Sheriff: Qaadku waa
daroogo; Sheekha Xerta: waa Quud Awliyo
Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah
(alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha
qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.
Cilmi baaris
Qaadka ku saasban.. GUJI
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE
QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo
qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay
$170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.
Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku
dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa
daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay
$US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda
iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC
Australia...
|
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ka warran
haddii la arko dad “muslim” ah oo daroogo u doodaya welibana danaynaya iyo
“gaalo” qaadka diiddan oo ka hortaagan shacabka Soomaaliyeed?! Soow
Qiyaame-sug maahan?
Waxaa la
sheegaa nin Soomaaliyeed oo Koonfur laga bedelay baa waxaa la geeyey magaalo
ka mid ah dhulkaas Soomaalida ee aan beeraha laga aqoon. Maalintii dambe buu
arkay sabuul galleey la gadayo ama si kale uu ku helay dabadeedna intuu
dhunkaday oo la hadlay buu yiri: sabuuloow maxaa halkaan ku keenay. Waxaan
la yaabbanahay dagaalka ka dhextaagan sheriffyadii Maraykanka iyo qaadka!
Sida dad
badani qabo ayaan anna aamminsanahay inayna jirin dhibaato nooga daran
qaadka. Muhiimadda arrintaasi leedahay darteed, buug aan qoray oo aan ugu
magacdaray Qiimaha Dhulka iyo Qaddarin La’aanta Soomaalida, waxaan ku daray
cinwaan ku saabsan qaadka. Waxaan halkaas ku xusay in qaadku uu ka dhib
badanyahay qabqablayaasha iyo qabiilka oo la isku daray.
Falsafad iyo Cilmi
nafsi ahaan
Dhaqan kasta wax
baa lagu saleeyaa. Inkastoo dad badani moog yihiin; qofkii yiraahdaa muslim
baan ahay waa isagoo yiri: Ilaahay baan Rabbi ahaan u doortay; Islaamkana
diin ahaan; Nabi Muxamedna (SCW) nabi iyo rasuul ahaan. Marka meel falsafad
iyo mabda’ kale ka soo galo ma leh.
Markii
qaadka laga hadlayo waxaad mooddaa inuu dhankaas Galbeedka naga soo galay.
Waqtiga saxda ah ee uu Soomaaliya soo galay ma sheegi karo. Niman culumo
sheegta oo dadka Soomaaliyeed aad u qaddarin jireen baa qaadka ku sheegay
quud Awliyo! Waxay dhaheen, Qur’aankaan ku akhirsannaa; waanna ku wardinaa.
Culumadaasi dadka tusaale bay u ahaayeen sida waddamada Galbeedka looga
dambeeyo dadka fanka iyo isboortiga ku caankaa. Maxay dadka Soomaaliyeed
qaad-cunista si aad ah ugu bilaabeen waqti aan dheerayn? Ilaah baa xaqiiqda
og laakiin waxaad mooddaa, maddaama magaalooyinka mar dambe aad loo soo
degay; suurtogal uma ahayn in qof reer miyi ahi uu waqti badan u helo
jaad-cunid. Saamaynta uu jaadku maskaxda ku yeesho darteed baa dadkii iska
dhaadhiciyey in uu keenno furfurnaan iyo is-dhexgal. Culumadaasi waxaad
mooddaa inay qaaciddo fiqi ah ay si kale u isticmaaleen. Qaaciddadaasi waxay
oranaysaa: shaygii aan waajibaadka la’aantiis la gaari karin isna waa
waajib. Marka culumadaasi waxaad mooddaa inay leeyihiin maaddaama uu
qaadku/jaadku na gaarsiinayo Qur’aan-akhris iyo wardi waa shey fiicaan in la
cuno si ajarkaas loo gaaro! Halka culumada saxda ahi qabto inaan wax xaaraan
ah xalaal lagu gaarin. Xitaa caamadu waa ogtahay in hal xaaraan ahi aysan
dhalin nirig xalaal ah.
Qaadku ma Xalaal baa
mise Xaaraan?
Waxaan
aamminsanahay haddii niman culumo sheegta oo caalamka Islaami laga yaqaan,
arrintaas la weydiiyo oo la yiraahdo: sheekhoow haddaan Soomaali nahay
waxaan joognaa qurbe; waxaan ka soo dheeraannay waddankayagii iyo
dhaqankayagii, marka waxaan u baahannahay waxaan weheshanno ee jaadka ka
warran? Waxaa laga yaabaa inuu yiraahdo: diinta Islaamku waa diin fudud
loomana baahna in dadka lagu adkeeyo marka waad iska cuni kartaan!
Laakiin
marka xaqiiqda laga hadlo, diinta Islaamku waxay bannaysay waxa wanaagsan
waxayna reebtay waxa xun (khabaa’ith). Marka irsaaqadda iyo cuntada laga
hadlanayana waa sidoo kale. Yaa shaki uga jiraa in Jaadku yahay wax xun
(khabiith)? Sida culumadu sheegeen jaadku waxuu baab’iyey waxyaabihii diinta
Islaamku ilaalinaysay oo dhan sida diinta, nafta, caafimaadka, cirdiga,
dhaqaalaha iyo wixii la mid ah. Ma qof baa moog dhibtuu ku hayo qoyska
Soomaaliyeed? “Qaadku hal meel buu ka shabbahaa geedka “dariica” la yiraahdo
ee ehlu-naar la siiyo. Lagumana cayilo sidoo kalana gaajo kaama bi’iyo”.
Maxay Dhaqaatiirtu ka
tiri Jaadka?
Dhibta uu qaadku u
geysto caafimaadka cidna ma mooga. Waxaa qaadka ku jirta maaddo la yiraahdo
“Cathinone” oo ka agdhow maaddo kale oo la yiraadho “Amphetamine” kimiko
ahaan iyo siday wax u saamayso. Cilmi-baarayaasha qaar baa qaba inaan jaadku
ka sokeyn daroogada kookeynta (cocaine). Bal dhibta uu geysto darteed aan
milicsanno waxa uu qoraa ka qoray arrintaas:
“Chronic use of khat
produces undesirable side effects, including sleeplessness, nervousness,
impotence, loss of appetite, constipation, and nightmares.
Soon after chewing,
khat can cause dizziness, rapid heartbeat, and pain in the upper abdomen.
These unpleasant feelings are gradually replaced by bliss, euphoria and
pleasant energetic pleasant feelings. Prolonged anorexia associated with
khat use leads to malnutrition and increased susceptibility to infectious
diseases such as tuberculosis”.
Qaad-cunka badani
wuxuu keenaa arrimo aan la mahadin oo ay ka mid yihiin hurdo la’aan,
neerofoosonimo, ma-dhalaysnimo, qofka oo lumiya rabitaanka cuntada,
calool-fadhi iyo dhibaato cabsi leh (riyooyin cabsi gelin leh). Xoogaa yar
oo qaad ah markay qofka ku tagto wuxuu keenaa in dhulku la wareego (wareer
dartiis), wadno-garaac dhaqso ah, xanuun laga dareemo ubucda qaybteeda kore.
Dareenkaas qaabka daran ka dib, wuxuu qofku dareemaa farxad iyo reyn-reyn
dheeraad ah iyo firfircoonaan. Cunto-xumo la’aanta dheer ee qaadka lala
xiriiriyo waxay qofka geyaansiisaa caatanimo/weyd iyo inay kordhiso inuu u
nuglaado cudurrada faafa sida tiibijada (TB).
Warbixinno kale waxay sheegeen in jaadku keeno kansarka afka iyo weliba kan
dheefshiidka. Marka ma diinta iyo sayniska ka dib baan iskaga sheekeynaa
dhibta qaadka?
Minnesota iyo marduufka
qaadka ah
Mar aan gugii 2004
tagay Minneapolis, labo arrimood oo Soomaalidu heli kartay baa aad ii
cajabgeliyey. Bal malee. Ma Maak Doonalka iyo shey kalaa?! Waxa i
cajabgeliyey waxay ahaayeen xaafad “Ceder” la yiraahdo oo Soomaali badani
degenyihiin waxaa aad ugu dhow masaajidyo iyo kambaska weyn ee Jaamacadda
Minnesota. Marka halkaas aakhiro iyo adduun baa isa saaraan waase sidii loo
manaafacaadsado. Marka baadiye la joogo waxaa halkaas u jooga baad iyo biyo.
Inkastooy
qabyaaladdii iyo qaadkuba yaalay laakiin waxaan ku soo arkay dad
Soomaaliyeed oo qaarna shaqaysanayey qaarna wax baranayey. Ardada
Soomaaliyeed ee magaaladaas joogta waxay ila ahaayeen kuwii isagu xirnaanta
badnaa intaan arkayey ama maqlayey arday qurbe joogta. Ogoow magaalada
London oo deggennahay, Soomaalida joogta waxay laalaab ka badanyihiin kuwa
Minnesota oo dhan degen laakiin ardey isku duuban iyo kuwo ku dhow midna
kuma arag. Marka waa sida loo yiraahdo badnaan wax ma tarto ee tayaa wax
tarta.
Culumada,
Odayaasha (siyaasiyiinta) iyo dhallinyarada joogta waa kuwo aad loo yaqaan
oo shaqo fiican looga bartay. Sheekh C/Raxmaan Sheekh Cumar iyo walaalaha
Masjid Shaafici arag; C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Abshir iyo
siyaasiyiin kale bal arag sidoo kalana Maxamuud Wardheere, Caynte iyo
dhallinyaro badan oo arday ah. Maxamuud Wardheere waa ninkii isku deyey inuu
u tartamo duqa magaaladaas. Waxay ahayd dhiirigelin ah in Soomaalidu xaqooda
raadsato oo ay wax ka qabsadaan meeshay joogaan. Waxaa la sheegaa in markaad
qaadatid sharci Maraykan ah aadan ninna marti u ahayn ee aad waxaad qabsan
kartid qabsatid. Muslinnimada darteed iyo waxyaalo kale markii la eego,
arrinta sida loo sheegayo maahan laakiin waxyaalo badan baa ka jira.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Minnesota ka dhacay ee ay ku jirtay gabadhii
lagu dilay arrintii jaadka la xiriirtay iyo kuwa kale ayaa walaac iyo welwel
ku beeray Soomaalida gobolkaas deggen iyo inta wanaaga jecelba. Marka waxaan
Ilaahay ka beryeynaa inuu faraj nooga furo jaadkaas. Waxaa jira ol’ole
ballaaran oo ay wadaan Soomaalida gobolkaas oo ku saabsan qaadka. Marka
kulumadoodii iyo warbixintoodii ugu dambeysay ma maqal laakiin waa tallaabo
horumar leh oo u baahan in aan laga daalin; sidoo kalana la rabo inaan
kulligeen taageerno oo ka qeybqaadanno. Haddii arrintaas guul weyn laga
gaaro, waxaan filayaa inaan uga faa’iideysan doonno dadka jaadku ku diloobay
UK.
Talo ku socota
walaalaha dadaalkaas wada
Horta dadka
Soomaalida ah ee jaadka cuna iyo kuwaan cuninba waa dadkeennii. Waxaan aad
ugu faraxsannahay marka laga reebo dad culumo sheegta oo jaadka cuna, in,
dadka qaadka cuna oo dhami aamminsanyihiin inuu yahay wax xun, keliyana ay
tahay balwad uusan iska dhaafi karin. Dadka jaadka cuna badankood waxay
jeclaanlahayeen inay jaadka iska deynlahaayeen hadday awoodaan. Ma jiro nin
jaad cuna oo la jecel in jaadka ay cunaan ilmihiisa, waalidkiisa ama
xaaskiisa. Ogaada arrintaas lafteedaa guul ah.
Dadka hadda jaadka
cuna waaba cunaane bal aan dadkaan cunin u kala qaybsho seddex qaybood:
1.
kuwo
waddada ugu soo jira inay cunaan oo wax yar ka xigaan
2.
Kuwo kale
oon la saadaalin karin oo laga yaabo inay noqdaan kuwa no.
1 ama kan
seddexaad ee soo socda.
3.
Iyo kuwo
aan rabin inay cunaan.
Qoloda
ugu daran ee taageerada ugu badan u baahan waa kuwaas waddada kusoo jira
inay cunaan ee aan hadda cunin. Sida kuwa soo kacaya oo gaaraya waqtigii ay
waalidkood ka “madaxbannaanlahaayeen” ama kuwo ay awal wax kale ka
xannibayeen sida dhaqaale la’aan, xishood waalid (sida dad dhowaan soo galay
gobolka oo Afrika ka yimid), kuwo dhibaato qoys iyo wax kale haystaan oo
raba inay naf bidaan iyo xanuunno kale. Maaddaama qolodani aysan ahayn kuwa
la yaqaan oo toos loola hadli karo ileyn weli jaadkii ma bilaabine, sidee
wax loogu qaban? Iyaga waxaa anfacaya ka hadalka dhibaatada qaadka oo qof
kasta ku wajahan laakiin waxay u baahanyihiin in qorshaha iyo qaabka loo
dajinayo ka hortagga qaadka, in sawirka lagu darsado. Bal suurayso haddii la
waayo cid cusub oo kusoo biirta qaad-cunidda? Wixii dhacay dhace. Marka kuwa
hadda cuna, kii cudur ka qaadi lahaa iyo kii kalaba wey is hayaan jaad
laakiin waa halkas meesha u baahan in jaadka loo istaago.
Qolada
labaadi waa ubadka aadka u yar yar ee aan dhowaan looga baqayn jaadka ama
kuwo waaweyn laakiin ay sababo kale dhowaanahan ka hortaaganyihiin.
Haddii arrinta koowaad guul laga gaaro waxay u dhawdahay in kooxda labaad
kulligood ku biiraan kooxda seddexaad ee aan qaadka cuni doonin. Ileyn
awalba qeybtaas labaad waxay noqon kareen kuwo mustaqbalka cuna iyo kuwo aan
cunin. Marka haddii kuwii koowaad ee jaadka looga baqayey loo weeciyo kooxda
seddexaad, guud ahaan ama intooda badan haddee wax laga baqo kooxda labaad
ma jirto.
Kuwa hadda cuna sidee
wax loogu qaban karaa?
Ma filayo in la
heli karo jawaab toos ah maxaa yeelay waxa lala xaalayaa waa dad. Adoo qof
caawinaya baa dhici karta inuu cadow kuu arko. Marka la dagaalanka balwaddu
ma sahlana. Keliya waxaa kugu filan in qofka cunaa ku yiraahdo: anaa doortay
ee ka hadalkiisa shaqadaa maaha. Laakiin yaan la quusan. Sidaan soo iri,
dadka cuna jaadka badankoodu waxay u arkaan inuu yahay geed xun; sidoo kale
waa ogyihiin dhibtuu waddanka ku hayo. Waxaan filayaa haddii dadka jaadka
cuna noo arkaan inteenna aan cunin dad walaalahood ah oo wanaag la raba
waxaa sahlan inaan ka helno iskaashi sidii wax looga qaban lahaa arrintaas.
Sida loola xaalayo dadkaan waxay ku xirantahay qofka raba inuu wax caawiyo.
Haddii qofkaasi diinta Islaamka wax ka yaqaan ama uu shiikh yahay wuxuu
xasuusanaya nasuuta ku soo aroortay sida dadka loola dhaqmo oo wax loogu
qabto. Haddaanan ka baqayn maqaalka oo intaan ka sii dheeraada (hadduuba
dheeryahay) waxaan xusi lahaa nasuus badan laakiin aan soo qaadanno
xaddiiskii ninkii reer baadiyaha ahaa ee masaajidka ku kaadshay. Markii
saxaabadu (RC) ku soo yaaceen oo damceen inay inta jeegada qabtaan bannaanka
u tuuraan isagoon kaadida dhammayn waa tii nabigu (SCW) yiri daaya ha
dhammeystee. Sabab? Waxay culumadu dhahaan waxaa dhici lahayd in
kaadi-ku-goyntu, ninka dhib u keeni lahayd iyo kaadidii oo saxaabada (RC)
iyo masaajidka ku sii daadata. Laakiin nabigu (SCW) markuu dhammaystay buu
si tartiib ah wax ugu sheegay wuuna aqbalay. Ogaada markaad qof jaad cuna la
hadlaysid ama meel wax loogu sheegayo la joogo waa inaan kaadidaas si toos
ah ugu soo qaadan maxaa yeelay waxaa dhici karta inay ku dhahaan ma annaga
waxaas nagu matalaysaa laakiin waxaa ka fiican inaad micnaha xaddiiska si
kale u sheegtid. Marka haddii meelaha ay jaadka ku cunaan loo diido ama lagu
xumeeyo waxay keeni kartaa in laga waayo iskaashi sidii arrintaas wax looga
qaban lahaa sidoo kalana ay dhallaan iyo dumarkaba sii baraan iyagoo nagu
nacaynaya.
Qofkii
aan diinta ku fiicnayn oo wax ka yaqaan culuunta maaddiga ah ee kale waa
inuu wax ka akhriyaa buuggaagta iyo mowduucyada ka hadla sida xanaaqa iyo
is-afgarashowaaga loo maareeyo (Conflict resolution, anger management)
Haddii Ilaah caqli kusiiyey waxaa dhici karta inaad adigu la soo baxdid qaab
fiican laakiin mar walba in aqoonta la isdhaafsado baa ka fiican in keli
keli wax loo wajaho. Culuuntaasi waxay ku baraysaa inaad gaartid hadaf
dhinac kasta guulaysto (win-win situation). Laakiin waxaan marna meesha ku
jirin in inta dadaal-sameyn la isku dayo ay arrintu ku dambayso inay keento
dhib intii hore ka sii badan. Soow meydaan arag culumada oo Carabi ku dhaha
“akhafu darareyn”? Ma sahlantahay in qof marqaansan ama qaadiraysan wax laga
dhaadhiciyo? Marka waxaa la rabaa “marqaan resolution and qaadiro
management”!
Maaddaama
aannu qaadku ahayn wax hal sano ama sanado wax looga qaban karo ee uu u
baahan yahay qorshe cilmiyeysan oo leh hadaf iyo ujeeddooyin waqti dheer ah.
Runtii culumada iyo dad kale oon badneyn ayaa aad uga hadla dhibaatada
qaadku leeyahay. Dhaqaatiirta waa ka hadlaan arrintaas laakiin qaarkood baa
cuna marka si loogu deydo waa adagtahay. Hal koox oo aad loo tixgeliyo baan
dhaliil usoo jeedinayaa – fannaaniinta iyo suugaanyahannada. Dadkani xagga
qabyaaladda waa ka dhaqanyihiin marka loo eego dadka kele laakiin waxay ku
dhaceen inay si fiican uga hadlaan arrinta qaadka. Sababta aan anigu is
dhihi karo waa ugu wacantahay waa iyadoo Ilaah ku saladday qaad-cunka, hor
iyo haddaba. Waa jiraan dad is xilqaamay sidii Abshir Bacadle oo kale. Marka
annagoo la kaashanayna waddaniyiin badan oo ku dheereeye farshaxanka oo
Ammiin Caamir u horreeyo, waa inaan la nidaamno arrimaha soo socda:
-
Wacyigelin dhinac kasta ah laga soo bilaabo masaajid, gole madadaalo,
xarumaha kale ee lagu shiro/kulmo, idaacadaha la iska maqlo ama la iska
arko ooy BBC-du ku jirto, boggagga internetka, joornaalada iyo si kasta
oo kale
-
dhibaatooyinku waa isku xiranyihiin laga soo bilaabo mid qoys ilaa mid
qaran. Marka waa in si wada jir ah wax looga qabtaa. Hooyooyin badan oon
seey lahayn oo ilmo ku heysta UK iyo Maraykan ayaa miciin biday
jaad-cunka
-
waa
in dadka jaadka cuna meherado ama kulumo kale loo sameeyaa si ay bedel
ugu noqoto waqtigii ay jaad cuni lahaayeen. Sidii iyadoo loo sameeyo
meelo lagu baro wax aakhiro iyo adduunba anfacaya, meelo fayo-dhowrka
jirka iyo jimicsi ay ku sameeyaan, meelo ay joornaalo iyo internet ka
helaan sidoo kalana ay ku sheekeystaan
-
xarumo khaas ah oo lagu caawiyo dadka jaadka iska goyn raba, dhinac
macluumaad iyo dhaqaalaba
-
in
waddamada weli aan mamnuucin qaadka sida Britian culays lagu saaro inay
mamnuucaan sidoo kalana waddamada beera ay joojiyaan beeridda qaadka
iyagoo adduunka laga codsado inay ugu bedelaan beero ama wax kale ooy
meherad ka dhigtaan. Goolka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa in xiddidada
loo siibo beerahaas
-
in
dadka ka ganacsada loo sheego inaysan bulshadoodana baa’bin, Ilaahayna
ka baaqaan oo ay raadsadaan meherad kale oo caafimaad qabta. Markii
waddan ama magaalo laga hadlayo, arrintani waxay keeni kartaa in qaadka
laga waayo halkaas, waxayna keeni kartaa xal ku meel gaar ah
Waxaan
leeyahay qofkii inta dhibaato qoys ama mid kale soo gaarto raba inuu jaad ku
xalliyo wuxuu la mid yahay qofta in qodaxi mudday leh ha la igu duro
maaddada kabuubyada (anaesthetic) si aan xanuunka u iloowo laakiin waxuu
meesha ka saaray in kabuubyadu ay ka dhib badantahay qodaxda. Marka dhibta
oo lagu samro ayaa ka fiican in la cuno geedkaas baabi’iyey qiimihii iyo
sharafkii Ilaahay siiyey qofka binu Aadamkaa.