Home » Warar »

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Waxaa mar kale soo if baxay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shriif iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/Rashiid, waxa uuna khilaafkaan salka ku hayaa arrimo la xiriira dhinaca Dastuurka oo dhawaan ay soo bandhigeen guddigii loo xil saaray sameynta Dastuurkaasi, inkastoo aan si aad ah loo shaacin waxa rasmiga ah ee uu khilaafkaani ku saleysan yahay, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku haystaan, iyadoo Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid uu soo jeediyey in xafladda lagu ansixinayo dastuurka ay ka dhacdo Magaalada Garoowe oo xarun u ah Maamul Gobaleedka Puntland hase yeeshee Madaxweyne Sheekh Shariif waa uu ku gacansayray.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in khilaafku uu ku saleysan yahay iyadoo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid soo jeediyey in la dhimo tirada Xubnaha Baarlamaanka oo gaaraya 550 Xildhibaan, isagoo sheegay in ay cabasho xoog leh ka timid Beesha Caalamka oo awoodi weysay in ay bixiyaan dhaqaalihii loogu talagalay xildhibaanadaasi, hase yeeshee Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif waa uu diiday arrintaasi.

dastuurWaxaa kaloo lagu waramey in Khilaafka uu salka ku hayo markii Cumar Cabdirashiid uu hayada UNDP  u xilsaarey soo daabicida Dastuurka Cusub taasoo aan lagu wergelin Shiikh Shariif,  waxaana la sheegey in ay ku baxayso Lacag aad u fara badan iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay ugu baaqeen Hayada UNDP in faraha kala baxdo arriimaha Daabacaada Dastuurka oo ay sheegey in ay weli wax ka qaldan yihiin.

Xildhibaanaada ka soo horjeestey dastuurka ..dhegeyso

Madexweynaha ayaa ka caroodey Guddi isugu jira Baarlamaan iyo Wasiiro oo uu magacaabey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashid gudigaas ayaa ka soo baaraandegaya sidii loo qaban qaabin lahaa Shirweyne Dib u heshiisiin kaasoo la doonaya in lagu qabto dalka dibadisa waxaa sidoo kale ka caroodey qaar kamid Xildhibaanada oo oo sheegey in guddigaas aan la soo marsiin Golaha Baarlamaanka .

Waraysi Cumar C/rashiid lagala yeeshay khilaafka dhegeyso (VOA Sept 3, 2010)

Khilaafkaani waxa uu sii xoogeystay markii Sheekh Shariif uu Madaxtoonyada kulan kula yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood u ololeynaya in codka Kalsoonida loo qaado Xukuumadda Cumar C/Rashiid maadaama ay dhowr jeer ka baaqsatay kulamo uu lahaa Baarlamaanka, sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa isna la sheegay in uu kullan la qaatay qaar kale oo ka mid ah xildhibaalada Baarlamaanka oo la sheegay in ay ku feker yihiin Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/Rashiid oo iyana ka soo horjeeda in xiligaan cod kalsooni loo qaado Xukuumadda Cumar C/rashiid.

Sawirka: Magcabiddii Cumar C/rashiid, 13 Feb 2009..

Horaantii sanadkaan 2010 ayay ahayd markii ay iska hor yimaadeen Labadaasi Mas’uul kadib markii Madaxweynaha uu shaaca ka qaaday in uu xilkii ka qaaday Cumar C/Rashiid ama uu eryay hase yeeshee Cumar C/Rashiid arrintaasi waa uu diiday isagoo sheegay in Madaxweynuhu uusan sharci u laheyn in uu meesha ka saaro Ra’isul Wasaaraha waxa uuna khilaafkaasi meesha ka saaray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo haatan Wasiir ka ah Xukuumadda Cumar C/Rashiid, waxaana booskiisii la wareegay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Amiira iyo Gabre oo fadhiya xafladii magcaabiga Cumar c/rashiid: Sawiro dheeraad ah

Khilaafyada soo kala dhex gala mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda waxa ay ku soo beegmaan xili Beesha Caalamka ay hadal hayso in la qabto Shir dib u heshiisiin oo mar kale lagu soo dhiso dowlad Soomaaliyeed, waana wax caadi iska noqday in Dowlad kasta oo la soo dhiso ay is qoomaan madaxda ugu sareysa, ka soo bilow Dowladda Carta ee C/qaasim madaxweynaha ka ahaa waxay is qoomeen Ra’isul Wasaarihii dowladdaasi Cali Khaliif Galeyr, sidoo kale waxaa iska hor yimid Dowladdii C/llaahi Yuusuf madaxda ka ahaa kadib markii ay is qabsadeen isaga iyo Ra’isul Wasaare Geedi waxaana meeshii ka baxay Ra’isul Wasaare Geedi, kadibna C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa is qabsaday waxaana meesha ka baxay C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la qabtay Shir dib u heshiisiineed oo lagu soo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, haatanna waxaa muuqda saan saantii ay meesha uga baxeen dowladihii hore.

Akhri: Baarlamaanka oo si xooggan uga horyimid Dastuurka ay Hay’adda UNDP usoo daabacayso Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

###

May 2010: Shiikh Shariif oo ka laabtey Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdi Rashiid

Cumar Cabdirashiid oo ku Gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay Xukuumada

Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo lakala direy iyo Afhayeenkii Barlamaanka oo xilkiisii iska casilay

Axdiga DFKMG:

Qodobka 44aad,

  • farqadda 2aad: Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.

Qodobka 51aad:

  • 1. Haddii in ka badan boqolkiiba konton(50%) Golaha Shacabku ka soo jeediyo go’aan kalsooni daro ah Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu waxaa uu xilka ka qaadayaa Wasiirka Kowaad iyo Golihiisa Wasiirada.
  • 2. Madaxmeyhaha xilka kama qaadi karo Wasiirka Kowaad ama ku Xigeenada Wasiirka Koowaad inta uu jiro Golaha Shacabka, si kasta ha ahaatee, aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51 (1).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.