Home » Warar »

Farmaajo oo ku dhawaaqey in uusan iska Casili doonin Xilka Raiisul Wasaaranimo

Maxaase ka jira in Qaramada Midoobey ay  Ibrahim Gambari oo reer Nayjeeriya ah ku Bedeli doonto Mahiga oo ah Wakiilka UN u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya …

Farmajo oo si toos ah uga hor yimid Go’aankii kampala, isagoo caddeeyey in aanu xilka uga tegeyn heshiiskii Kampala, oo shacabka dareenkiisa tixgelinayo … Marka heshiis la soo galo, sidii la doono halagu soo galee, waa in loo gudbiyo golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Shir jaraa’id June 14, 2011.. HOOS KA DHEGEYSO..

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id ee Farmaajo

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1411.mp3]

Farmaajo waxa uu beeniyey in lacag lagu bixiyey bannaanbaxyada ka dhacay Muqdisho ee isaga lagu taageerayo.

Waxa kale oo ra’iisul wasaaraha DFKMG, Maxamed C/laahi farmaajo, uu yiri “Aniga oo dhegeysanaya shacabka ummadda Soomaaliyeed dareenkooda, aniga oo dhegeysanaya golaha wasiiradayda oo “unanimously” si guud ugu codeeyey in heshiiskii Kampala aan u gudbino Baarlamaanka. Sideedaba mar haddii heshiis la soo galo, si kastaba haloo soo galo, waxaa lagu khasban yahay, sida Axdiga Kumeelgaarka ah uu noo sheegayo ama Dastuurkii 60-kii, in la marsiiyo Golaha Baarlamaanka, oo ayagu ay ka doodaan, oo ay “ratification” ku sameeyaan, taasi waxay ahayd masuuliyad ay golaha wasiiradu qaateen in heshiiskaasi loo gudbiyo golaha baarlamaanka.”

Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri

###

Maxaa ka jira in Qaramada Midoobey oo Waqtiyada soo aadan Bedeli doonto Wakiilkeedii u Qaabilsanaa Soomaaliya ee Mahiga…

Raiisul Wasaare Farmaajo oo ku dhawaaqey in uusan iska Casili doonin Xilka Raiisul Wasaaranimo

Iyadoo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay soo wajahdey Qalalaaso Siyaasadeed tii ugu xumeyd isla markaana ay muuqato in uusan dhaqan geli doonin Go’aamadii ka soo baxay shirkii Kamballa ayaa warar aan ka helney Saraakiil ku dhow dhow Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee Somaaliya waxay noo sheegeen in Qaramada Midoobey ay Waqtiyada nagu soo aadan ay bedeli doonto Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Somaaliya Mahiga oo Xafiiska hayey wax aan dhameyn Sannad.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Mahiga lagu bedeley Dibolomaasi u dhashey Wadanka Nayjeeriya oo lagu Magaacaabo Ibaraahiim Gambari oo la sheegey in uu ahaa Danjire iyo dublomaasi Nayjeeriya , sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Dalka Ciraaq , Daarfuur iyo Wadamo kale oo ay ka jireen Qalaalaase Siyaasadeed iyo kuwo Dagaal oo dhamaantood la sheegey in uu ka gaarey Xal Siyaasadeed .

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey la sheegay in ay u soo wado Soomaaliya isla markaana bedeli doono Mahiga ayaa waxaa la sheegey in uu yahay Ruug Cadaa Siyaasadeed oo muddo ku soo jirey Siyaasada waana nin Muslim ah islamarkaan waxaa la sheegey in uu la taliye u soo noqdey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Ban Ki Moon waana nin si aad ah looga yaqaan Qaramada Midoobey Xaruntiisa ee Magaalada Newyork sidoo kale Waa Profasoor muddo wax ka soo dhigayey Jaamacadaha wadanka Nayjeeriya .

Sababaha loo bedeleyo Mahiga ayaa lagu macneeyey markii la sheegey in uu ku guul dareystey in Xal Siyaasadeed uu ka gaaro Xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhameynta Khilaafka ka dhex jira Masuuliyiinta Sare ee Dowladda Federaalka KMG. Sidoo kale Sababaha loo bedeley Ergeygaas ayaa lagu micneeryey Markii Banaanbaxyo Cabasho wata oo looga soo horjeeda Mahiga ay ka dhaceen Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub, Afrika iyo Wadamada Carabta, waxayna Banaanbaxayaasha mararka qaar ay ku qaylinayeen “Qaramada Midoobey waa in ay deg deg u bedeshaa Mahiga ” iyo ereyo kale oo looga soo horjeedo Wakiilka .

Waxaa la filayaa, sida xogta aan hellay muujinayso, in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa iyo Gudaha ay si isku mid ah u soo dhaweeyaan bedelka ku yimid Wakiilkii Qaraamada Midoobey ee Soomaaliya waxayna arrintaa ay ku soo beegantey Xil Maanta Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu ku dhawaaqey in uusan Xilka ka degi doonin isla markaana Go’aamadii ka soo baxay shirkii Kamballa ay Xukuumada horkeeni doonto Baarlamaanka .

Intii uu Xilka Hayey Mahiga waxaa uu la kulmey Muran Siyaasadeed oo ka dhex jirey Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka isagoo aan wax Xal ah ka gaarin waxaana lagala hor yimid Banaanbaxyo looga soo horjeedo hase yeeshee Wakiilkii ka horeeyey ee Walad Cabdala ayaa waxaa la sheegaa in uu ahaa ergey si aad ah ay u jeclaayeen siyaasiyiinta soomaaliyeed markii la bedeley, qaar shacabka ay ka xumaadeen bedelaadiisii, waxaana lagu tiriyaa ergeygii ugu firfircoonaa ee soo mara soomaaliya, hadaba bedelka Mahiga muxuu ka bedeli doonaa siyaasada Soomaaliya oo ka dhamaan la’ is qabqabsi madaxda Dowladda KMG .

Dhanka kale Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo wuxuu shirkiisa Jaraaid uu ku yiri “Anagu Shacabka ayaan u shaqeynaa marka waa in aan tixgelinaa Rabitaankooda waxaana ka soo horjeednaa in Danihii Ummada Soomaaliyeed laga hormaryo Dano gaar ahaaneed marka waxaan u shaqeyneyno waa shacabka si ay uga baxaan Dhibaatada iyo Dowlada La’aanta “wuxuu intaa sii raaciyey “aad baan uga xunahay in shacab Banaanbaxaya la xir xiro ama la caburiyo , waxaana Baaritaan ku haynaa cidii ka dambeysey in dadkaa la xir xiro.

“Waa sii shaqaynayaa inta ay baarlamaanku ka yeelanayaan kulan ay go’aan kaga gaarayaan in aan xilka sii hayo iyo in kale” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha DFKMG oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho June 14, 2011…

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1411.mp3]

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail aminkhasaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

Hadalkii Sheikh Shariif ee June 12: Shirkii Kampala ayaa (Guddoomiyaha) Baarlamaanku ka Sheegay in aysan la shaqayn karayn Farmaajo oo ay tahay in uu iscasilo

###
Warbixinta hoose waxay ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG:

Shir jaraa’id oo uu qabtay R.wasaaraha Xukuumada Federaalkal KMG ah ee Soomaaliyeed June 14.2011

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo dibadbaxyada shacabka ee dalka gudaihiisa iyo dibadiisa, go’aankiisa ku aadan heshiiska Kampala (Kampala Accord) isagoo sheegay in isaga oo tixgelinaya dareenka shacabka Soomaaliyeed uu go’aansaday inuu ka laabto iscasilaadiisa isla markaana uu ka warsugo Go’aanka sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo xaqiijiyay in haddii Golaha Baarlamaanku ay u cadeeyaan in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu ay shaqada ka tagaan uu aqbali doono bilaa shuruud, haddii ay hor yimaadaan heshiiskana uu u sii shaqeyn doono shacabka Soomaaliyeed.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1411.mp3]


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

 

AKHRI: Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka

AKHRI: Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

AKHRI: Sawirka Farmaajo qofkii aan sidan oo aan mari karin jidadka Muqdisho inta ay ka taliso DFKMG

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Farmaajo oo ku dhawaaqey in uusan iska Casili doonin Xilka Raiisul Wasaaranimo "

  1. Bilqeyr says:

    ASC.

    haddii aan runta sheego wali ma aan arag nin mateli kara farmaajo ilaa laga soo bilaabo 6dii bilood ee maxaakiimta ilaa hadda waa nin wadani ah oo uqalma wax loo banaan baxo ama loo doodo waayoo shacabka qofkii dhawra oo uhagar baxo dhinac kasto waa qof wadani ah kuwa diidan xukumadiisana waa kuwo jecel in somalia waligeed ay qasnaato sidaasna hunguri ku raadsanayo ee maahan kuwo in ay daacad nimo dalka iyo dadka wax ugu qabanayo.

    intii ay shabaabku dadka madaxa ka jarayeen oo ay caqabad ku noqdeen dowladu wey shaqeyneysay shabaabna waxba kama qaban jirin.
    farmaajana waxa uu na tusay in uu wax weyn uqabtay shacabka somaliyed iyo dalkaba waa nin usoo halgamay inta yar ee uu magacaaban yahay.

    waxan dowlada kmg ugu baaqayaa in ay naga joojiyaan fowdada iyo dib udhaca ee umada ay ka ooyneyso farmaajo niman aheyn dooni meyno

    aniga aqoon kale uma lihi laakiin wax qabadkiisa ayaana ka sabri karin waa nin muujinayo wadani nimo waligey ma aan arag somalia oo xasiloon ee hanoola dhaafo hasha noosoo curaneyso””

    FARMAAJO HAGUULEESTO.

  2. samawada says:

    waxay ila tahay aniga in shiikh shariif m/waynaha isaga go,aankiisa maahan casilaadan meeshataalee r/wasaaraha. farmaajana waa mid xaq ku daagan hadalkiisa sababtoo ah waa in uu horkeeno baarlamaanka wixii ka soo baxay shirkii kanbalo markaa iscasilaada waxaa amri kara baarlamaanka baarlamaankana asagaa ka masuul ah shacabka oo asagaa u codaynaya ninka shariif xasan asaga dantiisa waa cadahay in uusan qaranimo rabin marka m/waynaha isaga iscasil meesha yuusan keenin waxaan uleeyahay saas wax ay dawladu qabatay waa usharaf asaga shacabkana ah udaneeyo shacabka soomaaliyeed jahligiina soo maray waad ogtihiin ee caadifadaha yaan la soo qori oo aan isku duub sanaano oo danteena eegano somalidu waxay tiraa hooyaday ninka guursadaa waa adeerkay marka somaliya ninkii wanaag ku hogaamiyaa waa adeerkayo waan uducaynaynaa wabilaahi tawfiiq

  3. Magan says:

    Qofkasta oo somali ah markuu caqligiisa isticmaalo waxaa haboon inuu is waydiiyo. Ma waxaa danta dalka iyo shacabka somaliyeed ku jirtaa in meesha hadda la joogo hore looga sii socdo mise in Dibloogu laabto Qabiil iyo warlodskii jiri jiray? Haddaba maanta waxay kubadu taala goolka baarlamaanka oo uu u sareeyo ma naxe dantiisa oo kaliya fiirinaaya. waxaan ra’yi ahaan aan dhihi lahaa waxaa xildhibaanada laga rabaa maadaama ay shacabka matalaan in ay shacabka somaliyeed ee meelkasta daadsan meelkasta oo aduunka ka mid ah ama jeel ha ku jireen ama xero qaxooti ha ku jireen meel walba dhibaato ku haysato in ay badbaadiyaan. waxaa habaaon in ay taariikhda somaliya baal dahab ah ay ka galaan oo waxaan gumaystuhu soo dhoobdhoobay ay qashinka ku daraan.

  4. Mohamed says:

    SCW.
    farmaajo ilaa xad wa muujiyey somalinimo, marka loo eego labbadda nin ee dantoodda ku mashquulsan ee lacagta faraha badan ka urursady wixii ummadda loo gu deeqay.
    Waxanay ogeyan lacag la urursadaa in ayan calfanayn, waayo waxay dhigi bangiyo shisheeye ku waas ayuun baa dib u qaadan ummaddi loogu soo dhiibayna seejiye. Farmaajonna rajadiisu waxay ku xidhan tahay niman kii caagadaha garaacan jiray ee qabiilka lagu soo doortay. Marka anigga waxay il atahay inuu iska teggi. Tan alle se waa halkeeda. Soomalina meel xun bay u socotaa gaar ahaan wixii goboladda nabdoon ka hooseya.

  5. Togane says:

    Waxaan la yaabaa dadka dhacaayo Farmaajo sharci ayuu ku taagan yahay mar haddii u yiri baarlamaan ayaa i ceerin kara ama ku jooji karaa.

    Dadkaas waxaan rabaain aan xasuusiyo in RW Farmaajo diidey go’aankii baarlamaanka ee sharciga ahaa ee dhigayey in doorasho la aado marka xiliga dowlada dhamaado, waxuuna si aan leexleexad lahayn ugu sheegay kulankii golaha amaanka ee Newyork kuna sheegay baarlamaanka in uusan sharci ahayn. Waana taas mida keentay in Kampala la aado oo heshiis cusub lasoo saxiixo.

    Marka, haddii RW Farmaajo u hogaansamayo go’aanka baarlamanka sida uu hadeer sheegayo maxuu markii hore u yeeli waayay?! RW Farmaajo diidmadiisii hore ayaa waxay keentay in arrinta Soomaaliya la hoosgeeyo Museveni oo uu asiga go’aan kaso gaaro. Waxayna ka mid tahay qasaarooyinka laga dheefay dowlada uu madaxda ka yahay.

  6. Ahmed Dico says:

    Salaan ka dib…

    Soomalaiyeey ha la taageero farmaajo,maanta waxaa loo baahanyahay midnimo, iyo sidoo labada shariif ee sameeyey khiyaamo qaran la isaga qaban lahaa… farmaajo xaqa buu ku taaganyahay waxaana uu yidhi hadal macquul ah hishiiskii kampala in la horgeeyo Baarlamaanka, xilkana aan laga qaadi karin raisulwasaare farmaajo iayadoo labada shariiif rabaan in ay danahooda ka hadlaan sharcigana gadaal maraan.. shacabka mudaaharadaya waxay ka tarjumayaan rabitaanka in rasulwasaare farmaajo xilka iska casilin..kana codasadeen in uusan is casilin…labada shariifna ku kaceen khiyaamo qaran!!!

  7. suufi says:

    farmaajo shacabkiisa ayuu xasuuqay.marka qofkii xasuuqa shacabkiisa oo u adeegsaday ciidamo gaalo ah .ilaah ayaa laxisaabtami doono siduu ubarkiciyey dadka maatada ah .xaqa waa kasoo bixi,bi,idnilaahi

  8. abdi says:

    Dadka kula taliyey Farmajo in uu isku sii dhejiyo kursiga god ayeey ku ridayaan waxaa u fiican in si sharafleh uu meesha uga tago .
    ha isu soo sharaxo jagada madaxwaynaha haddii uu rabo .

  9. caanomoog says:

    Dadkan kor wax ku soo qoray runtii waa dad dowlad soomaaliyeed jecel
    laakiin waxaad moodaa in aysan iddin muuqan in wax dowlad ah aysan
    meeshaba joogin. inta ay ka joogaan waxaa amnigooda suga ciidamo
    Afrikaan ah, madaxdii ciidamadaas ayaana go-aankan qaadatay mana
    diidikaraan, marka waqti ha iskaga dhumina arintaan. Ordaaye waad asiibtay. DOWLAD MADAXBANAAN WAA IN AY AMNIGEEDA SUGANKARTO. WAA QAACIDO ASAL U AH DOWLAD. TAN KALE SOOMAALIYA WAXAY U BAAHANTAHAY DIBUHISIISIIN DHAB AH OO SOOMAALIDU U MADAX BANAANTAHAY DAACADNA LAGA YAHAY.

  10. Waa arin sax MR. farmaajo iyo golihiisa wasiiraduba waana arinta sida sharciga ah in baarlamaanku ka qaadi karo xilka mr farmaajo lkn aanu shakhsi iyo aduunka mid aanu kaqaadi karin xil iyo masuuliyad taasina waxay sharaf dhac ku noqanaysaa umada iyo qaran ka somaliyeed

  11. Mr Farmaajo nin geesi ayaa tahay waxaa haysataa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan ku adkayso shaqada aad u hayso umada Soomaaliyeed. labada shariif iska jir weligaa kolay waa garan karta Viva Soomaliweyn.

  12. Hussein says:

    Heshiiska Kampala ee ay ku heshiiyeen labada shariif wuxuu ahaa mid khiyaano Qaran isla markaana u horseedaya Somalia inay UNPOS hoos tagto. Waxaan kula talinayaa Farmajo inuusan go’aankiisa xildhibaanada ayagu dantooda ka hormariya danta shacabka ku xirin ee uu ku adkaysto inuusan is casilayn laakiin uu shacabka iyo labada Shariif isu daayo. Maxaa yeelay xildhibaanadu ayagu waxay doonayaan inay waligood xildhibaano la dhaho oo aysan meesha ka tagin ayna hadba kii lacag badan u codeeyaan.

  13. Osman says:

    asalmu caleykum.
    Walaalkay Maxamed Cabdullahi Farmajoiyo golihiisa wasiirada waxa ay shacabka Somaliyeed ka muteysteen cisi iyo sharaf, taariikhda dalkanameel wanaagsan yay ka geleen.
    arrinkan taagan maanta waa mid aad xasaasi u ah
    Waa mark kowaade dalku ma laha ha’ado garsoor oo si cad wax u kala saara ama awood leh.
    Sidoo kale booliska iyo ciidana qaranku waa kuwo curdin a oo hadda un shaqadii saxa ahayd ee ciidannimo billaabaya.
    adkaomaliyeed inkasta oo ay dareenkooda waddaninimo iyo shucuurkooda aad u muujiyeen haddana mar walba oo arrin xasaasi ah kacdaba qaar lama waayo qabiil iyo nacayb shaqsi ah iyo danaysi shaqsi ah ku dabqa arrinta.
    Waxa iyana meesha ku jirta Baarlamaanku inuu aad ugu kala qaybsanaa waad ogeyd arrinta murana madaxda dawladda. ax badanna in xan badan oo baarlamaanka ku saabsan ay soo baxaysay waad ogtahay.
    Waxaan kuu soo jeedin lahaa in aad xilka iska casisho madaama aan madaxweyne iyo raiisulwasaare is khilaafsan aysan wada shaqaysan karin
    Guddomiye baaralamaanna asaga xaalkiisu iskaba caddaa.

    Shaqadi aad shacabka Somaliyeed u qaban lahayd waxaa kugudban labada nin ee kula hogaamisa qaranka, dalkina xaalad adag oo dagaal ayuu kujiraa,cid madax bannan oo idiin kala garqaadaysana ma joogto meesha.Hayadihi caalmka iyo dawladihi amini ahaan gacanta ugu hayay arrimaha dalka iyo siyaasad ahaanna waa kuwaas sidaas soo saxiixay.
    Ma garankaro sida uu shacabkaSomaliyeed taageeradiisa kuu soo gaarsiin karo dalka dagaalku ka ooganyahay ee xbbadu isku lismayso, mana garanayo sida aad ugu shaqayn karto keligaa kol haddii madaxweynihi iyo guddoomiyihi baarlamaanku dhan kaa noqdeen.
    Waxaa ila habboon in aad nimankaan iyo baarlamaankooda 550ka ah iyo ciidankooda Ugandeseka ah iyo burundeskaah ka dhex baxdo oo u diyaar garoowdo inaad u soo istaagto shacabkaga inaad u shaqayso maalinka aad cod buuxda leedahayoo shacabkaagu ku dooran karo kuna ridi karo adigoon cidna kusoo magacaabin.

  14. qalinle says:

    aniga waxaan leyahahay aniga farmajo iska tageeri mayo waxaan kutagerayaa wax qabad la’taaban karo wayo waa max’ed siyad bare kale
    wayo waligii maan ogalaan hadal lomeriyo
    dhan waliba ayaan kafirinay hadan nahay shacabka waa nin
    mustqbal usamenayo somali
    lakin labda shariif waxana mahayaan

  15. Hadalka farmaajo: waxuu ii la muuqdaa hadalka Farmaajo hadal macquul ah ,waayo waxuu leeyahay waa in la horgeeyaa heshiiska Barlamaanka, haddii ay ansixiyaan waan iscasilayaa, haddii kalena waxaan sii wadandoona shaqadayda. Sidaas darteed waxuu ku taagan yahay sharciga dawligaa, sida ay aniga ila tahay.

  16. Ordaaye says:

    Micno badan ma lahan inuu farmaajo isku sii dhajiyo kursiga. Soomaaliya waxaa ka jira munaafaqad la yiraahdo lacag ma haysaa. Wuxuu ku qaldan yahay, meesha ma jiro barlamaan awood leh. Waxa jirana waa Musaveni oo ciidankiisa ay go’aan ka gaari doonaan cidda ay rabaan.
    Ninka amaanka kuu haya waxa uu rabo waad ku qasban tahay inaad samayso.
    Waqti dhumis ayay iigu muuqataa, laakiin waxaan sugayaa isagoo qoraalka u soo qadimay barlamanaka uu kaga tagayo shaqada.