Home » Warar »

315 Xildhibaan oo Doortay Guddi soo magacaaba Guddoon Cusub oo uu yeesho Baarlamaanka DFKMG

Kulan ay magaalada Muqdisho maanta (Axad April 25) ku yeesheen xildhibaano tiradoodu gaarayso 315 xildhibaan ayaa waxay doorteen guddi loo xilsaaray soo diyaarinta guddoon cusub oo uu yeesho baarlamaanka kumeelgaarka ee Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen, uu waqtigii xilku ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka.

Xubanahaas baarlamaanka ee ku shiray Hotel Weheliye waxay doorteen laba guddi oo mid qaabilsan yahay xagga farsamada, guddiga kalena qaabilsan yahay xagga qoraallada & la xiriirka beesha caalamka.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in markii hore hab sharci ah lagu soo doortay Sh. Aaden Madoobe, sharcigii lagu doortay uu dhammaaday.

Xildhibaanaddaas tiradoodu tahay 315 xildhibaan waxay soo jeediyeen sida ugu dhaqsaha badan in uu u qabsoomo kalfadhiga baarlamaanka DFKMG.

Xoghayaha Barlamanka DFKMG, Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo kulankii xildhibaanada kaddib la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in ay jaaha saarayaan sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka baarlamaanku , waxa kale oo uu sheegay in uu Sheikh Aadan Madoobe ugu baaqayo in uu xilka isaga dego, maadama, sida uu sheegay, uu xilka muddadiisa ka dhammaatay. Waxaa xusid mudan in Xildhibaan Cumar Islow uu ka mid ahaa xildhibaano Sabtidii (April 24) xarunta Villa Soomaaliya kula kulmay Sheikh Shariif, kulan uu goob joog ka ahaa wasiirka diinta ee dalka Jabuuti. Kulankaas oo Sheikh Shariif codsaday in “xaalada la dejiyo”.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdishu kulan ku yeeshay xildhibaano tiradoodu gaareyso 25 xildhibaan, kuwaas oo taageersan Sheikh Aaden Madoobe, iyagoo sheegay in ay taageersan yihiin dhexdhexaadinta ay beesha caalamku ka dhex wado xubnaha baarlamaanka.

Xasan Abshir Faarax oo Jimcadii (April 23, 2010) la hadlayey idaacadda wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) ayaa sheegay madaxweynaha DFKMG oo diyaarad ka soo wada raaceen Nairobi (April 17, 2010), intii ay diyaaradu u soo socotey Muqdishu uu (Sheikh Shariif) codsaday in “laba motion oo baarlamaanaka ay laba kooxood kala geeyeen, midna ahaa in dawladda lala xisaabtamo, midna ahaa guddoonka baarlamaanka waqtigiisu in uu dhammaaday, labadaba in dhulka la dhigo, lagana noqdo, markaa kaddibna baarlamaankii la furo”. Xasan Abshir waxa uu intaas ku daray “madaxweynaha codsigiisa diyaarada dhexdeedii ayaanu ku aqbalay in aanu ka noqono wax aallaali iyo wixii aanu ku fekereynay oo la xisaabtan ahaa.”

Xasan Abshir waxa kale oo uu sheegay “Guddoomiyaha baarlamaankana dhawr goor ayaan kulanay, isaguna ra’yiga madaxweynaha ayuu qabay”.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Muqdishu shir jaraa’id ku qabtay culimada musaalaxada, oo sheegay in xukummadda Sheikh Shariif ku fashilantay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ay dalka ku dhaqdo. Sheekh Jaamac Cabdisalaan Warsame oo u hadlayey culimada ayaa sheegay in DFKMG qorshihii ay hore u soo bandhigtay ee ahaa ku dhaqanka shareecada aysan hadda ka muuqan arrintaasi. Isagoo sheegay in ay hayaan 7 qodob oo muujinaya in DFKMG aysan doonayn in ay dalka ku dhaqdo shareecada Islaamka.

Waxaa in dhaweydba Jabuuti ka socdey diyaarinta “Dastuur” loo samaynayo DFKMG, kaas oo laga yaabo in hordhaciisa la soo bandhigo bisha July ee sannadkan 2010.

Kulankii Baarlamaanka DFKMG oo markale dib uga Dhacay Kulankii Axadda

Warar laga helay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa tibaaxay in kulankii Baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee la filayey in uu qabsoomo Axad April 25, 2010 in markale uu ku yimid dib u dhac oo aan la aqoon muddo sugan oo uu qabsoomi doono.

Waxaa wararka qaar tilmaameen in sababta uu kulanku u baaqday ay tahay arrimo farsamo oo aan si qeexan loo caddayn, waa sida laga soo xigtey xildhibaano u janjeera dhanka xukuumadda. Waa markii labaad oo shirkaad dib loo dhigay toddobaad gudihiis. Waxa hadalkaasi la mid yahay hadalkii Sheikh Aadan Madoobe uu (April 21, 2010) sheegay in shirkii April 22 u baaqday qaab farsamo (dhegeyso).

Xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ayaa wararka qaar tibaaxeen in ay xusul duub ugu jirto in aan xildhibaanadu yeelan mowqif madax bannaan oo midaysan, si markaas aan xukuumadda loola xisaabtamin.

Jimcadii April 23 ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka oo tiradoodu kor u dhaaftay 300 xildhibaan ay isku dhaarsadeen in kulanka maalinta Axadda (April 25, 2010) ay sharciga iyo qaranka difaacayaaan, ayagoo ugu baaqay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, in uusan “guddoonkii hore” hor keenin baarlamaanka, haddii kale in foolxumo tii ugu darnayd ku dhici doono hadduu guddoonkii hore keeno baarlamaanka. (dhegeyso). Laakiin kulankii Axadda ma qabsoomin.

Muran xooggan ayaa hadda ka dhexjira golaha xukuumadda iyo baarlamaanka.  Arbacadii Apri 21, 2010 ayey ahayd markii xildhibaano ka badan 30o xildhibaanay Sheikh Shariif u gudbiyeen qoraal ay ku muujinayaan in xilkii ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka. (Dhegeyso)..

Waxaa jira warar tibaaxaya in guddoonku baarlamaanka iyo xukuumaddu ay haystaan taageerada qiyaastii 30 Xildhibaan, halka 300 ay ku doodayaan in marka sharciga u deggan baarlamaanka la raaco in xilkii ka dhamaaday guddoonka. Sidaad daraadeed waxaa arrintu maalintii Sabtida ay taaganayd 300 vs 30. (FG. Waxaa jira in xukuumaddu ay diyaarad Nairobi kaga soo qaaday 47 xildhibaan oo keentay Muqdisho April 17, 2010, laakiin aan xaqiiqo loo ogeyn in xidhibaanadaasi ay taageersan yihiin qorshaha xukuumada ee ah in aan lala xisaabtamin).

Xubanaha baarlamaanka DFKMG ayaan shir ama kalfadhi yeelan wixii ka dambeeyey bishii Agoosto 2009 xiligaas oo ay si cad uga hor yimaadeen qorshihii xukuumada Sheikh Shariif ku dooneysey in ay ku baylahiso qayb kamid ah badda Soomaaliyeed, taas oo baarlamaanku ka dhigeen waxba kama jiraan.

17 April 2010 ayaa Guddoomiye Xigeenka labaad ee Baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu qiray in muddadii Guddoonka Baarlamaanku ay ku ekayd 22-kii Agoosto 2009. Akhri: https://somalitalk.com/tag/xildhibaan/

Qoraal SomaliTalk.com daabacday September 29, 2009 ayaa waxaa ka mid ahaa sidan:

October 10, 2004 ayey ahayd markii magaalada Nairobi ay xildhibaanada DFKMG ah madaxweyne u doorteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana xilkaas loo dhaariyey October 14, 2004. Waxana uu xilkaas iska casilay December 29, 2008 ayadoo aysan dhammaan waqtigii xilka loo doortay oo ku ekayd October 14, 2009, haddii uusan is casili lahayn. Bartaas weeye meesha xeer-beegta Soomaaliyeed ay ka duulayaan marka ay leeyihiin xilka Sheikh Shariif waxa uu QANUUN ahaan ku egyahay muddadii uu xilku kaga  ekaa  C/laahi Yuusuf oo ah bisha October 14, 2009.

Waxaa xusid mudan August 22, 2004 in Shariif Xasan Sheikh Aaden loo caleema saaray Guddoomiyaha Baarlaanka DFKMG, kulan ka dhacay Nairobi. Muddo ka dib markii DFKMG kala qaybsantay ayaa January 17, 2007 waxay Baarlamaankii Baydhabo ee DFKMG ay kalsoonidii guddoomiyaha kala laabteen Shariif Xasan. January 31, 2007 ayaa Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe). Gudoomiyaha Sh. Aadan Markii loo dhaariyey Jagadii Shariif Xasan laga qaaday lama xusin in loo dhaariyey Shan-sano oo hor leh, ee waxaa Baarlamaanka iyo Dowladuba rumays naayeen sida Axdiga u qoran uu dhigayo inuu dhamaystirayo mudaddii 5 sano ahayd ee Barlamaanka cimrigiisu ku ekaa intaysan isugu kordhin Jabuuti.” (Qoraalkaas ka akhri halkan) – Taasi waa qayb kamid ah warbixintii 29 September 2009.

###

Weli ma dhegeysatey: Comics & Robots (Apr 25, 2010) (English & Italian)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.