Home » Warar »

Caawinaaddii Norway ee Batroolku ma Fashilantay?

Norway oo cadaysay in wada shaqayntii Kenya & Norway ee mashruucii batroolka aan wax badan laga gaarin, kaas oo ay Norway kaga baxday 2 million koroon …..

Bishii June 2010 waxay Norway soo saartay warbixin uu (May, 2010) saxiixay Wasiirka Tamarta iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Erik Solheim, oo ku saabsan sida Norway uga caawiso waddamada soo koraya maaraynta iyo ka dheefsiga shidaalka (Oil for development OFD).

Warbixintu (report-ku) waxay shaaca ka qaaday in Sept. 2005 ay Kenya cawimaad la xiriirta batroolka weydiisatay Norway, taasoo ay Norway aqbashay Dec. 2005 oo mashruuc 2 Million oo Koron ku baxday u ogolaatay oo xagga maaraynta xogta “data management”-ga lagaga caawinayo Kenya.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in Caawinaad labaad ay Kenya soo weydiisatey June 2006, ayadoo la soo xiriirtay safaaradda Norway. Markaasna Norway ay July 2006 guddi xaqiiqo raadin ah u dirtay Kenya.

Warbixintu waxay muujisay in dhaqdhaqaaq la sameeyey sannadkii 2009 kaas oo la xiriira mashruuca maaraynta xogta (data management programme) oo ay ka qayb qaateen Hay’adda Baatroolka u qaabilsan Kenya ee NOCK iyo Norway, mashruucaas oo loo qoondeeyey 2 million oo koroon ee lacagta Norway.

Si kastaba ha ahaatee, report-ka oo aan aad arrintan u faah-faahin, haddana waxaa muuqata in hadda mashruucu la soo af-jarayo ama uu yahay gebo-gebo oo aan natiijo laga gaarin. Waxaana hadalkaas soo koobaya erayada ku xusan warbixinta marka ay ka hadlaysay wixii guul ah ee la gaarey mashruucii batroolka: “Wada shaqayntaas (Kenya & Norway) wax badan lagama gaarin sannadkii 2009, waxyaabihii qorshaysnaana qayb keliya ayaa lagu dhaqaaqay.” Eeg bogga 87-88  ee warbixinta “Oil for Development Annual report 2009” (ama eeg sawirka hoose).

Isha: NORAD – Norwegian Agency for Development Cooperation

Warbixintaas waxaa ka muuqata in Kenya hadda aysan ku jirin waddama halbawlaha ah mashruuca Norway ee sii wadida maalgelinta la xiriirta batroolka. Waxaana warbixintu cadaysay in 2008 iyo 2009 ay Norway mashruucaas Kenya ku bixisay lacag kor u dhaaftay 2 million oo koroon (sida ka muuqata shaxda sare). Warbixin kale ayaa Norway ku muujisay in aysan wax lacag ah mashruuca Kenya u qoondayn 2010-2011, sida ay faafisay NORAD.

Si loo fahmo warbixinta Norway arrin siyaasad ahaan garab socotey ee khusaysa Soomaaliya, waxaan dib u jalleeceynaa taariikhaha ku xusan warbixinta iyo waxyaabaha xilligaas ka jirey ama ka dhacay Soomaaliya:

2005

Sannadkii 2005 ayey ahayd markii dawladda Kenya ay si rasmi ah ula xiriirtay xukuumaddii FKMG ee uu hoggaaminayey C/laahi Yuusuf ayadoo doonaysey in ay kala hadasho badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo ay damacsanayd bad-ballaarsi. Sida uu SomaliTalk u xaqiijiyey sarkaal ka tirsanaa xafiiskii C/laahi Yuusuf, arrintaas Kenya waa laga diidey in laga hadlo.

Xiriirkaasi in uu dhacay waxaa kale oo SomaliTalk u xaqiijiyey Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo ka tirsanaa golahadii wasiirada ee xilligaas waxana uu yiri: “(2005) waxay dawladdaasi (Kenya) isku dayday in ay wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si “hints” ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah.”

2006

Ciidamada Itoobiya ayaa galay Soomaaliya. Gaar ahaan Dec 28, 2006 waxay ahayd maalintii ciidamada Itoobiya galeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho waxay kala hor tageen iska-cabin xoog weyn, taas oo markii dambe ay ciidamadii gumaysiga ee soo duulay ka huleeleen ayagoo ka baxay Muqdisho Jan 15, 2009 – waa 749 maalmood oo iska-caabin ah.

2008

October 2008 ayaa Ergeygii gaarka ahaa ee xoghayahay Qaramada Midoobey, Walad Cabdalla, waxa uu bilaabay diyaarinta warbixinta hordhaca ah ee Soomaaliya ee ku saabsan cabirka qalfoofka qaaradda ee ka durugsan 200 maly-badeed. Waa sida ku cad xogta DFKMG u gudbisey UN.

2009

Ayagoo casumaad ka helay ra’iisul wasaarahii DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Prof. C/raxmaan Aadan Ibraahim Ibbi, ayaa Ambassador Hans Wilhelm Longva oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway waxa uu booqasho ku tegey Muqdisho 5-6 April 2009 si uu talo iyo caawinaad uga geysto gudbinta macluumaadka cabirka badda. Waxa kale oo waftigaas reer Norway ay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed.

April 7, 2009 ayaa heshiis  is-faham ee badda (MOU) waxa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray DFKMG iyo Kenya. Maalin kaddib April 8, 2009 ayaa ra’iisul Wasaarahii DFKMG waxa uu Qoraal u qoray Ban-ki Moon, qoraalkaas oo ku saabsanaa xogta badda oo ay DFKMG u gudbisanaysay UN-ka, waxaa xogtaas qayb ka ahaa heshiiska Is-faham (MOU). April 14, 2009 ayaa website-ka UN-ta lagu daabacay qoraalkii Cumar C/rashiid iyo heshiiskii is-fahamka – Waxaa dhinac socdey Kenya oo xogteeda u gudbisay UN-ka iyadoo cuskanayay Heshiiskaas is-fahamka.

August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).

2010

March 12, 2010 ayaa Qarammada Midoobey (UN) waxay shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay waxba kama jiraan, waxayna UN qortay “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”.

May 2010 Wasiirka Tamarta Norway ayaa saxiixay warbixinta kor ku xusan, taas oo ay NORAD faafisay bishii June 2010.

Haddaba, arrimahaas is-garab socda marka la is barbar dhigo oo la dhuuxo, waxaa la is weydiin karaa “Caawinaaddii Norway ee Batroolku ma fashilantay?” – Jawaabta waxaan u dhaafnay waqtiga iyo akhristayaasha. Jawaabtaada HOOS ku qor..

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 3aad

Tixraac:

Xogtii DFKMG u gudbisey UN-ka:  http://www.un.org/Depts/los/

Warbixinta NORAD ee Norway: http://www.norad.no/en/

Waraysigii: Dr. C/casiis SH. Yuusuf

—-

October 12, 2010Safiirka Somaliya ee Kenya oo casuumaad u sameeyey Safiirka cusub ee Dowladda Norway.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " Caawinaaddii Norway ee Batroolku ma Fashilantay? "

  1. marka hore waxaan u mahadcelinayaa bahda somalitalk dhamaanteed waxayna kamid yihin dadka wadanka u halgamayo marwalbo sida ay cadaowga uga dhicinlahaayeen intaas kadib hadii aan fikirkayga usoo noqdo waxaan aaminsanahay ninkii adigoo soojeeda ku hunguriyeeyay adigoo siijeeda warkeedba,daa norway tan hadii ay ku fashilmeen intay dantooda kagaaraan way dadaalayaan marka cadawga meelaha uu ku fashilmo kama haro siibo ree galbeedka. ee wadankan aan difaacano.thanks

  2. sharafi says:

    ACW

    Wili mashrucii laga lahaa ma fashilmin maadaama aysan jirin dowlad adagoo garan karta khiyaamooyinka loo maleegayo somalida

    somalitalk dadaalka ay wadaan iyo wadaniyada ha ku daydaan soomalida website yada ku qora cayda isku dirka iyo qabiil siyaadaynta

  3. wadaniyad says:

    asc soomaali ayadaa khayraad keede ka faa iidaysan wayday bad iyo beriba marka iskadaaya waxii ka faa iidaysanaya haku raaxaysteene soomaali hadaan nahay barwaaqadii ilaahay na siiyay baan kafaa iidaysan la
    nahay oo anagaa isku jeedna intaan reer hebal ku fakaraynana horumar gaari mayno jaahilnimadaa
    iskadaaya oo hurdada ka toosa wadenkiina dhista

  4. saara xamari says:

    ASALAMUCALAYKUM WARAXMATULAAHU WABARAKAATAHU DHAMAAN MSULIMIINTA.

    Allah ha idinku bedelo wax wanaagsan, dadaalka aad u gashaan soo qorista boobka lagu hayo dhulkeena,ALOW NOO GAR GAR.

    Tankale norwy iyo kenya wejigii hore Allah ayaa kashifay,laakiin
    maadama ay norway bixisay dastuurka reer shariif wataan qarashkiisa,sow lagam yaabo iyo ay sharci baneynaya ay ku soo darsadaan dastuurka, in bada somaliya waxiii la rabao laga sameyn karo.

    ALLAH MOWLAA, WALAA MOWLAALAKUM.

  5. marka hore Bahda Somali u hadal A/C
    Ebbaa Mahad leh ina siiyay Dadaalka,Kartida, Geesinimada leh ee aad kusoo Bandhigtaan Xoggta Rasmiga taasoo aad waliba raacisaan Ref,No Taariikhda iyo Xafiska ay ka soo baxday, oo ay taasi tahay Xogg rasmi ,
    intaa kadib
    dadaala oo haka daalinina Dalkiina Hooyo (mar,uun ayuu waagu beryayaa)

  6. Adam says:

    Ascww

    Waa wax lagu farxo, walaalayaal hoowsha aad qabateen. Waxaan kaloo jeclaan lahaa Bada somaliya tuugada dhaceeso sidaan u gu hortagi laheen hadeey noqon laheed af iyo qoraalba iyo muqaal. Waxaan soo maray suuqyada ugu weeyn EU ee kaluunka Somalia la keeno kuna yaal Belgium. Waxaan jeclaan lahaa in sawira laga qaado oo lagu qoro sidii dhaymankii Sierra Leone ee blood daimond, oo kale inaan daba dhigano tuugada u soo shaqa tagatay waddankeenii. Markeey dadkii dhan qaxiyeen ayaa , argagaxiso loogu soo shaqatagay raboow naga qabo kuwaan

  7. hambalyo somali talk waad ku mahadsantihiin difaaca aad u heelantihiin hantida maguurtada soomaaliya oo aad difaacdaan habeen iyo maalin dhagar qabayaashii iibsaday bada soomaaliya ee ogolaaday ama saxiixay isfaham ilaahey umada waa kaqabtay sharafta guushaas waxaa leh intii u halagantay gaar ahaan doorka aan la ilaabi karin xildhibaanadii dhiigooda iyo naftooda u huray difaaca bada shidaalka uu dhex ceegaago ee soomaaliya.

  8. Caynaanshe says:

    Marka hore mahad Allah ayaa leh. Marka Xigana bahda Somalitalk iyo dhamaan Wadaniga Soomaaliyeed.

    Waxa ay ila tahay: Howlgalkaasi waa uu fashilmay, laakin, taas macnaheedu maaha in dantii laga lahaa ay fashilntay. Weli(Nasiib daro) waxa jira fursado badan oo ay ku xaqiijin karaan, in ay si sahalan ku boobaan, qayraadka dhulka Soomaaliyeed.

    Waxan mar kale u hambalyaynayaa, wadaniga Soomaliyeed meelkasta oo ay joogan.

  9. Mire says:

    Ac

    Bilad dahab ah Bahda Somali Talk runtii waad gudateen waajibkiinii gaarsiin xaqiiqaha ka tarjumaya boobka

  10. Ascm. Hadaan sookoobo Jawaabtu waa Haa wey fashilantay Qorshahii Khiyaanada ahaa ee ay ku heshiiyeen NORWEY iyo KENYA sabab too ah markii horaba Batroolka la raadinaayay waxuu ku jiray dhul Soomaliyeed
    ILAAHAY baa mahad leh ka shifay Qiyaanadii nala la Damac sanaa
    ALAAHU AKBAR

  11. cfataax says:

    Asc, waxaan aad ugu faraxsanahay sida somalitalk.com u soo bandhigto arimaha ku saabsan deegaanka Soomalidu degto. Waxaan qiyaasayaa, dadka fahansan arintan aad waddaan inay aad u yaryihiin. Waxaan idin kula talin lahaa inaad arimahan inshallah ku dedaashaan marna ka gaabin.Inkasta oo warkiinu yaryahay haddana halkii qoraal wuxuu la miisaan yahay 100 web oo Soomaliya waxay qoreen.Ilaahay ha idin la garab galo.

  12. Soomaali says:

    Mashruucaasi qeyb waa ku fashilmeen. Su’aasha hadda taagan – qeybta ay ku guuleysteen (oo qarsoon) maxey tahay?

  13. Omar jama says:

    ilahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay,waxaan oran karaa mashruucii dowlada Norway waa fashilmay markaan laakin waa soo rogaal celinayaa ee khatarta halaga digtoonaado.
    intaas kadib waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dhamaan maamulka iyo shaqaalaha web Somalitalk sida dagaalka iyo wadniyadu ku dheehan tahay ee ula socdaan boobka ka jira somalia,waxaanda ogaataan wadanka adiga ayaa ilaalinaya awood kale mahayo maanta hadaan somali nahay laakin qalinka iyo afka yaan laga daalin iyo wax u sheega umada,tan labaad waayadaan maqaaladii waad yaraysaa waxaan aad uga heli jiray maqaaladii Amiin yusuf Khasaarfo.mar kale wan indin salamay dhamaantiin.

  14. Cumar says:

    Asc,
    Goor kastaba mahadnaq naga guddoomma Dr C.Rashiid iyo bahda Somalitalk. Cinwaanka maqaal ayaa ahaa “Waraabyaashii wali ma quusan” kolba waa heer xaalad iyo wajiyo kala duwan sida iskudeygu boobka xad badeedkennu loo meel marin lahaa. Miyaa la illoobay shirkii Istanbul ajendayaashiisa iyo nin la lahaa waa wasiir inuu inkiray In baddeenuba leedahay xad la aqoon san yahay. iyo Norway dowrkii ay arrinkii ka istaagtay ahaa inay nagu caawin doonaan asteynta xadka goobganacsi badeedkeenna. sidaa aawadeed wali fashil buuxa ma jiro arrimaha soo socda aawadood:
    1. Wali xukuumad madax banaan oo sugi karta siyaadadeenna (sovreignity) maba abuurmin.
    2. Dulaal, malaal, daneyste, macangag, khaainul wadhan u adeegaya shishyeeye , reerguuraa jaahil ah iyo kuwa u khibradooda iska hooseeysa oo badan ayaa na hor boodaya.( ha ahaadaan kuwa jihaadka iyo diinta marin habaayay ee mucaardka ama xukuumad ku sheegga).
    3.Inkastoo Norway ay tabantaabiso in ka badan 25, 000 dad Soomaaliya ah, haddana waa kuwii sababta u ahaa in lo igmado xabashida qabsashadii dalkeena 2006dii, xisbiga kristianka ayaa ku casuumay meles zinawi Augost sankaas Oslo shirkii dowkaha hodonka ah kuna taageeray gumeystaha madow dhaqaalaha iyo siyaasadda uu u baahnaa isla sankaas Xabashida waxay kristmaskii ku dabbaal dageen Xamar.
    4. Sidoo kale kenya waa gumeyste madow oo hiil iyo hooba toos u heli kara ogna beylahdeenna walina fursado goobaya.
    5. Qorshaha fog ee kala qoqobidda dadkeenna iyo dalkeenuba wey ka midaysanyihiin qolyaha aan kor ku soo sheegnay taasina cid kastoo hunguriyeynaysa bad iyo berriba kheyraadka ku jira damaceedu ma fashilmin.
    Allaahu aclam.
    .

  15. Abdulkarem says:

    waad ku mahadsantihiin sida wadaninimada ah ee aad u dabasocotaan xog raadinta bobka lagu hayo khayraadka dabiiciga ah, dhulka iyo hantidii ummada ee ay ka tagtay dawladii somaliya ee duntay
    waxana leeyahay wey fashilantay qorshihii Kenya iyo Norway isu bahaysteen ee dhul iyo khayraad boobka ku dhisnaa.
    w/s

  16. wadani says:

    Asc, runtii halkaas waxaa ka muuqato waxa loo socday inay ahayd hantida ummada soomaaliyeed. Kenya hadii ay wax isla hayso xuduudaha badda soomaaliyeed hunguri kama galeen. Waxaan jeclaan lahaa 2 Shariif iyo raggiikale Ibbi iyo Abdishakur in ay akhristaan warbixintaan. Inta wadaniinta ah Guul, qaa-iniintana cagta hoosteeda.

  17. khadar says:

    sc anigu waxaan dhihilaah waafashilmay mashruucaasi ee halaga taxadaro mashruuca danbe aysoo malaygayso eeku wajahan bada somaaliya :waad salaamantihiin sada wanaagsan ee aad ulasocutaan dadka iyo dalkaba

  18. shukran somalitalk macluumaadka aad inoo soo gudbiseen