Nairobi: Cumar C/rashiid ayaa ka digay ficilka xildhibaanada qaar ay ugu ololeynayaan mooshin isaga ka dhan ah, waxana uu Nairobi Casho sharaf ugu sameeyey qaar kale oo xildhibaanno ah…
Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka KMG Cabdirashid Maxamed Xiddig ayaa ku baaqay in Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo xukuumaddiisuba ay is-casisho, isagoo dhaliilay xukuumadda uu isaguna xubinta ka yahay, sida uu u sheegay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA.
Cabdirashi Xiddig waxa uu idaacadda u sheegay in dastuurka cusub lagu deg degayo, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii dalka oo dhan iloo wada gaarsiin lahaa. Waxa uu sheegay in haddii aan arrintaas la sameynin, la sharciyeynayo in waddanku kala go’o.
“Dastuurkii 1960-kii waa hanti qaran, dastuurkaasi in uu meesha ka baxo oo waxaa bixin kara oo keliya dastuur kale oo shacabku u codeeyo, oo uu o codeeyo qof kasta oo muwaadin Soomaali ah laga soo bilaabo Raas Kambooni ilaa Raas casayr,” ayuu yiri Xiddig. Waxana uu tilmaamay in qaabka meel marinta dastuurkan cusub ay wax ka khaldan yihiin.
C/rashiid Xiddig waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda FKMG ay ku guul dareysatay inay waddanka nabad kusoo celiso, arrintaas darteedna uu ku talinayo in xukuumad iyada ka duwan wax qaban karta lagu beddelo. Waxana uu tilmaamay in Cumar C/rashiid uu arrimahaas ku eedaysan yahay.
Xiddiga waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xilkeedii ka soo bixi weydey sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la bedelo, waxana uu yiri “xukuumaddu xilkeedii waa gudan weydey, mana gudan karto, xataa lagama sugi doono, xukuumadda waa in isbedel lagu sameeyo laga bilaabo ra’iisul wasaaruhuna ay banneeyaan meesha,
Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi oo waraysi kooban siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa kadigay mooshin ka dhan ah xukuumaddiisa oo ay qaban qaabinayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG, isagoo sheegay in is-difaaci doono isagoo adeegsanaya sharciga dalka u yaala.
Waraysiyada Xiddig iyo Sharmaarka DHEGEYSO (VOA, Sept 8, 2010)
Dhanka kale Cumar C/rashiid ayaa xalay (oo Khamiis oo geleysey)
Toddobadkan markii la soo bandhigay Dastuurka Qabyada ah oo Soomaaliya loogu soo sameeyey Jabuuti ayaa waxaa khilaaf xooggani soo kala dhex galay xukuumadda FKMG. Sheikh Shariif ayaa doonaya in dastuurka marka hore la turxaan bixiyo kaddibna loo qaado Afti Dadweyne, haddii ay taasi dhici weydo in la qaato dastuurkii 1960-kii, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay hore ugu codeeyeen. Halka Cumar C/rashiid doonayo in dastuurka lagu ansixyo qaab ah in xildhibaanada baarlamaanka lagu soo daro tiro leeg oo ka socota bulshada rayidka ah kaddibna ay sidaas ku ansixiyaan dastuurka ayadoo aan afti dadweyne la weydiin.
Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG ayaa arrinta ku waafaqay Cumar C/rashiid sida ku cad warqad uu Shariif Xasan u diray UNDP.
Waxaa kale Dastuurka cusub ka soo hor jeestey Xeer Ilaaliyaha Guud ee DFKMG C/llaahi Daahir Barre.
Cumar C/rashiid oo Casho u Sameeyey Xildhibaanno
Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa habeenkii Khamiistu soo geleysey (Sept 9, 2010) waxa uu casho iyo afur ku casumey qaar kamid ah xildhibaanada DFKMG oo ku sugan Nairobi.
C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo ka mid ah xildhibaanada la casumay ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda wararka u faafisa Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha DFKMG uu u sheegay in ay jirto warqad uu saxiixay oo u diray UN in uu ku jirey hadal khaldan.
Waraysiga C/raxmaan Kulmiye DHEGEYSO (BBC, Sept 8, 2010)
Cumar, Waxba yaan lagu maro dhaqan miskiinka .
Haddii ay dowladaan fadhiid noqotay waxaa masuuliyadeeda iska leh awal iyo akhir madaxwaynaha makhaayadaana isaga ayeey u shidantahay .
Qof kasta oo somali ah wuu ogyahay in iscasilaada cumar oo keliya aysan xal u ahayn in la helo dowlad wanaagsan oo tayo leh .
Aniga ma qabo inta badan oo ka mid ah dowlada hada jirta in aqoon iyo khibrad aysan u lahayn in ay hogaamiyaan somalia .
ASCWW,
Salaan ka dib, haddii aanu runta sheegeyno, ayadoo lagu jiro Bisha Ramadaan, beentuna xaaraan yahay waa in sida ugu dhaqsiyaha badan Isku Casilaan labada nin ee kala ah:-
– Cumar Cabdurashiid, oo ah Wasiirka 1aad iyo Xukuumadiisa oo dhan.
– Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo asaga ka dambeeyey arrimahan oo dhan
Haddii ay daacad ka yihiin arrimaha Soomaaliya ee cakiran, waayo Labaduba waxay ku kaceen Qayaano Qaran, ayagoo cadeystay in ay si toos ah ugu qoreen UNka qoraallo ku saabsan Howsha ay u dhaarteen Ummadda Soomaaliyeed, taasoo ah sir dowladeed oo aan Madaxweynaha iyo Dowladda la socon u gudbiyaan hay’ad ayada qaabilsan arrimaha Gargaarka Caalamka, taasoo cado u noqotay had iyo jeerba kuwa sheegta Hoggaanka dalka, sidaa darteed, waa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu Gudbiyaan Istiqaaladooda kuwa dembiyada noocan oo kale gala, aysanna Ummadda beenta u sheegin, waayo maanta waxa dalka uu ku jiraa arrimo ka weyn waxa ay doonnayaa in dadka ku weeliyaan, lama diidanna in dalka loo sameeyo Dastuur, laakiin waqtiga lagu jiro suurtagal ma ah sida uu Madaxweynaha soo jeediyey waa in la raacaa, labadaa qof ee aan kor ku soo sheegay ayagoo dadka Soomaalida ee dhiban u naxaya waa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isku casilaan, haddii taa la waayo ha ogaadeen in ay sababayaan dhibaato kasta ee maanta soo wajahda Dowladnimada Soomaaliyeed, waxaan filayaa in Shacbiga Soomaaliyeed taageeraan Xaqa, ayna diidaan gar darada, kuwa wadana meel looga soo wada jeesto.
Wabillaahi Towfiiq
ASC.
Dastuurka laga hadlayo ee muranka heer qaran iyo heer shakhsi ahba dhaliyey inta aanan saarin miisaanka ah :
Ma yahay kii Somalia ay u baahnayd ama aanay u baahnayn?
Annaga oo eegeyna annaga oo eegeyna;
Ma yahay nooc daboolaya oo la jaanqaadaya hab dhaqanka iyo caqiidada dadka Somaliyeed isla markaasna waafaqsan hab dhaqan dhaqaale ee dadka somaliyeed..
Ma yahay mid sugaya qarannimada dalaka xagga xuduudihiisa bad iyo berriba wada jirka midnmada qaraa.
Ma yahay mid hab caddaalad iyo aqoon ku dhisan dhidibka ugu aasaya dawladnimo wanaag ( Good governanace) oo lahayn qodobbo is aan qeexnayn oo mugdi ku jiro kuwaas oo hor kaca isqabqabsi ,qalalaase iyo jahwareer dastuuriya oo sababa inay cakirmaan qaababka socodsiinta hawlaha qarank iyo nabad ku kala wareegga awoodda cagamaha maamullada kala duwan..
Ma yahay siyaasiyan mid horumarinaya danaha dalka iyo dadka Somaliyeed oo u horseedaya inay ilaashadaan danahooda iyo xaquuqdooda ay caalamka ku leeyihiin.kuwas oo isugu jira mid ganacsi, mid nabad gelyo iyo mid juqraafiyeedba.
Intaas oo qodob intaanan ku misaamin dastuurkaan oo aanan oran kani waa kii ay u baahnayd Somalia iyo ma aha toonna.
oo kama orreyso intas aan ko ku xusay oo dhan inaan fiirinno qodobka ku jira dastuuki lixdanki iyo iyo kanba oo sheegaya ” dastuurkani wuxuu hirgalayaa intaas oo maalmood kaddib marka lagu ansixiyo afti dadweyne”.oo macnaheedu yahay haddii aan lagu ansixin afti dadweyne markaa dastuur ma jiro .
haddaba waxaan qoslol iyo yaab meel cidla ah la fadhiyaa anigu.Haddaan xaaladda dalku hadda ku jiro aysan suurto gal ahayn in la qaado afti dadweyne.
afti dadweyne la,aanna aanu ansax ahayn dastuur.Muranba ma iman karee
Muxuu raiisulwaasaaruhu derbiyada madaxa ula dhacayaa oo Hay’ado ajnabi ah iyo kooxo wasiirro ah u leeyahay buriya dastuurki laftiisi oo meel kale ansixintiisa ka raadiya taasoo aan iyadiba dastuurki waafaqsanayn.
Aan ka baxno Kumeelgaar oo ma xumee ma dawlad aan dalkeediba laba kiilo mitir ka badan ka xukumin.oo nabad gelyo xumi iyo awood la’aan la qaadi weydey ayaa kumeel gaar ka bixi karta.sidee bay uga baxaysaa kumeel gaar ma magac ahaan iyo xeelad iyo xaashyi dhawr qof saxiixday mise run iyo shaqo ahaan dhab ah oo ay dalka oo dhan marka hore hanato oo maamul ka sameeyso dadkana siiso fursad nabad helyo iyo deggenaansho siyaasadeed ay ayaga oo xor ah afti ka dhiiban karaan dastuurka ay rabaan.miyaanay xukuumaddu markaas noqon karin mid qaran oo dhab ah oo aanana ku meel gaar ahayn.
Laakiin inta ay xukuumaddu tahay dhawr shaqsi oo xerada madaxtooyada ku jirta oo shir wax ka badan aanan ficil ahaan u qaban karin meelna haysan laguna ilaaliyo kaare ay maal geliso beesha caalmka islamarkana miisaaniyaddeda bosto lagu keeno kumeel gaar inay ka baxayso uma malynayo haddan riyo looga bixinayn.
Qolodase kale ee muranka iyo qaylada isla xiijinaysaayi maxay danihi ay haysteen iyo “shaqadii qaranka” ugu dayaceen waxaan meeshaba oollin murankood iyo is qabqabsigood?
may inta iska sugaan maalinka xildhibaanada la horgeeyo arrinkaan oo ansixiya la yiraa ay ku dhahaan uun dee waxa aan iskugu nimid waa ansixin dastuur.dastuurkina wuxuu ku ansaxaa afti dadweyne mana qorayo haddi afti dad weyne la waayo kitaabka qiil yaroow hallooga fiiriyo oo xildhibaanno ha ansixiyaan kol haddaanan qiilkaas haysanna ma ansaxayo ee annagaba burinayna qodobki uu dastuurku ku ansixi lahaaba oo ah afti dadweyne.
Tusaale hadduu qof ordo oo yiraa weyso la’aan salaad ma ansaxayso ee waa inaan soo weysyeystaa oo kaadi kusoo weyseysto.iska daa qofkaasi inay weyso ama salad ka ansaxdee asagaaba wixi ay ku buri lahaayeen sii sameeyey.markaa in muran laga galo ninkaasi waa ansax salaaddiisa iyo in kale oo danihi la haystey iyo waqtigi lagu lumiyo dadkina dhexdiisi is nacayb iyo is qabqabsi lagu beero looma baahna..Simple as that.
Mise waxa muranka nagu bixinayaa waa xildhibaannadi sharafta badnaa ayaa ah qaar aan aad la isugu wada hallayn karin qaar marmar ay korontadu ka tagto oo noqdaan kuwo laga hirgashado marka qaar wax aysan iyaguba raalli ka ahayn wax aysan jeclayn ayaga qudhooda daruufo jira awgood??
ILaahay ha guuleeyo kuwa sida daahirka aan u jeedo maamulidooda Islaamiga, wallow inta badan soomaaliya u diyaarsanayn xukunka Allah, kuwaani oo laba laba isu majirayaan oo ninba ninka kale ku salidsan yahay waxaa haysta cuqubo xagga Alle ka timid, waayo afka ayay ku haayaan in waddanka ku maamulayaan kitaabka , ka dib markii hor geeyeen kitaabka Alle dadka sida dhabta ah la ogayn sida ay u dhan yihiin 5ta iyo xoogaaaga ah caqiidadoodi in mooshan loo qaado kitaabka Alle haa iyo maya , ma meel bay ku qoran tahay in kitaabka loo cod qaado oo ay ku cuskadeen mise waa raaligaleen ama qancin kufaarta sida u dhan yihiin.
si taasi ay uga baxaan kuwa isriixriixaayay Alle haka toobad keenaan qaladka ay ka galeen Kitaab Alle, oo awalba wax dan shacab u joogin meesha ha iskaga tageen ,
SOMALITALK aadbaan idiin salaamayaa,waxaana idiinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad hawsha ummaddiina ugu wadaan.
in lacasilo cumar iyo asxaabtiisu waxaan u arkaa in ay tahay mid soo dhawayn leh,waayo sababahan soo socda awgood ayaan looga fursanayn in meesha laga saaro:-
1.tan iyo intii lasoo magacaabay wax ay qabatay oo dhanka amaanka ah iyo hawlaha kale ee qaranka midna majiraan.
2.intii uu xilka hayey wuxuu kudhacay khiyaamooyin qaran waxaana kamid ahaa heshiiskii badda ee uu keenya kusiin gaadhay dhul shacabka soomaaliyeed ay leeyihiin.
3.dastuurkan cusub oo aan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka soomaaliyeed ayna kuwaayayaan waxyaabo badan oo faa’iido u ah ayuu kudhaqaaqay isla markaana ugalay olole uu caalamka kaga dhaadhicinaayo in dastuurkan lasocod siiy.
intaa iyo inbadan ooo khaladaad ah oo uu galay awgeed waa in laga qaadaa xilka,loona dhiibaa rag meesha wax kusoo kordhinaayo.
mahadsanidin