Home » Warar »

Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

Warqaddii uu Cumar C/rashiid  Qaraammada Midoobay kaga cosdsatay in laga caawiyo sidii Dastuurka loo ansixin lahaa ka hor February 2011 ayadoo aan loo marin Afti Dadweyne… Waxaana arrintaas ku raacay afhayeenka Baarlamaanka oo sidaas oo kale warqad u qoray Hay’adda UNDP…

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa qoraal wareegto ah (Ref: XRW /0000.239 /08/10) waxa uu August 10, 2010 u qoray hay’ada Qarammada Midoobey isagoo ugu horay u mahad celiyey UNDP Somalia iyo UNPOS iyo UN Electoral, kulankii 29-30 July 2010 lagu qabtay Hotel Safari Park ee Nairobi, kulankaas oo loogu magac daray “Electoral Needs Assessment Retreat”, haalkaas oo xukumaddu ay kusoo bandhigtay qorsheheeda ku aaddan dastuurka iyo xukuumadda cusub ee August 2011.

Warqadda Cumar  C/rashiid ujeedadeedu waxay ahayd in xukuumadda FKMG ay Qarammada Midoobey ka dalbanayso in laga caawino sidii looga gudbi lahaa nidaamka “Ku meel gaarka”, iyo sidii dastuurka cusub loo ansin lahaa, waxana uu xoogga saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa Dastuurka Cusub ayadoo aan loo qaadin Afti dadweyne, waxaana taas bedelkeeda uu dalbaday in laga caawiyo sidii dastuurkaas ay u ansixin lahaayeen baarlamaanka iyo tiro baarlamaanaka leego oo ah bulshada rayadka ah.

Sida ku cad qoraalka Cumar Cabdirashiid waxa uu arrintaas ka yiri:

“Ansixinta Dastuurka: Dastuurku waxaa ku cad in lagu ansixiyo afti guud oo dadweyne, laakiin xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya waxay ka dhigeysaa mid aan suurtagal ahayn in xaaalaadda jirta awgeed la qabto afti dadweyne. Sidaas daraadeed waxaan raadinaynaa hab taas bedelkeeeda ah oo si dimoqraadi ah loo ansixiyo dastuurka, kaddibna la sameeyo dawlad cusub ee dastuurkaas hoos timaada. Markii aan si aad ah u laafa gurnay oo daraasad ku samaynay waxay xukuumadda iyo baarlamaanku go’aansadeen in dastuurka lagu ansixiyo nidaam ah xubnaha baarlamaanka iyo tiro leeg oo ah bulshada rayadka ah. Waxaana yoolkayagu yahay in dastuurka la ansixiyo ugu dambayn Feruary 2011,” ayu yiri Cumar C/rashiid.

(Warqadda oo weyn… GUJI…)

Qodoabka labaad ee Warqadda ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu xoogga saaray sidii dawladda cusub loogu soo dhisi lahaa nidaam aan toos ahayn, ka hor inta aan lagaarin xilliga uu xukuumadda Federaalka xilku kaga egyahay oo ah August 2011. Qodobkaas waxa uu ku xusay in loo baahan yahay in nidaam aan tooska ahayn ee xukuumadda cusub lagu soo dhisayo in lagu qoro dastuurkan cusub.

Warqaddii Cumar C/rashiis u diray UN khri (XRW/0000.239/08/10)

Sidoo kale, Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa isla maalintaas (Augsut 10, 2010) waxa uu waraaq wareegto ah (Ref:XGB/073/10) waxa uu u qoray Hay’adda UNDP uu ugu horayn uga mahad celiyey kulankii Hotel Safari ee Nairobi.

Shariif Xasan waxa uu qoraalkiisa ku xusay sida loogu baahan yahay in laga gudbo nidaamka “Ku Meel Gaarka” oo lagu tilmaamayey dhammaan xukuumadahii la soo sameeyey laga soo bilaabo 2000, oo loo gudbo nidaam dimoqraadi ah.

Warqadda oo weyn… GUJI…

Afhayeenka Baarlamaanku waxana uu qoraalkiisa ku xoojiyey labadii qodob ee Cumar C/rashiid warqadiisa ku qoray ee ahaa in dastuurka cusub la anisiyo ayadoo aan loo marin afti dadweyne, balse ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka iyo tiro leeg oo ka socota bulshada rayadka ah ka hor Febraayo 2011. Sidaas oo kalena inta aan la gaarin Agoosto 2011 in ayadoo la marayo nidaam aan toos ahayn loo dhiso dawladda (indirect means of selection). Nidaamkaas cusubn lagu qoro dastuurka.

Warqaddii Shariif Xasan u diray UNDP Akhri (XGB/073/10)

Sida kor ku xusan, kulankii lagu qabtay Hotel Safari Park ee Nairobi waxay xukuumadda FKMG  kusoo bandhigtey qorshaheeda ay ku ansixineyso dastuurka oo faahfaahsan iyo guddiyo la dhisayo iyo qaabka loo bedelayo xukuumadda. Qoraaladdii halkaas lagu soo bandhigay oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey SomaliTalk ka akhri HALKAN.

Warqadda oo weyn… GUJI…

Qorshaha Xukuumadda Feb 2011 iyo Aug 2011 Akhri

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqasho ku jooga Nairobi oo Isniintii August 6, 2010 waraysi siiyey Idaacaadda British Broadcasting Corporation ayaa si qayaxan u muujiyey khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha DFKMG  in uu ku salaysan yahay kala aragti duwanaaanta dastuurka oo Cumar C/rashiid doonayo in la ansixiyo asagoo aan loo qaadin afti dadweyne.

Waraysiga ra’iisul wasaaraha DFKMG… dhegeyso (BBC, Sept 6, 2010)

Dhanka kale Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada DFKMG Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa Idaacadda Codka Maraykanka uga waramay fikirka Madaxweyna DFKMG ee ku aadan dastuurka cusub.

Waraysiga Agaasimaha Madaxtooyada Dhegeyso (VOA, Sept 6, 2010).

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mahiga, ayaa toddobaad gudahiis laba jeer booqday Muqdisho asagoo Isniintii Sept 6, 2010 magaalada Muqdisho kula kulmay Sheikh Shariif. (EEg warsaxaafadeedka DFKMG).

Madaxweynaha DFKMG ayaa waxa uu ka mid yahay madaxda ka soo hor jeestey dastuurka cusub qaabka uu u qoran yahay, asagoo ku taliyey in la qaato dastuurkii 1960-kii..

“Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii…” sidaas waxaa yiri Sheikh Shariif oo soojeediyaya in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin… (AKHRI).

ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa sidaas oo kale ka soo hor jeestey dastuurka cusub.

Xildhibaan C/qaadir Sh. Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dastuurka la marin habaabiyay, islamarkaana ay dowladdu ansixisay in la qaato shareecadda islaamka, taa bedelkeedana ay sheegtay in la diyaarinayo dastuur ku salaysan shareecada islaamka, kaasoo wada tashi lagala sameyn doono bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dastuurkaasi aan lagu soo diyaarin Karin maalmo, bilo iyo sanad wadcigan lagu jiro awgeed. Dhegeyso (mp3)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa sidoo kale si kulul uga hor yimid dastuurka cusub isagoo sheegay in dastuurkaan aan lagala tashan Hay’adaha Dowliga ah ee Qaranka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay wataan dad aan Soomaali danteeda wadin, waxa uuna sheegay in aan dastuurkani aan laga qaybgelin dadkii aqoonta u lahaa in ay diyaariyaan dastuurkaasi, waxa uuna soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu ku diiday dastuurka cusub (AKHRI).

dastuurDhanka kale, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow oo Guddoomiye u ahaa Guddigii loo xilsaaray Sameynta Arimaha Dastuurka ayaa sheegey in Nasiibdarro tahay in xiligaan la Siyaasadeeyo Dastuurka Cusub ee loo sameeyey dadka Soomaaliyeed.

Qodobka 174aad ee Dastuurka Cusub oo ku saabsan dhaqangelinta dastuurkan ayaa waxa uu dhigayaa “Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne”.

Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: Af-Soomaali ama English

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne "

  1. abdikarim says:

    A/c anigu waxa aan dhihi lahaa hadii aan rabi loo noqon baaba,a hada lagujiro iyo halaag ayaa dhiman kan hada uu caana noqonaayo,
    maxaa dhacay 20 sano maalinba maalinta kadanbeysa dhibku waa sii siyaadaaya.

  2. Wadanku dastuur waa u bahan yahay dowladdana ilaa muddu badan bay ku howlaneed markii la soo dhamistirayna lana doonayey ansixin in uu ka soo horjesto madaxweynaha waa arrin aad loogu xumada waxana cadaatay in uu san doonaynin in wadan dowlad ka rasmi ka dhalato . Dowladii hore ee umadda loo soo dhisayna asigaa la dagalamay iminka markii madax laga dhigany asaga isdiidan oona garanaynin wuxuu doonayo. wuxuu la shiray beeshiisa ee xildhibaanada uugu jirta barlamanka sida ay gacan uugu siin lahayeen qorshahiisa oo ah in la rido xukumada ina Abdurashid. Ninkan odayga ah wadanka gacanta kuma hayo dowlada uu madax ka yahay haddii sarakisha ugu saraysa sida (ra’iswadaraha iyo af hayeenka barlamanka) ay wax qaban la hayeen wadanka asaga hortaagan oona ogaleen in wax la qabto.

  3. xirsi-cadde says:

    war madaxweynuhu lafcad ayuu toobin ku hayaayeh ee hala taageero meesha aay ku jidho maslaxadda somaliyeed ee ah raysal waraase sharma’ake ii li laahi inay ka tahay u muuqda hase ahaateh madaxweyneh shariif u muuqdo quursi inuu wado.

  4. AWAL says:

    badida nin ba kula daydayahayoo daalna kaa badane oo inaad heshaana kula doonayn daain abidkaaye.
    wa yaab war yaa war miyaynaan ahayn dad quraanka bartay miyaynaan ahayn dad ilaa yaraantii markay sadex jir ahaayeen quranka la baray. hadaba rabi wuxuu ku yiri qurankiisa[ in tamsaskun xasanatun tasu-hum- wain tusibkum musiibatun farixuu bihaa] micneeheedu waxa weeye hadii dhibaato idinku dhacdo way ku farxayan hadaad nabad iyo barwaaqo heshaana way ka naxahayaan] dhibka ina haysta somaliyeey hadalkii rabi iyo qurankiisi ayan tuurnay inaga oo waliba is ilawsiinayna inaan sas yeelanay. dadkii uu rabi saas ina yidhi ayaan waraaqo u qoranayna oon leenahay dastuur noo sameeya war tola-ay oo tol beelay ee ma tastuurkalaan u bahanahay rabi ayaaba inoo soo dajiyay. tankale hala yaabnina waxa inugu soo socda ama ina haysta waa musiibadii ku habsatay muslimiintii andalus ee ka talin jirta wadamada hada la dhoho spain boortaqiiska iyo franca. markay qurankii ilahay iska yaseen oo ayakii is qab qabsaden ayaa ayagiina lababiyay. nin gabaya ah oo markay muslimkii dhamadeen ka hadlaya wuxuu leeyahay[ faka-anamaa qawma kama kanu] waaba ayagoon waligood abuurmin oo waxay noqeen wax aaban lasameyanin oo labuurin oo kale] wala layal ilahay oo ina bad baadiya mooyane waxan ku jirna oon dhex fadhina dabin gabo gabo ah.

  5. kamaal says:

    Dastuurka somaliya ma waxaa sameeya nin adoon igandhees ah oo calooshood u shaqaystayaal ah ay wardiyeeyaan mise nin somali soo dooratay oo wadanka oo dhan lug ku mari kara?

    Aduunka aan ku noolahay lagama hayo nin kaare adoon weliba kii africa ugu liitay ku hoos jira meel uu dastuur wadan ugu sameeyay labadaan nin ee calooshood u shaqaystayaasha ah waxaan idinkula talin lahaa wadanka iska sii dhuuqa oo dowlad aan wadanka meelna ka shaqayn iska sheegta.

    sheekh shariif hadaad mooday mooryaantii maxamed dheere iyo tii muusa suudi inaad wadanka ku xukumi karto waan arkaynaa aniga kamaal ahaan waxaan la yabaa markaan maqlo dowlad somaliya …xagee dowlad somaliya ka shaqaysaa ma melez zanaawi ayaa madaxwayne noo ah mise undp mise ninka katoliga africa ugu wayn ee calooshiis u shaqayste musaveni…

    kee baa laga hadlayaa marka dowlada somaliya laga hadlaayo bal ninkii caqli leh ha iga jaahil bixiyo….fadlan…

  6. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Inaan wax falanqayno, ra’yigeenana ka hadalno waa fiican tahay, laakin hadaad xaqiiqda fiiriso, sida wax u kala socdaan fiiriso, arimaha dadka Soomaliyeed soo mara fiiriso, buuqa iyo sawaxanka ay ku bilawdaan fiiriso, siday ku dhamaadaana fiiriso, waxaad is-leedahay horta Dastuurkaan doodiisu ma istaahishaa inuu kaaga baxo energy intaa le’eg? Energy-gaas naftaada ayaaba u baahan, wakhtigaasna wax ka faa’iido badan ayaadba akhrisan kartay?

    Sababta aan sidaa u leeyahayna waxaa weeye, masraxa kajira gayiga Soomaliyeed, anagu waan iska hadalnaa, laakin dad naga aragti dheer oo si fiican u diraaseeyay dabeecadeehana iyo qaab fakarkeena intuu le’eg yahay ayaaba si kale noo maamula, waxay doonaan ayaana socda. U fiirso sida saan loogu buuqbuuqayo, car yaanan afka subag loo marin inta qaylinaysa oo markaa la arag iyagoo qalinka ku duugay!

    Hogaan, dad iyo dal inaad haysato miyaad ismooday? In nala bartay oo nala fahmay intaan gudno iyo intaan galno iyo miizaankeenu intuu le’eg yahay, waxaad ka garan, dunida horumartay ee Soomalidu usoo qaxday, iskaba daa kuwo dalka jooga oo maskaxdooda dagaal ka qaylinayo. Hadda kahor ayaan xusuustaa, wadan kamida wadama Yurub oo ku wareeray dadka Soomalida, ayaa damcay inuu documentry ka sameeyo dadkaan iyo sida ay yihiin, markaasaa dad aqoonyahanno ah waxay TV-ga programka waday kuyiraahdeen Faraha kaqaadda dadkaan waa masaakiin Ilaahay, wax ay ogyihiin majiraan, meel khaldanna waa yimaadeen, calal aqal ka hadla dad qiimo leh oo na challenge garayn kara!!!

    Maxaad sheegaysaa markaa, waabalagu cabiray IQ intuu le’eg yahay? Marka dadka sidaa kuu diraaseyay, miyay ku adkaan inay waxay rabaan ka socodsiiyaan dalka gudihiisa?

    Tartiib, oo bal yara fakar, xor inaad maskaxda kanoqotana isku day oo aadan qofna lahayste u noqon (xizbi walaa qabiil), markaa adigaa meel kasoo bixi doonee, hadii kale ha is xabeeji, waa lawada xiiqayeeye.

    Cabdalla

  7. abdirisaq says:

    Alla maxaa abees gaamurey iyo mici gabaar guriga ii jiifa.
    Alla maxaa gudin iyo abley iyo mishaar la ila goobaayaa.
    All maxaa ruux badan oo ila gibila oo guud sare ii muuqda.
    oo gaaddada iyo salaami kalagacalka oo gacanta ii haadin.
    Alla muxuu cadwtinnimo gaamurtey nacayb guuna ii qariyey.
    Alla muxuu gudcur habeena meel la galay cadaw i goynaaya.
    oo la gorfeeyey xaajoyin gurracan oo godadna ii jeexay.
    intaasoo gu’ balaayooyinka gadaasha laga soo riixaayo
    oo galba maalin laga beddeli shaararna loo gelinaayo
    garasho xumadey iyo qabiilbaa aniga garbaduub ii xiraye.
    hayeeshee guullahay oon gam’ayn soo innama guud joogo.
    kalsooni aan kala go’ lahayn baan ku qabaa inuu ii gargaaaayo.

  8. Xassan Yare says:

    Waa arrin iska cad in shirkadda lagula heshiiyay si qarsoodi ah in toban sano dhaqaalahaasi la iska dhuuqo xattaa haddii aay barrito meesha ka tagaan.
    Khayaano in aay meesha ku jirto waxaad ka fahmi kartaa ayagoo aan nabad haysanin oo xattaa madaxtooyadii la garaacayo, dekaddii iyo ayroborkiina aay UGANDHEES ilaalinayaan bey saxiixyo heshiis darbiyada la taaganyihii.
    Waxaay ila tahay in la gaaray xilligii shicibku kacdoon sameynlahaa oo laga soo horjeesanlahaa Shariifyaasha iyo Shabaabyaasha iyo kuwa la kala safanba. Labadooduba dalkii iyo dadkiiba waa tirtireen.