Home » Maqaallo »

Maamulka madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole- Qeybtii 2aad

Maamulka Cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole Muxuu qabtay, muxuuse ka gaabiyey

Qeybtii 2aad

Qeybtii hore waxeynu kaga soo hadalnay arimihii uu maamulka cusub soo kordhiyay, qormadana waxaan kaga hadli doonaa inshaa’allaah isla horumarka, annagoo qormada ugu danbeysa ee 3aad uga hadli doona arimihii uu maamulka ka gaabiyey iyo talo guud oo aan u jeedinayo maamulka iyo dhammaan bulshada reer Puntland.

Xagga waxbarashada

Puntland waxa ay mideysay manaahijtii kala duwaneyd ee qoloba ay meel gaara kasoo qaadan jirtay.

Waxaa la sameeyay imtixaan centralized ah oo ka dhaxeeya dhmaan iskuulada Puntland gaar ahaan fasalada 8aad iyo form fourkaba.

Waxa ay aqoonsi u heshay shahaadada Puntland taasoo ardeydu ay meel walboo ay tagaanba ay shahadada ay wataan toos ugu gali karaan jaamacadaha.

Waxaa ay deeqo waxbarasho uga heshay ardeyda reer Puntland waddamo baddan oo ay ka mid yihiin Yemen, Suudaan, Eithopia iyo Masar iyagoo ku helaya magaca Puntland.

Waxaa xarun ka furatay Puntland jaamacada Muqudisho faraca Boosaaso.

Waxaa la hirgaliyay oo la dhisay kampuska cusub ee jaamacada Muqudisho Boosaaso.

Waxaa sare loo qaaday tayada macalimiinta Puntland.

Waxaa la hormariyey nidaamka waxbarasho ee dugsiyada Puntland.

Dhanka Caafimaadka

Waxaa la dayactiray dhammaan isbitaaladii Puntland oo ay qaarkood waa hore howlgab noqdeen.

Waxaa la hormariyay tayada daawadad iyo takhaatiirta Puntland.

Waxaa qeybo muhiim ah lagu kordhiyay isbitaalada Boosaaso, Gaalkacayo iyo Garoowe.

Waxaa qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay tirade saxa ah ee dhakhaatiirta ka howlgasha Puntland.

Waxaa la furay isbitaalka cusub ee Jaamacada East Africa University.

Waxaa xarun cusub loo furay wasaaradda caafimaadka oo ay imminka ku shaqeysa Garoowe.

Waxaa Puntland yimid dhakhaatiir caalami ah oo ka yimid dalka Turkiga kuwaaso oo wax weyn ka qabtay xaaladaha caafimaadka Puntland.

Dhanka Arimaha Bulshada

Waxaa Puntland lagu qabtay shirweynihii caalamiga ahaa ee haweenka guud ee Soomaaliya, taasoo Puntland u soo jiiday sumcad heer sare ah.

Waxaa dayactir lagu wadaa waddada laamiga ah ee ka timaado Gaalakcayo illa iyo Boosaaso, iyadoo weli gacanta lagu hayo.

Waxaa la furay hay’adda daryeelka dadka dhibaateysan ee naafada ah ama aan heysan cid taakuleysa.

Waxaa gidaar weyn lagu soo ooday Airporkii Gaalkacayo oo ahaa mid iska furan.

Waxaa la furay Airporkii Garoowe.

Waxaa la qalabeeyay Airporkii Boosaaso oo uu maamulkii hore lahaa dhismaha daarta, laguna bilaabay in uu shaqeeyo.

Waxaa qaab casri ah loo diiwaangaliyay dhammaan baabuurta ka howlgasha Puntland iyadoo laga dhigay computarised.

Waxaa la furay biyo xireeno ay hirgalisay wasaaradda beeraha.

Waxaa la hormariyay lana hirgliyay qaabka casriga ah ee daaweynta xoolaha Soomaaliyeed.

Waxaa la furay xarun lagu baaro raashinka soo galaya waddanka kuwa dhacay iyo nooca raashinka.

Waxaa la filayaa in Puntland ay marti galiso tartankii ciyaaraha Gobolada Soomaaliya 15ka Diseember 2010, taasoo iyaduna noqon doonta guul weyn oo u soo hoyatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland.

Xiriirka caalamiga

Puntland waxaa ay sare u qaaday xiriirka ay la leedahay caalamka.

Waxaa Puntland ay ka qeybgashay Shirkii caalamiga ahaa ee Turkiga kaasoo ay martiqaad rasmi ah ku tagtay iyadoo Puntland ku heshay tixgalin caalami ah addunka oo dhanna laga bartay.

Waxaa Garoowe laga furay qunsuliyado baddan sida Yemen, Eithopia iyo kuwo kaloo ballan qaaday in ay ka furtaan sida Turkiga.

Waxaa Xarunta Dowladda ee Garoowe laga furay ama isugu yimid hay’adaihii deeq bixiyayaasha ee horey u fadhiyi jiray Nairobi.

Waxaa xarunta ganacsiga ee Boosaaso laga furay Bangiyo caalami ah.

Waxaa aqoonsi rasmi ah helay maxjarka xoolaha ee Boosaaso, kaasoo noqday mid kamid ah maxjarada uu aqoonsanyahay Dowladda Sacuudiga.

Waxaa Puntland yimid wufuud caalami ah oo ka kala yimid EU, United nation iyo wafdi ka socday Madaxtooyada South Africa.

Waxaa Puntland loo aqoonsaday in lagu qabto shirarkii ka dhici jiray Nairobi oo looga hadli jiray arimaha Soomaaliya.

Waxaa taariikh lama ilaabaan ah socdaalkii madaxweynaha ee Yemen uuna la kulmay madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax.

AKHRI Qeybta 3aad iyo Waxyaalaha ay ka gaabisay dowladdu

Qaybaha kale ka akhri https://somalitalk.com/tag/jooje/

Qalinkii

Cabdixakiim Jaamac Jooje (Social Development Adviser )

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Maamulka madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole- Qeybtii 2aad "

  1. ashklar says:

    slan sare waxaaan layaabanahay walaalkay ga qormadaan soodiyaariyaymarka haoe waad mahadsnatahay
    waxaan filayaa in walaakay ay isaga qaldan yihiin
    qormo cilmi iyo daraasad kudhisan iyo qoraal buunbuunin iyo wax jeclaysi kudhisan
    waa kala labbo runtii
    qoraalkan waxaa iiga muuqday in uusan daraasad ku dhis nayn ee uu yahay mid laab lakac kusalaysan
    walaalkay waxaan kufaraxsanahay inaad wax qortolakin qoraalkaaga ha kusalays naado daraasad iyo u kuurgelid
    maahan inaan dhaliilaayo ama diidanahay in wax laqabto
    lakin waxaan doonayaa wax qabad daraasad iyo cilmi baaris ku tiirsan
    xitaa qoraalkan kuma taato meesha wax laga soo xigtay

  2. Cabdixakiim waa ku salaamayaa, waa wax lagu farxo horumar meel soomaaliya ah laga soo sheego meelay doontaba ha ahaatee, waxanna aaminsanahy inaad daacad ka tahay qormadaan aad soo bandhigtay, waana faa”iido weyn, waanad ku mahadsantahay.Qolooyinka puntland ku kacsanna ha sugeen qaybta saddexaad si ay caradooda u qaboojiso.

    salaamu calykum

  3. king says:

    sxbkay waxuu ka booday, inta marakiib ah, oo faroole badda ka sow af-duubtay, isla markaana puntland dhaqeelle ka heshay arrintaas oo ah mid ahmiyad weyn leh. waana mahadsantahay.

  4. fagare says:

    Aad baan ula dhacsanahay warbixinta qoraalkani xambaarsan yahay. Waxaa muhiim ah inaan la noqon xagjir taageere ah (bias) marka wax la qorayo, waxaa iyaduna reebban in xagjir mucaarad ah la noqdo. Waxaa ka muuqata mamulka cusub aqoon heer sare ah oo maamul, lacageed, iyo rabitaan in tallaabo horay loo qaado. Waxaan sida Abdalla u sheegay jeclaan lahaa inaad ku soo dartid labada gobol ee kale, Lascanod waaba maqan tahaye, Sanaag haddii wax laga qabtay, haddii aan wax laga qabanna sababta dhabta ah ee arrintaasi u dhacday. Waxaan Abdalle ku waanin lahaa inuusan wanaagga la sheegay nin jeclaysi iyo nebcaysi ku duudsiyin, baseless critizism (somali criteque – fadhi ku dirir) wuxuu dumiyo mooyee wax ma dhiso, sidaa darteed dhaliishaada af wanaagsan ku sheeg. Waan ku raacsanahay inaan maamulka lagu koobin qayb dalka ka mid ah ee waa in la wada gaarsiiyaa.
    Runtii waxaa muuqata hawl aad u ballaaran oo dhinacyadii bulshada horumarinteeda ugu qiimaha badnayd gaarsiisan, waxaan rajaynayaa inuu maamulku ku dhamaysto ayaamihiisa tirsan shaqo iyo wax qabad, hadal aan naf iyo naruuro lahayna aysan wakhti iska galin, waxaan kaloo rajaynayaa in haddii maamulkaani tago oo la baddalo qolada baddashaayi aysan tone-ka waxqabadka naga baddalin, dadka loo dooranayana lagu qiimeeyaa maxay qaban karaan? ma rabaan inay qabtaan? iwm.
    Mahadsanid qoraa, hawl wacan
    SCWW

  5. abdalla says:

    bismilaahi alraxmani alraxiim.

    waxaa layaab leh dadka qaarkiis maraka ay wax qorayaan ma waxay u qoraan faroole raali gali mise xaqiiqada dalka iyo deegaanka ku sugan yahay wax ka sheeg ,saaxiibka maqaalka soo qoray maxaa loo balanqaaday tolow waxa uu sheegay oo uu ku buunbuuniyay faroole waa wax lagu yaqyaqsoodo ,puntland ma bosaaso iyo gaalkacayo iyo garobe ookalibaa waxaas waa waxa maanta somaaliya sidaa ka dhigay darbila wareejiyay iyo dibadloodhoofay dal iyo dad waxba uma qabtaan ,dalka iyo dadkaba waxaa wax u qabta marka lasugo amaanka gobolada oo idilna la gaarsiiyo adeega daruuriga ah oo ay u baahanyihiin shacabka dulman.
    wadani.

  6. Mahadsanid walaal qaabdhismeedka wanagsan ee aad qormaadda u muujisay runtii waxaan dhehi kara waa qormo cilmiyeysan isma mar ahaantsaana sikooban u cabiraysa waxqabadka puntland ku talaabsatay mudadii laga soo wareegay doorashadii madaxweynaha cusub ee Dr.C/raxmaan faroole , mahadsanid Insha’allah waxaan sugnaaba waa qormada sadexaad oo saxida ah mahadsanid walaal , Wixii la qora qurooma haree muxuu hadal qiimo leeyahay .\