Home » Faallo »

Mah-bar Mooyee Muwaadin Ma Leh Siyaasiinta Soomaaliya!!.


Fadlan akh-riste ha fududeysan qormadan, ha dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka hadal buu kuu noqon ama dhalanteed, waana waxa jira oo xujo kugu ah, wax ka qabashadeeda adiga ayey kuu taal, Soomaalidu waxay tiraahdaa war la helaa talo la hel, Warr, Waran iyo Talo midkaad doonto u qaado, intaas weyga Afeef, laakiin Akh-ristayaasha sharafta leh, qoramadan waxaan ku soo qaadan doonaa, qaybaha ugu muhiimsan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, dib u eegis qaybo ka mid ah qaabkii ay wax u socdeen shirkii dibu-heshiisiinta ee lagu soo gebagebeeyey 2009-kii caasimada dalka Jabuuti, sidoo kale waxaan ku soo qaadan doonaa qaabka faragelinta dowladaha horumarey ee caalamka ugu sameeyaan dowladaha kale iyo qaybo ka mid ah hab dhaqankooda muuqda iyo kuwa qarsoon ee aan wali la islafahmin.

Waxaa kale oo aan ku soo qaadan doonaa qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha UN-ka ee ka hawlgala dalka Soomaaliya iyo wax lagu sheego NGO,s-yada gudaha iyo arimo kale oo muhiim ah, waxaana ku soo xireynaa qormadeena qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka Jabuuti aragtidooda ku aadan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo waxa ay ku talinayaan. …..

wuxuu yiri wasiirku “Ra’iisul wasaare, dalka ma anagaa ka dowlad ah mise Hay’adda UNDP ?!!, waxaa kale oo uu sii raacsadey, hadii dalka aanu dowlad ka nahay waa in ay raacaan awaamiirta madaxda Qaranka iyo shuruucda dalka u yaal shaqaalaha Hay’adda UNDP!, hadi kale ha iska tagaan”, Cumar cabdirashiid ayaa hadalkaasi si weyn uga maagey, islamarkaana amar adag dul dhigey wasiirka. SII AKHRI….

Waa qoraal dheer oo Maxamed Allman ka qoray xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya

Qoraalka oo dhamaystiran AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " Mah-bar Mooyee Muwaadin Ma Leh Siyaasiinta Soomaaliya!!. "

  1. abdi farah says:

    marka hore dhamaan tiin waad salaamant tihiin waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo horta erayga mahbar erayga mahbar eray somali ah maahan waa eray ethiopian ah macnihsuna waa urur waxaana ku ogaaday anigu waxbadan ayaan ethiopia ku noolaa markaa waxaan dhowr jeerku arkay eraygan ururada jaadka ay leeyihiin iyo ku wabunkaba qofkiirabaa na wuu raadin karaa xaqiiqada araygaas markkaa yaan loo qaadan eraygaas eray somali ah waad mahadsantihiin

  2. Abukar says:

    Walaal Mukha sidaad u ammaantay dood wanaaggenna si la mid ah ayaa ugu amaanayaa adiga iyo inta kale ee fikirkooda ka dhiibatay qoraalkii Allman iyo dooddii ka dhalatayba. Ma rabo iney ila dheeraato doodda ku aaddan Mahbarka micnihiisa iyo siduu ku baxay anoo tixgelinayaa talada walaalkeen Dalmar Hajji oo ah in ujeeddada guud ee qoraalka oo ah baraarujinta bulshada aysan meesha ka bixin. Dooddaa nala gashay ma ahane waxaan farta ku godayey in aragti ku saleysan wareysiga hal qof oo aan rabin in la magacaabo aysan iftiimin karin baaxadda dhibka waddankeennii maanta heysta ee loo baahan yahay caddeymo intaas ka badan inuu qoruhu soo bandhigo. Intaas ka dib, waxaan isku dayayaa inaan jawaab kooban oo waafiya ka bixiyo sida khaldan ee Mukha sharaxaadda uga bixiyey naqdinta aan ku sameeyey qoraalkii walaalkeen Allman.
    Caalim diimeed ma ahi balse waxaa igu filan inaan ku xasuusiyo anna aan is xasuusiyo aayadda quraanka ah ee ilaahey inooga digay in tuhunka qaarkiis uu dambi yahay. Kuma dhiiranayo inaan meel ka dhac ama doqnnimo kugu sifeeyo sida aad adigu ugu dhiiratay inaad igu timaamto balse waxaa ii muuqata inaad jawaab bixintaada aasaas uga dhigtay tuhun khaldan oo ah in naqdinteydii qoraalka Allman ay ku saleysneyd dan shakhsi ama qabiil oo iga guuxeysa. Waxaad soo qaadatay in naqdinteyda ay sabab u tahay dareen iyo didmo aan ka qaaday qoraalkaas taasoo aad soo xigatay soo qaadidda ereyga Mahbar iyo xirrika uu la leeyahay jabahaddii SSDF ama KULMIS . Intaas kuma aadan ekaan ee waxaad naqdinteydii kala soo dhex baxday fikir ah inaan meel ka dhac iyo cuqdad u abuurayo dadka dhalashadoodu ka soo jeeddey deegaanka Puntland ee aasaaska jabhaddaas lala xiriirsho. Wey muuqata inaad igu raacday in ereygaas loo adeegsan jiray hal qolo oo ah dadka ka soo jeeday deegaankaas Puntland. Waxaa weydiin mudan Abukar (ka akhriste ahaan) xaq ma u leeyehay inuu taxliil ama raad-raac ku sameeyo sharaxaadda ereygaas uu ka bixiyey Allman iyo guud ahaanba qoraalkaas mise waa inuu sidiisa u qaata. Haddii aad ii ogoshahay inaa naqadin karo qoraalkaas iyo sifooyinka uu qoraagu ka baxshay ereygaas Mahbar isla markaasna aad ka fursan weydey inaad ila xiriiriso dan qabiil ama mid qof ahaaneed waxaa dhici karta 3 qolo midkood inaan noqdo:
    a) Inaan ka soo jeedo deegaankaas sidaas darteed inaan dhibsado astaamaha iyo tilmaamahaas Mahbarnimada oo iska difaaco cid kastoo iigu yeerta ama ila xiriirisa ereyga Mahbar.Haddii aad tuhunsan tahay inaan degaankaas ka soo jeedo sow ma dhibsadeen inaan isku koobo magacaas oo aan ku doodo cid kale yaan loogu yeerin oo aan qabiilkeyga ka aheyn. Sidee micno u sameyneysaa timaamahaas foosha-xun reerkeyga ha ku koobnaato oo yaan la inala wadaagin.
    b) Inaanan ka soo jeedin deegaankaas oo loolan colaadeed ama siyaasadeed naga dhexeeyo sidaas darteed inaan u riyaaqo tilmaamidda iyo toosh-ku-ifinta xumaanta erygaasi leeyahay iyo ciddii ku sifowdayba si ummadu uga digtoonaato. Haddii aad tuhunsan tahay in aanan ka soo jeedin deegaankaas oo aan ku riixayo xumaanta iyo sifaha khaldan ee ereyga Mahbar bulsho weynta gobolkaas u dhalatay, sideen ugu doodi lahaa in erygaas uusan micno badan xambaarsaneyn oo uu yahay erey suuqi ah oo aan meelna kaga qorneyn qaamuusaka af soomaaliga iyo kan adduun weynahaba. Sideen dood uga keeni lahaa in Mahbar iyo Munaafaq la isaga mid dhigo. Sow la igama fisheen inaan dhiiri-geliyo ciddii Mahbar ugu yeerta qoladaas aanan ka dhalan maadaama munaafaq aysan ilaahey hortiis wax u oollin.
    c) In ka soo jeed iyo ka soo jeedid la’aanba uusan ereygaas qabow iyo kuleyl midna igu hayn oo aanan kala jecleyn ciddii lagu asteeyo ama lagu shaabadeeyo. Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso labada xaaladood ee hore waaba la gartaye maxay xaaladda saddexaad soo kordhisay ( ma xoolo aan dhiig laheyn baa). Si kale haddan u dhaho waxaad is weydiin kartaa haddii uusan ku farxin ama dhibsan qoraalkaas muxuu doodan badan iyo isu jaawibidda waqtiga isaga dhuminayaa. Runtii qoladan xaaladda saddexaad ayaan isku tiriyey oo wax keliya oo aan dhibsaday waxey aheyd labada arrimood ee aan naqdinteydii u horreysey ku soo gaabshey oo kala ahaa: fasiraadda khaldan ee ereyga Mahbar iyo xogta salka ku heysa hal qof oo aan rabin in magaciisa la sheego. Walaal Mukha dooddeydu ma ahayn reer hebel ayuu erygaasi gooni u yahay oo cid kalena laguma tilmaami karo oo ah sida aad hadalka u dhigtay ” kalmad ku haboon in loogu yeero dad badan oo magac siyaasiyiin watta, kana soo kala jeeda dad kala duwan, meeshii awal hal qolo loogu yeeri jiray gar ama gardarro”. Waxaan tusaaleynayey sida ereyga Mahbar uusan u aheyn erey adduunkoo dhan laga isticmaalo oo ah sida uu walaakeen Allman jecleystey inuu naga dhaadhacsiiyo. Haddaad mooryaan, mahbar, faqash iwm ku tilmaameysid madaxda Soomaaliyeed ama cid kastoo aad dhaliisan tahayba ma ahan wax dood badan ka furmi karto balse waa inaad is waafisaa macnaha ereyada aad isticmaaleyso iyo hadafkaagu si qoraalkaagu uu miisaan fiican u yeesho.
    Walaal Mukha waxaan kuu sheegayaa inaan ku dhex jiro mujtamac iyo xirfad waxbarsho oo ii suurta gelisey inaan qoraal kasta ku miisaamo waxa uu ka kooban yahay iyo farriinta uu xambaarsan yahay anoo la kaashanaya fikirkeyga iyo aqoonteyda (objective assessment) ee aanan ku saleyn caadifad iyo qoraagu waa saaxiibkaa ama waa qof aad neceb tahay ama xumaan idinka dhaxeeyso toona (subjective judgement). Haddaba khasab ma ahan in qofkii naqdiya qoraalkaas uu walaalkeen Allman soo qoray in uu dantiisa ama danta qabiilkiisa uu ka dhex arki waayey amaba cid gooni ah difaacayo. Sidaas si le’eg haddaad ku ammaanto qoraalkaas wuxuusan mudaneyn adoo xeeriniya saaxiibtinimo ama aqoonsi kale wey kas ii xun tahay oo walaakaa khaladkiisa iyo dhaliishiisa ma ogaanayo. Waxey la mid tahay adoo ka hagraday talo uu xisaabta ku darsan lahaa marka uu qoraalkan mid la mid ah soo bandhigayo.

    Mahadsanidin.

  3. Salaan sare oo ku socota qoraaga keddib.
    qoraalka marki aan fikirkayga ka dhiibto ,runti waa mid heer saraa, waqtiga lagu bixiyana aanan lagu qasaarin.
    midda labaad wuxuu taabanayaa arrima badan ee dadkeena u iftiiminaya
    dhibaatada ay nagu hayaan aduunyada iyo deriskeenaba xitaa haddii uunan fikirka ninka u waramay qoraaga salka ku hayn xaqaa’iq la taaban karo ama uunan doodiisa u cuskan daliil cad ee adkeynayo inta badan fikirkiisa.
    dowladaha aduunka iyo deriskeenaba sida ay u waajahaan danahooda ku aadan dalkeena waa iyaga mid khuseyso haddii ay dana caadiya yihiin iyo haddii ay yihiinba mid cadawtooyaa. laakin waxay si su’aal ka taagan tahay sida ummaddeena iyo saadadeedaba u raadin lahaayeen danaha dadlkooda iyo dadkooda.iyadana waxaa ka jawaabay run weyna ku fadhida cinwaanka qoraalkan”Mah-bar Mooyee Muwaadin Ma Leh Siyaasiinta Soomaaliya”.
    waa hubaal in ay jiraan muwaadiniin ay ka dhab tahay in ay u istaagaan danaha ummadooda masa badna,laakin inta jirto waxaa ugu yeeraynaa in ay isa sooraan ,kana soo baxaan mugdiga si ay mar kale u soo nooleeyaan sharafti ummaddeena.
    mahadsanid Maxamed allman.

  4. Mukha says:

    Salaam Calaykum (Kan danbaa saxa)

    Dib u eegid Jawaabtii Abuukar
    Mahadnq
    Abuukarow walaal, marka hore jawaabtaada danbe waxay ka roon tahay tii hore, sababtoo ah middaan danbe waxaad isku dayday inaad wax sababaysan miiska soo saarto, sababtaas haday doonto haba wadatee tafsiir khaldan ama mid saxsan ama fahan adiga kuu gaar’e, laakin inaad wax sababaysay waa talaabo wacan. Sababta kale ee loogu farxi karo jawaabtaada danbe waa isla fahanka aan isla fahanay inaan si sharfoon uwadno dood-wanaagii aan Maryan iyo anigu kuu bilownay, isla markaana bogga S-talk oo ah goob ay wax ka dheehdaan dad waxgarad iyo aqoon usaaxiiba, inaan ka dhigin goob aflagaado iyo fadhi ku dirir aan xikmad iyo caqli kudhisneen.

    Falanqayn Faaladaadi
    Intaa dabadeed, walaalle, anigoo aaminsan inuu ku ficnaa Qoraagii qoraalkaas inuu kuu jawaabo oo kaa jaahil bixiyo meelaha fahanka xeelka dheer ubaahan, maadama aanan hadda hayn wakhti aan dib ugu baaro qoraalkii dheeraa, ayaan hadana ka fursanayn inaan dib u jaleeco ujeedada/fahanka kuqorsoon faaladaada danbe anigoo isku dayaya inaan kaashado akhriskeygi hore ee qoraalka iyo faaladaada.

    Abuukarow walaalle, waan tan koowaade, faaladaadi hore waxaa iiga dhex urayay inaad ka didsanayd qayb ama qaybo kamida qoraalkii Allman, maadama aad canbaarayn aan sababaysnayn lasoo booday, mase ii cadayn ‘exactly’ meesha aad ka didsanayd ama tafsiir qaloocan kaa galay, maadama qoraalku faalooyin badan ka bixinayay hogaamiyayaal kala qabiilo duwan, isla markaana canbaaraynayay habdhaqanadooda si u sirgaxan sina iskugu qaab eg, hadana dhan kale ka tilmaamayay waxyaalo xaqiiqa, sida qabaa’iladu inay qoloba meel u badan tahay ama qolo gacan saar la leedahay.

    Hadaba, jawaabtaada danbe ayaad kusii bidhaamisay meesha aad ka didsanayd ama ka qaadatay tafsiir aad moodo inuu cuqdadaysan yahay, taasoo ah inaad isku xirtay kalmadda Mahbar iyo SSDF, waana meesha aad katiri “Waxaan qiyaasaya in ereygaas uu ahaa erey suuqi ah oo la kowsaday xilligii jabhadda SSDF ama KULMIS”, kuna afjartay “Ma dhicin in markii SNM ama USC ay sidoo kale Itoobiya salka dhigteen si ay dawladda ula dagaalamaan loogu yeero Mahbar qabiilooyinka ay ka soo jeedeen SNM iyo USC”!

    Tafsiirkaan labo meelba dhicis waa ka yahay, waa mare gundhig sababaysan uma aha inaan cinwaankii laga jawaabin, waa mar kalee, wuxuu meel kadhac ku samaynayaa ama cuqdad dad qaba ka dhigayaa umadda Soomaliyeed ee awoowayashood ama aabayaashood kasoo jeedaan Kulmis, qaabka aad hadalka udhigtayna waxaa si cad loogu fahmi karaa, “dadkaas kaliya ayaa Mahbar loogu yeeri jiray, cid walba oo kalmadaas soo qaadda, dadkaas ayay u dan leeyihiin”!!!

    Soo hadalkaa uma muuqdo inaad umad dhan ku dhajinayso wax aysan ku tilmaamnayn iyo kalmad ay dowladdii Militariga ahayd u adeegsanaysay propogandeeda, oo aad ka dhigayso dad buufis iyo cuqdad kaqaba kalmadaas? Soose lamid maaha, tusaale ahaan lamid noqon karto kalmadda Mooriyaan ee soo ifbaxday 1991 kadib dagaaladii sokeeye ee sababay dhaca iyo boobka, ee maanta loo adeegsado qof walba oo dhac, boob iyo bililiqo wada gobolkuu doono haka soo jeedee, inay dadka qaarkii yiraahdaan kalmadda Mooriyaan anagaa naloo jeedaa maadama anaga nagu baxday 1991?

    Taas waxay cadayn Abuukarow, tafsiirkaas gabi ahaan inuu yahay mid cuqdadaysan oo sal u ah didsanaantaadi aan tuhunsanaa, balse ah doqonimo iyo meel kadhac wayn in dadka qaarkood lagu koobo kalmadaas baahsan ee Qoraagu uu cadeeyay in dhamaan maanta siyaasiyiintii u batteen Mahbaro, balse tahay kalmad ku haboon in loogu yeero dad badan oo magac siyaasiyiin watta, kana soo kala jeeda dad kala duwan, meeshii awal hal qolo loogu yeeri jiray gar ama gardarro.

    Gebogebo
    Qaybta labaad ee ku saabsan cilmi baarista iyo tixraacyada, faaladii hore ku faahfaahshay, marka faalada oo ila dheeratay awgeed waxaan kaa codsan lahaa inaad faaladaydi hore si feejigan usoo akhriso markale. Waxaanse kaaga mahad celin markale, dood wanaagga. Aana ku dadaalno inaan xaqiiqda jirta marwalba ku difaacin cuqdado aanan sal iyo baar lahayn oo ay abuuraan ama jecel yihiin dadka ay Soomaliya ka xasili la’dahay (gude iyo dibad), kuwaan oo caamada kudhex faafiya halhaysyada ah ‘Idinkaa la idin dan leeyahay’, ‘waxba nalooma ogola’, ‘waa nalagu soo duulay’, ‘xaqeena ma helin’, ‘looma dhamma’ iwm. Arimahaan oo ujeedooyinkoodu yihiin qof ama 2 qof inay masaalix gaara ku gaaraan, iyagoo ku qaraabanaya magacyo qabaa’ilo Soomaliyeed oo nolol iyo nabad doonaya, balse aysan u ogolayn noloshaas iyo nabadaas. Waxaana soo ifaf-baxaysa, dadkaas cimrigoodu inuu gabaabsi yahay, umadduna wacyigoodu kor u socdo, taasina waa Rabbi mahaddii.

    Salaam
    Mukha

  5. Dalmar Haji says:

    Salaan qaali ah ka dib waad salaaman tihiin asxaabta dhamaan inta wax aqrisa, wax fahamta iyo inta qoraalada u qaadatada qorshaha uu lee yahay.
    Marka xigta waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedin Walaalkeen qaaliga ah
    Bro Osman Allman iyo webkan qiimaha badan Somalitalk oo noo saamaxey inaan isku dhaafsano aragti,fikir,naqdi,amaan,talobixin,iyo dhalaceyn ku dhisan cilmi iyo caqli caadil ah .
    intaas ka dib qoraalka uu soo bandhigey qoraaga waxaan nooga baxey wax badan oo ku aadan xaalka u ku sugan yahay dalka iyo dadka soomalida
    asxaabta waxaa iiga baxey fikirkooda qaaliga ah iney ka yara baxeen xeerada iyo xirada qoraaga uu qormada u qaatey marka hadii ay dhacdo inaad ka dhax weyso ama ay il kale kaaga baxdo qoraalka waxaan is lee yahay ineysan noqon mid meesha ka saarta qoraalka ubucda iyo ujeedka uu hal beegsadey.
    wax badan ayaan ka afeefan lahaa inaan si kale u qaadno oodda anagoo indhaha saarneyno hal eray macnahiisa marka taas waxaan ku badali karnaa
    1- qofka walaalkeen ah hadii uu wax uun qabto qasab maaha inuu dhameystiro Alle ayey u sugnaatey dhameys tir Al kamaalu lilAllah.
    2- hadii ay dhacdo inuu wax ka tagey qoraaga anaga ayaa mudan ku biirino baahida markaa muuqata.
    3- dhaleyceyn iyo dhaliil wuu yeelan karaa qoraaga ama qoraalkiisa balse taa macnaheedda maaha inaan ujeeddada la aadno meel iyo maqaan aan u qalmin.
    Thanks,
    Dalmar Haji.
    PHP.

  6. Mohamed says:

    Runtii xog badan oo aan la ogeyn ayaad banaanka soo dhigtay iyo danaha guracan ee Somalia laga leeyahay oo ah in aysan weligeed degan.

    Waxaa maqaalkan iiga soo baxay afar arrimood kale ah:
    In waqtigan aysanba jirin cid shisheeye oo si daacad ah ugu garab taagan inay nabad ku soo laabato.

    In dhamaan dalalka ku lugta leh arrimaha Somalia ay dantooda tahay in Somalia ay sidan iska sii ahaato oo burburka uu ku socdo, madaxdooda la kala dulaalo, dadkeena ay meelaha iska habaabaan oo ay qaxooti iska ahaadaan, dalkana aakhirkii meel cidla ah laga qaato.

    Iyo in dalka ay dowlad ka tahay UNDP oo iyadu siday doonto ka yeelato dalkan inkaartu ku dhacday

    Suaashu waxay tahay goormaa caqliga iyo damiirku shaqeyn?

  7. wallahi olman waa nin jacel runta in uu shego marka hore taas wanku amanaya mida uu shegay siyasiyiinta somaliya been ma uu shegin marka sxb olman waxan kudhihi laha sxb haka dalin in aad umada somaliyeed aad ucadeyso runta ilaheyna hakula garab galo

  8. cabdinasir says:

    Waxaan jeclanlaha inaan ujawabo abukar,walaal erayga mahbar eed ledahay SSDF kali baa magaca la,oranjiray,sax ma,ah maxa yelay “ss
    df”tu waxay aheyd jabhadi uguhoreysay ee kacdoon siyasadeed kala
    hortimada nidamki u Hogaminaya Gen. Siad barre(all yaraxma) midaa
    baa keentay in lagumagacabo erayga “Mahbar”waxaan kuligeen lawada
    soconaa in Siad barre uu afsomaliga qani ku ah waxana tusale u soo-
    qadanaya erayga “Bililiqo” waa eray somaliyed oo caan ah lakiin isticmal
    kiisu wuxu sobaxay 1977 waqtigaso cidamada xoga dalka somaliyeed
    qabsadeen dhulka manta loyaqano(Ogadenia) ay ka qabsadeen Koloneyl
    Mingiste xayla maryan,Cidanka dowlada somaliya waxay bilabeen inay
    boobaan hanti daweynuhu si khas ah u leyahay markaasi Siad bare yiri
    “war bililiqada yaan la,idinkuleynin” eraygaa odayasha xilaga jogay oo
    afsomaliga si,qotodheer uyaqanay waxay ogadeen in eraygu somali sax
    ah yahay ilaa maantana eraygasi aad baa lo isticmalaa dhalanka yar bab
    ba garanaya,marka walal eryga mahbar kaas buu lamid yahay waana eray
    somali ah,anigu macnihiisa oo sax walaalken baan inoo bayaninyay oda-
    yal somali ah markan weydinayna sidaa bey inogushegeen una qadanaya
    hadaad diidi dee yeelka,erayaga “waa suuqi” baad tiri bal adiga hada eray
    cusub oo suqi balkeen inuu kuusocdo iyo inkale aan eegnee?dadka oo
    dhan erey tarikhi ah mawadasameynkaraan,Mahbarna wuxuu kamid yahay
    erayda tariikhda somalida galay waa runta in erayga isticmalkiisû sobaxay
    sidetaneyadii horanteda waxaa kaloo ladhihijiray “Kulmis” asgana somali
    ma,ah miyaa?asga iyo mahbar maxay kukalduwanyihiin?kulmis haduu somali yahaya waayo mahbar aad uudi inuu noqdo somali? anigu intaa baan ugaharay.

  9. Abukar says:

    Ma fileyn in ra’yigii koobnaa ee aan ka bixiyey qoraalkii walaalkeen Allman uu sababi doono jawaab celin iiga baahan faa-faahin dheeraad ah balse hadda waan ku khasbanahay si aan jawaab qancisa u siiyo Maryan iyo Mukha oo si caadifad ah ugu soo jawaabay qoraalkeygii gaabnaa. Waxaan rajeynayaa in jawaab celinteydu ay ka jawaabto dhaliishii Maryan iyo Mukha ii soo jeediyeen islamarkaasna iftiimiso sababta qoraalkii dheeraa ee Allman uusan u aheyn mid micno badan soo kordhiyey.
    Waa midda kowaade Allman wuxuu isku dayey inuu qeexo ereyga Mahbar isagoo sidaan noogu macneeyey “Ereyga Mah-bar waa erey micno balaaran leh, islamarkaana ka mid ah ereyo soo koobaya xubin ama Urur mucaarad ah oo ka soo horjeeda, nidaam hore u jirey oo qaabdhismeedkiisu ay diidan yihiin xubnaha Ururkaas, sidoo kale xubin ka mid ah maamulkii hore u jirey ama xubno kale oo cusub oo badanaa Ereyga Mah’bar adeegsada ama mas’uuliyiinta nidaam hore u jiray iyo taageerayaashooda ayaa adeegsada”.
    Qoraalka walaalkeen Allman meelna ma uga aragteen bal ereygaas meesha uu ka soo jeedo iyo xarfaha uu sheegay kuwa ay yihiin. Lixda erey ee Mah-bar maxey u taagan yihiin? Mah-bar waa luqaddee: ma af soomaalibaa, ma carabi baa, ma xabashi baa? Allman ma noo sheegi karaa hal buug ama wargeys oo eryegaas lagu soo qoray waqtigii dawladda mileteriga. Weligiin ma ka maqasheen ereyga Mahbar oo raadiyo Muqdisho ama Hargeysa looga dhawaaqayo?
    Waxaan qiyaasaya in ereygaas uu ahaa erey suuqi ah oo la kowsaday xilligii jabhadda SSDF ama KULMIS ay Itoobiya ka aasaasantay. Jabhaddaas waxaa u badnaa dadka Puntland ku abtirsada. Waxaa dhacday in Mah-bar uu noqday magac dadka deegaankaas ka soo jeeda oo dawladda ka soo hor jeeda loogu hal qabsado. Ma dhicin in markii SNM ama USC ay sidoo kale Itoobiya salka dhigteen si ay dawladda ula dagaalamaan loogu yeero Mahbar qabiilooyinka ay ka soo jeedeen SNM iyo USC. Taasi waxey kuu caddeyneysaa in ereygan uusan haba yaraatee wax xikmad dheer oo ka dambeysey aysan jirin oo sida uu Walaalkeen Allman uga dhigay erey adduunka laga isticamaalo aysan aheyn ee si uun uu isaga micneeyey. Allman qoraalkiisa wuxuu ku sheegay Mahbar iyo Munaafaq iney isku macno yihiin. Bal ereyga Mahbar meesha uu diinta kaga jiro oo lagu sheegay inuu la micno yahay munaafaq ma noo sheegi kartaan illeen qolooyin ka horreeyey oo Mah-bar la dhaho ayaa naloo ku sheegi lahaaye? Sababta aan u iri waa taas walaakeen Allman qeexid cilmi ku saleysan sooma uusan bandhigin.

    Midda labaad, Mukha waxaad mooddaa in jawaabta su’aasha aad i weydiisey ee ah cilmi baarista ee ka maqan qoraalka Allman laga dhex heli karo qoraalka aad igu naqdiyeyso. Waxaa tiri “Soo qoraalka kuma jiraa tixraacyo wadamo kale iyo kuwo, siyaasiyiin caalami ah iyo cilmi diineed? Marka hadii waxyaalahaas uu isku xiro oo macluumaad dhamaystiran iyo falanqayn (jihadii ay doontaba ha raacdee) uu ka sameeyo qof aqoon u leh oo ay kartidiisu gaarsiiyay qaab (critical) ah inuu wax u fiirsho, muxuu yahay ogaalka, xaqiiqaha iyo dhacdooyinka kale ee aad doonaysay ama ma cilmiyaysan aan oran karno?
    Fadlan iga tus qoraalka Allman tixraaca aad sheegtay iyo hal xog (source) ama aayad, xaddiis laga hubin karo sheekooyinkaas uu soo taxay Allman oo aan ka aheyn hal nin wareysigiis. Mukha waxaan filayaa in maah-maahdii walaasheen Maryan (LIBAAXA ISAGAADBA ARAGTAAYE RAADKIISA MAXAAD KA DOONDOONI) ay ku habboon tahay. Baarista Cilmiga ah ee aad sheegtay waa midda ka maqan qoraalka Allman ee maxaad kaloo i weydiin.

    Dhaliisha aan u soo jeediyey qoraalka Walaalkeen Allman ma ahan mid ku saleysan xumaan aan u qabo qoraaga ama wanaag aan kala bakhaylay Allman. Waa laga yaabaa in jawaabteydii gaabneyd ay Mukha iyo Maryan ula muuqdeen inaan weerar ku ahay fikirka qoraaga ama sheekadii uu soo taxay ay si gooni ah ii khuseyso. Haddaba saas ma ahan ee wax naga dhexeeya Allman ama Mah-barka uu ka hadlayo ma jiraan. Maadaama meeshan Comment loogu talagalay ayaanan war badan soo qorin oo ku soo koobay sida qoraalkaasi uusan xikmaddiisu iyo fara badnidiisu isugu miisaaneyn.

    Mahadsanidin

  10. Guled MM says:

    dad badan ayaa waxaa ka dhaadhacsan, in soomaalidu dirirtay,taasow haddana gaari waysan tahay, heshiis & nabad, balse anigu fakirkaas waa mid aan is leeyahay , meeshii ku habooneyd lalama aadin, sababtuna waxay tahay, dagaalka soomaaliya ka socdo, waa mid uu wato MAHBARka allman sheegaya, inkastow hoosha qabiil marka hore ay u bilaabeen kuna fushadeen, danahooda uu shisheeya ka danbeeya, haddana maanta kuwa taagan, waa kuwa ka xun kuwii shalay sow marey , kuwaasow ku ganbanaya magac diineed, ama magac dowladeed, shacabka soomaaliyeed Goorma ayuu nasiib u helli doonaa siyaasi dalka & dadka daacad u ah, kaasow ku shaqeeya wadaniyad, kana fog tallooyika shisheeya, waxaan ogsoonahay dal waliba dalka uu ka hogaan fiican yahay wuu ka hor marsan yahay, marka soomaalidu waxaa ka lumay hogaan haddii hogaan fiican ay hellaan, waxay noqon lahayeen dad jiro, balse sida lugu helllo ayaa adag oo muddo ayee qaadanaysaa, & sidee kale sidii looga taqluusi lahaay kuwa haatan naga hor muuqda , ee ummaddii & dalkii u kale qeybiyay Qabiil , & gobool. & diin, & koox,

  11. cabdinasir says:

    Waxaan mahad baradhan ucelinaya websidkan inoo suragaliyay inaan dalacano maqalada quruxda badan ey bulashaweyna somaliyeed u baa
    hantahay,Mahbar moye somali muwadin maleh,aad buu iisojitay aniga iyo a
    akhristayaal badan oo sharaf le,mawaadiic badan buu inoo iftimiyay wal
    aalkeen,Erayga mahbar anigo caruur ah maan maqlijiray lakiinse mac
    niihsa ma,aqonin, wallken maxamed baa ii bayaniyay wuna ku mahad
    sanyahay,hadaan qeybo kamid ah maqaalka aan ka hadlo,sida khilaafka ma-daxweyna somaliya SHekh shariif iyo Ina cabdirashiid cali sharmarke,waxbadan oo iga haadsanaa baan ogaday halka uu salka ku
    hayo iyo mesha uu ka so askumay,waxana beys u ah faragalin shisheeye
    nin waliba oo somali ah markuu xukunka kadhoco wuxuu yiraahdaa gacan
    shisheeya usabab ah,talow shisheyuhu muxunagaraba?ulajedadiisu waa
    maxay? anigu waxaan qabaa in anaga dhexdiinu dhibka ka imanayo anga
    balayo iyo hoog qabna umadaha dariska nala ah shisheye muu qaso anag
    uun muxuu nagasodonayaa,majileec buu nagu arkay?
    anigu waxaan qaba wadaniyad xumana weyjirtaa oo ninka muwadinka xa-
    bashiga ahi wadankiisa qalalaase inuu kadhoco madonayo,xiligii dorashada
    wadanka Kenya dhib aad ad u weyn baa kadhacay mana aysan burburin
    waayo waa wadaniyiin,qiimaha dhulku u leyahay bey fahmasanyihiin.
    Somali maryoley waligeed wey huradaa aabayaasheen baa sidaa ahaan jiray baanu ku heynaa,Wataan xabashi afka ciida udarnay walahi malinkaan
    nabad helno waa layabi,nabadu cirka miyey ka,imani?mise daruuraha hi
    lacey lasocotaa? hadaan anaga isxalin weyno cid waxnoqabata walee inaan laheleyn, allow adaa nomaqan,ceelna uma qodna cidna uma maqna.

  12. Mukha says:

    Salaamu Calaykum (reer Somalitalk, qoraalkaan danbe ayaa sax ah)
    U jawaabid Abuukar ::: War ragga kala celiya!!!:::,
    Waxaan doonayaa inaan jawaab yara siiyo walaakeen Abukar iyo faaladiisa. Kow Abuukar wuxuu yiri “Qoruhu ama walaalken Allman ku guuldaraystay oo kama jawaabin cinwaanka mawduuca ee kalmadda Mahbarka”. Walaal Abuukar, hadii aad qoraalka si feejigan u akhrin lahayd, si cad ayay jawaabta kalmadaas u heli lahayd oo waliba u fudud inuu kadhex fahmo ama kala soo dhexbaxo qofkii iskool dhigtay, meelo badana tilmaamo muujinaya Mahbarnimada ayuu Qoraagu kusoo taxay, sida markuu muujinayo sifooyinka eexasha……etc.

    Sidoo kale qofku haduu leeyahay tayyada isku xirka dulucyada hadalka iyo meesha ay u biyo dhacayaan, fahanku wuu u sahlanaan. Jumlooyinka hoose oo dhan ee tilmaamaya siyaasiyiinta Soomaliya iyo sida loogu kala shaqaysanayo, ayaa sii cadaynaysa jawaabta cinwaanka iyo isku xirka sifooyinkooda iyo tilmaamta Mahbarnimada. Gabogebadiina, Qoraagu xusuustaada ayuu dib u celiyay, bal waxaad soo akhrisay iyo cinwaanka inaad isku xirato.Marka waxaan kala garan la’ahay Abuukar inuu qoraalka akhriyay iyo inuu kalmaddaas uun ka argagaxay, koleey walaalku isagaa arinkaa naga ogaal badan.

    Abuukar wuxuu kaloo yiri, Qoraagu cilmi kuma dhisin qoraalka, waraysi hal nina laguma agoon karo xaqiiqda. Markaa waxaan Abuukar waydiin lahaa horta muxuu yahay cilmigu? Ma inaad soo guuriso qof wuxuu qoray baa? Ma inaad xafiddo qof wuxu qoray oo aad waxaaga ka dhigato, qofkina qarisaa? Mise cilmigu waa ogaal, garasho iyo aqoon oo hadii ficil ahaan loo rago ah inaad aqoon ahaan kasbato xaqiiqooyin dhacay iyo macluumaad waafi ah, dabadeedna fahankaaga kuu sahlo inaad falanqayso oo rogrogto, taasoo kuu sahlaysa inaad saadaalin karto ama kajawaabi karto waxyaalaha dhacay sababta ay u dhaceen iyo kuwa dhacaya sababaha keenay, meelaha ay kuwaas kaga egyihiin iyo qaabka kuwaas loogu guulaystay/badbaaday, kuwaan lamidka ahna loogu guulaysan karo ama badbaadi karo.

    Hadaba, markaan usoo noqono, qoraalkii dheeraa ee Allman, waxa kuqoran, soo maaha xaqiiqo dhacaya oo aan caalamkeena maanta aragno? Soo maaha waxyaalo soo dhacay oo dalkeena iyo dadkeena aan usoo taagnay? Soo qoraalka kuma jiraa tixraacyo wadamo kale iyo kuwo, siyaasiyiin caalami ah iyo cilmi diineed? Marka hadii waxyaalahaas uu isku xiro oo macluumaad dhamaystiran iyo falanqayn (jihadii ay doontaba ha raacdee) uu ka sameeyo qof aqoon u leh oo ay kartidiisu gaarsiiyay qaab (critical) ah inuu wax u fiirsho, muxuu yahay ogaalka, xaqiiqaha iyo dhacdooyinka kale ee aad doonaysay ama ma cilmiyaysan aan oran karno? Mise aftida iyo fikradaha bulsho waynta iyo qof walba oo aqoon sheegta ilaa la warayso, cilmigu xattaa looma dhamma, looma dhamma dunida naga reebtee?

    Tan sedexaad, hadii aad doonayso inaad ka faalooto oo dhaliilo dhab ah kasoo saarto qoraal intaas dherer le’eg, waxaad ubaahan tahay inaad qoraalkana soo fahanto, wax soo baarto, kadibna wuxuu qoray xaqiiqooyin diidaya aad nasoo hordhigto, laakin labo sadar oo caata ah inaad wax ku cambaarayso, inaad iska xishooto ama walaalka juhdigiisa u qirto, ayaa ka sharaf iyo siyaasad qurux badnaan lahayd.

    Ugu danbayntii oran maayo, qoraalku dhaliil malaha, balse walaal Cabdalla ayaa si caqli oo hadana cilmiyaysan u falanqeeyay, isaga ayaana ku raacsanahay iyo dabcan walaalaha kale oo dhan ee taageeray xaqiiqaha ay usoo taagnaayeen iyo dhabta badan ee qoraalka ka buuxda.

    Marka waxaan kugula talin lahaa, inaad wax miizaanto, kadibna hadii wuxu kubadan yihiin wanaagga, aad taageerada badiso, hadii ay xumaantu kubadan tahayna dhanka kale u badato, laakin qofku markii uu meel cidlaa ka dido, waa sedex midood, ama garaadkiisa ayuu muujin, ama wax loosoo min guuriyay ayuu akhrin ama fariinta ayaa ku ah falaar lagu soo gamay. Allman waxaan ku leeyahay ‘well done’, canbaarayn walbana u qaado opportunity and challange, labadaas oo kobcinaya qofka garaadkiisa, ahna labo sifo oo lagama maarmaan ah, hadaan horumar doonayno.

    Salaam
    Mukha.

  13. maryan nuur says:

    A/W/W. Waxaan mar badan oran lahaa walaal halkaa ka wad ifinta iyo tilmaamida umadan aan cid u maqani jirin iyana aan is ogeyn waxay ku sugan yihiin, marka labaad waxaan la hadlayaa walaalkey ABUUKAR, waan ka xumahay in aad ku meeraysato meel soke, soomaalida mar horey hadashoo tiri, (LIBEEKA BARTIIS BAA ARAGAASEE RAADSHEY MAY IN WEYDIIDE ) oo hadaan maxaa tiri kuugu sheego ah (LIBAAXA ISAGAADBA ARAGTAAYE RAADKIISA MAXAAD KA DOONDOONI) waxaan ula jeedaa walaal Allman waxba muureebin, si cilmiyaysana wuu u dhigay, hadalka si xirfadaysana wuu u yiri, wuuna kuu bidhaamiyay halka xaajadu ka qurun santahay, mid caalami iyo mid gaaraba, waxaaana ku raacsanahay dadkii hore uga soo jawaabay iyo inta walaalkey ABDALA kaga hadlay marka abuukarow adiguba cagligaaga ku darso oo ujeedooyinka badane laga soo hadlay miyaanay wax diiriimad soomaali u turid ahi ku gelin, mise cilmiga iyo jawaabaha aad sheegayso kaagama dhex muuqdaan,
    Hadaan markale u soo noqdo Allman wixii uu noo bidhaamiyay dad badan oo aqoonyahan soomaaliyeed oo og ayaa jira misana aan soo ban dhigi karin sababo siyaasadeed awgood, Siyaasiyiinta soomaalidana waa sidoo kale oo maanta waxaa taagan car hadal ama wir waryaa, Dal iyo Dad ka hadal, marka allaha deysto kii ka damqaday waxyaabihii uu maqlay ama arkayba in uu umadiisa u soo bandhigo, yaan la baqin, yaana laga yeelin tuugta dadkeenana dhamaashahooda iyo dal laáanta inoogu tala gashay.haloo midoobo maskax iyo muruqba hala geliyo waxani sidii looga hor tagi lahaa ama loola xisaabtami lahaa.

    TOOWFIIQDA ALLAHA NA WADAAJIYO
    WABILAAHI TOWFIIQ

  14. Abukar says:

    In kastoo qoraagu geshay waqti badan sidii uu uga jawaabi lahaa su’aalo badab oo muhiim ah oo uu ku soo qaaday qoraaalkiisa sida micnaha ereyga Mahbar, hadana waxaad mooddaa inuu ku guuldareystay jawaab u helidda su’aalahaas sababahan awgood.
    1- Wareysi hal nin laguma ogaan karo xaqiiqda dhibka Soomaaliya iyo baaxadda faragelinta shisheeye
    2- Cilmi baaris ku saleysan aqoon ma uusan sameyn qorohu ee fikirkiisa oo aan wax caddeyn ah ka dambeyn ayuu soo qoray.

  15. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Allman, waan kaaga mahad celin qoraalkii dheeraa ee sababay inaan dhamaysan koobkii shaaha ah ee ii shubnaa, wuxuuna ahaa mid xambaarsan macne iyo macluumaad badan, ha noqdaan macluumaad lala socday oo kugu kordhinaya falanqayn iyo fakar ama ha noqdaan macluumaad cusub’e. Walaalihii iga horeeyay ayaan ku raacsanahay inbadan oo kamida faalooyinkooda.

    Falaqayn Qoraalka
    Waxaanse si kooban usii oran karaa wuxuu ahaa qoraal dhadhan leh, waxbadan koobaya, taabanaya nolosha aadanaha,baahiyihiisa, siduu isku rarto, siyaasadda dunida guud ahaan iyo gaar ahaan siyaasadda dunida ee kuwajahan Soomaliya, dhaqaalaha iyo dawrkiisa, masaalixda ishardinaysa iyo ugu danbayntii siyaasadda Soomalida siday ku abuurmato, ku hanaqaato, kuna burburto iyo tayyada dadka matala Soomalida. Wuxuu kaloo dhan ka tilmaamayay ogaansho la’aanta badan ee haysata shacabwaynaha Soomaliyeed. Waxaana hubaala qofkii arimaha Soomaliya danaynaya ama wax uun kala socda oo wacyi ahaana baraarugsan inuusan ku dheeraanayn akhriskiisa, waxbadnaa ka faa’iidaysan karo, waxaana ka muuqata inaad wakhti fiican oo uu istaahilo gelisay.

    Dhanka kale, hadaan si ‘critical’ ah u fiirsho, wuxuu qoraalku xooga saarayay oo falanqaynayay jahawareerka jiray iyo digniinaha, arimahaan oo sii kordhiya mushkiladda, waxaana ku yaraa bidhaamin xagga xalka u janjeera iyo talooyinka, walow qoraalku uu talooyin toosa oo wax ku oola usoo jeediyay ururka Al-Shabaab, laakin hadana talooyinku ma badnayn. Sababtoo ah qofka og waxbadan ama waxaas oo mushkilaad ah iyo siday lakabyo u kala leeyihiin, waa qof fakaraya, sidaa awgeed, shakki kuma jiro inay u bidhaami karaan xalal iyo talooyin, kuwaan oo rajjo gelin kara inta niyad nadiifka ah iyo guud ahaan shacabwaynaha Soomaliyeed ee madluumka ah, marna aqoon yaridu bahdishay.

    Sidoo kale qoraalka waxaa kujiray arimo xaqiiqdooda dood geli karto sida dalka Liibiya oo ubaahan ‘arguments’ ka culus inta meesha kuqoran oo ku fadhiya sababayn ‘mandiq ah’ sida dalalka kale, walow dhan kale markii la eego arimahaas ahaayeen falanqayn ‘analysis’ oo aysan khasab ahan 100% inay sax noqdaan, balse yihiin saadaalin lagu dhisayo aqoon, khibrad iyo cilmi baaris la isku geeyay.

    Talo
    Si kastaba ha ahaatee, qoraalku wuxuu ahaa dahab ugu danbayntiina wuu ka jawaabay su’aasha cinwaanka, dadka Soomaliyeedna wuxuu uga tagay inay fakaraan, xujjana ku oogo. Waxaana talo ahaan kuugu soo jeedin lahaa inaad buug yar oo kooban ka diyaariso, kadibna Somalitalk baahiso, si uu dad badan u gaaro.

    Markale mahadsanid, falanqaytaydana u qaado ‘constructive’, qoraaladada hore ayaana kadhex dareemi jiray inaad tahay ‘nin-culus’.

    Mahadsanid

    Wassalam
    Cabdalla.

  16. abdo gadir says:

    ustaad soo qoray & bahda somalitalk wan umahad naqayaa, waxaan ahay qof dhalinyara ah oon joogin dalkiisa lkn waxan aad u akhriyaa maqaalada ka hadlaya siyasada oo aa int abadan ka helo somalitalka maqaala dhaxal gal ah mar waliba oon maqaal akhriyaba waxan is waydiiyaa yaan aaaminaa oo xogta dhabta ee maanta ka jira dalka nooga sheekayn karo??/ bexouse siyaasiyiintiinii aqoonyahanadi maanta somalya i malinba meel ayey noo jiidan tooda usaxan mrkasto lkn markaan maqaalkaan akhriyey waxaa daremay in an ka fogeey dalkeeyga, waxaa ka codsan ustad maxmed & bahda somalitalk inay ku xiraan dhalinyarada maanta jirta ee wax akhrisa dalkood ooy waxii muuqda & ku waan muuqanba nooso gudbiyaan,
    runta waxay ila tahay hadan nahay brbartii maanta inayna aheeyn xiligii an ka fikiri laheyn sixitaanka mas’uulind & gafafkooda aan ooga baahi badanhay maanta hilitnka macluumad sax ah & waxa ka socda dalka oo aan ku dhisno fikirkeena
    markala aad ayaan ugu mahadcelinaaya qoraga dhalinyrad qolol aya lagu xirta xogta dhabta ma hayaa ee bahda saxaafada mas’uuliyada aya inka saaaran inaad uso gudbisan xogta,badisaana qorald noocan oo kale ah

  17. Shukri says:

    Aaww
    Alle ka sokow waxaan mahad ballaaran u celinayaa bahda Somalitalk iyo walaalkeen All-man iyo weliba intii feker ku darsatey, waana maqaal koobid badan arimaha Soomaaliya iyo inta ku luglehba. Waxan dhihi lahaaba waxa yiri walaal Cumar oo jawaabta igaga horeeyey, laakiin su’aal uu Cumar yiri ayan kaga jawaabi: Maya, ma sugeyno inta mowdka naga haleeli inshallaah, ee waa inaan xalka raadinaa, aniga waxan ku talin laha marka hore in la aruursho taloyinka oo Web. SomaliTalk ay noo sameyso bog lagu soo qoro taloyinka sidii loo badbaadin laha Soomaaliya dal iyo dadba, inta wadaniga ah ee taloyinka wanaagsan yeyna nagala baqeylin, ka bacdina aan ka qaadano talooyinkaas kuwa waxtarka leh, kuna camal falna taloyinkaa lagaga samata bixi karo anago Allena talasaaraneyna. Waxaana rajeynaya haddi si niyad ah loo doono xalka in la gaarayo inshallaah. Inaan la yareysan howshaas, ‘talo waa tii Alle ee Alle ha na waafajiyo aamiin, aamiin, aamiin.
    Aaww

  18. waxan kaaga mahad celinayaa sida xirfada iyo waayo aragnimada ku jirto ee aad qoraalkan u diyaarisy mudane, marka xige waxaan ku leeyahay haday dadku kuwaayo qaadanayaan qoraalkaagu waa xog la ooran karo waa mid xaqiiqda ku salaysan ,sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa in aad qoraalkan soo daba dhigtid ama aad soo raacisid mid kale ood ku cabiraysid sida aad u aragto xalka waxaanan ku leeyahay mahadsanib kun jeer.

  19. Cumar says:

    Asc,
    Muxammed (Allman), mahadi hakaa gaadho adiga bahda webkaaan Soomaalitalk, dadalaaka weyn aad ku bixisay qaadaadhigga maqaalka ruxay quluubta ruux kastoo dareen iimaan fayow iyo waddaninimo ay ku harsaneyd. Sida xaqiiqada marag ma doontada ahi loogu saleeyay iyo habsamida iskudubbaridnaatiisa loo xushay intaba; walba waxaan dhihi karaa wuxuu koobayaa buug weyn haddii xogta la hayo lagu sii faahfaahiyo oo dhiraandhirin iyo taxliilin u wada noqon kara tixraacyadii hore loo rekoor gareeyay ee waafaqsan maqaalka.
    Haddaba garanay oo ruugnay maxsuulka hadimada naloo hadoodilay xaalka maanta, waayihii hoee tegey ka mustaqbalka dhow iyo ka fog, qorshaha sida wax isugu jaan go’an yihiin waa muuqaal cad.
    Waa iga su’aal ma cimrigaan sugnaa inta malakulmawdku naga adeegayo ama xal aqoon, farsamo iyo xeel ku fadhiya kaasoo Allaah (SWT) raalli ka yahay oo bahalnimada, daneysiga iyo iimaaan daba rogan ka fog ayaan heli karnaa? sidee loo heli? karkii kor noo dhaafye kifaayana ka gudubnaye maxaa kaloo haray ? Allow adaa Kariim ahe naga kaal kadeedka.