Home » Warar »

Warsaxaafadeed ay soo wada saareen Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid

Warasaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen madaxweynaha DFKMG, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG oo nuqul kamid ah soo gaarey SomaliTalk ayaa u qornaa sidan:

________

War-Murtiyeed:

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo dhex-galay.

Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.

Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.

Madaxda sare ee Qaranku:

  1. Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxadda Qaranka,
  2. Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,
  3. Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,
  4. Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,

Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.

Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si marxaladdaan adag looga gudbo.

Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.

Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya

Sheekh Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Baarlamaanka

Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya, Jimce, April 30, 2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warsaxaafadeed ay soo wada saareen Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid "

  1. daljacayl says:

    salankadib waxay modayan sharifka iyo labada kale ee mesha ya wada jogaan in dad ka somaliyeed ay yihin ciyaal oo klae waala ogyahay khilaafku inuu ka dhexeeyo adam madoobe iyo xildhibanada parlamaka marka waxan u shegaya in ay sas u ogadan ma khilaaf aya ka dhaxaynkara ayaga oo ku bahoobay in la boobo hantida somaliya meel kasta halaga soo qaato
    mida kale barlaman mar dam isu imanaya ma jiro sababtoo ah waxayb aka cabsanaya in lagu qarxiyo hoolka ay ku shiraya wataas alshabab oo laga bartay is qarxinta in ayaga lagu soo celiyey waxay soomaliya ayga keenen

  2. Xassan Yare says:

    Waa jaho dhumis iyo maawelo. BOOR iyo QIIQ bey rabaan in aay isku qariyaan si aay meesha usii joogaan oo Shariif SAKIINA uu maal ugu aruuriyo.Maalintii baarlamaanku uu xisaabtan dhab ah ula yimaado ayaa war jiraa ee kalfadhiyada baarlamaanka ha bilowdeen.