Home » Warar »

Qaybtii Labaad: Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?!

 Prof, Maxamed Cumar Dhalxa oo aan wax ka weydiiney bal in uu faah faahin ka bixiyo Hindise sharciyeedkan xukuumadu u soo gudbisey baarlamaanka ayaa wuxuu yiri “hindise sharciyeedkan waa sababta loo yimid Jabuuti, in laga hadlo ayaa wuxuu u ahaa gun dhig, xukuumaduna wey ansixisey oo waxay u soo gudbisey Baarlamaanka, Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inuu ka hadlo, anaguna waxaan diyaarineyney, gudigii dastuurka Baarlamaanka noo qaabilsan marka hore inuu soo eego oo ka soo talo bixiyo, kadibna baarlamaanka la geeyo ka hor inaanan la geynin kalfadhiga, waxaana la kaashaneynaa Hay’adaha aan gacan saarka la leenahay ee AWEPA iyo NDI, haatana shirka aan u nimid iyo siminaarkaba, waxaa iska lahayd diyaarintiisa AWEPA iyo beesha caalamka inta naga taageerta sidaad aragteenba Mareykanka, midowga Afrika, Norway, dhamaan inta gacan saarka la leh haduu yahay xafiiska UN-ka iyo kan UNPOS iyo UNDP intaba ay joogeen, markaa waxaan rajeynayaa hadii ilaahay idmo in si dhakh-si ah Baarlamaanka loo horgeeyo”

Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey oo ahaa khabiir wax ka bixinayey casharada siminaarka oo aan isla su’aashaas aan weydiiney ayaa wuxuu isna yiri “bismilaahi raxmaani raxiim, siminaarkan waxaa loo qabtey, xildhibaanada gudiga ku jira ee xuno ka ah, gudiga dastuurka ee Soomaaliya loo diyaarinayo, in tayadooda dastuur sameynta lagu dhiso, taasi waxay ahayd ujeedada koobaad oo uu lahaa.

Ujeedada labaadna waxay ahayd, in laga kaaliyo oo gacan laga siiyo diyaarinta sharcigii lagu gaari lahaa dastuurkaasi, habkii loola tashan lahaa dadweynaha oo la isugu duwi lahaa farsamo ahaan loo qodob qodobeeyo, sidii shacabka Soomaaliyeed ay dastuur iyaga iska leeyihiin loo sameyn lahaa, la aruuriyo rabitaanka dadka iyo talooyinkooda, dabadeedna rabitaankaasna loo tarjumo sharci aan shareecada khilaafsaneyn oo federaali ah oo dimoqoraadiya caalami ah oo ay kuwada dhan yihiin xuquuqda alle ku siyeenka ahna ay kuwada dhan yihiin in loo diyaariyo.

Prof Dalxa

Dhegeyso: Prof, Maxamed Cumar halkan ka dhegeyso

Prof, Xildhibaan Sheegoow

Dhegeyso: Gudoomiyaha gudiga dastuurka arimaha Baarlamaanka Sheegoow mar aan weydiiyey sida la isu waafajinayo Federaalka, 4.5-ka iyo Shareecada Islaamka ayaa wuxuu ku jawaabey sidan

Marwo Xildhibaanad Siciido Xasan Cismaan

Dhegeyso: Xildhibaanad Siciido oo aan isla su’aashan weydiiyey ayaa waxay ku jawaabey sidan

Dhegeyso: Prof, Jawaarey Halkan ka dhegesyo

Dhegeyso: mar aan weydiiyey Xildhibaan Feysal adinku xal miyeydan gaarikarin ayaa wuxuu ku jawaabey

Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed

Dhegeyso: Xildhibaan Feysal oo ka jawaabaya isla su’aasha aan weydiiyey Sheegoow iyo Siciido ayaa isna wuxuu qabaa sidan

Laakiin hor iyo horaan, intaan xarafna la qorin ay waajib tahay, in shacbiga lala tashado oo la weydiiyo nooca dowlada uu doonayo, dastuurka nooca uu doonayo, federaalka nooca uu doonayo, dhamaan xuquuqda uu doonayo, xukuumadiisa isaga wakiil ka noqoneyso inay ku maamusho, dastuur noocaas habkii lagu gaari lahaa iyo geedi socodka loo mari lahaa, casharada laga bixinayey saas ayey ahaayeen”.

Xildhibaan Prof, Maxamed Nuur Sheegoow oo ah gudoomiyaha gudiga dastuurka iyo arimaha federaalka oo aan isla su’aashaas aan weydiiyey ayaa wuxuu qabaa isna fikir ah

“aniga uma arkeynin siminaar anaga aqoon nalagu siinayey uu yahay ee wuxuu ahaa Workshop aan isku fikrado dhaafsaneyney, maxaa ugu haboon oo maanta dalka loogu sameyn karaa dastuur, ma nidaamka federaalka ayaa soomaaliya ku haboon, mise nidaam kale ayaa ku haboon in loo sameeyo, marka wuxuu ahaa mid fikrado la isku dhaafsanayo iyo in la derso hab raaca ugu haboon dastuurka Soomaaliya loo hirgelinayo lagu raaci karo, waxaan kusoo aruuriney marka hore nidaamkii dastuurka la diyaariyo.

Kadibna intaan dastuurka la soo bandhigina la aruuriyo, aragtida dadweynaha waxa ay ka qabaan, kadibna daraaftiga dastuurka lagu hagaajiyo oo markaa kadib loo soo bandhigo dastuurka, waxay soo qabteena wuxuu noqondoonaa bilow fiican oo hordhac looga dhigto dastuurka wadada aan rabno inaan hada abaarno”.

Xildhibaanad Siciido Xasan Cismaan oo iyaduna gudiga dastuurka iyo arimaha federaalka baarlamaanka ku jirta ayaa iyaduna waxay tiri “barnaajikaan, waa barnaamij aad loo falanqeeyey si wanaagsana u dhacay, loogana hadaley arimihii federaalka qaabkii loo dhexgeli lahaay oo shacabka loo gaarsiin lahaa qodobadii baa falanqeyn ku bilowdey, si wanaagsan buu u socdey oo u dhacay.

Markaad fiiriso wax badana waa laga soo shaqeeyey hadana waxay noqoneysaa in la dhameystiro oo loo gudbiyo, qaabkii dadweynaha loogu gudbin lahaa, barnaamijkaas waxaa iska leh federaalka, sharciga la rabo in lagu dhaqo shacabka ayaa iska leh, cid kale ma leh ee waa inuu shacabka ka yimaadaa, shacabkii ayaa waxaa la rabaa qaabkii uu ugu imaan lahaa oo loo gaarsiin lahaa”.

Mar aan weydiiyey xildhibaan Sheegoow maadaama hada Xabad shacabkii ay ku socoto, qaybna ay dileyso, qaybna ay gowraceyso, qaybna Af-duubaneyso, qaybna ay madaafiic ku socoto, qaybna ay barakaceyso sidee lagu ogaan karaan rabitaanka shacabka?!

Prof, Sheegoow ayaa wuxuu ku jawaabey “shacabka rabitaankiisa waxaa lagu xaqiijin karaa, dalka waxaa loo raadin doonaa in la gaarsiiyo abni iyo nabadgelyo, inta intaas ka horeysa dastuurka waxaa si KMG ah u ansixindoona, hadii ay suurta geliweyso in afti dadweyne la qaado, ansixin KMG ah ayaa waxaa siin doona Baarlamaanka, si nidaamka federaaliga loo hirgeliyo oo baarlamaankiina u sii shaqeeyo, habkii dowliga ahaana u sii shaqeeyo, waxaa awood buuxda u leh in ansixin KMG ah uu siiyo mudo 3-sano ama 4-sano, in dastuurka dalka laga hirgeliyoo, markii dalka nabad, abni iyo kala dambeyn la helo afti dadweyne loo qaado”.

Xildhibaanad Siciido ayaa iyaduna waxay qabtaa fkir ah “shacabka madaafiicda waxa keliya oo lagaga joogsan kar oo madaafiicda hakin karta waxaa weeye inay arkaan xquuqda ay leeyihiin in la tuso, markey xuquuqda arkaan, waxaa usoo baxayso baalansiga ah, inaan dadna maamulka ku yeelan Karin oo iyagu ay leeyihiin, sidaas darted waxaa soo baxaysa baalansigii xuquuqdooda ay ku raadin lahaayeen iyo wanaagii u soo baxayey, iyagaan ka dooneynaa shacabka, dhibaato kasta oo ay qabaan waan ognahay, waana dareensanahay, laakiin mid looga bixikaro ayaan u tirisanahay”.

Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo ah xog-haynta gudiga dastuurka baarlamaanka isla su’aashan aan weydiiyey ayaa isna wuxuu qabaa fikir ah “waa fikir aad u fiican oo hadana taagan waa sax, laakiin waxaan u sheegeynaa, waxa lagaga gudbikaro ay tahay madfacaan, in la helo xeer.

Bani’aadamka xeerkaa kala celiya, ma ahan xeerka aan u sameynayno TFG uma sameyneyno, anaga hal sano ayaa nooharey dastuurka oo dhan hal sano ayaan ku sameyneynaa, cidii anaga na bedesha ayaa halkiisa ka sii wadeysa, waa wax dowladeed waxani, waana wax aan u baahanahay, caalamka aad u jeedid ee dhisanina, dastuur bay ku kala socdaan iyo xeer, hadaan kaa la helina ma kala baxayno, waxa aan isku haysanaa waa xeer la’aan.

Sidaas aawadeed anigu waxaan soo jeedinayaa, sanadkaan aan sheegey oo aan hada meeshan ka sheegayo ayaa xildhibaanimada iigu dhiman, kadib waan ka baxayaa, inaan soo noqondoono iyo in kale ma ogi, laakiin waa inaan taariikh ka tagaa oo Soomaalida anfacda oo kan iga dambeeyaa uu halkaa ka sii wado”.

Xildhibaan Feysal waxaan keloo weydiiyey waxaad sheegtey in wuxu xeer yahay, laakiin shacabkii xeerkii wuu u baahan yahay oo kala dambeyntii iyo nidaamkii lagu sooceliyo, laakiin waxa xeerdarida wada kooxihiina iska soo horjeeda, adinka xal miyeydaan gaari karin?!

Xildhibaan Feysal wuxuu ku jawaabey “anagu xal waanu gaarney, anaga oo ah 275 xildhibaan oo TFG la yiraahdo, ayaa waxaan ku darsaney nimankii ARS, waxaan u ogolaaney 275 xildhibaan oo kale, dalka Soomaaliya awood uma laha dhaqaalo uma laha, tiro uma laha tayo uma laha in 550 xildhibaan qaado, waxaan waxaas u liqney in dalka soomaaliyeed nabad uu helo, wey imaan weydey, waxaa weeyaan xaga alle ayey ku maqan yihiin, hadana waxaan diyaar u nahay hadii xitaa xubin nimadeyda aan ku weynayo, cidii nabada keeneysa in la siiyo, inaan nabada diidanahay ha u arkin, anagu TFG hadaa nahay, diyaar waxaan u nahay inaan xilkeyaga ku gadano nabad”.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad Prof, Maxamed Cumar Dhlaxa mar aan weydiiyey sababta xiligan loogu soo beegey, iyadoo qorsho hawleedka xukuumada uu ahaa in mudo sanad gudaheeda ay ku soo diyaariso dastuurka?!

Prof, Dhalxa “xukuumadii ka horeysey ayaa qabyadan ka tagtey marka ugu horeysa, wasiirka cusub ee hada loo magacaabey xukuumadan la soo dhisey kadib dibu-heshiisiintii dowlada Jabuuti ee walaallaheena ah ee gogosheeda dhigtey halkan madaxweynahana lagu doortey laguna magacaabey Ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa baarlamaankuna lagu kordhiyey, marka dardartan ee ma aragtey wasiirka arimaha dastuurka Madoobe Nuunoow ayaa waxay tahay in sanadka sida hada ay hawshu ku socoto in laga gaarsiiyo, qaabka ugu haboon ee sharci lagu sameynkaro oo dastuur ah oo aftida dadweynahana la geliyo, kadibna marka la gaarpo xiliga kala guurka”.

Gudoomiye ku xigeenka waxaa kale oo aan weydiiyey sidee baarlamaanku uu isu waafajinayaa 4.5, federaal iyo islamic Low?!

Prof, Dhalxa wuxuu ku jawaabey “Islaam waa la yaqaanaa, sheegasho iyo awood qaybsi ma aha islaamku umana baahna, islaamka ninkii rumeeyana, wixii muslim-nimadiisa uu ku dhowrsan lahaa ama ay ku xaqiiqoobi lahayd ayaa looga baahan yahay ninkii noqda, 4.5-kana waa arin Soomaali si khaldan ay ugu heshiisey oo dulmi ah, markii iyaduna xalkeeda la helo, waxay noqondoontaa markii Soomaaliya la tiriyo oo la ogaado cidii laga tiro badan yahay iyo cida tirada badan ama cida gobol weyn tahay iyo cida laga gobol weyn yahay ama gobolkeedu yar yahay, markaa dadkii ogolaadey waxay ahaayeen dadd uun tanasuley, wacyiga iyo duurfta dalka taala ee maanta cid ilaahay nus ka dhigey iyo cid kaamil ka dhigey lama sheegin.

Hadii cid dhaxalkeeda nus waaye la yiri waxaa ilaahay tilmaamey Haweenka, iyaguna xuquuq fara badan buu ilaahay siiyey, laakiinse dadd soomaaliyeed oo siman, dadd soomaaliyeed oo aan lagu kala eegin wixii dadd lagu kala qiimeyn lahaa iney badan yihiin iyo iney yar yihiin oo aan ognahay waxa lagu sameeyey xaq lama rabee, xal baa la rabaa, maxay ahayd garan meynee, xal baa la raadinayaa iyo xaq lama raadinayo, meel aan xaq oolin inuusan xal imaaneyn ilaahayna waa ogyahay Ummadduna wey ogtahay, waxaas oo idil ma rabo inaan gadaal ugu noqdo.

Laakiin arimaha kale ee soo harey federal, waxaa lagu heshiiyey shirweynihii Qaran ee lagu qabtey Nayroobi, Embagati waa meel Soomaali ay isugu timid go’aan ka soo baxay kadibna Axdigii ay ku qoratey, kaana hada waxaa looga fadhiyaa haday fuleyso iyo hadey fuleyninba shacabigii Soomaaliyeed ee talada ay ka go’aysey, marka aftida dastuurka la hordhigayo ayey, iyaduna qaybta ugu sareysa noqoneysaa ma garatey”.

Prof, Sheegoow oo aan isla su’aashan weydiiyey ayaa isna wuxuu qabaa sidan “waa is-waafaqsan yihiinoo, Dasaatiirtii dalka mid walba wuxuu oran jirey, guud ahaan shuruucda dalka waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, halkaas ayuu ka waafaqsan yahay looma baahna is-waafajin kale, hadii dastuurku uu qeexo saldhiga qaanuuneed ee dalka uu noqdo shareecada Islaamka, waa waafaqsan yahay, qaanuun jiraaya ma leh oo shareecada ka hor imaanaya.

4.5, wuxuu ahaa hab lagu soo xuley maamulkii dowliga ahaa ee KMG-da jirey, nidaamka federaaliga ah ee hada la qaadan doono koley wuxuu keeni doonaa hab looga gudbo, qaabka 4.5-ka, laakiin dastuurku wuxuu noqon doonaa mid aan lagu tilmaamin 4.5, barkee jaataradii la soo marey xiligii KMG-rada, laguma tilmaameyn 4.5, ee waxaa lagu tilmaamayey habka awood qaybsiga keliya ayuu ku ekaa, wax dastuur ama Axdi uu ku tilmaamnaa 4.5, ma jirin, kana wuxuu noqon doonaa nidaam federal ah oo dalka loogu raadiyo in looga gudbo xiliga KMG ah loo helo dowlad dhameystiran oo ku dhisan habka federaaliga”.

Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey oo ahaa khabiirkii wax ka dhigayey casharada siminaarka oo aan arintaas wax ka weydiiyey ayaa isagoo sharxaya wuxuu yiri “4.5 iyo waxaasi waa wax kale, ereyga federal kelmad ahaan in looga cararo waa yacnii maangaabnimo weeyaan, ayadoon federal la dhihin ujeedada dhan waa sidee baa xukunkii dowlada shacabka ay u maamulikaraan, ama federal dheh ama magac kale u yeel, ujeedadu waxaa weeyaan xukunku inuusan ku aruurin koox ama qof gaar ah gacantiisa, in bulsho kasta meesha ay degan tahay ay xeerkeeda isku maamuli karto, dowlada dhexe iyadoo ku xiran taa weeyaan, ma aha qabiil, ma aha siyaabaha qaarkood oo loo fikirayo.

Marka lagama maarmaan waxay noqoneysaa, shacabka inta lagala tashan in wacyi gelin la sameeyo, war maxaa loola jeedaa dastuur, hada kelmada dastuur dadd baa ka carooda, micnihiisa oo kooban waxaa weeyaan heshiis wadareed guud oo bulshadu oo ay iyadu isla geleyso oo hadana balan qaadeyso in ay ixtiraamto dadka kalena ay ixtiraamaan, marka hadii ay taasi ay tahay heshiis oo bulshada isla ayada ay isla geleyso oo hadana ay balan qaadeyso marka ay sameysato xeerkaasi aan ku kala dambeyno, qofkii ku gudbana aan iska qabano, wax ka jaban uma jeedo aniga, magac kasta u same”.

  • Akh-riste fikirkaada waa muhiim iyadoo aan cidina loogu daneyneyn ama lagu weerareyn, waa waxaad leedahay ee fadlan dhiibo fikirkaada oo ha yereysan qormadan waa mas’uuliyad ku saaran marwalba nolol iyo geeriba inaad ka hadasho waxa saxda ah, mahadsanidiin

Akhri Qaybtii 1aad: https://somalitalk.com/web/tag/dastuur/

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Qaybtii Labaad: Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?! "

  1. Sharmaake says:

    ASC,

    Aniga aragtidayda waxay tahay habkaan 4.5 in aanay wax faa’iido ugu jirin Soomaali meel kasta oo ay joogto, Xildhibaanadaan hadda howsha ku guda jirana waxay is leeyihiin dalaada intii tabartiin ah balse dadaalkoodu muxuu noqon karaa xaggeese ku dambayn doonaa ma wuxuu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay mise wuxuu noqon doonaa xoog dameero lagu eryay.

    Waxaa is waydiin mudan 4.5 aragnay in aanu shaqaynayn ee sidee Dowlad Islaami ah u noqon kartaa Dowladda ay horboodayaan Shariif Sheekh Ahmed kii habraha gacanta ku boobayay shalayna uulil Armiga sheeganayay, Shariif Xassan ka Qaadwalaha ahaan jiray iyo Abdirixmaan Abdishakuur kii shalay lahaa Soomaaliya suurtagal maahan oo nalooma ogola in aan Dowlad Islaami ah ka dhisno.

    Aniga aragtidayda waxay tahay sida 4.5 loogu fashilmay ayaa loogu fashilmayaa in ay Soomaaliya yeelato Dowlad Islaami ah inta aan la kala saarin ninka diintu runta ka tahay iyo ninka diintu afka ka saaran tahay oo is leh awr kaaga ku kacso, sidoo kale markii ummad ay dooranayso wixii ay isku dhaqi lahaayeen waa in ay is raacsan yihiin oo markaas aan wax khilaaf ah ka taagnayn wada noolaan shahooda laakiinse ummad Bari iyo Bugux ku kala oodaysan sidee tastuur iskugu raaci karaan, anigu waxaan leeyahay war wax aan jirin ha isku daalininee marka hore ku dadaalaha sidii aad dhacanta uga qaadi lahaydeen ummaddaan raxanba meel lagu oodaystay, haddii kale kolay waxaan waa mashruuc lacag lagu kala qaadanayo oo nin waliba doonayo in uu jeebkiisa buuxsado ee haddii ay idin la noqotay wata howshiina.

  2. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waxaan ugu horeyntii u mahadnaqayaa Aqoonyahanadii ku kulmay Worka Sopkii looga hadlayey Diyaarinta Dastuurka dalka Jamhuuriyada Islaammiga ee Soomaaliya, waana idin hambalyeynayaa sida saraaxadda leh ee daacadnimada ku jirto aad ugu howgasheen arrinta aan kor ku soo sheegay, waxaan idin caddeynayaa in aad tihii dad loo soo xulay in si daacadnimo leh ugu soo dhalaala howshan baaxadda leh ee aad dhabarka u dhigateen, xildhibaan Feysal baan ku raacsanahay haddaladiisi oo runtii igu reebtay Qiirad wadaninimo. Ogaada haddii uu Alle idmo in uu Afti ka dib Dastuurka aad soo diyaarisaan ay Shacbiga Soomaaliyeed ay ogolaadaa in aad noqon doontaan kuwa weligiin Magac iyo Sharaf ku lahaan doonna Ummadda dhexdeeda.
    Waxaan kaloo aan Jaclahay, isla markaana ku faraxsanahay in uu ka mid yahay Ragga ayaga wax ka diyaarinaya Dastuurkan Ustaadkeyga MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI, oo ah runtii Aqoonyahan aan si fiican ugu dheragsanahay Jamiic Sifaatihi, runtii weligii waxaan ku aqaanay JAWAARI qof aanan runta ka leexay, aad baan ugu kalsoonahay in uu ka dhex muuqdo dastuurka dalka Soomaaliya Aqoon yahanada diyaarineyso, qof alle ku maneystay aqoon dhinac kasata, wuxuuna ka soo jeedaa reer Diinta Islaam ku soo barbaaray, haddaba, Prof. JAWAARI oo aan filayo muddo dheer in aanu kala war heynin waan salaamayaa.

    Wabillaahi Towfiiq

    Abukar Abanur
    Tel. 0031 `0` 622771536

  3. xaqsoor says:

    arinka isga ah waa in laga baaran dagaa oo laga murqshooda si loo helo dada waxa fahamaya laakiin hadii qof la gashado oo la yidhaa waar sidaa arinka waxa ka socon meeso markaa waxan leeyahay umada meel halsugu keeno hana la keeno siyaasi dadka soo jiita oo umada waxa u qabta si loo helo umada waxa qabsneysa

  4. Suad Ossoble says:

    Asalaamu alaikum
    Salaan ka dib, haddii aan fikradeyda dhiibto ama aqoonta aan u leeyahay Somali intii aan soo jirey, 4.5 waa wax kama jiraan waayo haddii dawlad ay ka baqeeso war haddii reer hebel isan kursi helin tan ma soconeeso waa mamnuuc, Nebegeenii Subana Moxamed csw wuu ka soo horjeeday in Qabiil la isticmaalo ama la isku dilo ummaaddiisa kama mid aha kuwaas.
    Maxaan u weynay in aan ka maarano Qabiil aan xilka u dhiibano wiilasha yar yar oo wax bartay aan uga maarmi weynay xildhibaanaadaan ay aqoonta ku yartahay oo aan mushtamac horseedi karin.