Home » Badda, Warar »

Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan

Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey is daygii in dhulkooda lala wareego…

Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd … SII AKHRI….

Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya? …. AKHRI….

Warbixinta marka aad akhridid hoos ku qor aragtidaada…

Mahad celin:

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan akhristayaashii dhambaalada noo soo diray. Mahadsanidin.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

133 Jawaabood " Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan "

  1. Ahmed Abdi says:

    Ilaahaybaa mahad leh, waxaa lama ilaabaan ah sida umada soomaaliyeed
    Meelkasta ooy joogtaba ugu istaagtay xaqa iyo sida geesinimada leh ee inta badan barlamaanku ay u guteen waa jibkii saaraa Waxaan islahaa somali cidna uma maqna ceela uma qodna laakiin ragbaa weli nool Rajaa igashay Halkaas ka sii wada Somalitalk idina halkaas kaga haya
    mahadsanidiin

  2. Hussein says:

    Bahda Somali Talk iyo dhamaan intii kala qaybqaadatey waad ku mahadsantihiin dadaalkiina wadaninimo iyo damiirkiina wanaagsan ee aad geed gaaban iyo mid dheerba ugu fuusheen sidii aad uga hortagi lahaydeen boobka waxashnimo ee lala maagey dalkeena. Waa arin ay taariikhdu xusi doonto.
    Kenya waxaan kula talinayaa ineey kasoo ceshato shilimaantii ay siisey caada qaatayaasha ku bedeshey dalkoodii iyo dadkoodii sanuuda yar.

  3. ismahan says:

    Runtii dalka soomaaliya waxaa lagu hayaa bililiqo aad u baaxad weyn haday noqonlahay Dhul Bad Saraca beeraha Qeyraadka bada xataa waxaan dhihi lahaa dadkii xataa waa la bililiqeystay.Soomaaliyeey aan isdaba qabano oo cadawgayaga meel isaga soo jeesano hadii kale anaga aan isgumaadna war Soomaaliyee aan hishiino oo dalkeena dhisano Dowladwalbaa wadankeedii dhisatay oo hagaagsatay anagana wey isku kaaya diraan cadawgeena oo indhahay nagu daawanayaan qaar inaga mid ahna doolar baa lasiiyo layiri dalkaaga ku soo burburi oo dadkaagana soo dhamee bilwalbana inaas oo doolar qaado ama jaajoos u noqoy cadow

  4. ASC Wr Wbr
    waxaan mahad balaaran u jeedinayaa alle SWT oo inoo suurtageliyay guushaan weyn, marka xigta waxaan mahad u jeedinayaa bahda Somalitalk.com oo dadaal ballaaran aadna u muuqda ku bixiyey in la fashiliyo khayaanadaan lala damacsanaa shacbiga soomaaliyeed.
    waxaan fikir ahaan soo jeedin lahaa:-
    1- in baarlamaan soomaaliya ay ku cadadiyaan madaxweynaha in uu saxiixo diidmadooda ,si arintaan ay usoo afajaranto.
    2- in Somalitalk uu sidii markii horeba kahortag ugu sameeyay arintan , haddana ay la kaashadaan dadka ay khuseyso islamarkaana ay ku dadaalaan sida loo badbaadin lahaa badda soomaaliyeed.
    3- in baarlamaanku ay mooshin ka dhan ah keenaan siyaasiyiintii ka dambeeyey arinakaan maxkamadna lasoo taago.

    Wabilaahi Towfiiq.

  5. Salaan diiran waxgaradki isku hawlay in ay ka hortagaan isku daygii kufsashada bada iyo beriga somaliyeed meel walba ay jooganba waan guul u soo hoyatay inta leh damiir wadannimo, waxana araxada ka jabay meel xunna ku danbeen doona damir laawayashii damcay in ay ku badashaan wax yar oo jeeb ama gacan ku qaad ah dhaxalkii awoweyasheen ayagoo u adeegaya gumaystayal madow iyo dalaaliin midabyo badan leh. guul guul.
    waxase wax laga xumada ah kuwii dalaalinta ka ahaa shirqoolka in ay wali ku dhex jiraan golaha wasirada meshii ay ka mutaysan lahayeen ciqaab adag oo ay isu haystaan rag rag dhaafay . waxase la gudboon shacabka somaliyed in aysan joojin halgankoodi ay iskaga horjoogeeyn cadowgooda.
    kana shaqeeyaan sidii maxkamad loo soo tagi laha kuwii dhagarta gaystay .
    oo xitta been abuurtay saxiixii wasirka kowaad “sharmarke”.
    Sharmarke waxaa lagudboon in uu u gudbiyo xeeer ilaaliyaha guud ee qaranka dacwad ka dhan ah kuwii ku been abuurtay magaciisa haddi usan sidaa yeelen danbigaa wax buu ku yeelan doonaa.
    waxaa ka codsanay shacabka somaliyed meel walba ay joogaanba in aysan soo dhawaysan kuna qabilin dalalka ay boqanayaan dalaalintii ka
    qayb qadatay arintas una mujiyaan cadaawad illeen waa cadowgeene.

  6. Waa n idin salaamayaa Somalitalk.com. Salaan ka dib aad iyo aad ayaan ugu farxay go’aanka Qaramada Midoobay ku joojisay heshiiskii MOU. Waxay dhabar jab weyn ku tahay kuwa metalaya Dawladda Federaalka ah. Sidee lagu aamini karaa mas’uuliyiinta Soomaalida? Maxaa ku kallifay? Dadka aqoonta u leh badda ee Soomaalida ah may u daayaan? Waxaan ku talin lahaa inay iska casilaan jagooyinka ay ka sheegteen dawladda ku meel gaadhka ah..

    Irad Moamud

  7. Ilaahay bay Mahad dhamaanteed usugnaatay, mar labaad waxaan aad ugu mahadcelinayaa Somalitalk.com oo runtii si qayrulcaadiya guntiga dhiisha isaga dhigtay sidii aynan uga hadhi lahayn dulmigaa lagula kacay dadka iyo dalka soomaaliyeed. waxaan kaloo u mahadcelinayaa dadweynihii soomaaliyeed ee gudo iyo dibadba ka qayliayay arintaas.
    waxaan si wada jir ah ugula dardaarmayaa bulsho waynta soomaaliyeed iyo Somalitalk.com inay hawsha halkaa kasii wadaan oo ay sidaa isugu duubnaadaan Ilaahayna haydin la garab galo. Aamin.

  8. Waan salaamayaa Dhammaan maamulka iyo Shaqaalaha Website-ka somalitalk. Runtii waxaan idiinkaga mahad celinayaa Dadaalka ballaaran ee aad u gasheen soo bandhigida xaqiiqda ku saaysan isku daygii lagu doonaayay in lagula wareego badda soomnaaliyeed. marka labaad waxaan iyagana u mahad celinayaa Baarlamaanka soomaaliya ee diiday heshiiskii lagu sheegay is-fahamka badda. sidoo kale waxaan ka codsanayaa inay cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan in siyaasiinta ka dambaysa arrintaas loo diyaariyo in maxkamad lasoo taago. waad mahadsan tihiin

  9. ilaahaybaa mahad oo dhan is leh.
    shabakada somalitalk.com waxay ku guulaysatay barnaamijkii qalin qaran ku difaac ilaah ha jaa iso majiro waxaan leenahay guushaas waa guul isoo hoyatay dalka agoonka ah
    fadlan sii wada dedaalka ilaalinta wadanka somalia

  10. dahir aden says:

    salan kadib somali talk waxaan dhihi laha waa difacaha umada iyo dhulka somaliyeed waana mid aan la xaqiri karin taariikhda ayaana idiin sheegi doonto hadii alla idmo

    somali talka waxan dhihi lahaa howshiina sii wata ilaa hadafka aad leedihiin aad ka agaari doontaan oo aha difaaca dalka iyo dadka alla aya idiin garab gali doono by

  11. sharmarke says:

    ASC. waxaan filayaa salaan ka qiimo badan oo qof muslin ah lagu salaamo ma ay jirto lakin waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo somalitalk .com , ilaahay uun baa idinka abaal marinaya waaxqabadkiina iyo guusha aad u soo hoyseen umada somaliyeed ee xalaasha ah (halkaas danbe waxaan uga jeedaa xalaal maaha kuwa iibiyay badayada ) waxaana leeyahay waad ku mahadsantihiin guusha aad soo hoyseen ,,, waxse iga dardaaran ah ha moodina in aan tuugtii iyaguna shaqaynayn waxaan uga jeedaa ha ka hadhina fadlan iyaga iyo kuwa sunta ku aasa somaliya badeeda ee lacagta yar la siiyo ee umadii iyo arladiiba sumeeyay fadlan haka seexanina hana ka hadhina maalin ayaa imandoonta aynu caga heena isku taagnee waxaan leeyay GUULAYSTA YAALOW GEEDIGA HORE U WADA GEYIGANA IDINKAA U XILSAARAN waxaan marlabaad u mahad naqayaa bahda iyo wariyayaasha somalitalk.com iyo intii ka dhiidhiday kufsiga loo geystay bada iyo dhulka soomaliyeed wabilaahi towfiiq

  12. Allaah ayaa mahad leh, Illaahow dad la’aan ha dhigin, haddii Somalitalk.
    com. aysan jiri lahayn cid arrintaan kashiftaa ma jirteen oo aqoon u leh
    Xeerarka Aduunka, iyo jilaafooyinka la isu daadinaayo. Webka Somalitalk.
    com wuu mahadsan yahay 100%, waxaan idinka rajeyneynaa inaad sidaas
    oo kale arrimaha Soomaaliya oo dhan aad faraha ugu fiiqdaan cidda dulanka
    iyo dibindaabyada ku wada Ummadda Soomaliyeed. 20 sano oo cadaab ah
    ayey ku jiraan dadweynihii Soomaaliyeed, Khilaaf, Qabiil, iyo Qurun ayey
    dhexda uga jiraan. Shoow daamiir wuu dhintay.

  13. hamze says:

    Thanks Somalitalk. Wax badan ayaad qabateen idinka iyo intii idinku taageertay inaad hesheesaan xogtaan faafinayseenba. Waxaan filayaa hadii Soomaali oo dhani ninkastaa inta dhankiisa ku aadan uu ka qaban malahaa masuuliyada inagoo aan isku hal haleynayn inaan gaadhi lahayn horumar la taaban karro. Waxaan filayaa inay noqon karto tusaale haboon in laga tusaale qaato. J. F Kennedy wuxuu yidhi qofkastoow is waydii wadankayga maxaan u qaban karaa, laakiin yuusan is waydiina wadankaygu muxuu ii qaban karaa. Inuu wax tar noqdo wadankeena wada jirneena ayaa ka dhigi kara. Aad iyo aad ayaan idiinku mahadcelinayaa. Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha baho. Ållaah ha barakeeyo soomaaliya.

  14. omar says:

    somalitalk waad ku mahadsantihiin sidii aad ino wacyi galisen,iyoxildhibaanadii diidmada ku codeeyey,minfadlan soo bandhiga
    fadexada dadki burcadnimadaan abaabulay

  15. Waan ku farhay walaahi arintaas … waana guul. waxay igu haysay walwal joogta ah iyo caro oo aan u qabay kuwii isku dayey arintaas. waana waxay ugu fashilmeen ineey 2 km dhaafiwayaan.

    hadiii Alle idmo waxaan arki donaa iyaga oo la soo taago maxkamad ay leedahay shacabka somalida …. iyaga iyo kuwii ka waday 20 sano dhibatada somalida … magacay donaan hawatenee (ururada diimaha,urarada qabaa ilka iyo kooxa kale IWM).

    waxaan u hanbalyeynayaa bahda somali talk, qabdho iyo wiilal intii ka qeebqadatay iyo dhamaan somalida meelkasta ay jogaan. waxaana leeyahay HA IS DHIGANINA meshaas ka wada dadaalkiina … marba magac ayaa naloogu soo dhumaan (waa cadawga somaliyeed).

    LIVE LONG SOMALIA!

  16. Awsame says:

    Marka hore mahadsanidin Somalitalk.Kuwada qiirada soomaalinimo sidaa.
    Yaab kale waa in Baarlamaan sidaa utayo xun soomali wax taray .Uguyaraan dadka waxbaa u nool baa la orankaraa.Laakiin doqontii waxay tiri maxaa la iga heli beriba waan lumiye.Inta shariif iyo wax la mid ah Madaxwayne la leeyahay Kuwii sixiixa cayrta london gacantu ku daashayna Wasiiro u yihiin Guusha maanta inta ay gaari lama hubo??????????????

  17. khadar says:

    illaahbaa mahad dhamaanteedleh kadib waxaamahadiyo hambalyo aan usoo jeedinayaa marka koowaad iyo labaad iyo sadaxaadba bahda halyeeyada daljirka ah ee somalitalk.com marka afaraadna baarlamaanka soomaaliyeed ee inta badan afduuban mahadsanidiin

  18. bashir maxamed aden says:

    halgankii somalitalk mirihiisii ayaa bislaaday waxaana guranaya oo ku raxaysanaya soomaali oo dhan meelkasta oo ay joogaan,waxaana leeyahay ilaahay haydinka abaal-mariyo,
    soomaliyeey dalkii qalinka laydinkaga xaday waa laydiin soo celiyay
    ogaadana soomaaliyi inaysan wada caada-qaate ahayn, qalinkii waddaniguna uu wali wax qorayo.
    kala garta kuwa dalkii oo dhan siisanaya laba afgashi oo dhuntooda mara
    iyo kuwa hantidooda ku bixinaya soo celinta hantideena ma guur tada ah
    kala garta kan idin dilaya iyo kan u dhimanaya inaad noolaataan.
    mahadsanidiin somalitalk.

  19. gabayre. says:

    Waad salaamantihiin bada Somalitolk 100% adinka la aantiin wax masuuroobeen.
    Teeda kale waa in aan laga harin dhamaan ragii ka denbeeyey arintaas oo goor ay ahaataba Maxkamad lasoo taagaah oo laga jaaso mariyaah dhibka ay umada Somaliyeet u maleegeen. kuli uu ugu horeeyo Ibi. iyo dhamaantoodba.

    alaa mahadle guuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul

  20. wali says:

    well done, bahda somalitalk aad ayaan ugu tahnidaynaya sida joogtada ah ee ay noogu soo bandhigaan iyo difaaca qalinka ah ee ay kula jiraan dhulka hooyo. Halkaas kaga wada anaguna waan idin garab taaganahay.

  21. Sakariye Isticmaar says:

    Hambalayo bahda Somalitalk iyo Soomaalida wadniga ah

    Aad baan idin kugu habalyeynayaa bahda Somalitalk. Shaqadii aad u qabateen ummada Soomaaliyeed oo aheyd inaad ifisaan hishiiski khiyaanada ahaa iyo sida aad uugu gurmateen bada Soomaaliya waa mid istaahisha abaal-marin caalami ah. Ummada Soomaaliyeed calamaad-sato dadkii ka qeyb galey halgankii difaaca badda Soomaaliya iyo sidoo kale in lagu daro liiska halgamayaasha Soomaaliyeed, dalkeena wali ka eysan dhamaan wadaniyiin waxaan idin lee yahay Allow idin xafid taariiqda ayaa idin qoreysa hadaan nahey shacabka Soomaaliyeed idin-ma ilaawi doono

    Guuleysta

  22. Bashiir Jama says:

    A/c: Walaal “Bashiir Jama” marka hore salaan, marka xiga messege-kaagi waan daabacnay, hubso walaal. ilaa 90 dhambaal ayaa lagu soo qoray xalay meesha aay dhambaalkaaga ku qortay, qoraalkaagi waa ku dhex jiraa.. Waxaa dhici karta boggani marku uu buuxsamo in, wixii kale ay sii galaan boggaga xiga ee akhri linkiga hoose ama ka hooseeya comments-ka boggan. Waxaa halkaas ku sii jira ilaa 100 ku dhawaad messege, kaaguna waa ka mid.

    Emailkaaga markii aan dhambaalkaas kuugu soo dirnay waxa uu qorayaa Delivery to the following recipient failed permanently: bashka@yahoo.com

  23. M.A. Horeeye says:

    Waxaan Somalitalk ugu mahad celinayaa sida wadani nimada ah ee ay noola soo socosiisay Arimaha wadankeena lumay.
    Anigu waxaan qabaa in DFKMG arinta MOU ay fashilmay ay isku casisho !
    sida aan siyaasiinta caalamka oo kale, siyaasadooda fashilantay in ay dalka iibsadaan bulshada hakala hor tagaan.

  24. ahmed says:

    asc wr wb

    Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo & naxariis nebi Maxamed korkiisa ha ahaato… aamiin aamiin
    BAHDA SOMALITALK ILAAHAY HA IDIN XAFIYO, DEMBIGIINA HA DHAAFO, ALLAAHUMA AAMIIN, HADDA WAXAAN IDINKA SUGAYNAA LABA QODOB IN AAD KA NAGA SHAAFIDAAN:

    1. Sidii loo Maxkamadayn lahaa Xukuumaddii Tallaabadaa horseedka ka ahayd.
    2. Xildhibaanadii & shakhsiyaadkii kale, marka laga reebo somalitalk, ee arrinta heerkaa gaadhsiiyey in aad noo soo bandhigtaan.

    Mar labaad waxan leeyahay Somalitalk ilaahay ha idin xafido, waxad na geliseen rajo wanaagsan … somaliyana waa ka kuulaysanaysaa cadawgeeda insha allaah.

  25. sagrohassan says:

    Ilaah baa mahad dhamaanteed iskaleh, Guusha noo soo hoyatayna ma aha mid ay parlamanka soomaalidu soo haysiisay waayo shalayba qaar kamid ah bay ahaayeen kuwii saxiixay heshiiskaas, Ilaah ayaa taa inoo qadaray, Dhamaan umada soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay difaacida xeebta soomaalida waxaan leenahay {Jazaakumu laah} hawshiinana halkaa ka sii wada Waad mahad santihiin

  26. alxamfulilaah allahu akbar somaliya surya xun beey mareysaa cadow shisheeye iyo dhuuni qaate u adeegaa u heshiiyey ilaah baan magan uga dhigay dalka diinta iyo dadka waayo tuuggurigiisa kama ilaalin kartid madaxdeenuna waa sidaa oo kale kheyr allaha siiyo intii diidey kuwii kenya la doonayeyna masiibo allaha idiin keeno amiin

  27. Shiine says:

    Marka koobaad Allaah baa mahad leh, marka xigta waxaan u mahadcelinayaa bahda Somalitalk.com oo kaalin wax ku oola ka qaadatay difaaca badeena Illaahay ajar haka siiyo, waa guul inoo soo hoyatay Maan Sha Allaah

  28. Xamda says:

    Marka hore Allaah swt ayaa mahad is kaleh marka xiga waxaa mahad iskalle bahda somalitalk oo Ale garad siiyay in ay u ololeeyaan hantida shacabka somaliyed ilaa ay ka soo if baxdo baarlamaankana waa ku mahadsan yahay diidmadiisa somali nabad Allaha ka dhigo wax garadkeenana Allaha noo soo wada celiyo aamiin

  29. cawil says:

    Walaalayaal waa idin salaamay bahda somalitalk iyo akhristayaasha sharafta leh ee fikirkoda dhiibtay,laakiin waxaan u arkaa in soomaalidu waxaanay hubsan la yaacdo, weli go’aan lagama gaadhin khilaafka kenya iyo soomaaliya ee xagga badda waxayna maraysaa procedure aad u dheer oo waafaqsan sharciga UN oo la marin doono wadamada oo dhan, Haddan hoos ugu dego tan soomaliya iyo kenya, the commission of the limits of the continental shelf markii uu kulmay dabayaaqadii 2009 oo kenya representative fadhiyeen,waxaa loo saaray subcommission,kaas oo isna procedure dheer maraya,markay kulman ka bacdi akhriyaan submission kii coastal state soo gudbiyey inta aanay go’aan gaadhin tashi bay la smaynayaan dawladii soo gudbisay markay wax kasta kasoo baaraan degaan oo xitaa sceintificaly and teknicaly oo soo hubiyaan bay go,aankooda commissionkii dib ugu celinayaan ,markay soo maro commissionkii iyo secretory-general ayaa loo gudbinayaa dawladii submissionka soo xeraysay haday diido,waa inay submissionka oo ay wax ka bedeshay ama mid cusub mar 2aad soo gudbisaa,hadday yeesho waxaa laga war sugayaa wadamadii la wadaagay xadka inay aqbalaan ama diidaa. haday iyana aqbalaan ,markaas baa la sharciyeynayaa,haddii wadanka deriska la ah diido,waa inuu keenaa xog uu ku diiday waxaa loo saarayaa gudo soo afjarta,waxaa lagu cawinayaa khuburada khariidadaha iyo sceintifical and teknical database information lacagtana isaga ayaa iska bixinaya,wixii halkaas kasoo baxa oo qoladaas soo gudbiso ayaa lagu sharciyeynayaa.marka guul ma dhowa, tunnell mugdi badan baana ka sokeeya. yaan la deg-degin.

  30. arboco says:

    waxaan halkaad uga mahad celinayaa dhalinyarada somalitalk oo baal dahabiya kagalay difaacida bada somaliyeed waana taariikh arinkaasu waxaan qabaa in eeysan kenya sidaas kuhaeereey shariifkuna iyo kooxdiisa eey lug jiidayaan manadoonayo sida ana u arko inshariifku uu rabo inuusaxiixo waxeeyse ladoonayaa jaanis kale sideey usiin lahaayeen kenya somali talk waxaan leeyahay arinkaas wainaadan kaseexana ood isha kuheeysaan shacabka soomaaliyeedna aad usoobandhigtaan hadba meesha waz marayaan

  31. Maxamad says:

    There is a good article at Innercity Website today: See the link
    http://www.innercitypress.com/los7somalia031510.html

  32. cabdiweli says:

    asc
    salaan kadib walaalyaal ilaahbaa mahadleh marka xiga waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dhamaan intii difaacday baddeena gaar ahaan bahda somalitalk runtii waa dadka inaga haqabtiray warka kusaabsan boobka baddeena lagu hayey hayey yar weyn
    ww

  33. hussein says:

    waxaan umahad celinaayaa.dadka difaacay badeena kana difaacay dugaaga.madmadow,oo kusoo gabadey wax magaratada.soomaalida.sheganay.waxaan halkaan ku soo jeedinayaa.in lacinqaabo.wax ,aan asalkalahay oo waxaas ku kacay.oo maantay magaceena ku matalaya,wasiiro.ama madaxweyne soomaaliyeed.waxaa.kaloomuhiin ah .in shacabka loo sheego.ayadoo la .adeegsanayo ,qalabka warbaahinta,joornaalkookale,internet..waa,guul weyne.oo u soohoyatey shacabka soomaliyeed.nabad gelyo

  34. Heshiistuugeedka la sheegayo haddii xataa uu taagnaan lahaa waxba kuma fadhiyeen waaritaan ahaan oo wuxuu la mid ahaan lahaa kuwii khiyaanogaalo yurubku ku siiyeen dhulkeega hooyo gaalooyinka nala dariska ah iyo aasiyaan yaman daggan(socottara jasiiradda la yiraado).
    caadoqaatayaasdha khaainuwaddaniinta ah ee saxiixay khiyaanadaas qaranna waxaan soomaalida ka baryayaa inay ka cayriyaan waddan ama daldalaan.madaxwayne,raysalwasaare iyo wasiir ma astaahilaan in loogu yeero qashinkaasi.

  35. ilaah baa mahadleh waa badeenii ooy shaqsiyaas siyaasiyiin isku sheeg ah ay damceen in ay dana qaas ah ay leeyihiin in ay ku fushadaan balse waxaa mahad balaaran is ka leh shacabka soo maaliyeed iyo shabakada somailtalk oo si aad ah ugu olloleeysay. somalitalk haddi aysan ahhey shacabka ssomaaliyeed wax badan kama ogaan laheeyn badaas la dhaci rabay. walaalayaal hanti kasta oo shacabka soomaaliyeed ay leeyihii lana doonayyo in ladhaco sidaad ugu hortagteen hashiiska isfahamka loogu magac daray ugu hotago noogu soo baahiya somalitalk allaa mahad.maanta waa maalin aad iyo aad iigu qiimo badan.

  36. Abdirahman gubadle says:

    guadleh@yahoo.co.uk

    Salaan Kadib,
    Ilaahay bay mahadi u sugnaatay, Aad baan ugu mahadnaqaqyaa Mareegtan iyo dhamaan aqoonyahankii difaacay xuquuqdeena badeed iyo
    continentshelf keenaba, waana muhiim inaan barano ama ururino aqoonyahahanada cilmiga marinebiology.

    nabad&caano.

  37. mohamed says:

    ASC. layaabka aduunka waxaa ka mid ah markii somaliya qofkii doonaba waxa uu rabo iska gaarayo , waa laga yaabaa dadka qaarkood aan aad wax u fahmin isla mar ahaantaas aynan u muuqan lacag wax aan ahayn , sida kuwan hada hor booday somaliya shariifka fitamin C ga Ubaahan ee afka cadaaday , shariif sakiinka markii ugu horeysey ee uu ka imaaday baydhabo lasoo galay haanta biyaha lagu qaato isagoo caano ku iibdoon ah, waxaan layaabay markii ibi iyo wax la mid ah wax la weydiinayo , dadkani maba ahan somali ee sidee wax loo weydiiyaa ama xilalba loogu dhiibtaaa , dadkani waa haraagii oromadii ku noolaanjirtay xuduudaha somalia , iyaga dhan waxay is taahilaan , in meeshooda lagu qisaaso , somalidu waxay dhehdaa hadii NIN AAN TALIN JIRAY TALIYO NINKII TALIN JIRAY AYAA TAGA , waalayaab waxani

  38. calibaashi says:

    ALLAAH ayaa mahad oo dhan u sugnaatay,waana arin aad loogu farxo iyadoo awalba aan ku fakarayey in arintaan aysanna siba ku suuroobeyn maxaa yeelaya gaaladu laftirkooda way ogyihiin in dowlad ku sheeggaan ay soo dhisteen cadow soomaaliyeed oo aysan ku iman meesha rabitaan umadda soomaaliyeed,ayna iskaba yartayhay wax ay higelin karaan,si kastaba ha ahaato ALLAAH ayaa mahaddaas oo dhan iska leh oo naga guul siiyey cadowgeena,ALLOOW mahada aan la soo koobi karin adigaa ayaa leh intaas ka dib saxaafadda waxaa looga baahanyahay in markii ay dhacaan wax yaabahan oo kale inay is garab taagaan diintooda,dadkood iyo dalkoodaba si ay samaysay somaliTalk,waad ku mahadsantihiin sida aad arimahan mi biloow illaa dhammaad aad ula socodsiiseyn umadda soomaaliyeed ALLAAH ha idinka abaal mariyo wanaagga aad sameeseyn.

  39. Othman says:

    Arintu markay halkaa marayso, waxaa mudan oo xaq ummadu leedahy ah inaan lakala reebin Waxaba kama jiraanimada heshiiskan iyo nimankii saxiixay. Waayo arin khayaano ahi markay fashilanto waa in khaa’inkana talaabo laga qaadaa waayo aaminaadii looqabay waa dhimatay.