Home » Warar »

(Warbixin) Gudigii Dastuurka u Samaynaya Dawladda FKMG oo…

Afeef Akh-ristaha sharafta lahoow marka hore qormadan, si degan u dhuux murtida ay xambaarsan tahay, waa fariin toobiye ku socota ama tigaad kuu noqon iyo togagg soo rogmada ama Tareen ku jiiray talo la’aane ee ruux kastoow garo micnaha cinwaanka maann-gaabni kuma ogi Ummaddaan muslimka ahee abtirkeed Soomaali yahay, Adigoon Mudac, Mindi iyo Masaar Midna ii Qaadan, Hadii Kale Mufsidoow Adiga iyo Maankaa!!.

Gudigii Dastuurka Waa Loo Heeseye Adinkuna Heesa!! 

Akh-ristayaal Qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa guud ahaan khubado loo jeediyey xiritaanka siminaar gudiga dastuurka uga socdey dalka Jabuuti iyo dhacdo yar oo ka dhacdey qayb ka mid ah xafladihii lagu soo xirayey siminaarka, inkastoo aan ku hormari doono dhacdada, Hadana hadii aan gudagalno Akh-riste qormadeena oo aan sharaxaad ka bixino, Ereyga Hees sharaxaadiisa waxaan filayaa in waqti uusan u baaheynn, balse hadii aan dhinaca kale ka eegno marka la yiraahdo waa loo heesey, mudooyinkan dambe Ereygaas wuxuu sameynayaa macno fara badan, dadka qaar waxay u adeegsadaan ruux la khaldey, halka dadka qaar ay u adeegsadaan xiliyada farxada oo kale, sidoo kale xiliyada qaar waxay noqotaa handadaad digniin la socta IWM, micnaha cinwaanka oo dhameystiran waxay ku dhan tahay khudbooyinka iyo sharaxaada aan idiin soo gudbiyey.

Inkastoo Ereygan Waa Loo Heesey, aan si dhab ah loo sheegikarin xiliga uu soo shaac baxay, hadana wuxuu ka mid yahay Ereyada inta badan loo adeegsado mudooyinkan dambe ruux la meel mariyey ujeedkii laga lahaa, hadana Dadka Soomaaliyeed waa dadd hibo u leh hal abuurka murtida iyo hal qabsiyada kala duwan ee uu bani’aadamka adeegsado xiliyada colaadaha, abaarta, caafimaad derida, Barwaaqada, naxdinta, farxdad IWM, kuwaasoo hadba xiligeeda ku jaangooya Oraahyadooda.

Sidoo kalena mana ahan Oraahdan mid ku timid si sahal ah ee hal abuuradii hore oo keliya kuma koobna in kuwooda la qaato, waxaase dhacda in xiliayadaas kala duwan oo ay dadku kulmaan soo baxaan murti cusub iyo hal qabsiyo kale oo ka duwan kuwii hore oo waqtigu abuurey, faafida arintaasina waxay ku xiran tahay hadba muhiimada ay leedahay Ereyadaas cusub iyo xiisaha bulshada ay u qabto, waxayna qayb ka noqotaa hawl maalmeedka dadka ku nool deegaankuu ka abuurmey Ereyga iyo xiriirka uu la leeyahay deegaanada kale ee ku xeeran, mudo kadib oraahdu waxay noqotaa mid qaan gaarta, taasina waxay dhalisaa in looga gudbo kuwo kale oo cusub.

Mudadii dowlad la’aanta dalka Soomaaliya ka jirtey, dadka Soomaaliyeed waxay adeegsadeen oraahyo cusub oo kala duwan kuwaasoo aan halkan lagu soo koobikarin, kadib markii ay dhex martey dirirta sokeeye, waxaana jirey isku dayo badan oo joojinta colaadahaas ah. waxaa la qabtey shirar kala duwan oo lagu soo af-jarayo shirkasta oo la qabto waxaa ka soo baxaayey Ereyo cusub, balse kuwa ugu adag ee ilaa iyo hada aan xal loo helin, waxaa ka mid ah Looma Dhama!!, Dadka Soomaaliyeed waa dadd ku xeel dheer xalinta Ereyada adag ee bulshadu abuurtey, balse Ereygan Looma Dhama! Ayey wax badan ku weydey, wuxuuna dhaley Somaliland, Puntland, 4.5, Federaal, Galmudug, Burcad Badeedd, Maxaakim, AMISOM, Al-shabaab, Ahlusuna iyo kuwii kale ee ka horeeyeyba oo marka la isku soo duubo ahaa Hogaamiye Kooxeed.

Anigoo og kuwaas iyo kuwo kale oo badan, islamarkaana hore ula socdey bilowga maalmihii hore ee siminaar u socdey xubnaha gudiga dastuurka oo qaab cashar ahaan loo siiyey, muhiimada suugaanta ay ku leedahay xaga wacyigelinta bulshada dhexdeeda oo loo qaadey Heeso Wadani ah iyo kuwo kale oo kiciyey dareenkooda, kuna dhaliyey Qiiro aad u weyn oo bedeley wax badan Saacadihiii daruusta ay ku guda jireen ayaa 24/03/2010, saacaduna tahay laba saac iyo bar ama 8:30-daqiiqo oo Habeenimo, joogana Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka, kana qayb galayey xafladii ugu dambeysey ee lagu soo xirayey siminaarka u socdey Gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG oo ay ka soo qayb galeen xubno isugu jira wakiilada beesha caalamka ee xaruntoodu tahay caasimada dalka Jabuuti , xuno siyaasiin iyo aqoonyahano kala duwan oo ka socdey dalka Jabuuti, wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Wallad Cabdalla oo isugu jira Ambassadorada beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee oo xafiiskoodu uu yahay Nayroobi oo lagu martiqaadey xaflada iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha kala duwan ee isugu jira deeq bixiyayaasha, ganacsato Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Caasimada dalka Jabuuti, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka iyo shan xildhibaan oo uu hogaaminayo iyo xubnaha gudiga dastuurka madaxa banaann ayaa mid ka mid xubnihii Soomaalida ee lagu casuumey xaflada oo dib uga soo dhacey waqtigeeda ku kulaney isla Hoteelka, iyadoo lagu jiro gebagebada xaflada.

waxaana dhegihiisa ku soo dhacey Muusik!!, balse wuxuu arkey goobtii oo laga kala hoydey oo dad yar ay joogaan iyo aniga oo soo galbanaya dabadeed maxaa dhacay?!!, “war xafladii Soomaalida halkey ka socotaa? Ayuu I weydiiyey Ninkii, waxaan ugu jawaabey sow ma aragtid heesta socota iyo dadkaas meesha taagan?!, dabadeed wuxuu igu soo celiyey oo gudiga dastuur qorista ee shareecada iyo is-waafajinta dastuurka miyaa loo heesayaa?!!, Isagoo aad ula yaaban waxaa qosol ahna ku daraya ayuu si kaftan ah iigu daba-dhigay, “war hadmay heestan iyo Dastuurkii shareecadu is qabanayaan”, waxaan ka dalbaday inuu kalmaddiisa ku darsado, hase ahaatee wuu ka gows adeegey sababo jira awgood, hadaba sideen u gudbiyaa ayaan u raaciyey?!, su’aashaas dambe kadib waxaan galney dood dheer oo socotey ku dhowaad saacad barkeed anigoo og waxa meesha ka dhacey bilow iyo dhamaad.

Dooddaas na dhexmartay aniga iyo ninkaas macsuumka ahaa waxay ahayd mid meelo badan taabanaysay waxaase gundhiggeedu ahaa qaabka loo qabtay xafladdan iyo dadka lagu martiqaadey hadii aan soo koobo hadaladii ninkan wuxuu yiri “aniga waxaan qabey in aayado qur’aan ah iyo axaadiista Ra’suulka (SCW) meesha laga aqrin doono oo dadkana loo sheegi doono in dawladdu tahay mid islaami ah oo dastuurkeeduna ku qotomo shareecadda islaamka sida in badan ay sheegeen masuuliyiinta dawladda ee heer walba leh, hase ahaatee waxaa qaadan waa igu noqotay, in goobta si qiiro leh heeso loogu maaweeliyo, inkastoo heesaha waddaniga aan laga maarmin, hadana waxaa xusid mudan qaabka loo iibgeeyey Dastuurka dawladda iyo dadka loo wado oo aan ogeyn waxa goobta ka socda ayaa waxaa la dhihikaraa wax aan is-qaban” ayuu yiri ninkii macsuumka ahaa, inkastoo doodaas na dhexmartey, hadana meesha waxaa iiga soo baxdey in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay tahay, wax ka bilowda farsamooyinka maamul iyo rabitaano badan oo is-diidan oo u baahan in lagu xaliyo aqoon iyo dulqaad badan oo la muujiyo, arimahaas idiidan oo mustaqbalka dhaliya wax ka badan waxa qorshuhu ahaa.

Waxaan soo xasuustey sheeko Soomaali aan hore u maqli jirey oo ay dhex martey Wiil 5-sano jira ah iyo Aabihii, kana mid ah beelaha dega Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya, reerka wiilka uu ka dhashey wuxuu ahaa Reer guuraa, wiilkan 5-jirka ah ayaa wuxuu lahaa Xeero isaga gaar u ah oo cuntada loogu rido. Sida la wada ogyahay waa xiliga caruurta ugu hadalka, Oohinta iyo oradka badan yihiin, islamarkaana waalidka dhaley waxay ku khasbaan wax badan oo uusan xiligaas diyaar u ahayn, waxaana dhacdey in Reerka uu u soo martiyo nin ka soo jeeda Gobolada dhexe ee Soomaaliya, sida dhaqanka Soomaalidu uu yahay waa la soo dhaweeyey ninka. Hooyada Reerka oo ahayd mid laga dareemayey Cunsuriyad ayaa waxay wax ku siisey Xeerada ilimiha yaraa, si uu u qayliyo ha dhow, odeyga Reerka waxaas waxba kama oga, ilmihii yaraa ayaa ogaadey in xeeradiisa wax lagu siiyey, wuxuuna sameeyey wixii laga filayey caruurta, wuxuu isku darey qaylo iyo hadal badan, isagoo barooranaya ayaa wuxuu u tegey Aabihii, wuxuuna weydiiyey su’aal culus oo ahayd Aabo maxaa Xeeradeyda wax loogu siiyey ninka Laba Go’laha ah ama (Lama Goodle)?!!, Odeygii oo aad uga xun sida uu u Hadley wiilkiisa yar, misana yaab ku noqotey su’aasha uu weydiiyey ayaa isna wuxuu ku jawaabey “Aabe iska aamus, isagaba raali kama ahayn in dadkaas uu u dhashee ee ilaahayb baa ka dhigaye”!!, waxaan ugu soo gebagebeeyey saaxiib sheekada halka ay mareyso ma ogide iska aamus, tani waxba ma aha nee waxaa ka daran sidii loo joojin lahaa dhiiga sabab la’aanta u daadanayee. Hadaba aan dib u qooraansano sida uu u dhacey xiritaanka Siminaarka gudiga Dastuurka.

Xaflad lagu soo xirayo Siminaar 21 maalmood uga socdey Gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Madoobe Nuunow Maxamed, ku Xigeenka Axmed Walad Cabdallah, Mr. Charles Petrie, Xubin ka socotey Midowga Yurur, Moura Barry oo ka socotey Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika ee dalka Mareykanka, islamarkaana ahayd Madaxa Deeq bixiyayaasha Caalamka, Mark Bowden oo isna ah xiriiriyaha bani’aadanimada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, xubno ka kala socdey Safaaradaha Mareykanka, Norwey, Switzerland iyo marti sharaf kala duwan ayaa Galabnimada 23/03/2010 lagu qabtey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti.

Qaybaha hore ee xiritaanka siminaarka waxaa si gooni ah u kulmey, xubnaha Gudiga Dastuurka, halwadeenada UNDP iyo saaxiibadeed oo isugu jira khubaro Soomaali iyo Ajnabi oo siminaarka wax ka bixinayey iyo xubno uu hogaaminayo ku xigeen Wallad Cabdalla oo isugu jira Ambassadoro, madax ka socotey deeq bixiyayaasha caalamka iyo madax Hay’addo kale oo caalami ah, waxayna is dhaafsadeen warbixino halka ay wax marayaan iyo talooyin, waxaa kale oo jirey kulan shangeesood ahaa oo ay yeesheen ku xigeenka Wallad Cabdalla Amb. Charles, xubnaha Deeq bixiyayaasha, TFG oo ay ka socdeen Wasiirka Dastuurka, Wasiirudowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Shan Xildhibaan oo korjeege ka ahaan siminaarka u socdey xubnaha gduiga, Gudiga Dastuurka iyo Khubaro Soomaali iyo Ajnabiga isugu jirtey.

Kulankan waxaa la isku dhaafsadey khubado cul culus oo taabanaya dareenka in badan oo xiiseeya arrimaha Soomaaliya oo ka hadlayey wax qabadka mudadii siminaarka iyo baaxada hawsha hortaal gudiga, halka kooxaha kasoo horjeeda Dowlada iyo saaxiibadooda ay u noqoneyso fariin culus.

Xubnaha ka Hadley kulankan hore waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed, gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Md, Cabdullaahi Xasan Jaamac Mr. Charles Petrie oo ah ku xigeenka Axmed Wallad Cabdalla, Mark Bowden , Moura Barry iyo Jessica Ba oo ka socotey Safaarada Mareykanka,.

Gudoomiyaha gudiga Dastuurka C/llaahi Xasan Jaamac “Waxaan Dib u Eegidoonaa Soomaaliya Ma Carabaa Mise Afrikaan…”

Gudoomiyaha gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG C/llaahi Xasan Jaamac oo ka warbixinayey mudadii siminaarka u socdey waxyaabihii u qabsoomey ayaa wuxuu yiri “shanta qodob ee loo saarey gudiyada joogtada ah waxaa ka mid ah, qaab dhismeedka dowlada, xuquuqada aadamiga, garsoorka sharciga iyo ismaamulka sharciga, federaaliisamka iyo xukun baahinta, arrimaha khuseeya oo meel kasta geli kara, sida amaanka, Haweenka IWM, taasina waxay inoo suuragelisey dhismaha gudiga inaan dhameystirno oo hawsheena si habsami leh u socoto, waxaan doonayaa inaan idiin soo hordhigo qaab dhismeedka Xoghaynta Gudiga, waxaana madax u noqonayaa Xoghaya guud, wuxuuna yeelanayaa laba ku xigeen” ayuu yiri

midig Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Cabdullaahi Xasan Jaamac, bidixda dambe Prof Cumar Qaadi oo tarjumaya khudbadaha Soomaaliya

Cabdullaahi Xasan Jaamac isagoo sii sharxaya qaab dhismeedka gudigooda ayaa wuxuu yiri “Ku xigeenka koowaad, wuxuu maamulidoonaa arrimaha sharciga, cilmibaarsita iyo khuburada kale ee Soomaali iyo caalamiga isugu jira ee la shaqeyn doona gudiga, ku xigeenka labaadna wuxuu ka shaqeyn doonaa arrimaha xiriirka daddweynaha, wacyigelinta dadweynaha iyo saxaafada iyo qiimeynta kawarheynta shaqada aanu qabano, gudigu waxaa uu yeelanayaa website baalaaran, taana ku xigeenka ayaa maamulaya, inagoo kaashaneyna UNDP iyo saaxiibadeeda inaan u dhameystirno dhismaha xoghayntan”.

Gudoomiyuhu mar uu xusayey wax qabadkii gudiga intii ay joogeen dalka Jabuuti wuxuu yiri “ hadii aan idiin xuso gudigan iyo qaabka uu u dhismey intii aan halkan joogney, gudigan waxaa lagu dhaariyey 02/03/2010, madaxtooyada Jamhuuriyada Soomaaliya, isla xigilaas ayey yimaadaan dalka Jabuuti, iyadoo uusan hore qorshaha inoogu jirin qaarkeen safar, sababtuna waxay ahayd hawsha loo xilsaarey waa tan ugu culus ee qof bani’aadam ah dhabarka loo saari karo, Halkan waxaa joogta 29 xubnood, hal xubin baydhabo ayey joogtaa, sababo xanuun aw-geed, iyadoo la tixraacayo heshiiskii Jabuuti ka dhacey, waxay ahaayeenn marka hore 15, waxaa lagu darey 15 cusub, hada waxaanu nahay 18 cusub iyo 12 xubnihii hore ee gaboobey, waxaana naga tirsan dadd aad khubaro sharciga ku ah, waxaanu dooraney hogaan cusub gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo xoghayn, seddaxdii todobaad ee halkan aanu joogney waxaa nooqabsoomey arrimahaan soo socda, waxaan isla eegney waayo aragnimadii aanu soo marney, waxaa loo baahnaa in lala socodsiiyo xubnaha cusub, hawlihii xubnaha hore ay soo qabteen….” Khubadiisa oo dhameytiran halkan ka dhegeyso.

Madoobe Nuunow Maxamed “Dowladu Waxay Jabuuti u Dooratey Marka hore, Sharciga UN-ka oo Aan Ogoleyn in Aad Nagula Shaqeysaan oo Aad Nalajoogtaan Caasimadeena Muqdisho”

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Madoobe Nuunow Maxamed oo laba khudbad gaaban ka jeediyey ayaa waxaa uu yiri “waxaan jeclahay galabta inaan ka hadlo marxalada la taagan yahay oo ah inteen u soconaa, waxaan idiin sheegayaa inaan aad ugu faraxsanahay galabta inaan ka jawaabikaro, su’aalo in badan aan is-weydiineyney anaga TFG-ahaan ay naweydiinayeen deeq bixiyayaasha oo ay na weydiinayeen Baarlamaanka qaybihiisa kala duwan, ay na weydiinayeen Concertium-ka iyo hay’adaha kale ee UN-ka, su’aalahaas galabta waxaan diyaar u ahay inaan idiinkaga jawaabo hadii Alle idmo, in badan waxaan is-weydiineyney markaan isunimaadno goormaa la kordhinayaa xubnaha IFCC-da ama gudiga dastuurka, jawaabteedu waxaa weeye maanta waxaad dhex fadhidaan 30-kii xubnood ee gudiga dastuurka ee madax banaann oo la soo dhaariyey oo halkan diyaar ugu ah in uu qabto hawsha loogu talo galey”.

Isagoo is-weydiinaya su’aal oo hadana isaga jawaabaya ayaa wuxuu sii raacsadey “su’aasha labaad waxay ahayd, goormaa xubnaha IFCC-da ee jooga Nayroobi dalka dib ugu noqonayaan?, arintaas jawaabteeda waad haysaan, dib ayey dalka ugu noqdeen, xaruntoodii caasimada soomaaliya ayey ka soo shaqeeyeen, hawl ayey ka soo qabteen, waxay ka qayb galeen dhaartii xubnaha cusub oo xaflad loogu sameeyey madaxtooyada halkan ayey shaqo u yimaadeen kadib.

Su’aasha kale ee taagneyd waxay ahayd xageebey noqoneysaa xaruntii gudiga ku shaqeyn lahaa mustaqbalka?, xarunta gudiga dastuurka madaxa banaann waa caasimada Muqdisho, hadii alle idmo xaruntooda halkaas ayey taalaa. Su’aalaha kale ee hada taagan waxaa ka mid ah, dowladu maxay ku dooratey Jabuuti in lagu shaqeeyo?, dowladu waxay Jabuuti u dooratey marka hore, sharciga UN-ka oo aan ogoleyn in aad nagula shaqeysaan oo aad nalajoogtaan caasimadeena Muqdisho oo ilaa iyo hada hawlihii iyaga ahaa oo go’aankii isaga ahaa wali qabyo ah, sidaas daraadeed anagoo u daneyneyna wadashaqeynteena iyo xiriirkiina joogtada ah u soo guurida wareegida halkan ayaa kow ka ah, tan labaad waxay tahay, anagoo u gudubney wajiga labaad galno bilowno qoraalka Dastuurka, bilowno wacyigelintii dadweynaha la tashigii iyo wacyigelinta oo aan dooneyno marka aan u baahano…” khudbada oo dhameystiran halkan ka dhegeyso qaybaha dambe oo aad u muhiim ah.

Amb;- Charles “Suuragal Ma Tahay Ahlusuna Waljamaaca in Aynu u Furno Gudiga Dastuurka…Hadii la Helo Soomaaliya Qodobadaa Dastuurkeedu ku Qoran Tahay Xalk Baa Laga Yaabaa…!!”.

Amb; Charles oo ahaa ku xigeenka Wallad Cabdalla oo isna halkaasi khubado kala duwan ka jeediyey “Sida wasiirku yiri, qolkan inta aynu ku jirno waxaynu nahay iskaashato ka kooban Ururada Bulshada iyo Hay’adihii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, khubaradii dastuurka iyo khubarada kale, xagii siyaasada oo ka kooban Qaramada midoobey iyo Donariska iskugu jira, waxaynu nahay iskaashatooyin fara badan, waxaana loo baahan yahay miisaan in aynu ku socono” ayuu yiri

Isagoo sii hadlaya waxaa uu intaa ku darey “arrin kale ayaan doonayaa inaan marka hore eegno, taas waxaa weeye Soomaaliya maanta waxay u taagan tahay, dhibaato iyo mushikilad aan meel kale oo caalamka ah ka jirin, waa xanuun aad u badan iyo dhibaato, waxay gaartey Mark oo halkan fadhiya, in uu sameeyo baaq caalami ah oo quwad weyn oo aan noociisa hore loo qorin, inkastoo baaq walba la qoro, waa dal magaciisa uu aad inta hoos ugu dhacey hadii haloo yabooho la yiraahdo, wax soo siiya aan cidna eegeyn oo naga daaya la oranayo, waa dal Jabuuti ku caawiney xornimadeedii inay gaarto, waa dal Angola ku caawiney xornimadeeda inay gaarto, laakiin aan jirin iyadii, sababtaas aw-geed ayaa iskaashigeena halkan maanta mid muhiim ah u yahay, waxaa weeye taas waa sababta keeneysa in sida aynu isu dheelitiraynaa marka aynu iskaashaneyno ay tahay arin aad looga fikiro oo aan howl yareyn”.

Wuxuu keloo khudbadiisa ku sheegey Mr. Charles isagoo ka hadlaya mudadii siminaarka uu socdey “aad iyo aad baanu ugu faraxney hawsha seddaxdii Usbuuc aad soo qabateen, markaan dhegeystey qodobadii uu soo qaatey Gudoomiyaha gudigiina, hadii la helo Soomaaliya qodobadaa dastuurkeedu ku qoran tahay, xalbaa laga yaabaa in loo helo dalkaa Soomaaliya” ayuu yiri.

Amb; Charles waxaa uu soo bandhigey su’aalo badan oo taagan xili kasta, inkastoo aan la ogeyn sida looga jawaabidoono mustaqbalka dhow iyo kan fogba hadana wuxuu yiri “laakiin su’aalo ayaa loo baahan yahay inteena iskaashaneysa ineynu ka jawaabno, bisha July maxaynu qaban karnaa?, waa taa su’aasha, Agosto sanadka dambe maxaynu gaarikarnaa weeye su’aal kale?, waxaase ka sii muhiimsan bisha July maxaa inoo suuragelaya, hadii aan dib u soo noqdo?, maxay khasab tahay in Agosto iyana la gaaro?, si sharci uu noqodo dastuurka aynu qoreyno maxaynu gaarikarnaa?.

Waxaa kale oo muhiim ah in aynu ogaano maxaa suuragalaya aan runta isu sheegnee, Tusaale ahaan Afti in loo qaado dastuurka suuragal miyaa jirta?, hadaaney aftidu suuragal ahayn ama waxyaabo kale suuragal ahayn, sidee baynu jawaab u helikarnaa si aynu dastuurka uga dhigno mid sharci ku fadhiya?, waqtiga kala guurka marka uu siidhamaanayo sidee baynu u hubinaa inuusan noqon dastuurkan kubad la isku laalaadayo?, sidee beynu u ilaalinaa inuu noqdo dastuur dhowrsoon oo qiyam wali leh xaga farsamada ah?, suuragal ma tahay Ahlusuna waljamaaca in aynu u furno gudiga dastuurka? Ayuu yiri Charles.

Iskaashi baa jira, waxaa ka mid ah dhinac markaad eegto dowlada oo kale xubnihii Golaha Baarlamaanka, gudiga dastuurka, Wasaaradii iyo dowladu waa qayb ka mid ah iyaduna iskaashiga, waxaynu yara leenahay khubaradii Dastuurka oo qayb ka mid ah iskaashigii, beesha caalamka oo waliba xaga siyaasada dadd ka socda oo iyaguna ka mid ah qayb iskaashatadan ka mid ah ayaa buuxinaya, waxa aynu sameyneyno waxaa weeye kuwo caawinaya in dhismo iyo degenaan loo helo hay’adaha Soomaalida, waa in aynu waaqici noqonaa oo aynu ku dhaqanaa waaqiciga, ka fikirnaa su’aalaha inagu soo baxaya dhamaanteen, inagoo xero kuwada jirna, waxa laysudheelitirayo waxaa weeye, dadkeenan kala aragti baynu nahay inkastoo iskaashato nahay, anaga xagayaga siyaasiinta haday noqon lahayd doonistayada beri baan jeclaan lahayn inuu yimaado dastuurka, sababtoo ah waxaan oran lahaa waa kan dastuurkii, waa mushkilad kaa hartey berito kubad lagu ciyaarayo ma jirto, laakiin xaga farsamoyaqaanada markaad u eegto wax suuragelayaa ma aha, waxaynu u baahanahay labadaa kala fog ee kale in meel dhexe la isugu dheelitiro”.

“Xasuusnaada mushkiladu maya ma ahan inay kaa hortimaado, waxa la inoodirey dowlad dhan oo cusub xuduudaheedii, qaabkeedii iyo dhismo dal dhan, ma ahan wax ciyaar ah, waxaana soo baxaya su’aal, waxaa muhiim ah inagu su’aalihii in aynu ka baaraan degno oo aynu is-weydiino, jawaabta dhagaxa ah ee maya ee nagu soo bixidoonto arintu, waxaa muhiim ah inaan wax is-weydiiney ka baaraan degney dhinacyo badan ka eegney halka aan ku mintideyno, intaas weeye anigu dardaaranka aan ku leeyahay” ”. Ayuu khubadiisa hore ku soo gebagebeeyey ka dhegeyso halkan ayuu yiri Amb. Charles isagoo u digaya xubnaha gudiga.

La soco qaybaha kale oo muhiim ah hadii Alle Idmo…

F.G. Akh-ristayaasha waxaan la socodsiineynaa hadii Alle idmo qormadeenii Kumaa Adkaan Doona Federaal iyo 4.5-ka waan idiin dhameystiridoonaa, hadii Alle Idmo. (Qaybihii hore ee 4-5 ka akhri dhanka hoose ee Linkigan: https://somalitalk.com/web/tag/4-5/)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " (Warbixin) Gudigii Dastuurka u Samaynaya Dawladda FKMG oo… "

  1. cabdulqaadir says:

    wax walba waan maqlay, wax badana waan arkay lakiin tanuna waa na sugaysay.waxaan la yaabanahay hadalka ugu danbeeya charles galka la yiraahdo. wuxuu yir dal dhan ayaan xududo u samaynaynaaa bal hadalkaa ila fiiriya waxa dhan ee dastuurka loo samaynayo waa in xuduudo cusub loo sameyo dhulkeena si norway, kenya iyo tegree loogu raali geliyo. waxaanse isga daynayaa, nin ayaa ku yiri nin kale waan ku ceego-dhulaynayaa markaasuu ugu jawwabay adiguna dhib badan waad arki doontaaa intaadan dhulka ila dhigin ceegada.

  2. C/salaam says:

    waxaa iska cad in meesha aan lagu hayn dastuun umadaan muslimka dan u ah ama ka tarjumaya diinta Islaamka waxaana meeshaa ka baxay doodii dadka lagu seexinayay ee aheyd in DFKM ay tahay dowlad Muslim ah oo shareecada Islaamka ku dhaqmaysa.
    umadadeey ogaada oo arintaas ka tashada

  3. abdirisaaq says:

    asalamu caleykum waraxma tullaahi
    marka hore waxaan mahad iyo amaan u soo jeedinayaa qoraaga
    mawduucaan qaaliga ah mr maxamed macallin cismaan iyo dhamaan bahda somalitalk.com sida ay ugu taagan yihiin had iyo jeer in ay nala socod siiyaan xaqiiqda dhabta ah iyo shirqoolada loo maleegayo dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaan leeyahay :
    ILLAAH HA IDIN DHOWRO AJARNA ILLAAH HA IDINKA SIIYO DADAALKA AAD UGU JIRTAAN BADBAADINTA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED aaamiin