Home » Qoraallada Halkudhegga "4.5"

Beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne oo ka soo horjeestey Saami Qaybsiga 4.5

Jun 26, 2010
Kulamo maalmahaan u socday Beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne ayaa waxay ka soo saareen Bayaan ka kooban dhowr qodob oo khuseeya arrimo fara badan sida xaaladda dalka uu marayo xilligan iyo go’aano kale. Munaasabad ka dhacday Xarunta Qowmiyadda beelaha Banaadiriga ayna ka soo qeyb galeen, waxgaradka, culumaa’udiinka, shaqsiyaad caan ah, siyaasiyiinta beelaha banaadiriga iyo Jareer weyne ayaa... 
Halkudheg:

Gudiyada Diyaarinta Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan Sharci u Sameynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Kulmey Jabuuti

May 30, 2010
iyo Waraysi Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG… iyo Su’aal ku saabsan Yaa wax laga weydiinayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Muqdisho, ma dadka hadda deggan Muqdisho mase dhammaan ummaadda Soomaaliyeed… Warkan oo uu akhrinayo Maxamed Allman .Dhegeyso Gudiga Madaxbannaan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Soomaaliya iyo Gudiga diyaarinta Sharciga Caasimada dalka Soomaaliya... 
Halkudheg: ,

Shir Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa’udiinka oo ay qodobo ka soo bexeen

May 29, 2010
Shir muddo saddex maalmood magalada Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa maalintii Khamiistii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkaas oo looga hadlayay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka iyo helidda xoog mideysan oo islaami ah oo socday 25-27/05/2010 ayna ka qeyb galeen Culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka,... 
Halkudheg: ,

Q. 2-aad: Warbixintii Dastuurka Jabuuti loogu samaynayo DFKMG

May 21, 2010
Warbixintii Gudiga Dastuurka Waa Loo Heesay…. Akh-ristoow inta aynaan qaybteena labaad u gudbin hadii aan taariikhda shirkii dibu heshiisiinta lagu qabtey dalka Jabuuti wax yar aan dib u eego, tan iyo xiligii lagu dhawaaqey shirka dibu-heshiisiinta Soomaalida in lagu qabto dalka Jabuuti 2008-kii, waxaa indhahaygu qabanayeen muuqaalo layaab leh oo shirkasta iyo siminaar kasta oo ay leedahay TFG... 
Halkudheg: ,

Khudbadihii Walad Cabdalla iyo Dr. Faroole u jeediyeen Guddiga Dastuurka DFKMG

May 13, 2010
 iyo Waraysi Gudoomiyaha Gudiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka DFKMG Cabdullaahi Xasan Jaamac ay SomaliTalk kula yeelatay Jabuuti …… Warbixin;- Amb. Axmed Wallad Cabdalla “Ma Keligeeda Ayaa Muslim Ah Soomaaliya, Marka Haba Gaabnaadee Waa In La Helaa Qoraal, Ma Aha Dastuurku In Laga Dhigo Sida Aad Gaariga U Kaxeyneyso…” Amb. Axmed Wallad Cabdalla oo ah wakiilka gaarka... 
Halkudheg: ,

(Warbixin) Gudigii Dastuurka u Samaynaya Dawladda FKMG oo…

Apr 5, 2010
Afeef Akh-ristaha sharafta lahoow marka hore qormadan, si degan u dhuux murtida ay xambaarsan tahay, waa fariin toobiye ku socota ama tigaad kuu noqon iyo togagg soo rogmada ama Tareen ku jiiray talo la’aane ee ruux kastoow garo micnaha cinwaanka maann-gaabni kuma ogi Ummaddaan muslimka ahee abtirkeed Soomaali yahay, Adigoon Mudac, Mindi iyo Masaar Midna ii Qaadan, Hadii Kale Mufsidoow Adiga iyo... 
Halkudheg: ,

“Dastuurka lixdankii Shacabka Soomaaliyeed Hore Ayuu u siiyey cod buuxa…”

Apr 2, 2010
 Hadal uu Sheikh Shariif  u Jeediyey Kulan uu La Qaatey Gudiga Dastuurka DFKMG iyo waraysi safiirka Dowladda FKMG u fadhiya Dalka Iiraan…… Madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed oo safar laba maalmood ku joogey dalka Jabuuti, islamarkaana la kulmey dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti kula kulmey Xubno uu hogaaminayo... 
Halkudheg: ,

Jabuuti: Siminaar loo soo gabagabeeyey Gudiga Dastuurka DFKMG oo ay ka hadleen Dr. Xaamud iyo Nuunow

Apr 1, 2010
 Wasiirka Arrimaha Diinta Dalka Jabuuti Dr. Xaamud “…Bulsho Kasta Wax Bay La Gaar Noqon Kartaa, Marka Waxaa La Rabaa Inaad Aqoon u Leedihiin, Dasaatiirta Caalamka Inta Aan Deegaan…” khudbad dar-daaran oo u jeediyey Gudiga Dastuurka DFKMG Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed “Saaxiibada Ka Soo Qayb Galey Xafladan oo Meelo Fog Fog Uga Yimid Ma Dhayalsaneyno In Ay Ka Go’an Tahay, In... 
Halkudheg: ,

Cabdullaahi Xasan Jaamac oo loo doortey Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka DFKMG

Mar 19, 2010
 iyo Norway oo Goob Joog ka ahayd Siminaar Agaasimayaasha guud ee dowlada FKMG iyo Waraysi Wasiirka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Gudiga “Madaxa Banaann” ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG Soomaaliya ayaa Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 18/03/2010 doorasho ay ku sameysteen ku doortey gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo Xog-hayanta gudiga. Kulanka... 
Halkudheg: ,

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG “Waxaan si buuxda u cadeynayaa inaan u gudubney qoristii dastuurka Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya…”

Mar 17, 2010
 hadal uu u jeediyey labada gudi Baarlamaanka iyo gudiga madaxa banaann ee dastuurka. Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG, Gudiyada Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudiga Madaxa Banaann ee Dastuurka, Hay’addaha caalamiga ah ee caawiya Wasaaradda Dastuurka iyo UNPOS ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Hoteel Kampinski ee Caasimada dalka Jabuuti 15/03/2010. Kulan... 
Halkudheg: , ,

Qaybtii 4aad:-Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?!

Mar 7, 2010
Sh. Aadan Cismaan Maxamed, Sh.  Axmed Cabdi Dhicisoow iyo Prof. C/qaadir Macallin Maxamed hadaladii ay ka yiraahdeen is waafajinta 4.5 iyo Dastuurka Federalka KMG…. Warbixintii…… Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. Sheekh Aadan Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa culumaa’udiinkii Soomaaliyeed ee dhawaan ugu dhamaadey siminaarkii Is-waafajinta shareecada Islaamka... 
Halkudheg: ,

Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG….

Feb 20, 2010
Sida uu Shaaca ka qaaday Xildhibaan Jinni Boqor “Dastuur Qaran oo waqti badan jira oo SECULAR ah ayaa la doonayaa in la sameeyo” sidaas waxaa uu Xildhibaan Jinni Boqor sheegay isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd dastuurka DFKMG loo samaynayo. (Xildhibaan Jinni boqor muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada islaamka HALKAN KA DHEGEYSO)… (Kelmedda “Secular”... 
Halkudheg: ,

Qaybtii Labaad: Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?!

Feb 11, 2010
 Prof, Maxamed Cumar Dhalxa oo aan wax ka weydiiney bal in uu faah faahin ka bixiyo Hindise sharciyeedkan xukuumadu u soo gudbisey baarlamaanka ayaa wuxuu yiri “hindise sharciyeedkan waa sababta loo yimid Jabuuti, in laga hadlo ayaa wuxuu u ahaa gun dhig, xukuumaduna wey ansixisey oo waxay u soo gudbisey Baarlamaanka, Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inuu ka hadlo, anaguna waxaan diyaarineyney, gudigii... 
Halkudheg: ,

Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka??!!

Feb 4, 2010
Qoraalkan waxaa la socda 27 bog oo ku saabsan: Habraaca diyaarinta iyo qoraalka Loo Adeegsaanaayo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay diyaarisay DFKMG wasaaradda u qaabilsan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.. HALKAN ka Akhri (pdf); …………………….. Fadlan Akh-riste hadii aad qormadan joogto u akh-riso, fikirkaada waa muhiim inaad ku biiriso waxa aad... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...