADII LABAAD!: “Duulaanka Kenye ee Soomaaliya wuxuu sabab unoqonayaa in Kenya ay waydo gobolka NFD ama North Eastern mutaqbalka dhow”

Hordhac:

Soomaaliya waa dhulwayn oo ka kooban shan qaybood siday uqaybiyeen gumaystayaashii hore.
1- Italian Somaliland (Koonfurta soomaaliya oo ay kujirto puntland)
2- British Somaliland
3- Jabuuti (French Somaliland)
4- Soomaali Galbeed (Kilka shanaad)
5- NFD (Hadda gobolka wuqooyi bari Kenya)

Yaynan kudaalin siday unoqdeen mid kasta, soomaalidu inbadan way ka dharagsan yihiin kala qaybinta loogaystay dhulkooda hooyo qofkii aanan ogayna wuu heli kara oo meelkasta mutwafir ayey kutahay.
Duulaanka Qaawan ee Kenya:

Xaaladahaan ugu dambeeyay ee Kenya ay ku duushay Soomaaliya bishii October 16 keedi sanadkan aan kujirno wuxuu aha duulaan qaawan oo halmar lala soo booday iyadoon laga fiirsan, ciidamada kenyana waxay gudaha usoogaleen xuduuda soomaaliya.

Hadaba gobola NFD waa gobol ay soomaaliya lahayd balse Britishku uhibeeyeen Kenya, kenyana ay ku dadaashay in ay gacan xoog leh ku qabsato dhulkaas sida free ga loogu hibeeyay, dadka dega gobolka NFD way ogsoonyihiin inay kasoo jeedaan Soomaaliya amaba ay ka tirsanyihiin Soomaaliya balse loo xoog sheegtay, in kale oo katirsan dadkaas waxay isaga qanceen gumaysiga madowga Kenya.

Hadaba markii la isku dardaro dhacdooyinkan waxa suurta gal noqon karta in gobolkaas uu ka baxo gacanta Kenya.

1- Dhacdadi foosha xumayd ee xasuuqii kadhacay deegaanka WAGALLA looguna magacdaray xasuuqii wagalla laguna xasuuqay 5.000 oo qof oo soomaali ah halmeel 10-kii February 1984. Xasuuqaas oo ilaa manta laxusa sanadkasta xiligaas.

2- Bahdil, yasid,iyo xaqooda oo loodiido ayaa laysugu daray dadkaas kunool gobolka NFD, waxana ka mid ah in deegaanadooda aan lasoo gaarsiin bajadyadii loogu tala galay, sidoo kale iyadoo ay ka dambeeyaan kenyanka kale ee kunool dalka dad ahaan, iyadoo deegaankoodu uu ka dambeeyo deegaanada kale deegaan ahaan, iyadoo aan loosoo gurman markay abaari hesho ama ay daad latagaan.

3- Tiro kobyadii ugu dambeeyay gobolka wuqooyi bari Kenya waxa lagu qoray tiro yar oo aysan ku qancin, markii ay dalbadeen in lagu celiyo tiro koobka kobaladaasna aamus ayaa loogu jawaabay.

4- Ganacsadata reer Kenya ee gaarisa, islii, iyo deegaano kale ayaa lagu tuhmay in ay yihiin burcad badeed lacagtoodana ay dawladu lawareegayso iyagan laqaqabanayo inkastoo aysan suurta galin soomaalida af iyo adimba ay isaga difaaceen arintaas.

5- Dhacdadii dhalinyaro badan oo udhashay NFD, oo ay qabqabteen nabad sugida Kenya iyo CIA da amerika xiligii maxaakimta kadib ee itoobiyaanku ay muqdisho qabsadeen dhalinyaraad oo da’yar ahaa waxa lagu tuhmay inay kujireen maxaakiimta waxana laga qabqabtay guryahooda qaaarkoodna waxayba usocdeen iskuulo, dhalinyaradaas waxaa loodhiibay oo gacanta loogaliyay ciidamada itoobiya ee muqdisho kusugnaa markaas, iyagoo galiyay godod iyo xabsiyo dhuleed ay ka qoteen muqdisho gudaheeda dhalinyaradaas qaar waxaa qaatay CIA mataykanka iyagoo ilaa hada aan lagaranayn meel lageeyay dhalinayaradaas waalidiintooduna ay dalbadeen in ilmahooda loosooceliyo balse aan looga soo jawaabin.

6- In soomaalida Kenya dagta loo arkay inayba shabaab yihiin, meelkasta oo Kenya ay katagaana looga shakiyo shabaab mudana ay ku qaadato dadka ay wada hadlayaan inay fahansiiyaan inaysan shabaab ahayn, qaar ka mid ah oo isugu jira ganacsato culimo iyo dhalinyaro habeen iyo maalinba guryahooda ayaa lagala baxaa waxa lageeyaa xabsiyo qarsoodi ah qaar waa lasoo celiyaa kadib wada hadal iyo laaluush labixiyo.

7- Kulankii dhexmaray odayaasha kasoo jeeda gobalka wuqooyi bari Kenya iyo madaxwaynahada dalkaas ee Kenya Kibaki. Kulankaas oo kudhamaaday fashil iyo is afgaran waa.
https://somalitalk.com/2011/nfd/nfd28.html

8- Dhacdadii kataagnayd Niarobi islii maalintii talaadada, arbacada iyo khamiista oo ahayd in laburburiyay guryihii ay soomaalidu daganayd qaar kamid ah guryahaasna ayba lahaayeen soomaali lacag farabadana ay galiyeen guryahaas, soomaalida degta islii waxa lagu qiyaashaa inay kor udhaafeen hal million waxana lagu khasbaxay inay ka guuraan guryahay daganaayeen oo lasheego hal dabaq in laga helayo 85 qoos ayna kuyaaliin kumanaan dabaq oo dhererkoodu gaarayo 6-7 biyaano, dadkii guryahaas daganaa oo isugu jiray soomaali iyo soomaali kenyaan walgu dumiyay iyagoon digniin lasiini alaabtoodana aysan kala soo bixin, taasina waa nacayb loo qabo soomaalida lana rabo inay dalka udhaafaan dadka leh.

9- Waxa ugu dambeeysay marmarsiinyihii lagu galay soomaaliya oo aan aniga si gaar ahaaneed aan aaminsanahay inaysan wax ka jirin marmarsiinyahaas, oo ay ka midyihiin:

• Haweenaydii lasheegay in laga afduubay jaziirada Laamu, haweenaydaas lama afduubin hadii la afduubayna Kenya ayaa afduubtay oo kuraadinaysay inay ku gasho Soomaaliya sabab, sababtu waa in haweenaydaas ay ahayd qof aad u wayn oo da’ah cafimaadkeeduna uu aad uliitay, waxay ku eedeeyeen shabaab inay afduubeen haweenaydaas horta waa tan koobaade al-shabaab dhaqan umaysan lahayn inay afduubaan dumarka ajaanibta ah, hadayse afduubeen yaa usoo sheegay Farence inay haweenaydaas dhimatay xagee ayey kala soo xiriireen al-shabaab? Meesha ay kala soo xiriireen maxay utagi waayeen oo weerar waayeen? Haday farence awood uyeelatay inay ogaato inay habartaasi dhimatay maxay u ogaan waayeen ninkii farensiiska ahaa ee laga afuubay mudo sanad kahor oo shabaab gacanta ugu jira ilaa hada? Xagee ayuu kusugnayhay manoolyahay mise wuu dhintay? Hadaba hadii haweenaydaas ayba run tahay in la afduubay waxan dhihi karnaa waxaa afduubay mooryaan ee al-shabaab maysan afduubin ama mooryaan ayaa afduubay oo waa kuwo iyaga ka socda sida raaskaambooniyiinta uu wato axmed madoobe oo wayba isku ogaayeen ama kenyanka ayaaba dishay habartaas farencena hawsha wayba la ogayd.

• Tan labaad ee lagu galay Soomaaliya waa 2 shaqaale samafal ahaa oo laga afduubay xeryo qaxooti kuwaasna waxaa iska cad inaan la afduubin ee intii diyaarad lasaaray layiri waa la afduubay.

Iskusoo duuboo afduubka ay sheegteen sababtiisa inay ku galeen waxay u egtahay amaba ay tahay sababtii ciraaq lagu weeraray ee layiri yuraaniyom iyo nugliyeer ayuu haystaa Sadaam goortii ujeedadii dhamaatayna layiri CIA da ayaa warbixin khaldan nasiisay ee sadaam waxba mahaysan.

Duulaankii waa laqaaday iyadoo wax horumar lataaban karo lasamayn waxa duulaanka kujira kenyaan udhashay dalka Kenya iyo soomaali maqaar saar ah, Kenya ilaa 100 KM ayey ugashay gudaha soomaaliya iyadoo ilaa hada dhaafi la’ Qooqaani kuna meeraysanaysa Taabta ilaa Qooqaani wilina aysna gaarin Afmadow mudo bil iyo bar kudhowna ay kujiraan gudha Soomaaliya.

Intii ay Kenya kujirtay gudaha Soomaaliya waxaa dhacay qaraxyo aad ubadan oo ciidamada Kenya gaarsiiyay khasaaro naf iyo maalba leh una keeny dhaawac badan, qaraxyadaas maahayn kuwo ay ka dambeeyeen soomaali ka timi Soomaaliya balse waxay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen soomaalida NFD oo aaminsan in dalka walaalahood ee Soomaaliya lagu duulay, qaraxyadaas waxa ugu dambeeyay kuwii dhacay doraad ee isku xig xigay ee ka dhacay maalin gudaheeda Mandera Libooye Gaarisa qaraxyadaas waxay sababeen in lagu soo daadiyo magaalooyinka Gaarisa iyo Mandera ciidamo fara badan oo wata budhadh kuna garaacayey shabaka soomaaliyeed ee kudhaqan magaalooyinkaas, tusaale ahaan Mandere isla qaraxii kadib waax soo gaaray suuqa ilaa 100 ciidamo Kenyan ah oo watay ulo iyo budhadh kuna garaacay dadkii suuqa joogay maysan kala soocin oday iyo ilmo iyo haween waxa lasheegay dad badan inay wax kusoo gaareen halkaas oo uu kujiray oday waayeel ah oo ay kudhifbteen araxda ama lafdhabarta, Gaarisa waxaa lasheegay in lagu soodaadiyay Taangiyo iyo ciidamo aad ufarabadan oo kala xiray dadkii isku gudbayey waxayrasaas madaxa korkeeda maraysa ku fureen dadkii suuqa marayey sida ay iisheegeen dad aan kala xiriiray gaaris, magaalada gaaris waxay isku badashay xiro military markii lafiiriyo ciidanka dhexyaacaya iyo taangiyada dhexyaala.

Hadaba markii lafiiriyo cadaadiskaan iyo nacaybka ay Kenya kuwado soomaalida NFD waxaa soo baxaysa caro looqaado Kenya iyo inay gartaan dadka halkaas dagan waxa loo ciqaabayo oo loo cadaadinayo waxayna dhalinysaa in shacabka soomaaliyeed ee dagan gobalkaas oo kacdoon sameeyo kana go’ Kenya arinta dagaal ku adsigana ay afka kaga harto Faarax Macalin iyo Yuusuf Xaaji oo kaliya.

Dagaalka iyo duulaanka ay Kenya qaaday wuxuu keeni doonaa sababahan.

• In ciidamada Kenya ay kujabaan gudaha soomaaliya kadibna ay carada kula dhacaan soomaalida NFD kadibna soomaalida NFD ay uhiloobaan soomaaliya iskana dhiciyaan Kenya dhabarkana ay kajabiyaan ciidamada gudaha ugalay dalkooda.

• In ciidamada Kenya ay hada isaga soo baxaan gudaha soomaaliya oo ay garawsadaan xaiiqda jirta kuna mintidaan gobolka wuqooyi bari oo awalba ka dambeeyay gobalada kale dadkaasna ay xisaabsanayeen tacadiyo farabadan.

Hadaba markii lasaadaaliyo jihada uu usocda dagaalkaan waxay kugu simaysaa in ay indhahaagu qabtaan magaalada gaarisa oo noqotay sidii jigjiga marka lafiiryo halganka kasocda halkaas, hadii Kenya aya kusoo adkaysato duulkaankeeda jabka kudhow waxay indhahaagu qabanayaan gaarisa iyo dhamaan gobolka NFD oo ka go’a Kenya kana mid noqda wadankii horey looga soo gooyay soomaaliya dawlad la’aan iyo burburba hanoqdee waayo “haybad waxad ku leedahay dalkaaga hooyo” “shaykastaana wuxuu kunoqnaya asalkiisa”.

W/D
Maxamuud Axmed Maxamuud (Xaydar).
E-mail: Haydar101@muslim.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " GAARISA JIGJIGADII LABAAD!: “Duulaanka Kenye ee Soomaaliya wuxuu sabab unoqonayaa in Kenya ay waydo gobolka NFD ama North Eastern mutaqbalka dhow” "

  1. khalid says:

    Walaalka qoraalka qoray waad mahadsan tahay in aad wax qorto, laakiin suaal maadan ka jawaabin waxa sabab u ah in keenya kuso dhiirato dhulka soomaaliyeed? sababta markaad ogaato ayaad wax qori kartaa!! aniga aragtidayda waxaad qoreyso wadaninimo iyo somali jaceyl kaama aha, ee waxay kaa tahay soomaali kale nacayb… kenya waxaa keenay shacabkii jubooyinka markii 21 sano xadgudub joogta ah iyo boob soomaali oo dhan ku hayeen dhulkooda, hantidoodii la boobay, shacabka aan sheegi waa absamaha jubooyinka, arintaas oo marna absame hantidii ummada cabdiqaasin indhacada iyo bare hiiraale ku hubeynayay marna morgan iyo mareexaan itoobiya absame si looga haysto dhulkiisa u hubeynaysay, markii dambane wadaadadan afka duuban ay dhulkii absame waa qaniimo waano gaalo dhaheen, walaalkayoow keenya inta absame gacanta hayo jabin kari meysid absame hadii uusan xaqiisa helin, damaca waalan ee soomaali la wada qayl yeyso joojin…. natiijada soomaali waa gumeysi cusub iyo in qabiil walba arko xaqiraada iyo damaaciga dhul rag kale waxa uu keenayo. mahad badan.

  2. Asc ya salaam yasalaam waan ku raacsanahay fikrada khadra ibrahim ay ku tiri garisa logama talinayo nairobi anigana wxn leeyahay DEKEDA LAMU oo ah dhul somaliyeed kama soo dagsandoonaan alabaha ay hada ka soo dagsadaan insha’alllah ASALAMU CALAYKUM

  3. Yaxye fartag says:

    Asc dhamaan. Insha’alah garisi mardambe loga talin mayo nairobi. Garisa xamar aya loga talinaya insh’alah! Gumesi wu dhamaday, kolbiyow all nfd waxa loga talinaya xamar insha’alah , farax ma’alin umada gumeysika wey kadhamanesa gumesika kahar. Somali wa somali hora waxa uyiri nin kenyan ah cidi xasusato aya ogan karto! Malin ayey aheyd waxa la xir xiray dhalin yaro somali ah isli nrb ayey aheyd waxa saldhika boliska dagay odayal kaso jeda garisa. Walo diday in lodayo dhalinta. Waxa lodagay ninka boliska heysta wa loshekay dhalinta xiran iney yihin rer garisa wuxu kujwbay somali wa somali , mcnaha lamana deynayo. Wey xirnanayan! . Hadaba waxan leyahay somali wa somali.

  4. waa runtaa goor dhow waxan arkaynaa iyadoo xorowday oo muqdisho looga talinayo faarax macalin wuxu yiri kilbiyow mardambe muqdisho looga talinmaayo anaguna waxan leenahay gaarisa mardambe nairobi looga talinmaayo.