Nayrobi. 12 October 2010.
Safiirka Somaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Cali Nur Ameriko ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Norway u magacowday Somalia Iyo Kenya, Ambassador Per Ludvig Magnus,
Waxaa Safaaradda Somaliya ee Kenya ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliya Ambassador Maxamed Cali Nur Ameriko Iyo Qunsulka Safaaradda, Mohamed Cismaan Adan”Edson”.
Labada Safiir ayaa ka wada hadleen xidhiidhka dheer ee ay labada dal leeyihin iyo taageerada ay dadka iyo dawladda Norway siiso dawladda iyo dadka Somaliyeed, iyadoo Safiirka Somalia Ee Kenya, Mudane Mohamed Cali Ameriko uu uga mahad celiyey xidhiidhkaas dheer iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay dawladda Norway la garab taagan tahay dowladda iyo dadka Somaliyed.
Safiirka Somaliya Amb. Mohamed Ali Nur ayaa ku ammaanay dawladda Norway sida ay ugu fideyeen dadka Somalia taageerada banii’adanimo ee ay u sameeyeen dadweynaha Somaliyed markii ay bur burtay dawladdii dhexe ee Somalia iyadoo ay illaa imminka oo ay garab taagan yihiin dadka iyo dawladda Somalia.
Safiirka Cusub Ee Norway ee Somaliya Iyo Kenya,Ambassador Per Ludvig Magnus, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan dawladda iyo dadka Somaliya iyadoo uu xusay inaanay dawladda Norway marnaba kala gaban doonin teegeerada ay taageerto Dadka iyo Dawladda Somaliyeed, waxana uu sheegay inay sii laba jibaari doonaan taageeradaas, iyadoo uu xusay in hadda ay dalka Norway joogaan in ka badan 25,000 oo Somali ah, kuwaas ay dowladiisa siisay soo dhowaysay.
Sawiirka Norway iyo Safiirka Somalia | Nairobi, Oct 12, 2010
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Gebagabadii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhammaaday jawi aad u degan oo farxadeed, waxaana ay labada dhinacba isla garteen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada waddan ee Somaliya iyo Norway.
Isha warka: Xafiiska Safaarada Soomaalida ee Nairobi
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.