Home » Warar »

80 Xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Waqtigii ka dhammaaday Guddoonka Baarlamaanka

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG oo Sheegay in Waqtigii ka dhamaaday Sheikh Aadan Madoobe –

Shirjaraa’id: Wasiirada iyo Xildhibaanada Bay iyo Bakool oo Shaaca ka qaaday in aan waxba ka khusayn War Murtiyeedkii ay April 30 sida wadajirka ah u soo saareen madaxweynaha DFKMG, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG.

“War murtiyeedkaaas wax weyn oo naga khuseeya ma jirto, laakiin waa iska dublomaasiyad, wax la iska sheegsheegay weeye, mana khusayso baarlamaanka”

Xamar waxaa ku jooga 89 xildhibaan oo beesha Digil & Mirifle. 9-xildhibaan waxay la jirtaa xildhibaan Aaden Maxamed Nuur Madoobe, 80 kamid ahna waxay rumaysan yihiin in xilkiisii guddoomiye uu dhammaaday..

_______________

Xildhibaanada iyo Wasiiro ka soo jeedaha Beelaha Digil & Mirifle ayaa Jimcadii (April 30, 2010) waxay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho ayagoo mowqifkooda ku caddeeyey in waqtigii ka dhammaaday Guddoonka Baarlamaanka DFKMG.

Shirkaas jaraa’id intii uu socdey waxaa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, ahna Wasiirka Dartuurka iyo Arrimaha Federaalka ee DFKMG oo kamid ah xildhibaanada rumaysan in waqtigii ka dhammaaday Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG, Sheikh Aaden Madoobe.

Xildhibaan Nuunow hadalkiisii waxaa ka mid ahaa: “Sida aad u jeedaan galabta halkaan waxaa ku kulmay xildhibaanadda Digil iyo Mirifle oo tiradoodu ka badan tahay toddobaatan iyo shan (>75) oo dhammaantood isku aragti iyo isku fikrad ah, aaminsana in Guddoonkii waqtigiisii dhammaaday, laba arrimood dartood: Marka u horaysa guddoonka waxaa soo doortay 275 xildhibaan, oo walaayadooda ama muddadooda ay ahayd 5 sano, shantii sano waa dhammaatay, walaayadoodiina meeshaas ayey ku dhammaatay, waxaa kale oo ku soo biiray 275 kale oo xildhibaan, oo aan codkoodii weli bixin oo aan kalsoonidoodii siin guddoonka. Labadaas arrimood markii la isu geeyo guddoonkii waqtigiisii waa dhammaaday.”

Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa sheegay in ay maqleen War-Muryeed ay Jimcadii (April 30, 2010) si wada jir ah u soo saareen Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid. Waxana Xildhibaan Nuunow uu yiri “Sideedaba war murtiyeedkaasi anagoo halkan fadhina ayuu na soo gaarey, in badan markaan fiirinay wax aan isku khilaafsanahayba ma jiro, waxaan aaminsanahay waxa anaga aan wadno in uu taageersan yahay, oo go’aanka qodobka ugu mumiimsan uu yahay Baarlamaanka dhexdiisa in lagu xalliyo dhibta jirta, taasna annagu waa u hoggaansan nahay.”

Qaabka ay ku dhisan tahay DFKMG waa 4.5 oo ah in xilalka lagu soo xulay qaab beeleed.

Wasiirka Dastuurka DFKMG oo ka hadlay in kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ay leeyihiin beesha (Digil iyo Mirifle), waxana uu yiri “Kursiga guddoonka, khaasatan guddoomiyaha, beeshaan ayuu ka tirsan yahay. Beeshana badidooda waad u jeedaan oo xubnihii ugu tirada badnaa halkan ayey fadhiyaan, ciddii reerkeeda rabta in ay wax ku hoggaamiso waxay u baahan tahay in kalsoonida inta badan ay hesho. Marka waxaan u sheegeynaa in uu u hoggaansamo kalsoonida iyo rabitaanka xildhibaanada intooda badan hadday doortaan uu qaato, hadday diidaana uu sidaas ku iimaansado ayaanu soo jeedineynaa.”

Waxa kale oo Nuunow uu toos ula hadlay xildhibaanada beelaha kale, waxana uu yiri: “Beelaha Soomaaliyeed ee kale xildhibaanadooda waxaan u sheegeynaa, maanta 4 beelood oo waaweyn iyo beel 5aad ayaa jirta, xisbiga noo dhisan maanta waa 4.5, qaybta (share-ka) Digil & Mirifle asagaa awood u leh in cidduu u garto uu markaas miiska soo saaro, waxaan u jeedinaynaa inay u hoggaansamaan , in ay ku tixgeliyaan , in ay dhawraan Axdiga noo yaallo, cid keeni karta cid Digil & Mirifle matalaysa oo hoggaan sare u dhiiban karta  ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka DFKMG, Madoobe Nuunow. (HALKAN KA DHEGEYSO)

Xildhibaanada kale ee ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Ibraahim Yarow, xildhibaan Macallim Jiis iyo Xildhibaan Luul Cabdi Aaden, hadaladoodiina waxaa ka mid ahaa:

“Waxaan Xamar ku joognaa 89 xildhibaan, 9-xildhibaan waxay la jirtaa xildhibaan Aaden Maxamed Nuur Madoobe, 80 kamid ahna waxay joogtaa halkan waa idinka arkaya. Waxaan rabnaa dawlad nimadii Soomaaliyeed in ay sii jirto, shakhsiga hadduu waqtigiisa dhammaado waa la iska qabtaa waxaa la yiraahdaa ‘adeer waqtigaagii waa dhammaaday ee halkaa naga fariiso.”

“Aadan madoobe waxa uu marti ku yahay 2 kiiloomitir.”

Xildhibaan Isaaq Yarow: “War murtiyeedka ka soo baxay madaxtooyada waa maqlaynay, arrintaana wax weyn oo ka dhuseeya ma jirto, arrintani waa arrin sharci ah oo baarlamaanka u taal. War murtiyeedkaas wax weyn oo naga khuseeya ma jirto, laakiin waa iska dublomaasiyad, wax la iska sheegsheegay weeye, mana khusayso baarlamaanka” (HALKAN KA DHEGEYSO)

War murtiyeed ayaa Jimcadii (April 30, 2010) waxaa si wadajir ah u soo saaray Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid. Waxaana saxaafadda u akhriyey Wasiirka Warfaafinta DFKMG, Sh. Daahir Maxamuud Geelle. Qodob kamid ah war murtiyeedkaas ayaa dhigaya “Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla” HALKAN KA AKHRI. ama (Halkan ka dhegeyso)

Waxay ahayd April 25, 2010 markii ay magaalada Muqdisho kulan ku yeesheen xildhibaano tiradoodu gaarayso 315 xildhibaan, oo doortay guddi loo xilsaaray soo diyaarinta guddoon cusub oo uu yeesho baarlamaanka kumeelgaarka ee Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen, uu waqtigii xilku ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka.  AKHRI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " 80 Xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Waqtigii ka dhammaaday Guddoonka Baarlamaanka "

  1. nasiib darada beesha digil&mirifle ee waxaan jeclahay inaan weydiyo wax garadka kasoo jeeda digil&mirifle goor mee laga yabaa inaan wada gaar taan talo wax ku ool Ah oo ey kaga baxaan dhibaa tooyinka beelaha waayo maanta waxaa muuqato soomaalia iney isu qey bisay nidaam acusub ee fadlan Adin koon wakhti iska lumin oo Adna ka lumin mustaq ballka umadaa dagta inta u dhaxeyso 2wabi isku ta shada oo una ta liya Umada dhistana maamul gobaled rasmi Ah waayo wax ka fiiriya maah maah dii Ahayd lanba dal sheey doorana daaftiyee waayo waxaa laga yabaa taa iney noqon karto hormar ka nabda&nidaam goboleysi buuxa Adna ku codeysan kar taan ee maahin inaad Ahaa taan mar waliba kaba qadayaal kaliya ee waa inaad lahaa taan cod buuxa&gobolo lagu sheeo daga naasho &kala dan beyn

  2. Xassan Yare says:

    WAxaan soo xusuustay shbley la tiriyay;

    MARNA RASHIID MARNA RISAAQ INTA KALE MA ROOTI BAA….

    Hadda waxaaymareysaa :-

    DIGIL IYO MIRIFLE INTA KALE INTA KALE MA OOTI BAA…