Maamulka Puntland muxuu ka gaabiyey.
Haddii aan intaas ku soo koobo waxqabadkii Puntland oo runtii ay dhici karto arimo kaloo fara baddan oo aynaan ogeyn in la qabtay, ayaa hadda waxaan wax ka qoreynaa maxaa dhaliilo ah oo uu maamulku leeyahay ama muxuu ka gaabiyey. Dunidan aynu ku noolnahay majirto qof ama maamul kaamil ah oo mar walbaa haddii howl loo kaco dhaliilo wey iska imaanayaan oo mar walbaa waxaa haboon in leys tusaaleeyo kadibna loo dhaqaaqo sixitaankooda.
Dhanka Amniga.
Muddadii uu maamulkan jiray waxaa Puntland ka dhacay dilal baddan oo qorsheysan iyadoo waliba la dilay wasiiro, xildhibaano, ganacsato iyo qaar kaloo fara baddan.Waxaa kaloo fara badnaa dilalka leysku dayey oo fashilmay.
Waxaa qalqal siyaasadeed gashay magaalada ugu weyn Puntland ee ganacsiga Boosaaso, laguna dilay dad baddan oo rayid iyo mas’uuliyiinba isugu jiray.
Waxaa la galay dagaal culus oo lala galay Shiikh Atam iyo ciidankisii, inkastoo uu markii danbe maamulku guuleystay.
Waxaa aad u yareyd oo uu maamulku ka gaabiyey soo qabashada dadka falalkaas danbiga ah galayey
Dhanka Arimaha Bulshada
Dowladda waxaa lagu eedeeyaa in ay tahay dowlad maamusha oo kaliya magaalooyinka waddada laamiga ah saaran oo kaliya, taasoo runtii ah arin aad usoo noqnoqatay oo meel walbaa lagu hadal hayo.
Dowladdu waxaa kaloo lagu eedeeyaa in ayan war u heyn magaalooyinka ah Bariga fog, Sool, Sanaag iyo qaar baddan oo Mudug iyo Nugaalba ka tirsan.
Waxaa sameysmay ururo mucaarid ah sida SSC iyo Caseyrland.
Waxaa kaloo dowladda lagu eedeynayaa in ay wali maqan tahay Laascaanood , iyadoo la leeyahay siyaasadda dowladda ee Laascaanood weli ma caddaa.
Waxaa dhacay dagaalo beeleedyo fara baddan, inkastoo baddankoddi la xaliyey.
Waxaa kaloo maamulka lagu eedeynayaa in uu caburiyo saxaafadda ka howlgasha Puntland.
Waxaa la leeyahay maamulka waxa soo gala iyo waxqabadka arimaha bulshada isuma dhigmaan.
Wadashaqeynta maamulka iyo oday dhaqameedyada oo laga deyrinayo
Tirada wasaaradaha iyo waxqabadkooda oo aan isu dhigmin, waxaa la leeyahay wasaarado baddan dowrkoodu ma caddaa oo waxqabadkooda illaa iyo hadda lama hayo.
Siyaasadda dowladda ee ku wajahan mucaaradka oo aan sidi la rabay loo dabaqin.
Talo Soo Jeedin maamulka
Runtii dadaalka iyo horumarka aad waddan waa mid muuqda ee waxaa ku talin lahaa in maamulku uu dadweynaha ku kasbado siyaasad fur furan iyo waliba waxqabad muuqda. Runtii ishaa macalin ah oo qof hadlaaba yeelkadii ee waxaan oran lahaa madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole taariikhda iyadaa is qoreysa ee uga tag ummadaada wax muuqda ogow Soomaali waxay horey u tir waarimeysidee war hakaa haro. Illaa iyo hadda tallaabooyinka uu maamulkaadu qaaday waa mid muuqday oo ammantooda iska leh ee inta kaa dhiman isku day inaad saxdo oo aad ku darto.
Eedeynta ah inaad ku egtihiin magaalooyinka saaran laamiga runtii waan qirayaa in dhaqaalaha Puntland yaal iyo waxa ay dadka filayaan in ayan isla’ekeyn haddan hadba waxaa la sameeyaa sidi laga badin waayo. Xitaa maamulku ha isku dayo in sandba magaalooyin la target gareeyo oo wax uun la dhaqaajiyo.
Talo ku socota guud ahaan reer Puntland
Dowladdu waxa ay horumar sameysaa marka ay bulshadeeda ka hesho kalsooni iyo wada shaqeyn, runtii anigu waxaa qabaa wax baddan oo gaabis ah oo dhacay waxaa uu ka yimid dhanka shicibka oo runtii aan la shaqeyn dowladda. Ogow dalku waa dalkaagii oo adiga haddii aad ilaalin ama aadan wixii wanaag ah aadan la garab galin wax horumar ah oo uu sameynayo ma jireyso. Iska daaya fadhi ku dirirada aad had iyo jeer ka mucaaradeysaan dowladda, wixii dul duleelo ah isku day in aad si cilmi leh ugu gudbiso dowladda ama maamulka, laakiin in aad had iyo jeer aad gidaarada ku qabqabsataan dowladdiini runtii maaha wax bannaan.
Nin aan saaxiibo nahay oo booqasho ku tagay waddanka Singapore ayaa wuxuu igaaga sheekeeyay qiso yaab leh wuxuu yiri caagaga yar ee biyaha laga cabo ayaan intaan biyo ka dhameystay waxaan anigoo aan is ogeyn ugu tuuray dariiqa, isla markiiba gabdho arday ah oo halkaas marayey ayaa igu dhagay oo runtii iila hadlay si kulul iyagoo yiri sidee ayaad ku keentay in aad waddankeena naga wasakheyso, miyaadan ogeyn in lagu ganaaxayo $100 dollar arintaan oo kale, waxay igu yiraahdeen ka qaad annagoo kuu jeedna haddii kale booliis baanu kuugu yeerayanaa. Wuxuu yiri arintaas waxay ii noqotay cashar lama ilaawaan ah oo habeeno dhan ayeey xusuustayda ku soo noqnoqonayeen.
Marka ka waran quraarad yar oo dhulka lagu tuuray ayeey gabdhihii reer Singapore ka kululaadeen qofka jooga Boosaaso ama Puntland oo isagoo arkaya la dhigayo bam ama waxyaalahan qarxa uusan dan ka gleyn ama ay dhici karto in qof hortiisa lagu dilo. Runtii waa kaaf iyo kala dheeri halkaaynu mareyno iyo halka ay ummadi gaartay. Anigu waxaa oran lahaa war dhulkaaga haddaadan adigu hormarin cid kaloo aad ku haleyso oo hormarinaysaa ma jirto, waxba yaan dowlad iyo maamul la qabqabsan. Talo waxaan ku soo jeedin lahaa dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanada Puntland ee jooga ama ku sugan qurbaha bal marka hore in ay dalkooda tagaan soo indha indheeyaan waxa ka jira dalka kadibna ay isweydiiyaan maxaad ku kordhin kartaa dhulkaaga ama aad u qaban kartaa.
Gabagabo
Waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa Gacmo wadajir bay wax ku qabtaan in dhammaan leys wada kaashado oo caruur iyo ciroole, waxgarad, culumo, haween, dhalinyaro, aqoonyahay iyo cid walboo u danqaneysa dhulkeena baaxada leh oo uu Allaah noogu deeqay nimcooyinka faraha baddan in aynu ilaashano oo kawada shaqeyno horumarkiisa, dowladeena ama maamulkeenana aynu isgarab taagno oo wixii wanaag iyo horumar ay sameeyaana in aynu ku bogaadino wixii qaladaad ah ama waxyeelo ah ay la yimaadaana aynu si cilmi leh u saxno oo aynu u nasteexayno. Ha siin fursad kuwa dagaalka ku ah in ay leyrka ama iftiinka yar ee ku baxaya doonaya in ay kaa damiyaan.
Waxaan Allaah ka baryayaa in uu dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba uu dhibaatooyinkaa daba dheeraaday uu naga saaro dalkeenana uu ammaan iyo nabadgelyo ku soo dabaalo. Puntland waxaan leeyahay Allaha idiinla garab galo dadaalkiina iyo horumarka aad waddaan . { Guul Puntland Inshaa’allaah }
Qoraalkeygii dheeraad ee aan kaga hadlayey wixii u qabsoomay iyo waxa ay ka gaabiyeen maamulka cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waa iga intaas, haddii aanan uga hadal mowduuca sidi la rabay waa gaabis xageyga ka yimid ee hala ii cudurdaaro, haddii aan wax qalday waa nafteyda iyo sheydaan, haddii aan asiibayna waxay u sugnaatay Allaah.
Qaybaha kale ka akhri https://somalitalk.com/tag/jooje/
Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje (Social Development Adviser )
saicentadv@yahoo.com
Somalitalk, waayo aydin usii daynayn faalooyinka aanan wadan wax xasaasi ah ama sheegayn aflagaado, laakin ku salaysan in si cilmiyaysan dadka loo cambaareeyo?
Mahad eebbe baaleh naxariis iyo nabad geliyona suubaneheena korkisa ha’ahaato intakadib waxan jecelayay inaan u mahadceliyo qoraaga maqaalkaan waxan dhehi kara wax uu bilabay oo uu hormuud unoqday in waxbadan dadka lagu fahansiiyo qalan oo khaladka iyo wixii jira farta la isugu mudo si’wixii gaabi ah oo dhaliil ah looga faa’ideysto ileyn qofka ku shegay dhaliishada waa qof jecel ina waxbadan oo horumar ah lagu talaabsado waxaan leyahay qoraaga illahay misaanka xasanaadka hakugu daro waa qormo aad uqiimoleh waxaanba anigu qabaa qormaadan inaad deerada ku saarto ka Puntland ahaan inta ay jirtay waxyaalihii uqabsoomay.
SIda qabo shacabka gaaabis weyn baa xagooda kajira balse waxaan dhehi kara gaabiskaas waa mid salka ku hayo wadashaqeynta dowlada iyo shacabka ka dhexaysa waayo waxaa la rabaa inay dowladu u muujiso kalsooni shacabka oo ay tusto in dhulka ay leeyihin wax ay bixinaya wax loogu qabto oo dhamaan agab dhismeeydada shacabka lagu daryeelo cashuurta sida hospitals wadooyinka iyo waxyalaha lamid ah taas wax ay horseedi karta in kalsooni ay shacabku helaan ,
mahadsanidin
qoraal kaani waa uu hufey qoraagu dadkuna isku si wax uma arkaan (waxay soomaalidu ku maaahmaahdaa gari laba nin kama wada qosliso)
waxaan anigu aaminsanahay in aanay jirin wax lagu amaano maamulka ka jira puntland. waxyaabaha aad tilmaantay ee horumarka ahi maahan wax ay samayeen maamulka puntland laakiin waa waxyaabo bulshada dhexdeeda ka qabsoomay (natural growth). adduunkana waxaa ugu muhiimsan nabad haddii lawaayo nabadna wax kale oo qabsooma ma jiraan. adigaana afkaaga ku cadeeyey walaal in ay nabadii faraha ka baxday waana ognahay. haddibase ay xumaatay nabadii maxay ka qabatay maamulka meesha ka jiraa waayo qofbaa la dilay wixii dilayna lama hayo maahan marmmarsiinyo
allaa mahadle..ummad soomaaliyeed oo tayolena illaahay ha soo celiyo
Qoraalkaan quruxda badan aad ayuu Mr.C/xakiim ugu mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu usoo bandhigay.. waxaana la oran karaa waa nin ilaahay ku mannaystay codkarnimo islamarkaana yaqaan sida madaxda loo saxo waxna loogu sheego…. qofka marka marka la saxayo waa in si xikmadi ku dheehan tahay wax loogu sheeegaa loona saxaa iyada oo la sheegayo waxqabadkiisii, cidlana aan laga mucaaradin…
Tan Sool iyo Sanaag waa sida aad sheegtay oo gaabis ayaa jira kumana raacsani walaalkayga yiri iyaga ayaan daacad ahayn, maxaa yeelay talo lama waydiinayo qof iyo labo aan go,aan ka gaari karin talada umadda, waxaan saaran nahay hal doon, sida wax loo maarayn karona waa lagama maarmaan, dawladduna waxa ay u baahan tahay in lala shaqeeyo lana dhiso, lala taliyo, dhalliisheedana si xikmad leh loogu sheego sida uu walaalkeen c/xakiim oo ahaa qoraalka maqllkii dheera ee saddexda qaybood ahaa uu adeegsaday….
Wabillaahi Tawfiiq
bismilaahi alraxmaani alraxiim
waayahay waxqabadka aad ku buunbuunisay faroole oo yaqyaqsiga leh iyo
maamulxumida iyo wax qabasha la aanta aad cadaysay isbarbardhigoodo waxaa uu na tusinayaa oo aan ka dhadhansanaynaa in aadan sheegen waxa ku haboonaan lahaa in uu sameeyo tala ahaana aad u gudbin laheed maa daama aad bilawday in aad wax ka qortid cayaartu halka ay mareeyso
mase dhicin taana waa mid aanan la yaabeen oo waa sidi aan hor u iri marki aanu aragnay qayti labaad oo aad qrtay.
koxda cayaartoyda ah markii labaatan gool laga dhaliyo oo ayan waxba dhalin waqtigina daqiiqado ka hareen lama orankaro way badindoontaa
ee waxaa la dhahaa way guuldaraysatay cayaartoyda halakal badalo oo horjoogaha hala badalo kadib waxaa laga yaabaa kooxdaa in ay guul keento ,marka saaxiib daacad kama tihid waxaad qorayso maxaa laguu balanqaaday mise waa shaqa cusub oo macaash lagugu siiyo waxakan
maanta waxwaliba filo waayo hor ayaan u soo maqalay una soo aragnay kuwo sidaa da oo kale ah hana ka xumaan waa rayada aan qabo ee xorta ah qofwaliba rayadda waa u xor,laga yaabee in aadan iguraacsaneen rayadda aniguna sidoo kale waxa aad qortay sidaa ayaan usoo qoray jawaabta.
nabagalyo.
wadani.
Asc dhamaan bahda Somalitalk iyo akhristayaasheeeda,Salaam ka dib aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Cabdixakiim Jaamac Jooje.Wanaaga iyo hufnaanta maqaalka ka muuqata waxaana si gaara kaga mahadcalinayaa,Sida dadka waxmagaratada ah ee qadaiyada xun ku jirto u sifeenayso,iyo dhaliisha sida aad u muujisay.
Waxaana la yaaba amar mar dadka aan eegin NABADA yar ee la haysto,shaqsi xun xataa waad u dulqaadan marka rabi taladada udhiibo.Waayo Alle ayaa naga mudan markasta Mahadcalin waxkasta oo uu na siiyo.
ASCWW,
Salaanta Islaamka kadib, waxaan u mahad celinayaa qoraaga oo xaqiiqada ka sheegay wixii la qabtay sidoo kalena sheegay in uu soo wado dhaliilihii ay lahayd Dowladda Puntland, qoraaga waxaa ka muuqda hufnaan.
Arinta laga dhawaajiyay ee ah Maamulka lama baahin, waxaa kalifay gobollada uusan maamulku gaarin ayaan dadkoodu daacad ka ahayn in ay hal qolo sifiican oo hufan wax ula qabsadaan, waxaan ku caddaynayaa maalin dhawayd waxaa Baaq Ra’iisul Wasaare Farmaajo ku wajahan soo saaray Siyaasiyiin iyo waxgaradka Beesha Dagta Sanaag Bari waxayna yiraahdeen, ( Mudane Ra’iisul Wasaare Deegaan ahaan Beeshu waxay dagtaa Sanaag, Bari, Bay iyo Jubbada Hoose, siyaasad ahaana waxay isu haysaa Federalka, SomaliLand iyo Puntland { waa qaaciidada isu haysa Soomaaliya} waana halka Soomaaliya ka go’iladahay) Baaqaan waxaad ka heli kartaa isaga oo dhamaystiran website yada soomaalida badankood.
Aniga aragtidayda Baaqaan ka hor waxaan aaminsanaa Dowladda Puntland in waxbadan ka khaldan yihiin oo aanay daacad ka ahayn hormar si siman loo gaariiyo bulshada Puntland, balse hadda waxaan yaqiinsaday in Dowladdu siyaasaddeedu ahayd mid meel dheer wax ka eegta, waxayna mudan tahay in looga dambeeyo howlkasta oo ay qabanayso Dowladdu.