Home » Warar »

“Aadan Madoobe oo doonaya in uu baarlamaanka ku caburiyo ciidamada Qaranka & AMISOM”

Xildhibaanada Baarlamaanka “Kursi cid xoog ku heysan karta majirto harey ayaana lagu waayey”…

Kulan ay yeesheen Xubnaha barlamanka ee diidan shirgudoonka ayaa ku dhawaaqay maanta (Sabti May 8, 2010) in aysan ka qeybgalaynin haddii shir uu qabto sheikh Adan Madoobe oo ay sheegeen in xilkiisii goor hore ka dhacay. (DHEGEYSO)

Xildhibaan Cumar Islow oo la hadlay saxaafada ayaa yiri: (Sheikh Aadan Madoobe) oo sheegay in uu Isniinta shirinayo guddiga baarlamaanka “Ma Shirin karo, shir ma iclaamin karo, go’aan ma soo saari karo, ninkaas (Aadan Madoobe) waa xildhibaan caadi ah, awoodna isagu uma leh in uu soo saaro go’aan, waxaana walaalkeen u sheegeynaa in uusan arrinta sii dhabqin oo meel xun sii gaarsiin, waayo baarlamaan waa sharci wuxuu ku shaqeeyo, xeer hoosaas iyo Axdi kumeelgaar ah ayaan leenahay, wax ka baxsan ayuu ku isticmaalaayaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow oo intaas ku daray “Aadan Madoobe waxa uu rabo in uu baarlamaanka ku caburiyo waa ciidamada Qaranka iyo AMISOM…” ” Wax uu Aadan Madoobe dhamayn karo, ama shir uu guddoomin karo ama shir uu guddoomin karo midna ma jirto”

COD: Warkaas Halkan ka Dhegeyso (Warsaxaafadeed)

Gudigaan ayaa ka kooban 16 xubnood oo ay soo kala xusheen dhiancayada uu u qeybsan yahay Baarlamaanka kuwo taageersan gudoonka barlamanka iyo kuwa ka soo horjeedo oo diidan sheegayna in gudoonka waqtigiisii dhacay .

Shirka maanta xildhibaanadu ka yeesheen shirgudoonka ayey shirkooda ku shaaciyeen in ay iska soo dhexsaareen gudiyo ka soo baaraan daga sidii dib loogu furi lahaa shirarkii barlamanka ,kaas oo aan furmin wixii ka danbeeyey shirkii lagu diiday heshiiskii badda ee muranka badan dhaliyey (Agoosto 2009).

“Innaga waxaa naga go’an inaanan ka qaybgelin kulan uu shir guddoomiye ka yahay Sheekh Aadan Madoobe, waxaa jira guddiyo ay labada dhinac soo diyaariyeen, kuwaasoo min sideed xubnood ah, kana soo shaqeynaya qaabka dib loogu howlgelin karo baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow oo saxaafadda la hadlay.

Dhanka kale Sheekh Adan madoobe ayaa looga digay arintaa in uusan u adegsan ciidamada dowlada fadaralka KMG Somaliya iyo cidamada Midowga Africa ee AMISOM arintana hada barlaman ayey joogtaa.

Xildhibaanku wuxu xusay in ay go’aan ka tahay ayna qaadanayaa gudiyada lasaarey wixii ay so go’aamiyaan waxaana wadahal maalintii sadaxaad uga socdaan gudaha magaalada muqdisho meel ka mid ah, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay warkii ka soo baxay “gudoomiyihii hore” ee barlamanka sheikh Adan Maxamed Nuur ee ahaa in kulamada baramanka ay soo diyaarin doonaan gudiyada golaha barlamanka .

Isqabqabsiga ka taagan xildhibaanada barlamanka dhaxdooda ayaa cirka isku sii shareeray mana jiraan wax xal ah oo laga gaarey weli waxaana dhawaan uu sheegay madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed in Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ay sheegeen inay xal ka gaareen khilaafka, lana furay baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay eedayn u soo jeediyeen ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay Walad Cabdalla (AKHRI: “Axmed Walad Cabdalla ayaa Masuul ka ah Dhibaatada ka Dhextaagan Baarlamaanka Soomaaliya” Warsaxaafadeed )

Dhankiisa Walad Cabdalla waxa uu “niyadjab kamuujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka” DFKMG.

Dhanka kale dhawaan ayaa  80 Xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Waqtigii ka dhammaaday Guddoonka Baarlamaanka .

Dhinaca xukuumadda waxaa Warsaxaafadeed ay soo wada saareen Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid ayey ku muujiyeen in khilaafkii dhammaaday, taas oo xildhibaanadu sheegeen in aan arrintaas la xallin, waxaana 315 Xildhibaan ay Doorteen Guddi soo magacaaba Guddoon Cusub oo uu yeesho Baarlamaanka DFKMG taas oo ka dhigtay in kabadan 300 xildhibaan in ay diidan yihiin guddoonka, halka 30 ka taageersanaayeen.

Gudigaan cusub ayaa ka kooban 16 xubnood oo ay soo kala xusheen dhinacayada uu u qeybsan yahay barlamanka kuwo taageersan gudoonka barlamanka iyo kuwa ka soo horjeedo oo diidan shegayna in gudoonka waqtigiisii dhacay.

Si kastaba ha ahaateen kulanka maanta (May 8) ayaa waxaa warcad oo laga soo saarey lagu shaaciyey in ay dooranayaan dhawaan guddoomiye barlaman oo cusub, haddii aan la aqoonsan go’aanka ay la yimaadaan guddiyada labada dhinac ay xusheen, waxayna sheegeen in uu bilaaban dono markaa ka dib kalfadhiyadii barlamanka uu caado ahaan ulahaa.

Wararka khilaafka Baarlamaanka DFKMG ka akhri halkan: https://somalitalk.com/tag/xildhibaan/

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Aadan Madoobe oo doonaya in uu baarlamaanka ku caburiyo ciidamada Qaranka & AMISOM” "

  1. nugaali says:

    asc waxwalba way inagu dayeen dowladaha wax inoo macmacaa ee marba
    humaag aan astaan dowladeed lahayn inagu khasba ,500 ee nayroobi ku
    biilqaata iyo ragan aan diyaarada kadegin iyo ugaandhayska dadka madhfaca
    ladhacaya miyaa dowlad inoo ah, been ayaynu nafteena kuqancinaynaa
    layaabse malihinoo waan u oomanahay dowlad saase kugaadhimayno.
    WAXAA IGA TALA AH: in aynu kubiirno xisbiga dhowaan lakunkay oo ay kubahoobeen dayarta somalinimadu maskaxdooda ka ifayso,waa xisbigee?
    WAA XIBIGGA :HANOOLA
    sidaa iyo nabad gelyo, oslo norway