Mah-bar Mooyee
Muwaadin Ma Leh Siyaasiinta Soomaaliya!!
Maxamed
Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Fadlan
akh-riste ha fududeysan qormadan, ha dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka
hadal buu kuu noqon ama dhalanteed, waana waxa jira oo xujo kugu ah, wax ka
qabashadeeda adiga ayey kuu taal, Soomaalidu waxay tiraahdaa war la helaa
talo la hel, Warr, Waran iyo Talo midkaad doonto u qaado, intaas weyga
Afeef, laakiin Akh-ristayaasha sharafta leh, qoramadan waxaan ku soo qaadan
doonaa, qaybaha ugu muhiimsan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,
dib u eegis qaybo ka mid ah qaabkii ay wax u socdeen shirkii
dibu-heshiisiinta ee lagu soo gebagebeeyey 2009-kii caasimada dalka Jabuuti,
sidoo kale waxaan ku soo qaadan doonaa qaabka faragelinta dowladaha
horumarey ee caalamka ugu sameeyaan dowladaha kale iyo qaybo ka mid ah hab
dhaqankooda muuqda iyo kuwa qarsoon ee aan wali la islafahmin.
Waxaa kale oo
aan ku soo qaadan doonaa qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha UN-ka ee ka
hawlgala dalka Soomaaliya iyo wax lagu sheego NGO,s-yada gudaha iyo arimo
kale oo muhiim ah, waxaana ku soo xireynaa qormadeena qaar ka mid ah
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka Jabuuti aragtidooda ku
aadan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo waxa ay ku
talinayaan.
Sida la wada
ogyahay dunida aynu ku noolnahay, guud ahaan noloshu wey balaaran tahay,
marka laga hadlo bani’aadamka, hadba si ayuu noloshiisa u maareeyaa, qaar
waxay noloshooda ka raadiyaan wax soo saarka dhulka, Kaluumeysi iyo Xoolaha,
halka qaar kale ay ka gudbeen dhamaan arimahaas oo waxayna gaareen heer
warshado soo saara allaabo kala duwan oo aysan ka maarmin nolosha
bani’aadamka, kuwaasoo isugu jira kheyraadka dhulka hoostiisa ah, badda,
hawada iyo Qoraxda.
arimahaasi iyo
kuwo kale oo badan, waxay qayb ka yihiin maareynta nolosha bani’aadamka,
taasoo aakhirkii keentey in lagu tartamo soo saarista kheyraadkaas kala
duwan iyo sida looga faa’iideysto, heer aadanuhu uu gaaro in qaarba qaarka
kale uu u xoog sheegto, isagoo adeegsanaya, waayo aragnimada kala duwan ee
uu ka heley nolosha aduunka ee leh Aqoon, Dhaqaale iyo Awood.
Taasina waxay
keentey in bani’aadamku uu isu adeegsado, aaladaha kala duwan ee uu kaga
hormarey midba midka kale, balse kuma ekaan adeegsiga aalahadahan kala duwan
ee uu gaarey oo wuxuu gaarey in uu isu adeegsado wax ka duwan waxyaabaha la
isla bartey, sida hubka, qalabka kale ee wax soo saarka iyo tiro badnaanta
dadka, laakiin waxaad moodaa adeegsiga hubku, in uu noqdey mid la wada
ogaadey faa’iidada iyo khasaaraha uu u leeyahay aadanuhu, laakiin maanta
waxaa la islamarayaa in la sameeyo wax ka duwan dhamaan arimihii la isla
ogaa, gaar ahaan dowladaha horumarey.
Sababtoo ah,
sida loo abuuro beeraha ayey colaada isugu abuuraan dowladaha dunidu
xiligan, abuurista colaadaasi, waxay leedahay wajiyo kala duwan, sida mid
xuduud qaarad ka qaarad, Gobol ka Gobol, wadan ka wadan, loolanka talada
dalalka aduunka dhexdooda IWM, abuurista colaaduhuna, waxaa la ogaadey in
lagu kala helo waxyaabao badan oo aan la soo koobikarin, sida dayowga
aqoonta leh ee Qaarad ka qaarad ka ymid, wax garadkooda, maal qabeenadooda,
taariikh yahanada ay leeyihiin, waxyabihii ay hodanka ku ahayd Qaaradaasi
nooc kasta uu yahay ama wadankaas, ayaa waxaa lagu helaa oo si fudud u fir
fircooni gelineysa hawlaha shaqo iyo kuwa warshadeed ee dalallkii ay u
yimaadeen. Sidoo kale waxaa cilmi baaris lagu sameeyaa halka ay ka soo
jeedaan faraca dadkaasi, is-bedelada ku dhaca dadkaasi iyo adkeysiga ay u
leeyihiin jawiga cusub ee ay tageen.,
Waxaana shaqo
abuuris nooc kasta ah ka hela, dadyowga cusub iyo kuwa looyimid intaba,
deegaankuna wuxuu noqdaa, mid sameeya Is-bel dhakhso ah oo aan hore loogu
talo galin, waxaa camirma deegaanka oo dhan, indhaha bulshadaasi kala duwan
ee isku dhacaya, waxay sameyaan Is-bedel xadaaradeed oo ka bilaabanaya
xiligaas, waxaana meesha ka sii baxa, dhaqan hore meesha uga jirey ee ahaa
mid mudooyin badan soo jirey nooc kasta uu yahay, islamarkaana ahaa mid sii
socdey, inkastoo dhaqanada qaar ay si dhakhso ah meesha uga baxayaan,
hadana waxaa jira kuwo mudo sii jiitama.
Hadana Inta
badan waxaa dhacda, dadyowgii cusubaa dhaqankooda, taariikh wixii ay
lahaayeen iyo luqadoodii, ayaa si dhakhso ah meesha uga baxda oo waxayna
qaataan dhaqanka cusub ee ka dhashey isku dhaca dhaqankooda iyo kan cusub ee
ay u yimaadeen, sababtoo ah, dadyowga cusub kuwooda waaweyn ee da’da ah,
islamarkaana xifdisan dhaqankoodii, ayaa maalinba maalinta ka dambeysa
meesha ka sii baxaya sababo dhimasho, mid da’da ah iyo mid caafimaad oo la
soo gudboonaata bani’aadamka inta uu nool yahay.
Taasina waxay
ka sameeyaan dadyowga dowladaha horumarey ee loo yimid, filimaan fara badan
iyo buugaagg taariikh ah oo qaarkood lagu dhexdaro aydiyoolajiyada cusub ee
la la doonayey, mustaqbalkuna waxaa looga dhigaa jiilasha cusub ee ku
dhashey halkaas iyo kuwa ku dhex jooga dalkii laga soo haajirey ee ahaa
jiilasha cusub dhaqankooda, waxaa kale oo intaa dheer kooda aqoonta leh ee
muhandaska ah dadyowgan cusub ee soo hajirey, waxaa uu soo bandhigaa,
aragtiyo wax ku ool ah oo ka duwan, kuwan ay u yimaadeen, waxaana si dhakhso
ah loogu sameeyaa aragtiyadaas cusub, cilmi baaris deg deg ah, dabadeed
isagii soo hindisey ayaa dib loogu celiyaa oo la baraa waxani qiimaha uu
leeyahay dhamaan arimahaas iyo kuwo kale oo badan ayuu bani’aadamku xiligan
isku hayaa.
Taana waxaa
daliil u ah, eeryga Al-qaacida iyo waxa lagu sheego Argagixiso la dagaalka
ee Qarnigan 21-aad ka qarxay dunida idil ahaan oo markaad si qoto dheer loo
eego, sida ay u dhan yihiin labada kooxoodba, waa wax isku meel u socda oo
ay abuureen dowladaha waaweyn ee Dunida, ujeedaduna waxay tahay, sidii looga
hortagi lahaa mustaqbalka, wax, awoodooda wax u dhimaya noockasta ay yihiin,
sida ay sheegtaan kuwan lagu sheego Al-qaacida oo ah in ay soo celiyaan
Khilaafo Islaami ah, marka si aysan usoo bixin wax la yiraahdo Jihaad ama
Khilaafo islaami ah iyo waxa ay la imaankaraan mustaqbalka dadyowga
islaamka, in laga sii sameeyo ama ay sii tijaabiyaan xiligan dadka
muslimiinta oo ah awooda kaliya ee maanta dowladaha horumarey ay isha ku
hayaan, dhaq dhaqaaqooda, taasoo ah ujeedada dowladaha horumarey, marka
aynu ka qiyaas qaadano saynis-yahanada soomarey dunida oo marka ay wax
baarayaan u kala saara muxaafid iyo mucaarad ama NEGATIVE iyo POSOTIVE.
Sababtoo ah,
marka si qoto dheer loo dhuuxo qaabka ay wax u socdaan iyo awoodihii kala
duwana ee soomarey caalamka, kuwooda uga dambeeyey, waxay ahaayeen kuwo
casharo badan laga barankaro, hadii la sii faah faahiyona, dunida xiliagan
waxa ka jira, maamulo iyo maucaaradkooda, kuwaasoo ay abuureen dowladaha
waaweyn ee caalamka, waxaad qaybaha warbaahinta caalamka ka maqleysaa ama ka
arkeysaaa, maamul saxan oo laga sheegayo khaladaad uu ka galey dalkiisa iyo
dadkiisa, dowladaha kale ee caalamka oo aan lahayn awood dhaqaale, mid
aqoon, mid siyaasad fog iwm ee dalkeeda keliya la daalaadhaceysa
mas’uuliyiintooda, waxaa dhegaha loogu shubayaa in wadan hebel uu shuruucda
caalamka jebiyey, sidaas darteedna loo baahan yahay in tilaabo laga qaado,
maadaama sharciyadaas loo sameystey in lagu caburiyo dowladaha aan lahayn
wax lagu sheego codka Vito, isla xiligaas wixii ka dambeeya dalkaasi waxaa
lagu qaadayaa weerar dhinac kasto ah oo waxaa laga dhigaa mid ka go’an
aduunka intiisa kale, dabadeed waxaa loo diyaarinayaa koox mucaarad ah oo
taageero dhinac kasta ah lagu siiyo duminta ama bedelaada maamulkaas,
waxaana meesha kaaga cad in halkaas laga abuurey colaad cusub oo aan hore u
jirin.
waxa keeney
arintaasina marka dib loo eego, inta badan ugu dambeyn waxaa lagu sheegaa,
arimo dhaqaale, mid deegaan, mid siyaasadeed oo uu dalkaas leeyahay,
islamarkaasina loo arkey mid ku socda hab ka duwan kan ay iyagu doonayaan
dowladaha waaweyn ee dunida, marka si loogu soo duwo wadadaas, waxaa lagu
abuuraa buuq iyo qalaan qul uusan hore ugu jirin, dabadeedna waxaa kala fur
furma, shabakadihii awooda badnaa ee dalkaas uu lahaa, ugu dambeyna wuxuu
noqonayaa, maamulkaasi mid meesha ka baxa waqti kasta ha gaaree, ilaa uu
ogolaado waxa laga doonayo.
Kooxaha
mucaaradka ah ee loo abuurey dalkaasi, hadba si ayey dowladaha dunidu, magac
ugu bixiyaan, dowladii Militeriga ahayd ee Soomaaliya, kooxaha ku kacay
waxay u bixisey “MAH’BAR”, hadaba ereygaas muxuu yahay?, Goormuu soo
baxay?!, Xiligan dalka Soomaaliya maka jiraa?! Ujeedadiisu maxay tahay?! Yaa
gacan siiya?!, Akh-ristaha sharafta lahoow dhamaan su’aalahaasi iyo kuwo
kale oo badan, waxaa loo baahan yahay in qaybaha kala duwan ee shacabka
Soomaaliyeed uu isla fahmo, iyadoo la eego kuwa ugu daran uguna sii dar
daran?!!
Ereyga Mah-bar
waa erey micno balaaran leh, islamarkaana ka mid ah ereyo soo koobaya xubin
ama Urur mucaarad ah oo ka soo horjeeda, nidaam hore u jirey oo
qaabdhismeedkiisu ay diidan yihiin xubnaha Ururkaas, sidoo kale xubin ka mid
ah maamulkii hore u jirey ama xubno kale oo cusub oo badanaa Ereyga Mah’bar
adeegsada ama mas’uuliyiinta nidaam hore u jiray iyo taageerayaashooda ayaa
adeegsada.
Nidaamyada
hore uga jiray deegaanada qaar ee caalamka, Ruuxa laga dareemo Mah’bar-nimo,
waxay kula dhaqmaan, dil, caga jugleyn, xariga iyo maxkamadeyn, iyadoo
mararka qaar keento in Ururka diidan nidaamkaas uu isna sameeyo fal celin
joogto ah oo isugu jira dagaal, adeegsiga dacaayado kala duwan oo leh kuwo
muuqda iyo kuwo qarsoon iyo abuurista degenaasho dari iyo is-bedel ka duwan
habdhaqankii hore ee nidaamkaas ku hagayey maamulkiisa Deegaanka, taasina
waxaa dhibaato badan ay ka soo gaartaa shacabka maamulkaasi.
Inkastoo
maamulada dowladaha kala duwan ee ka jira dunida ee laga soo horjeesto
qaarkood hadba si ay u maareeyaan, iyadoo aysan adeegsan wax lagu sheego
xoog, islamarkaana ay u isticmaalaan nidaam ka khatarsan midka xooga ah oo
marka loo eego guud ahaan dowladaha horumarey iyo kuwa la jaalka ah, hadana
hadii aad eegto dalalka lagu sheego dunida seddaxaad waxaa ka dhaca,
waxyaabo badan oo aan la soo koobikarin oo uu ugu horeeyo xoogg IWM.
Sababtoo ah,
Sababaha keena abuurida nidaam diidnimo ama mah’bar oo dal dhexdiisa ka
dhaca, waxaa ka mid ah wax is-daba mariska, eexda, laaluushka, lusasho hanti
qaran, mid dadweyne, jebinta xeerarka guud iyo kuwa gaarka ah ee dalkaasi uu
leeyahay iyo dadyow u halgama xoriyadooda ayaa waxay u horseedaa, wax aan la
qiyaasikarin.
Arimahan ayaa
sidoo kale waxaa qayb libaax leh ka ah, faragelinta dowladaha shisheeya ee
ka jira caalamka, waxayna leeyihiin, kuwo ku bilowda hab derisnimo oo ka soo
if-baxaan nidaam diidnimada, kuwo hore u gumeysan jirey oo damac kale ka
soo gala in dib ay ugu noqdaan dalkii ay gumeysan jireen, kuwo hore xooga
loogu haystey oo xoriyadooda u dagaalamaya iyo kuwo qaab saaxiibtinimo ku
bilowda oo isu bedela dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Danahaas
is-diidan waxay keenaan, dagaalo daba dheeraada, bur bur dhaqaale goobta uu
ka dilaacey nidaam diidnimada iyo dowladaha kale ee danaha ka leh dalkaasi
qaarkood oo ugu dambeyn ku fashilma danaha ay ka lahaayeen, islamarkaana uu
soo wajaho qalalaase aan hore looga fiirsan iyaga dhexdooda, maadaama uu
halkaasi uu ka jiro hardan xoog badan, waxayna horseedaa in dalal kale uu ka
sii qarxo nidaam diidnimo, iyadoo aan la soo af-jarin kuwii hore, sida
dagaalada ka socda dalalka Af-gaanistaan, Ciraaq, Soomaaliya IWM oo laga
barankaro casharo waaweyn oo taariikhdu ay in badan xusidoonto.
Inkastoo
dowladahan colaadaha xiligan ka jira, marka si guud loo eego laga
dheehankaro in ay isku guruub ku jiri jireen xiliyadii hore, sida Gaashaan
Buurtii Waarso oo midowgii sofiyeetiga hormuudka ka ahaa, hadana marka laga
reerbo dalka ruushka, dowladahan waxay ka mid ahaayeen dowladaha ugu awooda
badan Ururkaas, waxaana ku xidideystey khubaro kala duwan oo ku takhasusey
nidaamkii shuuciga ahaa, islamarkaana laga yaabo in ay dib u soo
cusbooneysiiyaan, khabiirada dalalkaasi, maadaama awoodii isku xireysey
dalalkaasi ay bur burtey, hadna taasi waxaa la dhihi karaa waxaa socdaa waa
ciribtirkooda.
Hadii aan si
kale u dhigno oo la raaco hadalada, dadka u dhashey dalalkaasi, waxaa la
dhihikaraa, waa nidmaan gumeysi cusub oo ay wadaan dalalka Reer galbeedka
iyo mareykanka oo ku tartamaya, arimo dhaqaalo, mid awoodeed iyo siyaasad,
maadaama dalalkooda ay ka soo shaac baxeen hoos u dhac dhaqaale iyo
shucuubta dalalkaasi oo wax soo saarkii dhinaca tiknaloojiyada ay noqdeen
kuwo ka gudbey xadkoodii, islamarkaana warshada soo saara hubka iyo qalabka
kala duwan meel loo la’yahay oo caqabadaha ka dhashana mustaqbalka dhow laga
yaabo dalalkooda, in ay ka soo shaac baxaan nidaam diidnimo xoog badan, lana
ogaadey in dalalkaas ay ka taliyaan xisbiyo, mas’uuliyiin iyo ururo badan oo
hab dhaqanka dalalkaasi, si farsameysan ugu tagri fali jirey khayraadka iyo
awooda dadyowgaasi in mudo ah, islamarkaasina ay ugu mash-quuliyaan
shucuubtooda, si waxyaaba ka dhacaaya gudaha dalalkooda loogu
jeediyo dibada.
Inkastoo
khubarada caalamka ee wax baara ama u dhuun daloola is-bedelada dunida, ay
siyaabo kale oo badan ay ku sheegaan, hadana qaybahaan aan soo sheegney,
waxay qayb muhiim ah ka yihiin nidaam diidnimada caalamka ka jirta xiligan.
Waxaa kale oo
si buuxda loogu sifeyn karaa ereyga Mah-bar, Munaafaq, ereygan munaafaqna
waxaa uu ka soo jeedaa Diinteena Xaniifka, waxayna si faah faahsan uga
hadashey micnaha ereygaas munaafaq oo isna muujinaya, nidaam diidnimo ama
xaasid-nimo weynaatey.
Dadka ku si
feysan munaafaq, waxaa lagu yaqaanaa in aysan ogoleyn wax kasta oo wanaagsan
oo aan ka imaan maskaxdiisa ama kooxdiisa, wuxuu ku sheegaa wax aan macquul
ahayn oo aan la qaadankarin, cidii ka diida aragtidiisa, wuxuu u diyaariyaa
wax kasta oo uu kaga hortagikaro, taasina waxay keentaa isku dhac iyo
qalaaqul aan hore loogu talagalin, inkastoo diinteena xaniifka ah ay
xalisey, munaafaqa iyo caqligiisa xun, hadana xiligan la joogo, dadd la’aan
ma ahan oo wey jiraan, dadd uurka gaalo ka ah af-kana waxay doonaan ka
sheega oo dadka Islaamka ku dhex jira.
dadkaasi aan
soo sheegney ee ku abtirsada nidaam diidnimada, waxay u adeegsadaan habab
kala duwan, bulshooyinka caalamkuna waxay ku hayaan dhibaato xoog badan
xiligan, Soomaaliyana xiligan waxaa ku sii xoogeysanaya, dadka leh
calaamadahaas ama dowladahaas iyo wakiiladooda, waxayna soo mareen habab
kala duwan, sida aynu ka aragney Hogaamiye kooxeedyadii ka jira dalka
Soomaaliya mudada dowlad la’aanta, walina lama dhihikaro ma jirto koox dambe
oo soo baxaysa.
Hadaba hadii
aynu dib u eegno, taariikhda soo if-baxa ereyga Mah-barka Soomaaliga, waxaa
la dhikaraa xiligii dowladii Militeriga ay dalka maamuleysey ayey ahayd,
inkastoo ficil ahaan uu hore u soo jirey, hadana erey ahaan waa xiliga lagu
kalsoon yahay soo if-baxiisa. Dadka Soomaaliyeed, waxay hido iyo dhaqan u
leeyihiin, sameynta ereyada cusub ee Qarni kasta.
Akh-ristaha
sharafta lahoow, bal indhahaaga kaga bogo dood na dhex martey mid ka mid ah
aqoonyahanada Soomaaliyeed, islamarkaan iga codsadey in aan magaciisa la
xusin, arimo badan oo jira aw-good, maadaama uu wax badan ka ogyahay waxa ka
dhacaya dalka Soomaaliya.
Sheekadeenuna
waxay ku bilaabatey qaab iska kaftan ah, waxaa uu igu yiri “adigan hada
joornaaliistaha sheeganaaya, imisaad jirtaa?”, markii aan u sheegey da’deyda
ayuu igu qosley, taasina waa wax iska caadi ah oo bani’aadamku uu iska
leeyahay iyo dadka xoogaawax is-mooda, sababtoo ah, ruux kasta oo cilmi leh,
mid baa ka sareeya, sidaas darteed aniga uma arkin hadalkiisa wax culus oo
dhinaceyga ayaan ka qosley, anigoo aad u daneynaya bal waxa uu igu kordhin
karo.
Wuxuuna igu
soo celiyey “ma og-tahay halka aad wax ku baratey in aysan ahayn sax, bal
ay tahay khalad?”, dabadeed waxaan ku jawaabey ma ogiye sababta ii sheeg,
ayaan ugu jawaabyey Anigoo yaaban?!, “hadaba waan kuu faa’iideynayaaye I
dhegeyso” ayuu igu yiri.
“Dowladii
militeriga ahayd ee Soomaaliya xiligii ay dalka ka talineysey,
mas’uuliyiinta dowladaha deriska ah ee xiligan, iyadaa soo tababartey,
islamarkaana u diyaarisey in ay noqdaan mas’uuliyiin qaran oo dalkooda iyo
dadkooda wax u qabta, sida dalalka Itoobiya, Eriteriya, Kiiniya, Koofur
Afrika iwm. Balse ururadii mucaaradka ahaa ee dowladii Militeriga Soomaaliya
ka soo horjeedey, dowladihii taakuleyn jirey uma tababarin nidaam dowladeed
in dalkooda ay ku soo dabaalaan, bal ee waxay ahaayeen kuwo Mah-bar nimo
shaqaale shisheeyo loogu qortey, maamuladii dowladihii deriska ahaa markii
ay meesha ka baxeen, waxaa la wareegey mas’uuliyiintii Ururada mucaaradka ee
dowladii Militeriga Soomaaliya soo tababartey, laakiin kuweena dhamaantood
waxay isu dhiibeen mas’uuliyiinta jabhadihii mucaaradka dowaladahan kala
duwan ee ay taageereysey dowladii Militeriga Soomaaliya”!! ayuu yiri.
Mar aan
weydiiyey sababtaas ayaa wuxuu ku jawaabey “Sababtoo ah, bal eeg intooda
badan waxaa taageerayey dowladaha deriska ah, waxa keliya ee ay ku
guuleysteen, waxay ahayd duminta maamulkii dalka, balse iney wax dhisaan uma
dhisneyn ee waxay u dhisnaayeen dumin keliya, taasina wali kama aysan daalin
oo wey wadaan, xili kastana koox cusub ayaa lagu bedelaa kuwii hore u
jirey”!!.
Isagoo hadalka
sii wata ayaa wuxuu intaa ku darey “Dib u eeg maamuladii kala duwanaa ee
dalka Soomaaliya soo marey mudadii 20-ka sano ahayd iyo ururadii SS-ta
watey, maxay xiligan ku hawlan yihiin Ururadaas iyo mas’uuliyiintoodii
hore?!, maxaase ka dambeeyey oo dhashey?!, yaase taageera oo uguna sii
daran?!! ayuu I weydiiyey.
Waxaan ugu
jawaabey Runtii waa su’aalo badan oo muhiim ah, islamarkaana u baahan in
shacabka Soomaaliyeed loo bayaaniyo halka ugu dambeysa ee inoo faah faahi.
Isagoo ay ka
muuqato dabacsanaan iyo hadalka aan ugu jawaabey ayaa wuxuu yiri “Masar,
Yeman, Liibiya, Itoobiya, Kiiniya, dhamaantood waa wada dilaaliin dhaqaalo
weyn ku qaba arinta soomaaliya, waxayna mid kasta dooneysaa in arinta
soomaaliya wax laga weydiiyo, hadana marka lagu daro Talyaaniga, Ingiriiska,
dhamaan dalallka Bariga dhexe, mareykanka iyo Bakistaan, sida ay u dhan
yihiin bal hoos ma u eegtey taageeradooda, waxa ay ugu fadhido khasaare iyo
faa’iido dalka iyo dadka Soomaaliyeed mudadii dowlad la’aanta, islamarkaana
xiligan ku soo siyaadey dowlado kale oo badan, kuwaaso taageeradooda ku
bilaabatey qaab saaxiibtinimo oo hadana isu rogey dano dhaqaale iyo mid
siyaasadeed”.
Waxaan ugu
weydiiyey lama socdee bal ii faah faahi, wuxuuna ku jawaabey “Dhamaan
dalallkaasi, waxay leeyihiin wakiilo kala duwan oo mas’uuliyiinta xiligan ka
jira dalka Soomaaliya ah, kuwaa soo leh, mucaraad iyo kuwo dowlad sheegta,
waxay kaloo leeyihiin ganacsato kala duwan, Ururo bulsho, aqoonyahano iyo
siyaasiin qarsoon, iyadoo ay u sii dheer tahay Wakiilada rasmiga ee
dalalkooda iyo shaqaale hoose oo Soomaali ah”.
Akh-ristoow,
waxaa iga soo harey eegmo iyo aamusnaan, markaan arkey ninka wajigiisa waxa
caro ka muuqa, wuxuu sii watey sheekadiisa “Hadii aynu dalalkan mid mid u
soo qaadano oo aynu ku hormarno, dalka Masar, Taageeradiisa ee dhinaca
dalka Soomaaliya, ugu horeyn Soomaaliya waxay ku taalaa meel muhiim u ah
dalka Masar oo laga difaacikaro, dhinaca dagaal kaga yimaada dalalka kala
dhexeeya muran xuduudeedka iyo kan biyaha webiga Niill, waxay keloo
qiimeyneysaa dadka Soomaaliyeed, waa dadd si weyn ugu dheereeya xaga
xamaasada noocyadeeda kala duwan, hadii la isku dayo in laga kiciyo
dhinacyada Diinta, kan Carabta iyo kan Afrikaan-nimada ay sahlan tahay sida
lagu kicinkaro, sidaas darteed si mustaqbalka hadii ay damacdo hiilo ama
weerar ay ku qaado dowladaha ay kala dhexeyso cadaawada aan looga soo marin
dhinaca Soomaaliya, islamarkaana iyadu waxa ay doonto ka fushato, haba ugu
horeeyo wabiga Niilka oo dagaalkiisu xiligan meel xun marayo, dowladii ay
taageerada ka heli lahayd ee Soomaaliyana ma lahan awood xilgan, dadka
siyaasiinta iyo mucaaradkuna waxay ku leedahay xubno muhiim ah, sidaan hore
kuugu sheegey” ayuu igu yiri.
“Sidoo kale
Dalka Yemen, sida la wada og-soon yahay, waxay xoog ku haysataa, qaybo ka
mid ah Marin biyoodka dalka Soomaaliya, sida babul mandab iyo jasiirado
kale, sidaas darteed taageerada dalka Yemen, ma ahan mid ku dhisan dano
siyaasad oo muhiim ah, islamarkaana ay ka leedahay dalka Soomaaliya, balse
taageeradeeda waa mid cadaawadeed, sababtoo ah xiligii dowladii Militeriga
ahayd oo ay duulaanka culus ku qaadey dalka Itoobiya, iyadoo xoreyneysa dhul
iyo dadd ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa waxay gacan siisey dowladii
Itoobiya, sidaas darteed taageerada ay bixineysey mudadii dagaalada sokeeyo,
waxay ahaayeen kuwo Militeri ah ama hub ay isugu dhiibeysey Jabhadihii kala
duwanaa ee ka jirey dalka Soomaaliya mudadii dowlad la’aanta, waxaa kale oo
la wada ogsoon yahay, Maraakiibta shisheeye ee badda Soomaaliya Ka
Kaluumeysta ama ku shuba Haraaga Sunta Nukliyeerka, in ay xarun u tahay,
islamarkaana ay ku qabto dhaqaalo baaxad leh oo badeenuna ay Jariifto”.
“Sidoo kale
Dalka Liibiya, wuxuu ka mid ahaa, dalalkii taageerey dalka Itoobiya, xiligii
dowladii Militeriga ee xoreynta ugu jirtey, qayb dalka iyo dadka
Soomaaliyeed, islamarkaana iyadoo ka baqeysa cududa ciidan ee ka soo baxeysa
Geeska Afrika oo mustaqbalka, cirii gelineysa danaha ay ka leedahay Gobolka,
iyadoo xiligaasina fulineysey dano kale oo qarsoonaa, taageeradeeduna ma
ahan mid saaxiib-tino siyaasadeed ee waa mid cadaawad ah oo waliba sida
Yemen oo kale ayey Hub iyo dhaqaalo isugu dhiibeysey kooxihii ku
dagaalamayey talada dalka, ilaa xiligana wey wadaa.
Sababtoo ah,
shirkadaha Maraakiibteeda Kaluumeysiga, waxaa lagu sheegey in ay yihiin kuwa
badda Soomaaliya, si bareer ah uga kaluumeysta, islamarkaana mas’uuliyiin ku
sheega soomaaliyeedna ay u tusto, waji kale oo Afrikaan-nimo in badda
Soomaaliya lagu soo duuley, islamarkaana waxaa lagu xantaa, in kooxaha
burcad badeedda xiriir hoose kala dhexeeyo oo ay u tahayba xiriiriyaha soo
qabashada Maraakiibta cusub iyo Af-duubkooda”!! ayuu yiri.
Siduu u
fadhiyey ayaa wuxuu u jeestey xaga dalka Ibootibiya, isagoo sharxaya wuxuu
yiri " dalka Itoobiya, sida la wada ogyahay xiligii Gumeysiga reer yurub uu
Afrika qaybsanayey, waa dalka keliya ee Afrikaanka ahaa ee ka qayb qaatey,
qaybinta qaarada Afrika, islamarkaana qayb ahaan loo siiyey dhulka
Soomaaliyeed, qaybta ay xiligan gumeysato”.
Waxaa kale oo
uu intaa raacsadey “sida muuqata, dalka Itoobiya xiligaas, waxay ahaayeen
jawaasiista Gumeystayaasha Reer Yurub oo loogu adeegsanayey hab noocyo kala
duwan, dalalka Afrika, kuwaasoo kala ahaa dhinaca midabka, kan aqoonta
qaaradda Afrika, kan Af-ka, maadaama ay Afrika dhamaanteed, deris wada
tahay, dhaqanadooduna uu isu dhaw yahay, marka laga reebo qaybo yar, ayaa
iyadoo laga duulayo arimahaas iyo kuwo kale oo fara badan ayna ka mid tahay
dhinaca diinta oo xiligaa dhibaatooyin badan kala gaarey dadka Soomaaliyeed
iyo boqortooyadii xiligaa ka talineysey ee dalka Itoobiya ku heshey, walina
wey la qeylineysaa.
Hase ahaatee
uruge lehe, maamulka xiligan ka taliya dalka Itoobiya, waxaa uu wax ku
bartey dalka Soomaaliya, waxaana soo barbaariyey dowladii Militeriga ahayd
ee Soomaaliya, iyadoo u jeedadeedu ahayd sidii looga xoreyn lahaa,
maamulkii uu hogaaminayey keligii taliyihii Mingiste, qowmiyado kala duwan
oo Muslim ahaa oo uu ugu horeeyo, Gobolka shanaad ee ay soomaalidu degto.
Runtii
Jabhadii uu hogaaminayey ninka Ra’iisul wasaaraha ka ah, xiligan dalka
Itoobiya, wey u hagar baxdey, dowladii Militeriga ahayd ee Soomaaliya,
taasina waxaa daliil u ah, habka maamulkoodu u shaqeeyey, markii uu dalka ka
baxay Mingiste, waxaa uuna qaatey go’aan ah qaybi oo xukun, sidoo kale,
wuxuu xornimo siiyey dalka Eriteriya, kadib markii uu ogaadey in uusan ku
guuleysaneyn maamulkiisa, inta dalkaasi uu hoos imaanayo taladiisa, taasoo
la dhihikarey, waa siyaasadii ugu xumeyd oo uu fuliyo, Ra’iisul Wasaaraha
Itoobiya, sababtoo ah, waxaa uu iska riixey deegaan, dadd iyo marin biyood
muhiim ah oo wax walba u soomari lahaa.
balse xeel
dheerayaal siyaasadeed, waxay ku sheegeen in arintaas uusan iska fulin,
sababta uu arintaas u sameeyey ay ahayd, rajo uu ka qabey in uu la wareego
xeebta dheer ee dalka Soomaaliya, si uu ku gaarana, waxaa uu hub isugu
dhiibey jabhadihii hubeysaa ee dalka Soomaaliya ka hana qaadey mudadii
dowlad la’aanta ahayd, kadib markii ay isu dhiibeen, kuwii hore iyo kuwa
dambe intuba isaga, taasoo u muuqata Jabhad Isu dhiibtey Jabhadd oo
aakhirkii iyadoo duulaan hubeysan ah soo gashey dalka Soomaaliya, balse kuma
guuleysan hadafkeedii ahaa qabsashada xeebta dheer ee dalka Soomaaliya,
arimahaas iyo kuwo kale oo fara badan oo uu sameeyey maamulka Itoobiya, kama
ahayn taageero siyaasadeed oo ku timid mid saaxiibtinimo iyo mid deris ee
waa mid cadaawad ku dhisan, inagoo intaas ku ekeyneyna hab dhaqanka dalka
Itoobiya, sababo badan oo jira aw-geed, hadana halkii dhulka Soomaali galeed
ay ka xoreyn lahayn ayey Eriteriya ka xoreysey, inkastoo dagaal adag uu dhex
marey oo walina aan laga gaarin xal” ayuu yiri.
Siduu iigu
sheekeynayey ayaa Wuxuu u soo jeestey xaga Kiiniya wuxuuna yiri “Waxaa wax
laga xumaado ah, qaabka ay kula dhaqanto dowlada Kiiniya dadka Soomaaliyeed,
Dowlada Kiiniya, waxaa ay ka mid tahay dalalka xooga ku haysta dhul
soomaaliyeed, sida Itoobiya iyo Yemen oo kale oo waxay gumeysi xooga ah ku
haysataa, dhul iyo dadd Soomaaliyeed, waxaa kale oo intaa u dheer, markii ay
bur burtey dowladii dhexe ee Soomaaliya, waa dalka keliya ee ka
faa’iideystey arimo badan oo khuseeya dalka Soomaaliya, sababtoo ah, waxaa
ku qaxay in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan,
waxaana xarun KMG ah ay u noqotey Hay’adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya
ka hawl-gala iyo wakiilada beesha caalamka ee dalka Soomaali fadhigooda
ahaa, sidaas darteed, waxay isku heshey xoog jaban, xirfad siyaasadeed oo
baaxad leh iyo dhaqaalo aan xad lahayn. sidaas darteed, taageerada kiiniya
ma ahan mid siyaasad iyo walaaltinimo ku timid ama saaxiibtinimo iyo
derisnimo ee waa mid cadaawadeed.
Sababtoo ah,
dib u eeg imisa shir ayaa lagu qabtey, dalka Kiiniya?, miraha ka soo baxayse
ma yahay mid keeney guulo la taabankaro?, maxayse isku daydey?,
rabitaankeeduna muxuu yahay xiligan?, dhamaan su’aalahaas iyo kuwo kale oo
badan waxay daliil u yihiin cadaawad siyaasadeed ee ay ku hawlan tahay
Kiiniya oo waliba dadka Soomaaliyeed ku eegeyso indho cadaawad xoog badan,
bal ee damaca dalka Itoobiya iyo kan Kiiniya, marka la is-bar bardhigo,
waxaad moodaa in uu xoog badan yahay kan Kiiniya, cadeymaheeduna waxaa ka
mid ah, heshiis beenaadkii lagu sheegey Is- af-garad iyo kuwo kale oo
qarsoon oo aan u deynayo inta ay qoreyso taariikhda, qaybaha dadka
Soomaaliyeed wey bah dishaa, sida siyaasiin isku sheega dowlada, kuwa kale
ee wax moodey oo iyada markasta ku orda iyo waliba waxay keloo dhibaato
baaxad leh ku haysaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku qaxaya, sidoo kale
ganacsatada soomaaliyeed waxay ku haysaa dhibaato aan yareyn, islamarkaana
ma doonayo xiligan in aan faah faahiyo” ayuu ku soo koobey arinta Kiiniya.
waxaa uu u
jeestey sida isagoo iskuul dhigaayo oo kale xaga iyo dowlada talyaaniga
“Dowlada Talyaaniga, waxay ka mid tahay dowladihii dalka Soomaaliya Gumeysan
jirey, qarnigii 19-aad ilaa iyo bartamihiisa, islamarkaana qayb ka mid ah
xornimo ka qaatey, inkastoo nidaam adag oo la xusikaro uusan kaga tegin
dalka Soomaaliya, hadana maamuladii kala duwanaa ee soomarey dalka
Soomaaliya, waxaa lagu tiriyaa dowlada keliya ee aan wali, si cadaan ah
dalka looga saarin, islamarkaana siyaasadaheeda kala duwanaana ay kula
dhaqmeysey, balse markii ay bur burtey dowladii dhexe ee Soomaaliya, ma
jirin wax isku day muuqda oo ay u sameysey dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo
waxay ku dhaqaaqdey dhibaateynta iyo bur burinta hantida qaranka
Soomaaliyeed iyo shacabka”.
Wuxuu keloo
yiri “Talyaanigu, dadka Soomaaliyeed, wuxuu u ahaa dalkooda labaad, xiligii
dowladii dhexe ee Soomaaliya, balse shacabkii Soomaaliyeed ee ku qaxay dalka
talyaaniga, kama helin wax taageero ah oo waxay u geysatey dhibaato midii
ugu darneyd oo ay kala kulmaan dowladaha caalamka, waxayna ka mid tahay,
dowladaha ugu horeeya ee diidey aqoonsigii ama baasaboorkii Soomaaliya,
waxay keloo si bareer ah Xeebaha Soomaaliya Maraakiibteeda ugu daadiyeen
Sunta Haraaga Nuyukleyrka ah, islamarkaana waa dalka keliya ee jideeyey in
xeebaha Soomaaliya si sharcidaro ah loogu kaluumeysto oo aan hal maalina ka
baaqsan, sidaas darteed taageeradiisa ma ahan mid siyaasadeed iyo mid
saaxiibtinimo ee waa mid cadaawad ku dhisan.
Sababtoo ah,
maamul kasta oo la soo dhiso waxaa uu ka yahay goob jooge, garuumo badan
wata, kuwaasoo isugu jira kuwo qawda maqashii ah iyo kuwo bur burin ah, urur
kasta oo mucaarad ah, waa dowlada keliya si cadaan ah looga dhex arko,
islamarkaana maamul kasta oo la soo dhisana mucaarad u diyaariya, isagoo
rajo ka qaba in mar labaad uu dib ugu soo noqdo dalka Soomaaliya ilaa laga
ogolaado ama isku day kasta uu bur buriyo”.
“Dalka
Ingiriisku waa dalka keliya ee ku guuleystey, deegaankii uu hore u gumeysan
jirey, in uu gooni ula dhaqaaqo, islamarkaana maamul u sameeyo, isagoo waqti
badan ku bixinaya sidii uu u kala qaybin lahaa dalka Soomaaliya, arintaasina
waxaa wakiil ka ah xubno ka socdey safaarada uu ku leeyahay dalka Itoobiya
oo in mudo ah ku soo noq noqtey, waxaa uuna sameeyey isku dayo kale oo fara
badan, sidii Gobolada woqooyi ee Soomaaliya, maamul iyo nidaamyo kala duwan
oo lagu hormarinayo deegaanadan loogu sameyn lahaa, oo Gobolada Koofureed ee
Soomaaliyo iyo kuwa Woqooyi uu kala dhex dhigo cadaawad daran.
Sababtoo ah,
xiligii xoriyad doonka Soomaaliya ayaa Ingiriiska, dadka Soomaaliyeed ka soo
horjeesteen hab dhaqankiisa guracan ee leh wajiyada badan, islamarkaana ku
dhisan qaybi oo xukun.
Ingiriisku
waxaa kale uu ku guuleystey, in uusan soo xaadirin shirarka
dibu-heshiisiinta ee loo qabto siyaasiinta Soomaaliyeed mudadii dowlad
la’aanta, inta badan, intii uu socdey shirkii lagu qabtey dalka Jabuuti ee
ARS iyo TFG, ma jirin xubin ka socotay dalka Ingiriiska oo soo xaadirtey
shirarkaas kala duwanaa ee ka dhacey dalka Jabuuti 2008 ilaa iyo 2009-ka
inta aan ogahay, taasina waxay muujineysaa in arinta Soomaaliya uu meel iska
dhigey, islamarkaana uu qaybtii isaga lagu magacaabi jireyna meel ku xirtey,
taasoo muujineysa caqabada nabadeynta Soomaaliya in uu qaybta ugu weyn ka
muuqdo.
Taageerada
dowlada ingiriiskuna, waxay ku xiran tahay mid cadaawad oo cuqdad ay ku
jirto, islamarkaana aysan ahayn mid saaxiibtinimo siyaasadeed, ilaa cuqdada
uu ka qabo arintaasna wax u qalmo oo saamaxa la helona, uusan marna ka
haridoonin, waxaa kale oo lagu xantaa arimo badan oo ka jira geeska afrika
in uu qayb ka ahaa.
Ninkan isagoo
aad moodo in uu soo maaxanayo daqiiqadba daqiiqada ka dambeyso ayuu wuxuu
sheekadiisa la soo dul is-taagey dowladaha carabta “Dhamaan dalalka
Khaliijka carabta la isku yiraahdo iyo bariga dhexe, saaxiibtinimadooda,
walaall-nimadooda carbeed iyo tan islaam-nimo, tan is-tiraatiijiyadeed ee
geeska Afrika, waxaa ka xoog badiyey, Ceelasha shidaalka ah ee ka burqanaya
deegaanadooda iyo boqortooyooyinka Jabaabirada ah ay hayaan, in bedelkood
hadii Soomaaliya laga qodo shidaal ama maamul shuuro ah laga sameeyo, in ay
ciriiri dhaqaale iyo mid maamul geli doonaan dalalkooda sidaas darteed si
aysan u hirgelin arintaas, dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaano, dadd si weyn
ugu add adag dhinaca diinta, waxay u abuureen mash-ruuc Jihaadi ah oo looga
soo horjeedo, danaha dhaqaale ee ay ka leeyihiin dowladaha reer galabeedka
geeska afrika, iyadoo maskaxdoodu lagu shubayo Gaalo naceyb, halka
deegaanada ay degan yihiin oo dhan ay maamulaan dowladaha reer galbeedka iyo
mareykanka, islamarkaana ay ka jiraan waxyaabo badan oo diinta islaamka ka
soo horejeeda, iyadoo aysan ku dhicin in ay ka hadlaan!!.
waxaa kale oo
ay ka soo horjeedaan, mash-ruucaan xukunka cida ay bulshadu doorato loo
dhiibo, kaasoo iyaga maamulada ka jira dalalka carabta guud ahaantood uu ku
dhisan yahay, mid boqortooyo iyo mid kelitelisnimo, sidaas darteed aysan
doonayaan, nidaamka shuurada islaamka oo Soomaaliya laga hirgeliyo, waxayna
ku bixinayaan wax kasta oo dhaqaalo ah oo looga hortegikaro arimahaas.
Sidaas darteed saaxiibtinimadooda, walaall-nimadooda waxay ku dhisan tahay
mid cadaawadeed ee ma ahan mid siyaasadeed iyo dano muhiim kale oo ay ka
leeyihiin dalka soomaaliya”.
Wuxuu keloo si
gaar ah u xusey dalka Sucuudi Carabiya “ninka ugu sareeya Al-qaacid,a wuxuu
ka soo jeedaa dalka Sucuudi Carabiya, Boqortooyada xilka haysana soo
qabashadiisa, waxay ku bixineysaa dhaqaalo badan, sababtoo ah mar wuxuu ka
soo horjeeda nidaamka boqornimada dalkaasi ka jirta iyo kan dowladaha reer
galbeedka ay ku joogaan dalkaas, dhaqaalaha ugu badan ee soogala kooxaha
mucaaradkuna, waxay ka soo galeen dhinaca dalalka khaliijka, si loo difaaco
nidaamyadaas boqorada ku dhisan ee faasidiinta ah iyo ciriiri dhaqaale oo ay
ka baqayaan”.
“Wuxuu
is-weydiiyey ileyn dadka Soomaaliyeed kalama baran miyaa dunida, bal eeg
Dalka bakistaan, waxaa ka yimaada wadaado gar dhaadheer oo isku sheega marka
hore in ay yihiin, Jameecadda Tabliiq, sidey hadba meel u tegayaan waxay si
xariifnimo ah ugu biiraan Urur diimeedyada mucaaradka ah ee ka jira dalka
soomaaliya, iyagoo iska dhiga mujaahidiin, bal ee wey ka fog tahay waxa ay
sheeganayaan, sababtoo ah hadii ay yihiin dadd jihaad doon ah, deegaanada
Kashmiir iyo Af-gaanistaan ayaa waxaa ka socda dagaalo noocyo kala duwan
leh, hadii ay run tahay maxay jihaadkaas ugu biiriwaayeen, midkaas ayaa kaga
xaqnimo badan ka soomaaliyee? “Ayuu is weydiiyey.
Laakiin marka
runta laga hadlo waxay tahay buu yuu yiri “waa jawaasiis shisheeye oo
shaarar badan huwan, islamarkaana qaba cuqdad ka dhalatey, dagaalkii dhex
marey ciidamadii UNISOM TWO iyo kii Gen, Caydiid ee lagu gumaadey ciidamadii
Bakistaanka ahaa, sidoo kale waxay xirfad tababar noocyo kala duwan leh oo
ay ku shaqeystaan u soo gudbiyeen dalka Soomaaliya oo ay aafeeyeen dagaalada
sokeeye ee aan micnaha lahayn, si ay isu baabi’iyaan dhexdooda, taasina waa
xaqiiqo jirta.
Sababtoo ah,
bal dib u eeg dhaqaalaha ay ka helaan hawsha tababar ee ay ka fuliyaan dalka
Soomaaliya, sanadkiiba imisa jeer ayaa la kala bedelaa kii hore u joogey oo
la keenaa mid cusub” ayuu yiri xeeldheerahanoo ay ka muuqato wajigiisa caro
daran.
Wadankii ugu
dambeeyey ee uu xuso wuxuu ahaa dalka Mareykanka “dalka Mareykanka
saaxiibtinimadiisa, inta badan waxay ku dhisan tahay dano dhaqaale, mid
is-tiraatiijiyadeed iyo mid cadaawad ah, waligiisna saaxiibtinimo
siyaasadeed Soomaaliya lama yeelan, hadana lama yeelanayo, taageerada uu
bixiyana ma ahan mid uu iska bixinayo, waa dal saaxiibo badan ku yeeshey
dabayaaqadii qarnigii labaatanaad ee tegey Bariga Afrika, marka
saaxiibtinimadiisa ma ahan mid si deg deg ah wax looga helayo., Sababtoo ah
taageerada uu bixiyo waxaa uu bedel u qaataa wax ka badan waxa uu bixiyey,
bal dib u eeg xiligii uu yimid dalka Soomaaliya 1993-dii, markii uu yimid,
dalka Mareykanka waxaa la hawl geliyey Warashado badan oo in mudo ah ka
fadhiyey dalkiisa, kadib markii uu si bareer ah u gurtey kheyraadkii dalka
Soomaaliya noocyadiisa kala duwan badd iyo beri intaba.
Sidoo kale,
imaanshiyihii uu yimid dalka Soomaaliya, waxaa uga kordhey khibrad dagaal oo
aad u balaaran, islamarkaana uusan heleen waqtiyo dhaw, soomaaliya waxaa uu
ka leeyahay dano Saldhig Militeri oo muhiim ah, waqti kasta oo ay ku
qaadato, wuxuu doonayaa in arintaas uu ka fuliyo, waxaa kale oo intaa dheer,
kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya qabihiisa kala duwan in uu
qandaraas ku qaato, si shirkadaha iyo warshadaha waaweyn ee uu leeyahay uga
helaan macaashul macaash, dhamaan arimahaas iyo kuwo kale oo badan oo uu ka
leeyahay qaarada Afrika ayaa waxay hordhac u tahay, waxa loogu yeero la
dagaalanka Argagixisada iyo Burcad badeedda, waxaa uuna si aan toos ahayn u
soo kireystey ciidamada UGANDA iyo BURUNDI si hadafkiisa u gaaro.
Shir kasta oo
loo qabto dadka Soomaaliyeedna, waxaa uu ku leeyahay xubno cusub oo muhiim
ah oo ka shaqeeya danihiisa, islamarkaana ah Soomaali, lagama yaabo ilaa
danihiisa uu ka gaaro, xalka soomaaliya lagama yaabo in la helo isu soo
dhawaansho dhaw, waana dalka ugu weyn ee faragelinta tooska ah iyo midka aan
tooska ahayn soomaaliya ku haya”.
Dhinaca kale
Xeeldheerahan mar uu ka hadlaayey Hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl
gala dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “Tan iyo markii ay burburtey dowladii
dhexe ee Soomaaliya, dalka Soomaaliya waxaa ka hawl gala Hay’addo kala
duwan, kuwaasoo isugu jira Dowli iyo kuwo aan dowli ahayn. Hay’addaha ugu
badan ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, waa UN-ka waxayna Xafiisyo ku
leeyihiin inta badan Gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya.
Tirada
Hay’addaha UN-ka waxay gaarayaan ilaa 18-Hay’addood, kuwaasoo la dhihikaro
waxay bedeleen dhamaan 18-kii Wasaaradood ee uu lahaa dalka Soomaaliya,
sidoo kale waxay Soomaaliya ka sameysteen NGO,s-yo yar yar oo hoosyimaada
hay’addahan kala duwan, kuwaasoo ka shaqeeya hawlaha loo igmadey iyo waxa
dheer, taasoo la dhihikaro, waxay si toos ah u Af-duubteen dhamaan sharcigii
iyo kala dambeyntii dalka uu lahaa, kuwaasoo aanba ogoleyn in dalka
Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam iyo kala dambeyn, inkastoo sida ay Afka ka
sheegaan ujeedkoodu yahay maamul wanaag, laakiin xaqiiqada jirta ay tahay
sidii ay uga shaqeyn lahaayeen hurinta colaada iyo bur burinta dalka iyo
dadka Soomaaliyeed”.
Wuxuu keloo
sii faah faahiyey aragtidiisa ku aadan dhinaca Hay’adaha Qaramada
midoobey “bal eeg NGO,s-yadan kala duwan ee ka hanaqaadey dalka Soomaaliya,
waxay helayaan wax ay ku fuliyaan mashaariicdooda, laakiin Wasaaradihii
dowladaha kala duwan ee dalka ka hirgeley, waxay la bur buraan dhaqaalo
la’aan iyo wax lagu sheego nidaam amni oo aan ka jirin dalka Soomaaliya,
taasoo marka dib loo eegana ay salka ku hayso balan qaad taageero dhaqaale
Afka ah oo aan la jirin ficil”.
Wuxuuna igu
soo celiyey su’aal ma is-weydiisey maxaa keeney khilaafka Madaxweynaha iyo
Ra’iisul Wasaaraha??!!
Waxaan ugu
jawaabey saaxiib adigaa wata hadalka ee ii dhameystir, dabadeed isagaa
hadalkii qaatey “Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa noocyo
badan yahay, waxaa ka mid ah, wax qabad la’aanta Xukuumadda, Keenista
Ciidamo Shisheeye oo dalka Soomaaliya la keeno, sidoo kale waxaa qayb ka ah
warqad uu u qorey waxa lagu sheego Beesha caalamka, islamarkaana uu ku
dalbanayo, in laga taageero sidii qabyo qoraalka Dastuurka looga ansixin
lahaa xubno gaar ah oo uu isagu cayintey, iyadoo Baarlamaanka iyo Golaha
Wasiirada aan la soo marin, taasoo ay ka xanaaqeen in badan oo ka mid ah
mudanayaasha baarlamaanka TFG, sidoo kale Dastuurka ayaa waxaa laga dhex
arkey in uu u daneynayo Beelaha dega Gobolada Woqooyi Bari ee Soomaaliya iyo
kuwa dega Gobolada Jubooyinka, Sh/hoose, Baay, Bakool iyo Geddo, Hadii
aan dhinac kale ka eegno, mid ka mid ah raga sida gaarka ugu dhow labada
mas’uul oo aan la sheekeystey waxaa uu uu ii sheegey sidan “Waxaa isku
dhacey Hay’adda UNDP iyo mid ka mid ah Wasiiradda xukuumadda Ra’iisul
wasaare Cumar Cabdirashiid, kadib markii Hay’adda UNDP iyo Machad cilmi
baaris oo fadhigiisu yahay dalka Jarmalka oo wax ka wadey hawlaha qabyo
qoraalka dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya ay ka joojisey shaqadii uu wadey,
islamarkaana ay u soo gudbisey Wasiiraka khuseeya dhinaca dastuurka, kuna
wargelisey in Machadkaas ay shaqada ka joojiyeen, taasoo Wasiirka iyo
Hay’adda UNDP ay isku maandhaafeen, sida uu ii sheegey mid ka mid ah
shaqaalaha Hay’adda wuxuuna igu yiri “sababta isku dhaca wasiirka iyo hadana
waxay ahayd, Wasiirkii ayaa wuxuu weydiiyey Hay’adda UNDP, ma adinkuu
shaqada idiin hayaa machadku mise dalka iyo dadka Soomaaliyeed?!!”,
hadalkaasi wuxuu ka xanaajiyey madaxda Hay’adda UNDP Soomaaliya iyo
shaqaalahooda, waxaana halkaasi ka dhacey, is-maan dhaaf xoog badan oo
dhinaca UNDP iyo Wasiirka.
Wasiirka ayaa
amar ku siiyey Hay’adda UNDP in aan shaqada laga joojin Karin Machadkan
Cilmi barista Jarmalka, wuxuuna ku yiri “machadku uma shaqeeyo hay’adda UNDP
ee wuxuu u shaqeeya dowlada Soomaaliya, sidaas darteed waa in shaqadiisa si
madax bannaan u gutaa, inta uu fulinayo qorshaha qaranka”
“Hadalka
Wasiirka ayaa waxaa diidmo adag kala horyimid hay’adda UNDP, waxayna warqad
qoraal dacwad ah ka qortey Wasiirka, waxayna u gudbisey Ra’iisul Wasaaraha,
waxaana wadahadal toos ah dhex marey Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda UNDP,
waxayna u sharaxdey qaabka ay wax u dooneyso, taasoo Ra’iisul wasaaruhu ku
qancay, sidaasna hay’adda UNDP hawsheeda iska sii wadatey, inkastoo
qoraalkaas aan ka helin faah faahin dheer, hadana Ra’iisul wasaaruhu wuxuu u
yeerey Wasiirka, si uu wax uga weydiiyo, Wadahal kadib, wasiirka waxaa lagu
amrey in qorshaha iyo talada UNDP ay soo jeedisey uu raaco, taasoo wasiirku
su’aal adag ka horgeeyey Ra’iisul wasaaraha.
wuxuu yiri
wasiirku “Ra’iisul wasaare, dalka ma anagaa ka dowlad ah mise Hay’adda UNDP
?!!, waxaa kale oo uu sii raacsadey, hadii dalka aanu dowlad ka nahay waa in
ay raacaan awaamiirta madaxda Qaranka iyo shuruucda dalka u yaal shaqaalaha
Hay’adda UNDP!, hadi kale ha iska tagaan”, Cumar cabdirashiid ayaa
hadalkaasi si weyn uga maagey, islamarkaana amar adag dul dhigey wasiirka.
Wasiirku
isagoo aan marna ka daadegin amarka Ra’iisul wasaarihiisa ayaa wuxuu si aan
gabasho lahayn ugu gudbiyey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana u
faah faahiyey sida ay wax u jiraan, taasoo Madaxweynuhu ay ku noqotey
fajiciso, islamarkaana hurdadii ka kicisey oo isna amar kale dul dhigey
Ra’iisul wasaaraha, laguna sii adkeeyey in uusan faraha la gelin hawlaha
wasiirku uu wado”!!.
Cumar
Cabdirashiid ayaa isna waxaa uu la hoos galey amarkii lagu soo rogey,
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay isku guruub
ahaayeen isaga, xiligii seefta lala dhacayey Gudoomiyihii hore ee
Baarlamaanka Aadan Madoobe, waxaa uuna ka heley garab buuxa iyo qorshe
qarsoonaa in mudo ah oo xiligan si tartiib tartiib u soo ban baxaya.
Qorsha xilka
looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu soo socdey
in mudo ah, waxaa uuna soo bilowdey intii aan laga guurin caasimada dalka
Jabuuti, kadib markii la ogaadey kartidiisa maamul, tan fikir iyo mida
siyaasadeedba, balse waxaa loo raadinayey jaanis looga qaado xilka, inkastoo
koox isaga taageerayaal u ahaa oo badan, islamarkaana ka tirsan TFG-dii
hore, ayaa waxay difaac adag u galeen sidii looga hortagi lahaa arinkaas
walina wey wadaan, waxaana qorshihii ugu horeeyey ee xil ka qaadista
Ra’iisul Wasaaraha, lala doonayey, waxaa lagu wareejiyey Gudoomiyihii hore
ee Baarlamaanka Aadan Madoobe oo xildhibaanadii hore ee TFG-da caro weyn ka
qabey soo guuritaankii Baarlamaanka uu ka soo guurey magaalada Baydhabo,
ogolaanshaha tirada lagu kordhiyey baarlamaanka, mushaar la’aan in mudo ah
soo wajahdey xubnaha golaha baarlamaanka iyo kulamada baarlamaanka uu lahaa
oo in mudo ah uu meer meeriyey, taasoo aakhikii uu meesha isaga huleeley
isagoo wareersan, islamarkaana aan ku xisaabtamin qabsoomid la’aanta
fadhiyada baarlamaanka waxa ay ku keeneyso”.
“Arinta xil ka
qaadista Cumar Cabdirashiid, waxay kaloo soo martey mar xalado kala duwan oo
qaarkood ay ka mid ahaayeen heshiiskii uu la soogaley Putland, kii Ahlu
Suna, qorshihii xarunta la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ee
lagu kala sixiixdey dalka Jabuuti, sanadkii aynu ka soo gudubney iwm,
dhamaan arimaas iyo kuwo kale oo badan, islamarkaana la tashiyo kala duwan
lagala yeelanayey qaar ka mid ah madaxda Urur goboleedka IGAD, madaxda
Hay’adaha qaramada midoobey iyo kuwa Afrika oo aakhirkii seeftii isaga lala
doonayey ay la tagtey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah
wasiiradiisa oo wax ka wadey arinta, laakiin maanta ayey joogtaa” ayuu
yiri ninkan
isagoo sii
hadlaya wuxuu yiri “Waxaa kale oo jira, markii ay soo shaac baxdey
dhicitaanka miisaanka siyaasadeed ee cumar cabdirashiid, xubno isu soo
diyaariyey qabashada xilkan xajiinta badan leh, kaasoo aan la ogeyn halka uu
ku dambeyn doono mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Dhinaca kale
gudiga dastuurka madaxa bannaan ee qabyo qoraalku, waxaa ka dhex jira
khilaaf maamul, mid aqooneed, mid beeleed iyo mid siyaasadeed oo salka ku
haya siyaasadaha is-diidan ee ka jira dalka Soomaaliya iyo kuwa faragelinta
shisheeye, kuwaasoo aysan warba ka hayn dhamaan bulshada Soomaaliyeed,
iyadoo taasi ay jirto ayaa mararka qaar waxaa dhacdey in la isku qabto qodob
ka mid ah qodobada qabyo qoraalka dastuurka ee ay qorayeen, taasina waxay
keentaa, in la yiraahdo aan ka gudubno oo aan gudagalno kuwa kale ee inoo
harey, maalmo kadib qodobkii la isku qabtey ayaa dib loo soo celiyaa, iyadoo
aan waxba laga bedelin waxaana cod la geliyaa qodobkii si meesha looga saaro
wax la yiraahdo midi midi ku taagtii hore oo sidaasna lagu ansixiyo
qodobkaas, isagoo Afka ku wata falaaro badan oo mariid leh.
Laakiin dhabtu
ma ahan sida loogu codeeyey, bal ee waxaa lagu sameeyey faragelin qaawan oo
ay la socoto balan qaad dhaqaale oo aan la ogeyn iyo mid siyaasadeed intuba,
taasina waxaa daliil ah dhaq dhaqaaqa gudiga iyo qaabka hay’adaha kaalmeeya,
waxaa laga dareemayey Ajendooyin badan oo aan la qiyaasikarin, balse marka
dib loo eego oo la isku dayo in wax laga ogaado, xubnaha qaarkood
mustaqbalka dhow iyo kan fog, waxay u muuqdaan kuwo loo diyaarinayey
qabashada xilka xukuumadaha soo socda.
Xubnaha gudiga
Dhaqaalo ahaan bishii waxaa ku baxda ugu yaraan $130500, halka maalintii ay
ku baxdo $4350, taasoo mushaar ay u noqon karto lacagta ku baxda xubnaha
gudiga maalintii 43 ka mid ah ciidamada dowlada ee mushaarka loo la’yahay!,
bal qiyaas akh-riste danta laga leeyahay qoraalka dastuurkan iyo xubnaha ku
hawlanba!!.
Mid ka mid ah
aqoon yahanada Soomaaliyeed ee qurbo jooga ah oo aan sheekeysanay ayaa wuxuu
si faah faahsan iiga sheekeeyey xubnaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee
Hay’addaha Qaramada midoobey (UN-ka) ee jooga daafaha caalamka iyo qaabka ay
u shaqaayeen, wuxuuna yiri
“inta badan
shaqaalaha hay’addaha UN-ka ee jooga daafaha caalamka, waa laba Jufo oo ka
soowada jeeda beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, waliba waxaa ugu badan
hal jufo, siyaasada Soomaaliya, iyagaa qasaya, ilaa ay beeshoodu ku
guuleysato qabashada talada dalka Soomaaliya oo dhan, islamarkaana talada
iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya, iyaga looga dambeeyo, qorshahaasina
laba mar buu soo dhawaadey, laakiin wuu fashilmey”
Yaab badanaa
oo waa su’aale nidaamka 4.5-ka miyaan dunida oo dhan ugu shaqo tagnaa mise
Soomaalinimada ayaan ahayn wax qiimo leh Akh-ristaha sharafta lahoow?!!,
walaahi hadalkaasi si weyn ayuu ii taabtey dhinac kasta, laakiin maxay iigu
taalaa, waxba kama qabankaro.
Akh-ristaha
qiimaha lehoow ninkani waxaa kale uu ii xusey shirkii dibu-heshiisiinta ee
lagu dhisey dowladan midnimada qaran lagu sheego waxyaabo dhacay xiligaas
oo xiligana muuqda wuxuuna yiri “intii uu socdey shirkii dibu-heshiisiinta
ee ka socdey dalka Jabuuti 2008-kii ilaa 2009-ka, dibu-heeshiisiinta waxaa
barbar socdey dhaq dhaqaaqyo kale oo cusub, kuwaasoo la doonayey in lagu
bedelo hanaanka siyaasadeed ee dalka ka jirey mudadii dowlad la’aanta ahaa
iyo mid kale oo lagu diyaarinayey dhismaha kooxaha ka dagaalamaya xiligan
gudaha dalka qaarkood”!.
Isagoo hadalka
sii wata wuxuu intaa ku darey “Marka laga reebo kooxaha dagaalamaya, dhaq
dhaqaaqyada dhiilada xambaarsan ee aan wali si waafi ah loo fahmin waxaa ka
mid ah, dhismaha Urur walaallaha Mudug iyo Woqooyi Barri Soomaaliya oo
talada dalka Soomaaliya qaybta, arintaasina waxaa horboode u ah maamulada
Galmudug iyo Putland, inkastoo uusan wali soo muuqan hadana, arintaas waxaa
ka hirgaley isku dhaca Beelaha labada Harti, taasina waxay kicindoontaa
duufaan siyaasadeed oo hor leh iyo dagaal waji cusub oo lagu hoobto” Ayuu
yiri.
Sidoo kale
wuxuu xusey in ay jireen dhaq dhaqaaqyo kale xiligaas “waxaa jirey dhaq
dhaqaaq lagu doonayey dhisme maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo in mudo ah
soo socdey, islamarkaana ay jireen isku dayo loogu dhawaaqayo oo dibu-dhac
uu la soo gudboonaadey in badan, kaasoo isna xiligan la doon doonayo shirkii
ugu dambeeyey ee loogu dhawaaqi lahaa iyo goobta lagu qabanayo, maamul
goboleedkan, ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa lix Gobol, sida Sh/Hoose,
labada Jubo, Baay, Bakool iyo Geddo”.
“Marka aad dib
u eegto taariikh ahaan waxa dhacayey xiligaas, runtii waa la filayey, in ay
soo baxaan waxa hada socda, sababtoo ah hadii aan wax yar ka taabano
waxyaabihii socdey xiligaas, ARS waxaa loo arkayey Urur mucaarad ah oo xoog
badan, waxayna saameyn ku lahaayeen Baarlamaankii TFG-da, Golaha Xukuumadii
Nuur Cadde iyo shaqaalaha Xafiiska Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, sida hada
ka muuqata dowlada iyo mucaaradka, waxaana jirey xiligaas xubno si hoose ula
shaqeynayey ARS-ta oo dowlada ku dhex jirey oo markii la yimid Jabuuti si
cadaan ah ugu imaanayey halka ay degan yihiin xubnaha ARS-ta!” ayuu yiri
isagoo aad iyo aad uga xun arintan.
Wuxuu keloo
intaa ku darey “Xubnahaasi marka dib loo eego waxay ahaayeen kuwo ugu awooda
badan Baarlamaanka, xiligana waa ay jirikaraan kuwo sidaas oo kale oo
mucaaradka la shaqeeya, islamarkaana Baarlamaanka ku dhexjira, sidaas oo
kale xubnaha ARS-ta waxaa ku dhex jirey Ragg si weyn ula shaqeynayey TFG-da,
kuwaasoo isugu jirey kuwo hoose iyo kuwo dhexe, sidaas oo kale wey jiraan
Ragg badan oo ku dhex jira mucaaradka oo si weyn ula shaqeeya TFG-da
xiligan, inkastoo kuwaasi sida lagu ogaado ay adag tahay, hadana markaad
eegto qaabka ay wax u socdaan iyo dhawaaqyada soo yeeraya, waxaa muuqda in
hawlihii hore aan wax weyn iska bedelin, balse ay jiraan kala bedel xubnihii
hore oo hawl gab noqdey labada dhinac, wey jiraan kuwo cusub oo xilkii la
wareegey”.
Mar uu ka
jawaabayey sababta ayaa wuxuu yiri “Al-shabaab iyo TFG, waxaad moodaa in ay
hoosta iska ogyihiin, waayo, dowladu ma jiro wax weerar oo ay qaado, in la
soo weeraro mooyee, xiliyadii hore TFG waxay qaadi jirtey weerar xoog badan
iyo difaac xoog leh, dhamaan marka la isku geeyo is-bedeladii kala duwanaa
ee ka dhacey magaalada muqdisho, ma ahan kuwo ku yimid is ogaansho la’aan,
bal ee waa kuwo la isla ogyahay qaabka ay wax u socdaan, sababtoo ah,
markaad u kuur gasho dadka ku dhaqan magaalada muqdisho iyo dhamaan xubnaha
dowlada, waxay si hoose oo shekhsi shekhsi ah u sheegayaan, in xubnaha
baarlamaanka qaarkood ay u socdaan heshiisyo hoose iyaga iyo kooxaha
mucaaradka, sidaas darteed baarlamaan u gooni ah oo ka tarjumaya danta TFG
iyo tan guud ma joogo ayey ku leeyihiin”.
“wax qabad
la’aanta guud ee xubnaha dowlada ka dhex jira, arimaha amaanka shekhsiyaadka
xubnaha baarlamaanka oo aysan kalsooni ku qabin ciidamada magac ahaan loo
soo tababarey, ee caqabada ku noqdey dowladii dirsatey iyo arimo dhaqaale
ayaa u sabab ah, Baarlamaanka DKMG-kuna waxaa la soo gudboonaadey duruufaha
dhaqaale, maamul xumo baahansan iyo khilaafyo siyaasadeed oo ku dhisan nin
jecleysi” ayuu carabka ku adkeeyey ninkani
Ninkan oo in
badan ii sheekeynayey, islamarkaana isoo xasuusiyey shirkii
dibu-heshiisiinta ahaa ee lagu qabtey dalka Jabuuti 2008-ka ilaa 2009-ka,
waxyaabo badan oo ka dhacey aan goob jog u ahaa ayaa wuxuu yiri “Xiligii
lagu jirey soo xulista xubnaha xildhibaanada cusub ee ARS-ta markaad eegto,
waxaa markhaati ma doonto ah, in ay jireen waxyaabo aan la inkirikarin oo
xiligaas jirey hadana taagan, taasoo ay ka mid tahay habacsanaanta xiligan
jirta, sababtoo ah xubnaha xildhibaanada ARS, waxay kala ahaayeen A iyo B.
xubnaha A,
waxay degenaayeen Hoteelada ugu qaalisan ama haku jiraan xubnaha kuhawlan
arimaha dibu-heshiisiinta ama yeysan ahaane, sidoo kale waxaa jirey xubno ku
jirey kooxda B, kuwaasi waxay deganaayeen meel ka baxsan gudaha magaalada,
sababtoo ah waxay isugu jireen kuwo xubin nimadooda lagu soo dhaariyey in ay
u codeeyaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo kuwo hore ugu jirey xubnaha ARS-ta
oo iyaguna laga baqayey in codkooda meel kale ay u wareejiyaan, sidaas
darteed si aysan ula kulmin musharixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya iyo
wakiiladooda kale ee ku hawlan doorashada madaxweynaha, taasoo la dhihikaro
waxay ahaayeen doorte keliya ee dal iyo dad looma daneyneyn”!!.
Wuxuu keloo
taabtey arin yaab leh oo nabar weyn ku ah Madaxweyne Sheekh Shariif “Waxaa
kale oo jirey xiligii lagu jirey soo xulista Ra’iisul wasaaraha cusub ee
DKMG, xubno si weyn madaxweynaha ugu dhowaa, islamarkaana ahaa la
taliyeyaasha gaarka ah ee madaxweynaha oo xiligaas miizaan weyn kulahaa
dhegeysiga codkooda oo diidey xubno kale oo kaga fara dhuudhuubnaa Cumar
Cabdirashiid qabashada xilka uu hada hayo, balse maanta sida ay u dhan
yihiin, waxay ka joogaan banaanka xeyndaabkii ay hore ugu jireen, taasina
waxay dhalineysaa culeys siyaasadeed oo weyn.
waxaa kale oo
meesha ka muuqda in madaxweynuhu uu u dhaqmaayo qaab keli telisnimo,
sababtoo ah, dhamaan kuwii isaga la jaalka ahaan jirey oo dhan waa uu iska
fogeeyey, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah mooyee, qaar waxay ku
jireen kuwii ku dhintey qaraxyadii kala duwanaa ee looga soo horjeedey
maamulkiisa, taasoo marka si qoto dheer dib loo eego dadka ku xeeldheer
arimaha amaanka, waxay ku sheegaan in maamulka madaxweynaha uu wax ka
ogyahay, islamarkaana ay ahaayeen dhamaan qorsheyaal shirqool oo u ku
khaarijinayey madaxweynaha xubnaha uusan ka dhuumankarin, halka qaarna ay
leeyihiin wuu iska fogeeyey, kadib markii ay ku badatey qaabka uu wax u
wado, in Jabhadnimadii hore ay tahay, taasoo marka dhinac laga eego, u
muuqaneysa kelitelisnimo la maldahay, oo ruux kasta oo uu islahaa
maamulkaaga cusub wuu carqaladeynayaa, in uu mishin u dhigo, islamarkaana
lagaba yaabo in meesha ay ku jirtey, rag si weyn u doon doonayeen xubnaha
reer galbeedku, si sahal ah lagu khaarijiyo, maadaama uu isagu ka mid ahaa
xubnihii la dagaalamey, wax lagu sheegey Is-bahaysigii sharta”!!.
Xeeldheerahan
wuxuu keloo is-weydiiyey “Yaa la socda Madaxweyne Sheekh Shariif, yaase ka
harey” isagoo isaga jawaabaya wuxuu yiri “ Waxaa qarax lagu diley Alle ha
u naxariistee Marxuumiinta kala ah Col, Cumar Xaashi Aadan, Sheekh Axmed
Cabdullaahi Waayeel, Prof, Ibaarim Xasan Cadoow, Xildhibaan Saleebaan Colaad
Rooble, Xildhibaan Abtidoon iyo xubno kale oo ka tirsanaa saraakiishii sar
sare ee Maxkamadaha” dhamaan xubnahaasi waxay ka mid ahaayeen tiirarkii
adkaa ee uu ku tagaanaa is-bahaysigii ARS-ta oo maanta wey mootan yihiin.
Inkastoo
siyaabo kala duwan looga hadaley qaabkii ay u dhacdey khaarijintooda
is-miidaamineed, hadana ma jiro wax tilaabo cad ah oo laga qaadey dadkii ka
dambeeyey ama soo abaabuley qorshayaashan guracan, hadalka dowladuna wuxuu
ahaa baaritaan ayaan ku sameyn doonaa halka laga soo abaabuley, inkastoo ay
sheegtaan Kooxdan Al-shabaabka la yiraahdo, hadana falalkaas ma ahan mid
iyaga sirdoonkooda keliya hawsha soo ogaadey oo sidaas ku fuliyey
qaraxyadan, bal ee waxaa meesha aan ka baxsaneyn in dad la shaqeeya ay ku
dhexjiraan dowlada, taasina waxay u baahan tahay, Baaritaan dhab ah”.
Sidoo kale
wuxuu xusey xubnihii ARS-ta ahaa ee xilalka wasiirnimada loo magacaabey iyo
halka ay ku dambeeyaan “waxaa xilka si toos ah looga qaadey Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame, Prof Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), Dr.Maxamed Cali
Ibraahim, Dr. Daahir Maxamuud Geelle, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax
(Janaqoow), Xildhibaan Xasan Macallin”, dhamaan xubnahaasi, waxay ahaayeen
kuwa ugu awooda badan ee is-bahaysigii ARS-ta ee la heshiiyey TFG-da. Inta
la ogyahay Waxa kaliya oo la socda oo hore uga mid ahaan jirey saraakiishii
Maxkamadaha waxaa lagu sheegaa Sh, Cabdiqaadir Cali Cumar iyo Sh, Maxamuud
Garweyne, marka laga reebo xubnihii la baxay Baarlamaanka xorta oo ay ka
wada tirsanaayeen is-bahaysigii ARS-ta oo la sheegey in wali ay isku
siyaasad yihiin, inkastoo xubno kale oo is-bahaysiga ka tirsan ay ku kala
tageen, heshisiiskii ugu horeeyey ee ay la galeen 09/06/2008-ka, kuwaasoo
kala horyimid mucaaradadd xoog badan.,
Sheekh
Shariif, hore dalka Eriteria wuxuu uga sootegay xubno ay ka wada
tirsanaayeen, Is-bahaysigii ARS-ta iyo maxkamadaha Islaamiga, markii uu
madaxweynaha noqdey, waxay kala tageen Ragga kor aan ku soo xusey, qaarna
waa kuwa dilkooda shekiga la gelinayo, hadaba beri muxuu sameyndoonaa?!!”
ayuu yiri isagoo ay ka muuqato ruux baqdin weyn ka qaba hab dhaqanka
maamulka madaxweyne shariif.
“Waxyaabaha
kale ee sida weyn isu bedeley oo aan la yaabey xiligii uu socdey shirka
dibu-heshiisiinta waxaa ka mid ahaa laba arimood, kuwaasoo kala ahaa
is-bedel ku yimid xaga fikirka xubnihii ARS-ta ahaa iyo hab kale oo ficil
ahaan u dhacey, kaasoo ahaa kala boobista qaadashada baasaboorkii cusbaa ee
ay u sameysey TFG-dii uu hogaaminayey Cabdullaahi Yuusuf, kaasoo lagu sheegi
jirey waa baasaboor Itoobiyaan ay leedahay, iyadoo waxyaabihii lagu caayi
jirey ay ka mid ahaayeen ereyga ugu horeeya ee ah E- da oo lagu duri jirey
waa ereyga ugu horeeya ee lagu durikaro in dowlada Itoobiya ay leedahay,
balse maanta wey wada sitaan baasaboorkaas, isla waqtigii magacaasi wuxuu
isu bedeley waa “Elctaronic Basbort oo aduunyada wuxuu ka yahay wax aad u
qiimo weyn baasaboorka noocaan oo kale, in ay la soo boodaan, yaab badanaa
xagee naloo wadaa maanta oo shaley nalaga keeney”!! ayuu si la yaab leh u
yiri
“waxaa kale oo
iga yaabiyey, Halka fkirkii hore ee ay aaminsanaayeen oo ahaa mid Jihaadi
iyo Wadaniyad la isku qasey, isla xiligaas la joogo, wuxuu isu bedeley, in
aan loo baahneyn in diinta la ad adkeeyo, loona baahan yahay sidii loosameyn
lahaa dastuur shareecada Islaamka waafaqsan oo dowladaha caalamka lagula
macaamilikaro!!.
Laakiin waxaa
ii cadaatey, waxyaabihii hore ee lagu mucaaradayey TFG, ma ahayn mid dhab
ah, bal ee waxay ahayd qawda maqashii oo waxna ha u qaban, ruux kasta markii
la dhaariyey wuxuu isu diyaariyey, siduu u noqon lahaa ra’iisul wasaaraha
cusub ama xubin Golaha wasiiradda xukuumada cusub, islamarkaana beeshiisa
sidii ay xubno muuqda ay uga heli lahaayeen ayuu ruux kasta u xusul duubey,
maadaama nidaamka ay raaceen ee dowlada lagu dhisey uu noqdey nidaamka
4.5-ka” aduunoow warkaa ba’a ayuu yiri.
“Waxaa halkaas
iiga soo baxdey in sidaas ay ku bur burey aragtidii ahayd ARS-ta, maskaxdii
iyo awoodii mideysneyd ee ay lahayd, waxay ku dhex milantey nidaamka
4.5-ka, gudaha dalka Soomaaliyana waxaa ka bilowdey qaraxyo siyaasadeed oo
looga soo horjeedo qaabka ay wax ku qaybsadeen, maadaama is-bahaysigii
ARS-ta, ay u badnaayeen marka dib loo eego laba beelood, sida ay ku doodeen
xiligii kala qaybsiga xubnaha baarlamaanka cusub, balse qayladooda waxaa
aamusiyey nidaamkaas oo noqdey laf dhuun gashey.
Sidoo kale
xiligii lagu jirey xulashada Ra’iisul wasaaraha, waxaa jirey beelo badan oo
quudareynayey iyo xubno caan ah oo ka soo jeedey beelaha soomaaliyeed oo
intooda badan ahaa qurbo joog oo markii ay waayeen xilkaasna, qaarkood ma
noqon kuwo halkaa ku harey oo waxay u soo gudbiyeen Ra’iisul wasaare Cumar
Cabdirashiid qoraalo kala duwan oo ay ku leeyihiin waa in Golaha wasiiradda
cusub aanu ku yeelanaa tiro hadii aanu nahay beesha..., halka kuwo kale ilaa
xiligan ay u soo taagan yihiin qabashada xilkaas oo baarlamaanka dhexdiisna
waxay ku leeyihiin xubno badan oo taageersan siyaasadooda” sow ka dar oo
dibi dhal ma ahan ayuu yiri isagoo qoslaaya kkkk.
Mar uu dib ugu
noqdey xil ka qaadistii Aadan Madoobe “Xil ka qaadistii Aadan Madoobe, waxay
qayb ka ahayd waxyaabihii ka dhashey miraha shirkii dibu-heshiisiinta iyo
siyaasadaha is-diidan ee Soomaaliya, sababtoo ah, qaar ka mid ah
Xildhibaanada TFG oo inta badan taageere u ahaa Madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf oo doonistoodu ahayd in shirka dibu-heshiisiinta qaybaha ka harey
lagu qabto magaalada Baydhabo oo ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Soomaalida ay
ilaaliyaan amaanka goobta shirka uu ka socdo oo meesha ka baxdey waxayb qayb
ka ahayd arintaas, islamarkaana caro weyn loogu qaadey Gudoomiye Aadan
Madoobe iyo Nuur Cadde.,
Taasina waxay
sababtey in Nuur Cadde oo isu soo sharxey Madaxweynenimo, isna goobtii ka
huleeley, kadib markii rabitaankiisa ahaa taageero weyn ayaad ka heleysaa
xubnaha TFG-da uu meesha ka waayey, isagoo aan hoosba u eegin xaalada hoose
ee baarlamaanka iyo taageerada ay u hayaan, iyadoo waxa lagu sheego beesha
caalamka oo taageero ka haystey ay ugu tacsiyeeyeen, isla goobtii looga
guuleystey”.
“Laakiin Aadan
Madoobe oo isna xiligaasi ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka oo aad uga cabsi
qabey in xilka laga wareejiyo oo lagu qanciyey mudada u hartey TFG-da, xilka
gudoomiyaha baarlamaanka adigaa sii haynaya, inkastoo uu ku qancey Aadan
Madoobe hadalkaas aan qoraalka lahayn, hadana kooxdii hore ee
BaarlamaankaTFG-da, waxay isku qanciyeen marka dalka dib loogu noqdo, in
Aadan Madoobe xilka laga qaado, kudhawaad sanad kadib baarlamaanka oo uusan
shirinin mudo Aadan Madoobe, cabsi uu ka qabo xil ka qaadis baarlamaanku uu
ku sameeyo, ayaa isagoo waliba aan ku xisaabtamin carada ka dhalankarta,
Fadhi la’aanta Baarlamaanka iyo mushaar la’aan soo wajahdey, uu ugu
dambeyna xilkii si bareer cad Baarlamaanku cod uga xayuubiyey, islamarkaana
ka huleeley isagoo sii laalaadinaya kabtiisa.,
Inkastoo uu
isagu hore u car-qaladeeyey Golihii Baarlamaanka, kii xukuumada iyo kan
madaxweynaha, islamarkaana uu ku dhawaaqey in Ra’iisul wasaaraha xukuumada
uu baarlamaankii cod u qaadey oo xukuumadii ay dhacdey, madaxweynuhuna uu ku
amrey in Ra’iisul Wasaare soo magacaabo kadib markii mooshin ay ka keeneen
qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, arintaasi oo markii dambe noqotey, mid
jahwareerisa hanaanka maamul ee dowlada uu madaxweynaha ka yahay Sheekh
Shariif, hadana ma noqon mid sida uu ugu dhawaaqey loogu dhaqmo, kadib
maalbo badan oo buuq ah” halkaas ayuu uga gudbey TFG iyo arimaheeda
xeeldheerahan.
Mar uu ka
hadlaayey xeeldheerahan mucaaradka dowlada ka soo horjeeda wuxuu yiri
“Kooxahan lagu sheego mucaaradka, runtii aniga waxaan u arkaa shaqaalo
dowladaha shisheeye ee ma ahan kuwo diin u dagaalamaya, mustaqbalkuna waxay
ku dambeyn doonaan, halkii ay ku dambeeyeen Hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya
ee iyaga gudahooda la isu adeegsan jirey xiliyadii hore oo hawsha halkaan
maanta gaarsiiyey, hadana waxaa socda diyaar garow sida aan maqlaayo oo lagu
wiiqayo awooda, taasoo mustaqbalka keenidoonta dagaal lagu hoobto oo aan
dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan ugu jirin, hadii waxa ay wadaan diin iyo
dan soomaaliyeed ay tahay, waxaana ila quman inta ay hada maamulaan, in ay
kula gor gortamaan dowlada, islamarkaana wax kasta oo ay diidan yihiin si
maskax ay ku jirto u soo gudbiyaan, dabadeena sidaas lagu saaro ciidamada
jooga oo loogana hortago daruuraha colaadeed ee soo hogmanaya.,
Hadii kale
waxay noqon doonaan, kuwo in badan ka shalaaya, marka loo eego
is-laweynidooda iyo hab dhaqankooda maamul ee diinta aan ku dhisneyn, ileyn
diintu waxay keentaa degenaasho iyo naxariis rabaani ahe, kuwan sida ay
Ummadda iyo dhalinyada yar yare e garaadkoodu uusan kobcin dhiigooda u
huriyaan ayuu maamulkooduna u hurayaa, hadii aysan is-bar qaban, sababtoo ah
hogaamiye kooxeedyadii soomarey dalka wixii dhintey waaba dhinteen iyaga iyo
ciidamadooda, laakiin wixii harey way badbaadeen oo ceebtii iyo qayladii
laga dabawadey wey ka hartey, laakiin kuwan waxba ka harimaayo oo cid
badbaadineysa ma jirto, xitaa beri ninkii ciidan u ahaan jirey, hadii uu
maamul daayo shekh-siyaadka dadweynaha ayaanba deyneyn ee waxaan qabaa in ay
ka waan toobaan waxa ay wadaan, qori hadii uu faa’iido leeyahay laga soo
bilaabo siyaad barre ilaa maanta ayaa la wataa, cid toos meel ugu degtey ma
jirto, ruux kasta markiisa ayaa futada laga geline”.
Seddaxda
mas’uul TFG ee isku haysta labada Km ee ay maamulaan oo maalin iyo habeen,
labadaasi kiiloo mitir ay ugu dhintaan tiro dad muwaadiniin Soomaaliyeed ugu
yaraan 20 ruux gaaraya, ayna ku dhaawac maan in ka badan 100 ruux,
islamarkaana ay ku barakacaan wax ka badan 300 oo qoys oo marka la isku soo
uruuriyo mudadii xilka ay hayeen noqoneysa ugu yaraan 12000 dhimasho, 60’000
dhaawac iyo 180’000 oo qoys oo barakac ah oo iyagu marka la isku cel celiyo
saraakiil ciidan, xildhibaan, wasiir iyo seddaxdooda mas’uul tiradooda aysan
ka badneyn kooda ugu sareeya iyo kooda ugu hooseeya 1500 oo ruux oo
aduunyaduna ay ku bixiso dhaqaalo fara badan, islamarkana ay taagan yihiin
su’aalo fara badan oo si toos ah u taabaneyso Seddaxda mas’uul, ka hadalka
su’aalahaasina uu kicinaayo duufaano kale oo siyaasadeed ayaa waxaa la
dhihikaraa waa ayaan daro u soo hoyatey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn
hadii aynu soo gebagebeyno qormadeena oo aynu dib u eegno dhamaan arimahaas
kala duwan iyo saameynta ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya, islamarkaana la
eego hab dhaqanka shaqaalaha kala duwan ee ay ku leeyihiin dowladahan aan
kor ku soo xusney dalka Soomaaliya dhexdiisa oo lagu daro cadaawada qabiil
ee dadka Soomaaliyeed ay sida wey u caabudaan, ayna ka tageen Amarkii Alle
iyo kii Ras’uulka, hilmaameena wada dhalashadii dhexdooda ahayd iyo sida ay
u weyneeynayaan dahana dowladaha shisheeye ee ay kala taageerayan, si midba
midka kale ee walaallkiisa ah caro weyn ee uu u qabo uga aarsado, hawshu sow
lama dhihi karo Siyaasiinta Soomaaliya Mah-bar Mooyee Muwaadin Ma Leh?!!
Jawaabaha Dadweynaha:: Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxay RIIX/GUJI
Maxamed
Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2010 |