Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof: UN
"Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee
cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka
2012..." Warbixin Qarammada Midoobay..
- Tarjumadii SomaliTalk.com | June 7, 2010
Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka
Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad
u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu dhex
fidayo shacabka Soomaaliyeed (Boosaaso, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Berbera,
Galkacyo, Jawhar iwm). Cilmi baaristaas oo ka kooban 64 bog oo la faafiyey May 13, 2010,
waxay jaaha saartay Woqooyi-Galbeed (Somaliland), Woqooyi-bari
(Puntland) iyo Koonfurta-dhexe ee Soomaaliya. Tirakoonkii ugu horeeyey ee la sameeyey 2004 waxay muujiyeen in dadka
halista ugu jirey cudurka HIV/AIDS in ay ahayd gobolada Koonfureed (boqolkiiba
0.6%), Puntland (boqolkiiba 0.9) iyo
Somalilanad (boqolkiiba 1.4%). Warbixintaas ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah oo la sameeyey muujiyeen
in meesha ugu badan HIV ay ahayd magaalada dekedda ah ee Berbera oo uu
gaarayey boqolkiiba 2.3%. Markii la soo gaarey sannadkii 2007 tirakoob la sameeyey waxa uu
muujiyeen in uu guud ahaan cudurkaasi uu ku sii kordhay dalka, taas oo uu
gaarey boqolkiiba 1.5% Somaliland. Sidoo kale waxaa soo shaac baxay in
sannadkii 2008 in magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Haregysa, Burco iyo Galkacyo uu aad kor ugu kacay
halista cudurkaasi.
Eeg bogga 12 ee
cilmi baarista.
Warbixinta QM waxay tibaaxday in cudurka HIV ee
Soomaaliya uu labaatan jirsadey (20 sano). Somaliland Tirakoobka lagu sameeyey Somaliland waxay muujiyeen in cudurka HIV uu
sii faafayey Boorama (0%) ilaa Berbera (2.7%), halistaas oo sii fidaysay laga
soo bilaabo 1999 oo uu ahaa boqolkiiba eber (0.0%), waxana uu
sannadkii 2004 gaarey boqolkiiba 2.3%, ilaa uu sannadkii 2007
gaarey boqolkiiba 2.7%. Warbixintu meel kale waxay ku muujisay Boorame in uu
gaarey 1.1%. Puntland Qiyaastii la sameeyey waxay muujisay sida cudurkaasi kor ugu kacay
laga soo bilaabo 2004 ilaa 2007 oo uu ka soo bilowday boqolkiiba 0%
ilaa boqolkiiba 2.2%. Sannadkii 2004 marka la eego magaalooyinka sida ay ugu
kala daban yihiin cudurkaasi waxa bilowgii
la qiyaasay Gaalkacyo (boqolkiiba 1.4%), Boosaaso (boqolkiiba 0.9%)
iyo Garoowe (boqolkiiba 0.7%). Markii dambe uu aad ugu fiday Boosaaso. Koonfurta-dhexe Dhanka koonfureed ee dalka nabadi kama jirin laga soo bilaabo 1991.
Qiyaas fiicana lagama hayo oo si rasmi ah loogu ogaan karo sida uu isu bedeley faafidda cudurka AIDS.
Qiyaaso la sameeyey 2004 ayaa muujiyey in uu cudurkaasi u dhexeeyey
magaalada Marka (boqolkiiba 0%) ilaa Muqdisho (boqolkiiba 1.2%). Halka
HIV ee Jawhar iyo Xudur uu ahaa boqolkiiba 0.3%. Dagaalada ka jira Muqdisho ayaa
sabab u ah in aysan xaaladdu saamaxin in lagu sameeyo tira koob rasmi ah oo lagu
ogaado sida cudurkaasi u fiday. Soo koobid Inkasta oo aysan jirin xog (data) guud oo
Soomaaliya oo dhan ah, haddana waxaa muuqata in cururka HIV/AIDS uu u faafayo
qaab is dhinac socda oo
saddex dariiq ku socda (Somaliland, Puntland iyo Koonfur). Sida ay faafiyeen hay'adda UNAIDS iyo WHO qiyaastii ay sameeyeen
sannadkii 2009 waxaa cudurka HIV qabey 35,175 qof oo Soomaali ah oo ku
kala dhaqan Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, oo
qiyaastii celcelis ahan da'doodu u dhaxaysay 15-jir ilaa 49-jir. Faraq weyni uma
dhaxayn rag iyo dumar, tirada cudurkaas qabtey ee dumarka ah waxay ahaayeen
18,505 (waa boqolkiiba 52.6% ee tirada guud ee qabta
cudurkaas) iyo ragga oo ahaa 16,670 (waa boqolkiiba 47.4%). Qiyaastu
waxay samaysay in xaaladaha cusub ee cudurkaasi uu dhowaanta ku dhacay
ay ahayd 3462 (51.5%) oo dumar ah iyo 3250 (48.5%) oo rag ah, taas
oo isku darka dadka uu dhawaanta cudurkaasi ku dhacay ka dhigeysey
6,712 qof.. Sidaas haddii arrintu ku sii socota waxaa dadka
Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka
2012, ayey tibaaxday cilmi baaristu.
Waa tiro ka badan nus-malyan, ayadoo guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed ee
ku dhaqanaa dalka gudihiisa sannadkii 2008 lagu qiyaasay 8.1 million, kuwaas oo
boqolkiiba 50% ay da'doodu ka yaarayd 15 jir. Halkaas waxaa ka soo shaac baxaya
halis iyo dabar go' aad u baaxad weyn haddii aan si degdeg ah looga hor tegin.
Shaxda hoose waxay muujinaysaa dadka laga baaray cudurka HIV intii u
dhaxaysay 2006 - 2009 iyo inta qof ee dadkaas laga helay cudurkaas oo noqday
kuwo qaba HIV (+ve). Waxaa halkaas ka muuqda in la baaray 13,022 qof,
waxaa tiradaas ka soo baxay in cudurkaas ay qabeen 2,341 qof, taas oo ah
in boqolkiiba 9.6% dadkii la baaray ay qabeen cudurkaas.
Eeg bogga 19 ee cilmi baarista
Yuu ugu badan yahay halista cudurkaasi: Cilmi baarista ay ka
qayb qaateen hay'ado badan oo Qarammada Midoobay waxay tibaaxday dadka iyo
meelaha halista u ah in cudurka HIV/AIDS uu sida xawliga ugu faafayo. Waxaana
arrinta ugu weyn ee ka qayb qaadanaysa fididda cudurkaas ee la tibaaxay ay tahay
dumarka ka soo safraya Ethiopia, Jabuuti iyo Eretria ee imanaya dhulka
Soomaaliyeed (Somaliland, Puntland iyo Koonfur-dhexe) iyo ragga Soomaaliyeed ee
u safraya Itoobiya, Jabuuti iyo Bariga dhexe - Magaalooyinka halista ugu
weyn ku wajahan tahayna waa Boosaaso iyo Hargeysa.
Gaar ahaan warbixintu waxay tibaaxday: Dareewalada, Qaadwalayaasha,
maqaaxiyadaaha lagu gado shaaha ee habeen iyo maalin furan iyo naagaha jirkooda
ka ganacsada. Waa arrimo aad iyo aad looga calool xumaado ayadoo Soomaalidu ay
yihiin dad Muslimiin ah in sidaas lagu qeexo.
Boqolkiiba 62% dareewalada gawaarida xamuulka (Truck Drivers) ayaa warbixintu
sheegtay in ay leeyihiin wax ka badan hal haween ah oo gogol-dhaaf ah. Raggaas
oo 60% ay si caadi ah xaasaskooda uga maqan yihiin muddo ka badan hal bil.
Raggaas oo warbixinta lagu waraystay waxay dhammaantood sheegeen in ay u safreen
Ethiopia, Jabuuti iyo Bariga dhexe. Sida caadiga ah da'doodu waxay u dhaxaysaa
15-jir ilaa 25-jir. Dareewaladaas cilmibarista ka qaybgalay waxaa cudurka HIV
qaba boqolkiiba 37%. Dareewaladu waxay sheegeen in badanaa waqtigooda nasashada
ay aad u isticmaalaan Qaadka oo ay calashadaan. Qaadka oo ka yimaada Itoobiya.
Dadka qaadka gada waxaa cudurka HIV laga helay boqolkiiba 21% (waa tiro aad u
argagax badan - ka warran qof qaba HIV/AIDS haddana kaa iibinaya qaad, maxaa
qaad-calashadayaashu sugayaan).
Waxa kale oo warbixinta lagu ogaadey in maqaaxiyadaha lagu gado shaasha.
Maqaaxiyadahaas shaaha ee ku yaal magaalooyinka waaweyn sida caadiga ah waxay
shaqeeyaan 24 saac.
Dhanka kale, Warbixintu waxay sheegtay in cilmi baaris aan rasmi ah weli la faafin
ay muujinayaan in magaalada Boosaaso ay ka soo shaac baxeen dabeecado
halis ah oo ka imanaya xagga ka ganacsiga qaadka soo gelaya magaalada. Waxa kale oo
warbixintu sheegtay in Burcad badeedu ay soo jiidatey dumar jirkooda
ka ganacsada oo ka imanaya dalalka deriska ah sida Ethiopia, Jabuuti iyo
Eritrea. Taas oo warbixintu sheegtay in dabeecadahaas halista ah ay
Puntland ku kordhinayaan in uu si xawli ah u laba kacleeyo faafidda cudurka
HIV/AIDS.
Magaalooyinka kale ee sida gaarka ah ay warbixintu u xustay waxaa ka mid ah
Berbera, Lowyacado iyo Togwajaale.
Warbixintu waxa kale oo ay tibaaxday in
baaritaas ay sameeyeen 2008 ay ka qayb qaateen 237 oo ay warbixintu ku
tilmaantay in ay yihiin dumar jirkooda ka ganaacsada oo ku sugnaa Hargeysa,
baaritaankaas oo laga ogaadey in boqolkiiba 5.2% ay qabeen cudurka HIV taas oo
ah tiro laba laab ka badan qiyaasaha kale ee la sameeyey. Waxaa intaas dheer in
la sheegay in dumarkaas ay boqolkiiba 3.1% qabaan cudurka Soomaalidu u taqaan
Isfiilato (syphilis).
Waa arrin naxdin ku ah shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Isku soo duub oo cilmi baaristu waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee qaba
cudurka HIV ee ku sugan gudaha (Somaliland, Puntland iyo Koonfur-dhexe) in ay u
kala qabsan yihiin boqoliiba: Dareewallo (37%), Qaadwalayaal (21%), Ka Shaqeeya
Maqaaxiyaha Shaaha (15%), Gurijoogto (14%), Dumar ka yimid Jabuuti oo guryaha ka
shaqeyn jirey (6%), Askar hore (2%), Dukaamaley (1.8%), Ka ganacsada Xoolaha
Nool (0.2%), iyo kuwo kale (5%).. Eeg shaxda hoose.
Eeg bogga 21aad ee warbixinta
Warbixinta waxaa lagu xusay in dalka Soomaaliya intii u
dhaxaysay 2006-2008 in lagu faafiyey oo laguna qaybiyey 2.2 million oo Galcaar
ah. Sannadkii 2009 in tirada galcaarka lagu qaybiyey ay ahayd 300,000. (Waxaana
xusid mudan in sannadkii 2004 in Boosaaso
lagu gubey 12
kartoon oo galcaar ah).
Sidee looga hor tegi karaa Cudurkaas
Ugu horayn warbixinta Qarammada Midoobay waxay sheegtay in Soomaalidu ay
hadda haystaan fursad aad u weyn oo ay ku joojinayaan cudurka HIV/AIDS ka hor
inta uusan gaarin heer uu faraha ka baxo oo aan wax laga qaban karin. Waxaana
warbixintu intaas raacisay in Soomaalidu aysan arrintaas weli uga jawaabin sidii
la rabey si cudurkaas halista ah ee dilaaga ah loo xakameeyo.
Xagga dhiiga qofka lagu shubo waa in taxadar weyn laga muujiyo oo marka hore
dhiigga lagu deeqay si weyn looga baaro in uu sido cudurka HIV/AIDS. Waxaana
warbixintu ka digtey gaar ahaan dhanka Koonfureed ee Soomaaliya maadaama uu
dagaal ka jiro oo dhiigga degdeg loogu baahan karo in taxadar weyn la muujiyo.
In la badiyo la talinta iyo baaritaanka: Taas oo tusaale ahaan warbixintu
sheegtay in ay ka qayb qaadanayso baraarujinta iyo in si degdeg ah loola taliyo
dadka uu ku dhacay cudurkaasi si uusan u sii faafin. Tusaale ahaan warbixintu
waxay sheegtay laga soo bilaabo sannadkii 2006 in lala taliyey dad tiradoodu
gaarayso 24,284 qof, kuwaas oo la ogaadey in 2,341 ay qabeen cudurka HIV taas oo
ah boqolkiiba 9.6% dadkii la baaray. Waa tiro argagax leh.
In Soomaalidu bedelaan dabeecadahooda iyo hab dhaqankooda, wixii dhaqan xumo
ahna suuliyaan.
Cilmi baarista Qarammada Midoobay waxay muujisay sida ugu weyn ee cudurkaas lagaga hor
tegi karo waxay tahay KHAALIS-NIMO (Faithfulness) iyo in laga fogaado
gogol-dhaafka / sinada oo
laga dheeraado (Abstinence) iyo in aan la wada isticmaalin aaladaha afka badan
gaar ahaan (gar-xiirta, makiinadaha iwm).
Dabcan, maadaama aan nahay ummad Muslimiin ah oo aamisan Allah, waxaa muhiim
ah in rabbi loo noqdo oo laga dheeraado wixii Allah xarimay, oo la raaco
dhaqanka suubban ee diinteena Islaamka.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa taladii Prof. Yusuf Hersi Ahmed ee 2004 ee uu
yiri waxaan: rabaa inaan halka ku soo gudbiyo dhawr talo oo la xiriira
fulinta
dhaqantoosinta iyo la dagaallanka HIV/AIDS-ka:
- a) Dejin qorshe qaran oo qeexan oo ku salaysan tillaabooyin isdabajoog
ah
- b) Iskaashi dhab ah ee dawladda, culimmada, aqoonyahannda, iyo
dadweynaha.
- c) Abuurid xarumo dhaqancelin oo laga dhex fuliyo wacyigelin diimeed,
akhlaaqeed, bulsho iyo tababar xirfadeed oo qofku marka uu ka soo baxo u
oggolaan kara inuu shaqaysan karo.
- d) Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah
- e) Soo dhoweyn cid kasta oo si daacad ah gacan inooku siinaysa fulinta
qorsheheenna.
- f) Dumin bartilmaameedyada dhaqanhabowga iyo cadaadin dadka falkaas ku
dhex jira oo la rabo in jir iyo maskaxba laga toosiyo.
Linkan ka eeg cilmibaarista oo dhamaystiran,
cinwaankeeduna waa:
United Nations General Assembly Special Session on HIV/AIDS: COUNTRY PROGRESS
REPORT 2010
http://data.unaids.org/pub/Report/2010/somalia_2010_country_progress_report_en.pdf
Si aad wax uga ogaatid Cudurka AIDS akhri
Qormadii: Faarax Axmed Muuse
Fulinta
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
MINNESOTA: 18
Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...
Digniin Hore oo Laga
Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::JAWHAR::: Waraysi:
Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS& ka Akhri Halkan
Faafin: SomaliTalk.com / June 7, 2010
|