Home » Warar »

Maamulka Xarakadda Al-Shabaab ee Kismaanyo oo Qaadka ka joojiyey in ay Haweenku iibiyaan

  • Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa doonaya in ay si tartiib ah shacabka uga gooyaan Qaadka waxayna markii hore Qaadka isugu geeyeen meelo gaar iyaga oo diidey in lagu dhex iibiyo Bulashada Dhexdeeda taasina waxaa si aad ah u soo dhaweeyey Bulshada oo iyaga qaba in dhibaatada soomaaliya haysato uu qayb ka yahay Cunista Qaadka…

Maamulka Xarakadda Alshabaab ee Magaalada Kismayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa oo saaray wareegto ama Go’aamo ay kaga mamnuucayaan Haweenka degmadaasi in ay iibiyaan khaadka.

Gudoomiyaha Xarakadda Alshabab ee Kismayo; Sheekh Xassan Yacquub oo kullan la yeeshay haweenka khaadka ku iibiya Kisamyo ka hor inta uusan soo saarin wareegta ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan ka ganacsiga khaadka maadaama uu yahay wax dhibaato badan ku haya bulshada Soomaaliyeed isla markaan dadka soomaaliyeed uu uga baxo dhaqaale aad u fara badan.

.. Boqolkiiba 80% furriinka Soomaalida UK waxa uu la xiriiraa Qaadka….

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo ugu badan ee ku howlan ka ganacsiga khaadka oo ah caleen ay Soomaalidu aad u cunto lehna dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo bulshaba.

.. “Dadka qaadka gada waxaa cudurka HIV/AIDS laga helay boqolkiiba 21%” UN

Qaar kamid ah haweenkii ka qayb galay kullanka ay la yeesheen maamulka Kismayo oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in talaabadaasi ay tahay mid lagu cunna qabataynayo noolashooda iyaga oo ku andacooday in aysan haysan meel kale oo ay ka raadsadaan quutul yoonka caruurtooda.

.. Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof: UN

Haweenka iibiya khaadka ayaa badanaa ah hooyooyin la daalaa dhaca noolasha qoysaskooda kuwaasoo hadii laga hor istaago ganacsigaas u baahnaaanaya meel kale oo ay ka raadsadaan noolal maalmeedkooda

Xarakada Alshabaab ayaa doonaya in ay si tartiib ah shacabka uga gooyaan Qaadka waxayna markii hore Qaadka isugu geeyeen meelo gaar iyaga oo diidey in lagu dhex iibiyo Bulashada Dhexdeeda taasina waxaa si aad ah u soo dhaweeyey Bulshada oo iyaga qaba in dhibaatada soomaaliya haysato uu qayb ka yahay Cunista Qaadka

Hirut Semu Xiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Guji

Markii ay maxkamadaha la wareegeen inta badan Gobolada Dalka ayey waxay soo saareen Go’aamo lagu mamnuucayo qaadka balse markii dambe wuxuu isu bedeley in si Koontarabaan ah loo iibiyo iyadoo inta badan shacabka ay si aad ah u doonayaan in gebi ahaanba la mamnuuco ka ganacsiga qaadka iyagoo sheegey in maalinkasta uu qaadka uga baxo lacag Boqolaal kun oo Doolar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

AKHRI: https://somalitalk.com/qaad/

AIDS-ka oo farakulul ku haya qowmiyadda Soomaalida, iyo Qaadka oo qayb weyn ka ah faafidda AIDSka

Sida ay faafiyeen hay’adda UNAIDS iyo WHO qiyaastii ay sameeyeen sannadkii 2009 waxaa cudurka HIV qabey 35,175 qof oo Soomaali ah oo ku kala dhaqan Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, oo qiyaastii celcelis ahan da’doodu u dhaxaysay 15-jir ilaa 49-jir. Faraq weyni uma dhaxayn rag iyo dumar, tirada cudurkaas qabtey ee dumarka ah waxay ahaayeen 18,505 (waa boqolkiiba 52.6% ee tirada guud ee qabta cudurkaas) iyo ragga oo ahaa 16,670 (waa boqolkiiba 47.4%). Qiyaastu waxay samaysay in xaaladaha cusub ee cudurkaasi uu dhowaanta ku dhacay ay ahayd 3462 (51.5%) oo dumar ah iyo 3250 (48.5%) oo rag ah, taas oo isku darka dadka uu dhawaanta cudurkaasi ku dhacay ka dhigeysey 6,712 qof.. Sidaas haddii arrintu ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012, ayey tibaaxday cilmi baaristu. AKHRI Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof: UN
Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya
QAADKA OO DHIBAATO BA’AN KU HAYO JAALIYADA SOMAALIYEED OO AUSTRALIA
Gabay uu Qaadka u Tiriyeye JH Suleymaan…
Sheriff: Qaadku waa daroogo; Sheekha Xerta: waa Quud Awliyo
Cilmi Baaris Qaadka ku saasban.. GUJI
Minnesota: Gabar u Dhimatay Qaad Daraadiis
Qorigii iyo qaadkii Soomaaliya oo ka daba yimid Somalida Minnesota
Ra’yigii dadweynaha ee Qaadka sannadkii 2000

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.