Home » Badda, Warar »

Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan

Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey is daygii in dhulkooda lala wareego…

Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd … SII AKHRI….

Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya? …. AKHRI….

Warbixinta marka aad akhridid hoos ku qor aragtidaada…

Mahad celin:

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan akhristayaashii dhambaalada noo soo diray. Mahadsanidin.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

133 Jawaabood " Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan "

  1. Intii aduunka ay ku soo korortay nadaamka dawliga ah waxaa jiray WADANI IYO KHAANULWADAN;waxaan allaah kadib mahad u celinayaa intii ilaahay waafajiyey inay difaacaan cidkasta oo aan isdifaaci karin sida dhulka iyo dadka soomaaliyeed.Sidaas darteed aan iraahdo:(INTA SIDIGTA MAANDEEQ LAGU MAALOSACABADA EE SAHANKI AAN DIRAY SAADAASHU MAQANTAHAY SOOYAALKA WAAYAHA WAXBA SIISANMAAYEE SIDI QABAX HA II TUMIN).waxaa ammaan mudan somalitalk.

  2. wadani says:

    marka koowaad waxaaan salmayaa salaan qaaaliya dhamaan shaqaalah websetkaan calamiga ah ee somali talk salaan kadib
    waxaan doonayaa in ku soo guubaabiyo somalitalk shaqada ay noo hayaan hadaanu nahay bulsho dalkood national identity goo baa ba ay

    tanakle waxay tahay somaliyee dhibta iyo dowlada la aanta waanu ka baxeenaa insha alaaah maliintii alle inoo qoray uun baanu sugeenaa

    waxaas qiima beeelay nnka wadaadnimada sheeganayay oo markii ugu horeesay kadayay hunguri hantidi iyo qayraadkii shacabkii somaliyeed taas waxaan filyaaa ma ahn nin macquul ah oo dad iyo dal ba ho gaamin kara marka u diyaar garoow mar uun xiligii ladoono hana qotee inaad maxkamada somaaliyeed lagu soo hor taagi doono adiga mr ibi iyo asxaabtada kale sxb

  3. marka hore ilaah baa mahad oo dhan iska leh waxaan aad ugu faraxsanahay in laga dhigay waxba kama jiraan heshiis dhagareedkii isfaham waxaa marlabaad mahad leh bahda somalitalk iyo xildhibaanadii codkooda ku diiday heshiiskaasi qatarta ku ahaa shacabka soomaaliyeed

  4. maxamed warsame faarax says:

    waxaa mahad oo dhaniska leh allaah swt waxaan aad ugu faraxsanahay in laga dhigay waxba kama jiraan heshiis dhagareedkii isfahamka waxaan marlabaad mahadcelin u dirayaa bahda somali talk oo kashifay kuna dadaalay inaay shacabka soomaaliyeed uga digeen qatarta heshiis dhagareedkaasi xambaarsanyahay allaa weyn

  5. Masha alla… marka hore waxaa mahadoo dhan u sugnaatey ALLAH SWT..ka dibna waxaan si gaar ah hanbalyo u leeyahay bahda shabakada SomaliTalk.com una taagan habeen iyo maalin difaaca dadka diinta iyo dalka soomaaliyeedba … halka shabakado badan ay inbadan isku mashquuliyaan sidii loo hurin lahaa Umuda Soomaaliyeed iyo isku dirkooda.. Waa ilaahay mahadiisa mar hadii Shabakada Qarniga Cusub Ee SomaliTalk.com eyna kashiftey Sirta qarsoonee ee lala damacsan yahay Umada Soomaliyeed … Waxaan dhihi karaa Somalitalk.com Waa Daryeelaha Dadka Diinta iyo Dalka Soomaaliweyn… Dadku waa danleey daruuf iyo dagaalo diloodeen Balse waxaa u taagan difaacidooda habeen iyo maalina waqtigooda qaaliga ah ku bixiyay Waa Shabakada SOMALITALK.COM..

  6. acww,
    mahad naqa eebbe iyo abaal marinta somaali talk waxaan la qabaa muwaadiniintii iga horraysay, balse waxaan oran lahaa: odayaasha hunguri xumooday gaajo ayaa u gesaye yaan canaanta laga badin oo aysan ka sii darin halla taageero canshuurtana halla siiyo wey iska daynayaan hadday baahi beelaane

  7. Bashiir Jama says:

    ASCB, this is victory for all Somalis. Somalitalk, I thank for your hard work and dedication for tracking daytime robbery of Somali territory with help of corrupted TFG officials, and keeping readers updated information. Sh Shariif and Omar A/shid one day will be court marshaled for this treason sooner or later.
    I just don’t buy Ibbi forget Omar’s signature. Omar supported the agreement with his signature on the document and he never publicly protested forgery but in fact publicly supported. At least Sh Shariif is smarter and his signature is not on any document linking him this deal unlike Omar. Please correct your above statement and do not let nepotism cloud your judgment. Regardless good job and keep up with good work.

    Bashiir

  8. waxaa mahad oo dhan usugnaatey allaha weyn ee uunka maamulah.waxaa
    -na bogaadin leh cidkasta oo u dagaalantah dhowrtana hantida ummadda soomaaliyeed ee leh bad iyo biri ee cadowgu boobaayo waxaayna ila tahey Qofkasta oo ka dagaalama arimahaan oo kale dhiciyana hantida ummadda ee laboobaayo iney taariikhdu ku qorin beyjaj aan abid ka fuqin khuluubta ummadda aana la’ilaawidoonin abid::>:

  9. A. Ibrahim says:

    ASWR.
    Awalan ILAAH AYAA MAHAD OO DHAN LEH.midda labaad waxaan gaar u diraayaa bahda somalitalk, waxaan idin leeyahay ALLE ayaa idinka abaal
    marinaya ,ummadda soomaaliyeedna ma ilaawi doonto la socodka hagar la`aanta ah ,waxaan idin leeyahay JAZAAKUMULAAH.
    walaalyaal ogaada in nimankan dowladda sheeganaya waxay meesha u joogaan daanahooda khaaska ,haba kala darnaadeene.
    waxaan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa labadan arrimood;
    midda kusocota dowlad kusheega;
    ILAAHAY uga baqa masuuliyadda aad ummadda u haysaan,ama fadeexaad
    iyo mid ka xun RABBI ha idinku abaal mariyo.
    midda dadwaynaha ;
    dadyahow bal eega cidda aad taageerada reer hebel la daba joogtaan,haddii ay maanta isku dayeen inay dalka gataan ,ma diidaysaa inay dadkana iib ula taagan yihiin,adiga oo taageersanna aan lagaa tegeynin.
    walaalayaalow ILAAHAY uga ba

  10. Marka hore scw dhamaan akhristayaasha. Waxaa mudan sharaf iyo qadarin dhamaan maamulka iyo shaqaalaha http://www.somalitalk.com.
    waxaa muuqata in uu fashilmay heshiiskii is afgarad oo markii ay ka dhiidhiyeen umaddu noqday waxaan waxba ka jirin. Waxaa is weydiin leh 350 xildhibaan ee diiday heshiiskaas maxay mooshin ka dhan ah ugu furi waayeen kuwa raba in dalka la dhaco iyo cid kasta oo doonaysa inay dhiibto dhulkeenna qaaliga ah.

  11. Nadiira says:

    I am delighted to hear the great news. First and foremost, praise and thanks goes to Almighty Allah. Secondly I would like to thank bahda Somalitalk for their efforts. To defend /guard our fatherland is a sacred duty of every citizen who are genuinely concerned about our nation. We must carry on protecting our people/land in the years ahead. The game is not over yet. Great work and many thanks to all who signed this petition particularly the Somali Parliament. Insha Allah Somalia will stand tall and be united forever by helping each other.

    Daba dhilif kasta oo wadanka iibinayana wadaniyiinta Somalida oo wadankoodu qiimaha ugu fadhiyo baa ka guulaysan.
    Again many thanks to Somali talk for their valuable time and excellent efforts.

    Please keep up the great work guys.

  12. keynaan says:

    Mahad oo dhan illaah ayaay u sugnaatay waxaan leeyahay bahda soomalitalk Illaah ajar aan la soo koobi karin ha idinka siiyo sida aad iskugu hoosheen boobista dhulka soo maaliyeed
    Mida kale qolada iibsatay dhulka soomaliyeed waxaan leeyahay maalinta qiyaamo illaah ha idiinka abaal mariyo

  13. geeljire says:

    Aad baan u faraxsanahay in laga hortegay nimankii u oomanaa inay wadaka gataan oo isla markii ay jagooyin qabteenba ku qamaamay inay dhulka iibiyaan alaah ayaa mahadle horufadhi adiga iyo saaxiibadaaduna waxaad ku mahadsantahiin sida aad xaqiiqada ugu taagantahiin inaad usoo gudbisaan walaaalahiina soomaaliyeed aadbaanu idiin jecelnahay sidaad idinkuba noo jeceshahiin ee aad xogta dhabta ah noogu soo gudbisaan ee halkaa kawada guulaystayaal.

  14. Axmed says:

    Asalaamu calaykum waxaan aad ugu mahadcelinayaa Bahda Somalitalk oo runtii howshaan si adag uga hor timitd waxaana oranayaa waad guulaysateen somaliduna waa idiin ogtahay howhsa aad uqabateen kadib markii kuwii matalayey ay gateen dhulkoodii waad guulaysateen somaalina waa guulaysatay

  15. hani says:

    ACWW

    Marka ug horeysa waxaan aad u salaamay raga ka shaqeeya somalitalk,waxaana leeyahay guuleysta,arintan waxa weyn ayaad ka qabateen,idinkana soo bandhigay ee cidina ma ogaateen sidaan qabo.

    Alle ayaa mahadle oo xaqaygii noo iftiimiyey ay tuugadu u tashadeen,caawa markana webka booqday ee aan arkay heshiiskii is afagar is non actionable aad iyo aad baan u faraxay,alle mahadi ha ka gaadho.

    Guuleysta raga somalitalk lahow,alle ha idiin kaalmeeyo,allana ha idin fududeeyo sidaad xaqeena diyaarka ugu tihiin in aan inoo soo dhicisaan.

    Guul guul guul Somali oo dhan.

    Hani

  16. farah says:

    Somali talk iyo cidkasta oo ka dhiidhiyey dhurwaagaa nadhacay iyo dhurwaagaa nadhci rabayba waa kanaa tacliiqa aan hada ugu talagalay waana kabadin doonaa insha allaah

    Horarkii naboobow
    Adigoo hun goobaad
    Huuraala yaashii
    Shalay kuu hibeeyana
    Ceebaan haraynbaa
    Hareeraha aduunyada
    Hoy looga yeeloo
    Haybad iyo malaha qiyam
    Loomana han waynoo
    Haad baqtiyey kaliitaan
    Ninkastoo u hawlgalay
    Soo hoynta libintana
    Waa hal yeeyo naga mida
    Waana hayb saraysoo
    Hilba diriray kuligood

  17. Faisal says:

    Bacda Sallaan

    Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaah,waxaan kaloo mahad balaadhan usoo jeedinayaa website kan Somalitalk oo kucaanbaxay aqoon iyo cilmi manfac leh usoo gudbiya umadda somaaliyeed markasta inkastoo dadka qaarkood lagayaabo inaay cadaawad uqaadaan maadaama danahoodii uu kahor imaanayo,waxaan leeyahay guulaysta Somalitalk.

    Faisal

  18. Salaan kafib, ” Nin Ilaah leh maaha inuu quusto”.
    Somaliyey ku quuso waxii u danbeeyey ee qayb ka mid ah Dalkeenii lagu bixiyey sharci darro , taasoo Dawladii u xilsaarnayd gacanteeda ku saxiixday , iyadoon kaba baqayn dadkii lahaa Dalka ay bixinayso . Ilaah mahadi Dalkii waa soo noqday laakiin kuwii bixiyey weli Kursigii bay ku fadhaan, maxaa Somali la gudboon ?

  19. qazali says:

    Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay sida ay somali talk iskugu hawshay ama wax uga qortay heshiiskaas runtiina waan u mahadcelinayaa muwaadinimada ay muujiyeen aad ayaad u mahadsantihiin waxaanse idinka codsanayaa in sida aad kooxaha xag jirka soomaaliya ee diinta ku qaraabta in aad taageerada aad u muujisaan aad joojisaan oo aad toosh ku ifisaan sida dawlada heshiiskii qiyaamada qaran aad tooshka ugu fidiseen waan aragnay fikirka wahaabiyada kor lee ka qurxoonyahay hoosna waa isqalid iyo is gawricid kaas hanagu taageeriniina walaalayaalaw umada hogaan fiican iyo tusaale iican u noqda

  20. Waxaa mahad oo idil iska leh allaah mar xigta waxaan u mahad celinayaa Somalitalk oo u iftiimisay ummadda soomaaliyeed khiyaamad iyo hagar-daamada ay wadaan shakhsiyaadka u guntaday inay iibsadaan Dalka ummadda soomaaliyeed oo hadda madaxda iska dhigaya iyo axadka ku magacaaban ergeyga Qaramada Midoobay ee dilaalka ka iibka Dalka ummadda soomaaliyeed.
    Waxaan kaloo u mahad celinayaa baarlamaanka ku-meelgaarka intii diiday hagardaamadaas iyo intii cod ku taageertay,waxaana imman doona maalin lala xisaabtami doono insha-allaah,Somalitalk waxaa abaal marindoona ummadda soomaliyeed inta caafimaadka qabta iyo allaah.
    Asalaamu caleykum

  21. asc

    Allah swt ayaa mahadda dhammaanteed iska leh. waxan aad ugu mahad celinayaa shabakadda somalitalk.com oo ah tan kaliya ee u taagan difaaca dalka iyo diinta. website-ka kale (badankoodu) waxay mashquul ku yihiin qabiil iyo waxan aan loo fadhiyin halka waddankoodii har cad la qeybsanayo.

    arrinta hadda soo baxsay waa guul aan dhammeystireyn. waa in aan dagaalka wadnaa. kuwa dawlad isku sheeggaana lala xisaabtamaa, la ceebeeyaa.

    mahadsanidin.

    wrb.

  22. Waxaa mahad oo idil iska leh allaah mar xigta waxaan u mahad celinayaa Somalitalk oo u iftiimisay ummadda soomaaliyeed khiyaamad iyo hagar-daamada ay wadaan shakhsiyaadka u guntaday inay iibsadaan Dalka ummadda soomaaliyeed oo hadda madaxda iska dhigaya iyo axadka ku magacaaban ergeyga Qaramada Midoobay ee dilaalka ka iibka Dalka ummadda soomaaliyeed.
    Waxaan kaloo u mahad celinayaa baarlamaanka ku-meelgaarka intii hagardaamadaas iyo intii cod ku taageertay,waxaana imman doona maalin lala xisaabtami doono insha-allaah,Somalitalk waxaa abaal marindoona ummadda soomaliyeed inta caafimaadka qabta iyo allaah.
    Asalaamu caleykum

  23. waa guul lama ilaawaan ah hadey jirto sidaasi,
    waxaanan oranlahaa,

    DHAQAALE KII ISLAHAA
    IYO DHUUNI DARTII
    DHULKAAGII KU GADOOW
    DADKII DHIIDHIYAY OO
    DHARAARTIIBA HALKAAD
    MARAYSOO AAD KU DHAWAATO
    SOMALITALK AYBA DHANBAALO
    DHABTII AY KA QOREYSAA
    DHUUNI QAATOOW FASHILEE

    DHARAARTAAN HADA JOOGNO
    DHAAFI WEYDE ADUUNKI
    KA DHAADHACSHA AAD ISLAHAYDO
    DHARBAAXAA DURBADIIBA
    KUSOO GAARTEY DHABTII EH
    SOOMAALAY DHAGAHEEDA
    DHAWAAQIISI U ROON IYO
    DHANBAALKAAN SOO DHACAY OO
    SOMALITALK DHIGDHIGEYSEE
    DHUUNIQAATE HUNGOOW

    DURRAAN SHIRWA
    CH- RAAS ADVERTISING AND MEDAI RESOURCE LTD.

  24. Axmed Dheere says:

    Acww.
    Mahad oo idil Alle ayay u sugnaatay, mahad ka dib, waxaa iska leh bahda Soomaali Talk oo iaygu u istaagay difaaca,faafinta, wararka sida dhabta ah u khuseeya dhulkeena hooyo, waxaa iayagana mahad leh xildhibaanada barlamaanka DFKMG ee iyagu u istaagay inay ka dhiidhiyaan boobka lagu soo qaaday wadanka.

    Waxaan mar labaad iyo sadexaadba mahad u celinayaa bahda webkan oo iayagu goor iyo ayaanba u taagan sidii ay umadda ugu ifin lahaayeen xuquuqdooda, uguna soo bandhigi lahaayeen waxyaabo cilmiyaysan oo laga soo baaraan degay, waxaan leeyahay halkaa kaga wada, anaguna (bulshada Soomaaliyeed) waan idin garab taagan nahay inshaa allaahu.

    Arintan iyo kuwa la midka ahba waxay ku tusinaysaa in weli umaddii Soomaaliyeed ay nooshahay.

    Waxaan soo jeedin lahaa, in qoraalada Badda laga soo saaro buug la dhigo Library-yada, si mustaqbalkana looga dhigo mid lagu daraaseeyo Jaamacadaha wadanka oo dhan.

    Axmed Dheere

  25. Awes says:

    Waxaa aad iyo aad u faraxsanahay in ay jiraan maanta dadqaranimadi Somaliyeed ay wali kujirto. Hakaana waxaa kacad in wali aqoonyahanadii Somaliyeed ay wali jiraan oo ay kukal noonyihii meelo kaduwan. Waana guul ay u soo hoyatey jiritaanaka iyo uskunka Somaalinimo, qofkii wax garad ah !!!!

  26. Cabdinaasir Saxansoxo says:

    ASC, tani waa guul, waxaana haboon in SomaliTalk.com lagu abaalmariyo guushani lama ilaawaanka ah, sababtoo ah la’aanteed ma suurogasheen, waa u mahadcelinayaa anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Africa

  27. Adam Warsame says:

    Assalaamucalaykum,
    Allaah ayaa mahad iska leh; waa arrin aad iyo aad loogu farxo in Allaah uu fashiliyey shirqoolkii lagu damcay in badda Soomaaliya lagula wareego, ayada oo laga faa’iidaysanayo bur-burka ummaddii Soomaaliyeed ku dhacay.

    Bahda Somalitalk; waxaan idin leeyhay, Allaah ha idin xifdiyo, qofkasta oo Soomaali ah oo la socday qoraalladiinna iyo dadaalka aad u gasheen sidii loo bad-baadin lahaa badda Soomaaliyeed, wuxuu idiin qirayaa in aad tihiin muwaadiniin dhab ah oo bad-baadinta baddeenna qaybta ugu weyn ka qaatay.
    Ragga dadaalka u galay in badda Soomaaliyeed ay Kenya u sharciyeeyaan taariikhda baal madow ayey ka gali doonaan. Kuwa geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay siday baddooda u difaacan lahaayeen kuna guulaystaynna baal dahab ah ayey taariikhda kaga qormayaan (magacooda iyo sharftooda Allaah sare ha uqaado).

    SomaliTalk, guulaysta dadaalkiinna halkiinna ka wada.
    Khayr ku waara
    Adam

  28. Asc aad ban ugu farxay warkan ka so yeray UN ta sida qof kasto somali wadani ahba ugu farxay Somalitalk shaqada aad qabaten Alleh ba idinka jaasin hawsha qimaha badan o ad ummada u haysan halka ka sii wada. Waxan idinka codsaneyna inaad isku daydan inaad heshaan magacyada gesiyasha barlamanka ka tirsan ee iyagu waraqda tooska ugu qoray UN ta mar un si abaalkoda loo gudo. Wabillahi towfiq

  29. SCW. Ilaah baa mahaad leh SWT. Shabakadda Somalitalk hawl weyn baad qabateen waqti iyo hantina waad uhurteen Alle mahaddii waad ka gun gaadheen, taasi waxay tusaale utahay in qofkii wanaag udhaqaaqaa guulaysanayo. Waxaad badbaadiseen dhul Soomaaliyeed waxaadna kasbateen Duco iyo Taariikh fiican. Waxaan ugu baaqi lahaa Shabakadaha Soomaaliyeed inay tusaale ugu daydaan somalitalk.com inay wanaagga waddaninimada Soomaalinimda, iyo nabadda ka shaqeeyaan. Waxaadna ogaataan shabakado badani inay sababaan in dhiig soomaaali la daadiyo iyo xaqdarro laysu laayo iyo in Somaliyi kala irdhawdo. Waxaan idin odhan lahaa Awooddiina siiya inaad wanaag ka shaqaysaan sidaa Somalitalk ilaah waa idin ku guulaynayaa haddaad horumarka midnimada iyo wanaagga ujeesataan.

  30. Maan sha allah maanta waa maalin wayn waa maalin farxad badan waa maalin aanu leenahay Yaa Rabi lakal xamdu rabiayaw adaa mahad dhamaanteed iska leh. Intaa kadib waxaanan ilaawi dooneyn hadaanu somali nahay oo agtayada qiimo wayn ku leh walalihii juhdiga wayn ku bixiyay in ay fashiliyaan qorshahaas waa bahda Sonalitalk oo runtii la isku daday in dadalkooda la fashiliyo iyadoo lagu durayo cudurka wadankeena sidaad aragteen u galay laakiin taariikhda ayaa xusi qof walba wuxuu mudan yahay. waxan sidoo kale xusayaa bushada somaliyeed e qurbaha oo arinkaa runtii dadal badan ku bixiyay. waxan sidoo kale aad ugu mahad naqayaa baarlamaanka oo runtii ay arintani noqon dooto arin lagu xuso wixii danbe e u soo raaci doona Rabibaa og laakiin aniga xusuustayda waaa wanaagii iigu horeeyay e aan ka arko waxaanse leyahay shukran lakum

  31. adam siciid says:

    waxa farxad wayn u ah aniga iyo inta somalinimada jecel in ay guulaysteen soomaalidii u dagaallantay soo celinta qayb ka mid ah dhul badeedkii soomaaliyeed ee ay cawaantu ka gateen shisheeyaha. runtiina waxa mudan mahad aad u ballaadhan bahda SOMALITALK. kuwaasoo ku dedaalay naf iyo maal iyo waqtina u huray soo dhicinta hantidii umadda oo wax ma garatada hororka ahi ay shilimo siisteen. marar aad u badan ayaan u mahad celinayaa SOMALITALK waxanan soomaalida u sheegayaa in uusan qabiil wax uu ina yeelo mooyaane uusan meel ina gaarsiinayn. waxa ugu yar oo uu ina yeeli karo qabiilna waa kala daadsanaantaas la inooga faaiidaystay oo xataa dadkii ugu liitay ee waligeen aynu ka adkayn ay soo qordiyeen hantideennii, waxan kaloo idiin sheegayaa soomaaliyeey in qabiillo isu tagay ay qaran noqdaan, qabiilladaas oo dhanna waxa ka dhexeeya hayb, taasoo ah SOOMAALINIMO, markaa mar haddaynu soomaalinimo wadaagno wax aan yarayn baynu isu nahay ee aynu garanno arrintaas, oo la isuma keen dhaamo e aynu iska saarno xumaanta la ina dhex dhigay ee la inagu kala qaqybiyey lana inooga faaiidaystay.
    waataas isku duubnidii lagu soo dhiciyey dhulkii la inaga dhacay, haddaynu midawno oo iska saarno dhibaatada cadawgu ina dhex dhigayna waxaynu ku noolaan lahayn barwaaqo iyo nimco aad u badan, markaa walaal somalinimada ayaa ka laandheeraysan qabiil kasta oo soomaaliyeede maad iyada wada qaadataan oo ku midawdaan????????????
    waxan u mahad naqayaa somali talk waxanan canaan u jeedinayaa baarlamaanka u doortay madax kuwaas ciiddii hooyo ee xoraynteedii nafo qaali ahi ku bexeen shisheeye ka iibsaday. waxaad baarlamaanoow doorataan ninkii xoogay lacag ah idin siiya taasina waa ta keentay in ibbi iyo shariif shaydaan ay gataan dalkeennii.
    hunguri wax ka weyn la mariyaa waa dillaacaa.
    nin soori kaa qaadday waa nin seefi kaa qaadday.
    awrkii heeryadiisa cuna kabaal hurgumadii baa u danbayn.

  32. Ali A.Jama says:

    Waa Eebbe mahadii in khayaanadi lala damacsanaa Somalia ay fashalantay. Sii gaar ah waxaa mahad u soo jeedinayaa bahda SOMALITALK, oo si qiiro leh, aqoona ku jirto isugu taxalujiyey in ay arintaan ka shaqeeyaan.

  33. Mahamed bariir says:

    Warka xalay dafsooyiri
    mar’uun daaha aqalkayga.
    ee ay diyaarada sideen SOMLAITALK ka soo duulay
    alaylehe danbaab lama hadlee waan ku diirsaday,;;;;;
    waxaan hallkaan mahadbalaaran uuga soo jeedinayaa ALLIHII dhicisiiyay waxay uugu magac dareen Isfaham,
    waxan kaloo mahad u dirayaa Somalitalk oo ka gashay meesha uugu saraysa dadaalka lagu bixiyay dhicisiinta arinkaas,
    waxaankaloo mahad u dirayaa Barlamanka KMG inta diiday socodsiinta hishiiskaan foosha xun.
    ugudanbayn waxaan mahad u celinayaa qofkasta oo somali ah oo arinkaas isgarab taagay sidii loo dhcisiin lahaa hishiiskii aan uugu magacdaray,
    ISAFGARADKII HABARDUGAAG,

  34. mustafa xassan says:

    mahad oodhan waxay usugnaatay allaah subxaana watacaalaa intaas kadib waxaan salaamayaa dhamaan hawl wadeenada shabakada warbaahinta somalitalk waxaana uga mahad celinayaa sida hagarlaanta ah wadaninimada ah ee ay ugu hawl galeen arintan welina ugu heelanyihiin danaha dalkooda iyo dadkooda waxaan leeyahay siiwada alaahna waa idinku caawinayaa wixii aan macsi eebe ahayn ee maslaxda umada ah tani waa guul iyo farxad usoo hoyatey uumada soomaaliyeed waana guuldaro iyo naxdin usoo hoyatey caadaqaatayaasha eebsadey badda hadana maleegaya shirqoolada kale ee ay kawadaan dibadaha iyo safarada dibada waa dad loo dhiibey wax aysan qaadi karin oo ka tanwayn waayo qayral masuulnimo arintan iyo kuwo kale oo ay ku kaceen ilaahay ha ina tuso xaqqa iyo danta dalkeena hana ina middeeyo cadawga iyo cumaladiisana ha jebiyo wsc wrb:

  35. ali says:

    Marka hore Allah Aya mahad oo idiil iska leh.Marka labaad qoralka Un ta kasoobaxay waa arin soomali oo idil faraahgelineeysa. Arintu marka ma`ahaan in siidaa looga hadho, waayoo wali lama gadhiin waqtiigii kamadhaambeeyska oo aha in luguxaliiyoo ariimahani baddaha.Anigu koley sida ay igulamuuqato qoraalkan kasoo baxay UN ta in uu yahay kii oo kale u shehk shaariif uu saxaafadhaa uu jawab ahan u siin jiiray.Marka waa in ladaba jooga ila iyo kamaadambeeysta xal kagaariista sii an xaq baddena an meel looga dhiicin.
    wassalamu caaleikum warahmatullahi wabarakatuhuu.

  36. siciid says:

    A/c somalitalk aad baan ugu mahad celinaya sida aad markasta nogu soo badhigtaan arimaha dalka somaliya ku soo siyaada ama wax logu dhimayo mahad celin kadib aad iyo aad baan ugu farax sanahay arintaas
    waana arin guul u ah somaliya inkasta oo dalku bur buray hadana in dhulkii boob lagu sameeyo waa wax fool xun dadkuu u ol oleyey in badeena la iibshana waxay ku tahay ceeb mustaq balkana in lala xisaabtamo ubaahan dadkaas barlamaankana sharaf bay ugtahay iyo dhamaan itii kaqayb qaadatay difaacida dhulkooda illahay ajar ha kasiiyo iyo xasanaad taariikh da baana sheegaysa xildhibanada u istagay arinta ay ku kaceen damiir lawajaasha mantana xilka noo abwaan somaliyeed baa gabaygiisa waxaa
    kamid ahaa

    Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
    Rag dalkooda inay kaafiyaan kooros, loo galiyey
    Oo Kuuriya iyo Holland iyo, Kanada loo dhoofshay
    Oo kuman malyuun oo lacag ah, koodhka loo galiyey
    Oo kolkay yimaadeen gumaysiga, u kaalmeeyey
    Kancaan iyo ogoobey Namruud, kama sokeeyaane

    Koofil iyo Fircoon kama duwana, iyo kufaartiiye
    Ma kurboodayaal waan aqaan, ceeb karuursadaye
    Kuunkuuriga mooyee wax kale, uma kishleeyaane
    Kacaanuna hadduu qaar og yahay, kabad ma saareene
    Tiro laguma soo koobi karo kow,
    ukala sheege Ku-go’ooyinbaa jira dalkii, kilo dhaafsadaye

  37. mohamed says:

    It is a job well done. waxaan qabaa nin kasta oo Soomaalinimo wax yar kaga harsantahay in uu ku farxayo arintaas LA ISKUMA HAYO. Soomaali talk waad mahadsantihiin, mahad oodhan Allaa leh. Arintu waa farikama qodna Faanoole meesha ragaad ogtihiin ayaa jooga, hawshooda weey wadanayaan, haka daalina dabagalka iyo saxidooda. Nimankaan kuw KA LIITAA NAMA SOO MARIN.
    MOHAMED

  38. Ilaah baa maha leh, u soo celiyey baddii laysku deyey in la dhaxal wareejiyo.
    Waxaan ilaah ka ra jeynayaa in ay timaado maalin laga abaal mariyo daalimiintii isku day’day in ay iibsadaan dhulka Somaliyeed iyagoo ka faa’iidaysanayey koomada ay ku jiraan Shacabka Somaliyeed.
    Dambile qaran.1) Sh. Shariif 2) Cabdishakuur 3) Ibbi.

  39. mukhtar says:

    Alle ayaa mahad oo dhan u sugnaatay.

    Waxaa abaal lama iloobaan ah kuleh umadda intii u gurmatay dhicinta dhookooda.
    Intaas kadib nin layiraahdo waa doqon laakiin aniga igala caqli badnaa kuwan damcay in ay wax yar oo lacag ah siistaan dhulkoodii ayaa fakani jiray waa la raadiyaa markii la soo helo hadana wuu dhumaa maalintii dambe ayuu yiri hadal dhaxalgay ah oo ah sien.

    Hooyadii ayaa mashxaraday markii wiilkeedii loo soo helay markaasuu yiri maxaad igaga farxaysaan bariba waan dhumi ee wax farax ah oo loofarxaa dhulka soonoqday ilma muuqato anigu bariba wuu fakani oo waxaa madax u ah kuwii uun.

  40. Bahda qorta Somalitalk.com waxaan idiinkaga mahad-naqayaa gulufka dheer ee aad u gasheen difaaca badda Soomaaliya. Alle ka sokow waxaad ka mid tihiin inta looga abaal-hayo diidmada ka timid Q.M. ee la xiriirta Heshiiska Is Afgarad.

    Dhanka kale waa talo lafdhabar ah qormada aad u bixiseen “Maxaa hadda la gudboon Baarlamaanka DFKMG”. Balse taladani waxay u baahan tahay in lagu hubsado dhegto xubna ka mid ah baarlaamaanka; waa tala u baahan in la daba-socdo ilaa laga hubsado in lagu dhaqaaqay.

    Hawshu weli waa qabyo ee geeddiga yaan la furin.

    Ka Soomaali ahaan, kun jeer baan idiinkaga mahad-naqayaa hawsha sharafta leh.