Home » Warar »

Baaq Ku socda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG – Xukuumaddu haka laabato hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga

Xukuumadda KMG haddii ay rabaan in ay helaan kalsoonida shacabka, ha ka noqdeen hadalkii Wasiirka Kallumeysiga oo shaki iyo murugo galiyay Ummadda Soomaaliyeed.

  • Baaqan waxaa diraya Bashir Shekh Moxamed oo ahaa sii hayahii safaaradda Soomaalida ee Sweden/Denmark sannadkii 1979 markii safiirkii Soomaaliya Cabdulaahi Ciise (AHN) uu heshiiska batrool baarista la soo gelayey Norway…

Baaq ku socda R/Wasaaraha Soomaaliya Moxamed C/llahi Moxamed (Formaajo).

Mudane, Aad ayaan ugu faraxsanahay go’aanka aad gaarteen adiga iyo golaha Wasiirrada oo ah inaad Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed u shawqeysaan, danaha shaqsiga ahna aad meel iska dhigteen.

Mudane, Waxaan rabaa in aan kula socodsiiyo in aan Ummadda Soomaaliyeed RUNTA u sheegay, RUNTAAS oo ah in Commonwealth iyo Carl Pieter Salicath (NORWEY) aay ka go’antahay in aay batroolka badda Soomaaliya ku jira ee qotoma xuduuda Soomaalida in aay gacanta u galiyaan dalka Keenya ayagoo meel kasta u maraya.

Arrintaas waxaan ka sameeyay qoraallo badan iyo warbixin cod ah oo laga heli karo web-saadyo badan ee Soomaalidu leedahay:

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la sameeyo banaanbax nabad ah oo Soomaalidu u wada dhanyihiin, kuna wajahan Commonwealth iyo Norwey maalinta 26 Junyo 2011, kuna saabsan in Soomaalidu kasoo horjeedo faragalinta joogtada ah oo aay nagu hayaan Commonwealth iyo Norwey ayagoo u dan leh in aay masaxaan sharciga cabirka badaha oo nooga diinwaangashan Qaramada Midoobay.

Mudane, waxaan kaa codsanayaa adiga iyo Golaha Wasiirrada in aad u caddeysaan Ummadda in cabirka badda Soomaaliya uga diinwaan-gashan Qaramada Midoobay uu ahaa 200nm (TERRITORIAL WATER) sida inoogu qornaa xeerka Law#37, cabbirkaas oo sanadkii 2009 la gaarsiiyay illaa iyo 350nm (TERRITORIAL WATER). (Dhul badeed rasmi ah ee u cabbiran Dowladda Soomaaliya).

Shaki kuma jiro in cabbirku sidaas yahay oo Soomaalida oo idili la wada socdaan.

Mudane, waxaan adiga iyo golaha Wasiirrada idiinka codsanayaa in laga laabto hadalkii uu ku dhawaaqay Wasiirka Kallumeysiga oo ahaa in cabbirka badda Soomaaliya uu ku tilmaamay 12nm, meeshii laga rabay in uu yiraahdo 350nm oo ah (TERRITORIAL WATER).

Haddii adiga iyo Golaha Wasiirradu aad GO’AANKAAS soo saartaan, oo ay dhab idiinka tahay shaqada aad u dhaarateen, waxaa hubaal ah in bannaanbaxa nabadda ah ee 26 Junyo 2011 uu isku badalayo mid aad taageerada Ummadda Soomaaliyeed oo dhan aad uga heshaan, LOOMANA BAAHANAYO GO’AANKAAS IN BAARLAMAAN la marsiiyo sababtoo ah kalsoonidii shacabka baaba heleysaan.

Fadlan, ka saara shacabka Soomaaliyeed shakiga ay ka qabaan in madaxda qaarkood la adeegsanayo. Shakigaas hadii uu meesha ka boxo, waan guuleysaneynaa, midnimadana waa gaareynaa.

Waxaan rajeynayaa in baaqaas oo xalaal ah, oo aanan dano gaar ah ku wadanin, in aad iga yeeshaan. Haddii arriintaasi suuroobi weyso, waxaa xaqiiqo ah in dhibka ay nagu hayaan kuwaan aan kor kusoo sheegay in ay si joogto ah u adeegsan doonaan Madaxda Dowlad KASTA oo u curata Dalkeena.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com


  • FG: Bashiir Sheikh waa dublomaasi Soomaaliyeed. Waxaana May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, uu ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha(Chargé D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Baaq Ku socda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG – Xukuumaddu haka laabato hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga "

  1. sharmaake says:

    waan idin salaamay bahda somalitalk waxaanan idiinkaga mahadcelinayaa sidawadan jacaylka ee aadwebkiina noogu soo gudbiseen badaheena nagu xeeran ee loo soo kala ordayo in la boobo ilaahay inuu inooga celiyo mooyaane kolay hadda xoog iyo caqli aan uga ceshona maba hayno, dhanka kale hadda sida muuqata dhulkii soomaaliyeed oo idil ayaaba gacanta ka sii baxayo inuu ilaahay subxaanuhu watacaalaainooga badbaadiyo mooyaane kolay rajo kale oo hadda soo muuqato malahan waxaanse idinkula talinayaa walaalayaa inaydan ka caajisin inaad webka noogu sooqortaan mar walbo waxa cusub waana mahadsan tihiin

  2. mahad yare says:

    asc.. mudana farmaajo waxaan kaa rabnaa in aad cadayso badda somalia … why anaga badeedana isku weer .. waxay dhan thy 3333 metter isku weer .. ilaa laas caseer ilaa laan kanbooni .. . anigoo yar baan skoolka nagu bari jiray badda cabirkeeda.. marka aniga wiilkayga mise gabadhayda baan ushagaa malin walba .. jiilka jiilkiisa bay noqonaysaa cid dhaci karta ma jirto .. xakumada jawaab baan niga rabnaa insha alaah

  3. Asc mamulka somalitalk sida wadaninimada leh ad inogu so gudbisan akhbarta dalkena sido kale waxan u mahad celinaya walalken bashir o ino ifinay xaqena an ka gabinay inan dhacsano waxan idin xasusinaya ragi dhulbadedkena ka ibinayay kenya & norway wa kuwa hada donayo mr farmajo ama halyey an helnay after 20years wa gudomiye barlaman wa madaxweyne wa xubno ka tirsan barlaman o u olaleynaya siday marka kale jebka ugu gali laha hantidi umada ha noqoto qandarasyo lo saxixo ama sida hore u dhacday dhul badedkena o lo saxixo wadamo walalaya hadi ay tahay codsi kusocdo farmajo & dhaman umada somaliyed in 26june or july waxan codsanaya in umada lo wada shego si an bananbaxa an u wada qeyb qadano hadi ad xafisyo ad kuwada ledihin dunida o idil ugu yera jaliyad walba thanks every somali citizen by mrsomali

  4. Asalaamu calaykum dhamaantiin

    waxay aniga ila tahay nimanka 575 baarlamaanka lagu sheegayo iyo inta xil u haysa umada Soomaliyeed ma aha wadaniyaal waa caada qaatayaal shacabku hakacaco waan u ducaynaynaa nimanka na ogasiiyey xaalada badaha soomaaliyeed waxaan leenayay yaan laga daalin arintaas markay dhamaysteen hantidii wadanka waxloogu qabanayey oo jeebka ku shubteen haday u soo dhigteen badihii dhulka soomaaliyeed allow naga qabo wixii soomali dhulkeeda iyo dadkeed dhibaaya hana ogaadeen in alle hortii la tegaayo xisaabina ka danbayo maalin aan waxba la awoodsanayn

  5. XAGALEEY says:

    bacda salaan:
    bahda somalitalk waxay utaagan yihiin ilaalinta qaranka iyo hantida qarankaba waxaana qasab ah inlagu kaalmeeyo oo hiil iyo hooba lagusiiyo dadaalka ay kujiraan . ilaahey haidinla garabgalo dadaalka aad uheysaan qaranka soomaaliyeed. taariikhduna waydin xusa doontaa inshaa alaah.