Home » Warar »

Farmaajo oo kulan la yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka, kana raali geliyey khaladaadkii hore

“Wixii dhibaato aan geystey raali ha la iga ahaado, marka xoogaa waa ila yarahe tagtay ee raali ha la-iga ahaado” Sidaas waxaa yiri Farmaajo oo kulan (Arbacadii June 15, 2011) la yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka. Waxana uu xildhibaanada u sheegay in uu sugayo go’aanka ay gaaraan baarlamaanku.

Hoos ka dhegeyso Kulankii Farmaajo iyo Xildhibaanada (Jun 15, 2011)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1511.mp3]

Raiisul Wasaaraha DFKMG  Farmaajo oo wada Qorshe uu ku doonayo in la qabto kalfadhiyadii Baarlamaanka iyadoo uu Maqan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Iyadoo weli ay taagan tahay Khilaafkii u dhaxeeyey Masuuliyiinta Sare ee Dowladda FKMG ayaa warar aan ka helney Madaxtooyada waxay sheegayaan in Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wada Qorshayaal ay ku doonayo  in uu qabsoomo Kalfadhiyadii Baarlamaanka oo  ay Xukuumadda Farmaajo ay ku dooneyso in Golaha Baarlamaanka ay horkeento Qodobadii ka soo baxay shirkii Kamballa,  waxaana Xafiiska Raiisul Wasaaraha ka socda Kulamo uu  la leeyahay Xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Hoos ka dhegeyso Kulankii Farmaajo iyo Xildhibaanada (Jun 15, 2011)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1511.mp3]

Wararka waxay sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu kulan albaabadu u xiran yihiin uu la yeeshey Gudoomiye Ku xigeenka 1 aad ee Baarlamaanka Cabdi Weli Shiikh Muudey waxaana la iskula soo qaadey kulankaas sidii uu u qabsoomi lahaa kalfadhigii Baarlamaanka si loo hor dhigo Qodabadii ka soo baxay  shirkii  Kambala oo waxa ka soo baxay ay ugu weyneyd in Raiisul Wasaare Farmaajo uu iscasilo , waxaana Iscasilaada Farmaajo ay sababeen Banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iy dalka dibadiisa.

Raiisul Wasaaraha DFKMG iyo kulankii Gudomiye kuxigeen ayaa qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka waxay noo sheegeen in la isku afgaran waayey iyadoo Gudoomiye ku xigeenka uu diidey qabsoomida kulanka Baarlamaanka ka dib markii uu yiri “Fasax ugama heysto Gudoomiyaha Baarlamaanka qabsoomida Kulamada Baarlamaanka” wuxuuna u sheegey  Raiisul Wasaaraha in marka uu soo laabto Gudoomiyaha Baarlamaanka ay qabsoomi karaan kalfadhiyada Baarlamaanka.

Waxaa kale oo Raiisul Wsaaraha DFKMG uu la kulmey Gudoomiye kuxigeen Labaad ee Baarlamaanka Axmed Rooble waxaana lasheegay in kulankaas la isku afgartey in  uu qabsoomo kulanka Baarlamaanka si loo horkeeno qodabadii ka soo baxay shirkii Uganda waxaana la sheegey in Gudoomiye ku xigeenka uu aqbaley qabsoomida Kulamada Baarlamaanka.

Lama garanayo Waqtiga uu qabsoomi doono kulankaas hase yeeshee waxay noo sheegeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka in Raiisul Wsaaraha DFKMG Farmaajo uu Warqad Qoraalka uu u gudbiyey Taliska Amisom oo uu kaga Codsanyo in dib loo furo Golaha Shacabka si Xubnaha Baarlamaanka ay uga doodaan Qodabadii ka soo baxay shirkii Kambala, iyadoo Farmaajo uu ku yiri “ Ma ahaa in Golaha Baarlamaanka uu u xirnaado Shaqsi aan dooneyn in Xubnaha Baarlamaanka ay kulmaan waayo intii la doortey Gudoomiyaha aad bay u yaraayeen Kulamadii Baarlamaanka”.

Saraakiisha Amisom ayaa waxay lagu soo waramay in ay u sheegeen Raiisul Wasaaraha DFKMG in Arrinka ku saabsan Furitaanka Baarlamaanka ay kala tashan doonaan Dowladda Uganda, waxaa la sheegey in Raiisul Wasaaraha uu aad uga caroodey Hadalka ka soo yeerey Saraakiisha Ciidamada Amisom iyadoo Dowladda  Uganda ay horey u sheegtey in ay doonayso in uu dhaqan galo Qodobadii ka soo shirkii kambala  waxaana muuqata in uu qarka u saaran yahay in uu fashilmo Go’aamadii ka soo baxay shirkii Kambala.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa noo sheegey in Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu haysto Taageerada Xildhibaano gaaraya 320 Xildhibaan kuwaas oo doonaya in la furo Golaha Baarlamaanka si looga doodo Qodobadii ka soo baxay shirkii Kambala, hase yeeshee Madaxweyna Dowladda Federaalka ayaa mar uu dhawaan shir Jaraaid uu qabtey uu ku sheegey in uu soo dhaweynayo in Qodabadii ka soo baxay shirkii kambala in la horkeeno Golaha Baarlamaanka.

Waxaana soo ifbaxaya in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu mar kale uu cayaarayo siyaasad kale oo ah in meesha laga saaro Gudoomiyaha Baarlamaanka dibna uu u soo celiyo Xiriirkii ka dhaxeeyey isaga iyo Raiisul Wasaaraha waxayna dadka ka hadla arrimaha Siyaasada soomaaliya ay sheegayaan in haddii Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu sidaa uu yeelo uu taageero ka heli doono Shacabka sidaana uu uga guuleysan karo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khilaafkoodu uu hore gaarey meeshii ugu xumeyd.

Dayax Madoobaad ka dhacay Muqdisho:

Dhanka kel, Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga arkay dayaxa oo aad u madoobaadey, waxaana dadweynahii isugu soo baxeen masaajidyada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Baaq Ku socda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG – Xukuumaddu hala laabato hadalkii Wasiirka KalluumaysigaBaaq Ku socda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG – Xukuumaddu haka laabato hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga – Xukuumadda KMG haddii ay rabaan in ay helaan kalsoonida shacabka, ha ka noqdeen hadalkii Wasiirka Kallumeysiga oo shaki iyo murugo galiyay Ummadda Soomaaliyeed…

AKHRI: Farmaajo oo ku dhawaaqey in uusan iska Casili doonin Xilka Raiisul Wasaaranimo

AKHRI: Sheikh Shariif: Shirkii Kampala ayaa (Guddoomiyaha) Baarlamaanku ka Sheegay in aysan la shaqayn karayn Farmaajo oo ay tahay in uu iscasilo

AKHRI: Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka

AKHRI: Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

AKHRI: Sawirka Farmaajo qofkii aan sidan oo aan mari karin jidadka Muqdisho inta ay ka taliso DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Farmaajo oo kulan la yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka, kana raali geliyey khaladaadkii hore "

  1. Ali says:

    A/C Ikhyaarta. Salaan kadib way wanaagsantahay in Farmaajo is casilo hadii danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto. Laakiin su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay: Sharif ka Baarlamaanka waan naqaan ilaa Mbagathi ilaa maanta fidno, wax dumin, dad isku dirid, mooshin dadlad ridis ah keenid iyo dilaalnimo, dilaalnimadii xoolaha loo soo wareejiyo dawladnimadii un baan ku baranay, hadana uu wali faraha kula jiraa.

    Sharifka Madaxwaynaha ah. Kacdoonkii umada Mogadishu ay dagaal oogayaashii kula dagaalameen ayaan ku baranay. Waxaana xiligaas u umada Somaliyeed ka kasbadey shacbiyaad. Intii kadanbaysay, waxuu soo qiyaamay ururkiisii, waxuu markale ogolaadey in 275 xildhibaan lasiiyo si loo afganbiyo xukuumadii C/Yusuf, Waxuu lashaqan waayay R/wassarihii hore Mudane Sharmarke.

    Markaan labadaas nin taariikhdooda siyaasdeed fiirino ayna noo cadahay hadafka ay ka leeyihiin tagida Farmaajo haduu iscasilo maxay sababi kartaa?

  2. Osman says:

    Anigu waan aaminsanahay in shacabka Somaliyeed dareenkooda iyo dhawaaqooda la tixgeliyo loona daayo raiisulwasarahooda iyo xukuumaddiisa inay sii wataan hawshoosa. Sanadkana loogu sii daro.
    Madaxwene Shariifna waxan qabaa inaan aad loogu talax tegin ee talo wanaagsan oo walaalnimo la siiyo.
    Waxa uu ahaa Shekh shariif ninki marki horeba soo magacaabay raiisulwasaaraha, wuxuuna tiro dhawr jee ah ku gacanseerey shirar gaar gaar ah oo xamar uu kula galay guddomiya baarlamaanka.
    ill toddobaad muddo ah ayuna keligiis hortaagnaa muranka iyo isjiijiidka ill marki dambe madaxweyneyaal iyo wakiilki qaraamada midoobay xoogga saaren oo caddadis la saarey.
    Haddii haddaba shacabki Somaliyeed diiday heshiiskaas waxan qabaa madaxweynahaoo aan ahayn shakhsi shacabku necebyahay inuusan arrinta ka fiirin xukunkaada ilaasho ee uu xukunkiisa ku ilaashado shacabkiisa iyo rabitaankooda inuu raaco sidu shalayba shacabkiisa rabitaankooda ugu yimid madaxtinnimadaan uu hayo.
    Waxan ka codsan lahaa shacabka Somaliyeedna inaa madxweynaha iyo raaisulwasaraha khillafkooda lasii fogeyn ee lga shaqeeyo sidi dib ay isula jaanqaadi lahaayeen wixi qaldamayna loo sixi lahaa.

  3. Hashi says:

    mudane Farah , Ra’iisul wazaare Farmaajo maanta inuu is casilo dow maahan , yuu howsha uga tagaa , farmaajo Muqdisho uma shaqeyneyn ee somali oo dhan buu ushaqaynayaa , shacabkaa raba , hadda madaxweynaha Shariif baa laga rabaa xal waa hadduu wax uun caqli ah ku harsanayahay …. mahadsanid .

  4. Bilqeyr says:

    waxan dhiira galin usoo jeedinayaa raisalwasaare farmaajo in uu iska casilin jagada uu hayo umaddoo dhan baa ku taagersan marka laga reebo kuwa ma shaqeesta yaasha ah ee ka talinaayo burburka wadanka ee laga hagayo wadamo daris la ah, haku dayan hana ka baqin ee anaga na daadahi indhaheena ayaad tahay ee hanaga tegin

    somalitalk waxan ka codsanayaa in ay isoo qoraan email aan kala xariiro farmaajo ama ciwaan ugaar ah kiitoos.

  5. Nasro says:

    Aniga waxa ila wanagsan in usan iscasilin galo waxey barteen in ninki an dandooda wadin in ay casilan marka farmajo nabad badi shacabkan dalay adey ku dorteen ee hanaga tagin

  6. XAGALEEY says:

    waxay kufiican tahay inay sedexduba nadhaafaan. anigu mafahmin mana ujeedo sabab loo kalareebo.waana in doorashada laqabtaa waqtigii ay dhamaantood sheegeen in laqabanaayo ee aheyd kahaor bisha agoosto inshaa alaah.

  7. Farah says:

    Md. Ra’iisal wasaare, waan ka xumahay adigoo shalay shaati nadiif ah xamar kala soo degey in maanta jawaanno qoyan dusha lagaa saaro, oo weliba aan ka maqlay dad ka hadlay idaacadajha Xamar in dusha lagaa saaro mudahiraadkii dadku dareenkooda ku muujinayeen dhibtii ka dhalatay oo la yiraahdo Xamar qolo gaar ah ayaa mudahiraad ka sameyn karta, laakiin dadkii dareenkooda muujiyeyna lagu tilmaamo Koyto meelo laga soo ururshey oo aan filayo in imminkana hogggaamiyayaasha beelaha koonfureed rabaan mag loo soo shubo, tolow wixii xamar ka dhacay 20kii sano ee la soo dhaafay ayaa magtoodu ku xisaaban tahay ?
    tan kale, Wadaadkii Jagadaan ku igmaday, indhahaa loo caseeyey, wuxuuna ka badin waayey in uu iska fogeeyo dhinacaaga, marka sharaftu waxay kuugu jirtaa, in hawshu intaas kuugu ekaato adiguna aadan cidna gogol u dhigan oo arrintaada la eegine, calool adayg oo sida loo yiri waraaqda u teep garay una gey -is-casialaad sharaf leh, taageero in kugu filan waad heshay adduunkuna arag, halkaas ku jooji hawsha, wixii aad sugtaa waa muran iyo in Md. Suudi yalaxow kula hadlo.