Home » Maqaallo »

Maamulka Cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole Muxuu qabtay, muxuuse ka gaabiyey | Q.1aad

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iska leh waxaan leeyahay iga gudooma salaanta islaamka ah ee (ACWW).

Maamulka la magac baxay Puntland waxaa la asaasay sanadku markuu ahaa 1998di, kadibna waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo waxaa soo qabtay xilkeeda madax kala duwan oo runtii mid walba iska lahaa ammaantiisa iyo dhaliishiisaba. Guud ahaan waxaa laga sinna in mid walbaa uu ka tagay wax lagu xasuusan doono oo ay da’yarta soo koreysa ay taariikhda ka akhrisan doonaan.

Haddaba maanta waxaan halkan aan doonayaa in wax ka qoro intii la doortay maamulkan cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamuud oo imminka ay u buuxsantay muddo labo sano ah muxuu ku soo kordhiyay Puntland, muxuuse ka gaabiyey. Ma doonayo in ay warbixinteydu ku dhisnaato taageero indho la’aan ah ama mucaaridnimo wax lagu duminayo. Sideedaba qofku markuu wax qiimeynayo waxaa asal ah laba qodob oo ah { Cilmi iyo Cadaalad } waa muhiim waxaa aad ka hadleysaa inaad aqoon u leedahay, waa muhiim in waxa aad ka hadleysaa ay jiraan minqiyaas aad kaga qiyaas qaadanayso, waa muhiim in aad xog dhab ah aad isticmaaleyso. Haddaba Inshaa’allaah waxaan isku dayi doonaa in si cadaalad ku dhisan aan mowduucan uga hadlo. Marka hore waxaan ka hadli doonaa waxyaalihii ay qabteen ama ku soo kordhiyeen Puntland, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, maaliyadda, siyaasadda, caafimaadka, arimaha bulshada iyo xiriirka caalamiga ah. kadibna waxaan ka hadli doonaa waxyaalihii ay ka gaabiyeen gaar ahaan xagga amniga, arimaha bulshada iyo guud ahaan Puntland, waxaan maqaalkeyga ku soo gabgabeyn doonaa inshaa’allaah talo guud oo aan u jeedinayo reer Puntland iyo maamulkaba.

Waxqabadkii Maamulkii muddadii labada sano {2009 – 2010}

Xagga amniga

Maamulka markii la doortayba waxaa uu soo magacaabay guddi soo tira kooba tirade ciidanka Puntland, kadibna waxaa ay sameeyeen isdiiwaan galin lagu sameeyay ciidamadii si loo helo dhaqaale iyo qalabkii ay isticmaali lahaayeen, waxaa ay halkaas kasaareen ciidamadii iska qornaa oo aan la garaneyn halka ay ku sugan yihiin.

Dagaalo culus oo la galay kadib maamulku wuxuu ku guuleystay in uu sugo ammaanka guud ee Puntland, gaar ahaan magalada Boosaaso oo ah magaalada uu qalqalka siyaasadeed ka jiray.

Waxaa la asaasay xarunta ciidmada badda.

Waxaa lala dagaalamaya burcadbadeeda guud ahaan .

Waxaa yaraaday tahriibtii lagu aadi jiray waddamada dibadda, oo halkaasi ay dad baddan oo Soomaaliyeed ay ku nafwaayeen.

Waxaa yaraaday shaqaalahii hay’adaha caalamiga ah ee leyska afduuban jiray.

Xagga Dhaqalaha / Maaliyadda

Teer iyo intii maamulkan la doortay waxaa u suurto gashay in ay la dagaalamaan lacagihii fadlanta la oran jiray oo si guud ay ula dagaalmeen musuqmaasuqii baahsanaa ee ka jiray Puntland.

Waxa ay si joogto ah u maareysay in ay  bixiso mushaharaadkii Ciidamada iyo shaqaalaha Puntland.

Waxaa ay sameysaay nidaam casri ah oo lagu horumariyey habkii loo maareyn jiray dakhliga soo gala Puntland.

Maalintii la doortay illaa iyo hadda waxa ay ku guuleysteen in uusan marna isbadalin sarifka lacagaha qalaad sida dollarka oo intii ay ku ilaaliyeen.

Qaabkii ama nidaamkii lacagaha loo qaban jiray ee qalinka iyo buugga oo ay uga gudbeen nidaam computarised ah.

Misaniyaddii Puntland oo labalaabantay ama korodhay.

Diiwaangalin lagu sameeyay dhammaan hantida sida gaarka ah loo leeyahay gaar ahaan guryaha iwm.

Iyadoo isku xir loo sameeyay dhammaan xafiisyada maaliyadda ee Puntland (Networking )

Waxaa sare loo qaaday tayada iyo xirfadda shaqaalaha maaliyadda ee Puntland.

Siyaasadda Puntland

Waxaa la dhameystiray dastuurkii Puntland oo la meel mariyay

Waxaa Puntland ay yeelatay calan iyo astaan gaar ah.

Waxaa la dhisay golaha deegaanada ee Puntland.

Waxaa dhawaan lagu talo jiraa in la meel mariyo nidaamka xisbiyadda ee Puntland.

AKHRI Qeybta 2aad… GUJI

Qalinkii

Cabdixakiim Jaamac Jooje (Social Development Adviser )

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Maamulka Cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole Muxuu qabtay, muxuuse ka gaabiyey | Q.1aad "

  1. Qooqaani says:

    ASC,

    Salaan kadib walaal Cabdixakiim waad ku mahadsantahay qoraalkaaga qiima leh runtii inta aad ka hadashay waa wax xaqiiqada ku fadhiya, sidoo kale waxaan kugu taageersanahay in aad tahay nin aqoon leh oo kala garanaya waxa uu qorayo ma wax dumin keenayaa mise waa wax dhisid keenaya, waxaa kale oo aan soo dhawaynayaa in aad tilmaantid dhaliisha Dowladda Puntland waayo dhaliishu ceeb iyo cay toona maahan ee waa wax qofka toosinayaa haddii uu khalad ku jiray.

  2. Ascm , Qormadan inkasto ay tahay hordhac hadan waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaya qoraaga caanka ah ee C/xakim oo had iyo jeer deerada ku ekaya arimaha bulshada waana arin mudan in lagu amaano waxaan lehay haka daalin inaad had iyo jeer runta iyo dhaliisha abaarto waayo qof kii cadeyo dhaliisha iyo waxqabadka wax uu horseedaya amase uu odorosaya in lagaaro horumar , marka walaal waad ku mahadsantahay qormadaadan mahadsanid

  3. masuuul sare says:

    waad mahadsan tahay abdi hakim jooje , runti wax badan oo oo cilmi , aqoon iyo warbixino macluumaad ayaan ka faaiday maqaaalkaaga waad mahadsan tahay mar labaad iyo mar 3 aad ..

    waxa ka codsanayna inaad si wado ……..JAZAAAAAAAAAKALAAAAAAAAAAH, XAYAAKALAAAAAAAAAAH…..