Home » Warar »

Jamaacada Al- Ictizaam oo ku baaqday in shir dag dag ah oo dalka iyo Diinta lagu badbaadinayo laqabto

Jamaacada Al-Ictisaam gudigeeda cilmi baarista oo soo saaray bayaan ka kooban shan qodob, ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu taagaan sidii loogu qaban lahaa ummada Soomaaliyeed shir dag dag ah oo looga arin sanayo sidii dalka iyo diinta loo badbaadin lahaa.

Sidoo kale qodobada waxaa ka mid ah in soo kor dhinta Ciidama shisheeye uusan xalku ku jir, ee dhibka ay sii siyaadinayaan, kuwa joogana ay xasuuqeen dadka. waxay kaloo xuseen in dagaalada hada socda labada dhinac oo dagaalamaya ay masuuliyadeeda qaadayaan, qolona kaalinta koowaad, kuwa kalena kaalinta labaad.

Bayaankii oo faah faahsan isagoo Soomaali iyo Carabi ah, hoos ka akhri .

Shirkii Gudiga Musaalaxada Culimada oo ku soo Gabagaboobay Muqdisho. Feb 19, 2009

Bayaanka oo ku qoran luuqada Carabiga hoos ka akhri.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Jamaacada Al- Ictizaam oo ku baaqday in shir dag dag ah oo dalka iyo Diinta lagu badbaadinayo laqabto "

  1. m.khalif says:

    yaa laga badbadinayaa somalia?

    ma ethiobiya ma uganda iyo igad dadka madaafiicda ku xasuuqaya?
    culumadu ha noo cadeeyeen. yaa mudan in dalka laga badbaadsho?

  2. m. j says:

    dhamaan salaan sare ayaan idinku salamyaa salaan kadib aan u galo fikirkayga,
    soomaaliya waa dhimatay haddaad tariikhda dib uraacdo siday ahaan jirtay iyo say maanta tahay kaladuwan waxayna soo martay darajooyin farabadan. xiligii sayidka, Gumaysi, Dowlad dakhiliyo ah, Aadan cade, C/rishiid cali sharmarke, Kacaankii Barakaysnaa, Doqon iyo reer miyi magaranayo oo waxaa umuqday ama ku indha qaday Burbur ee waxaa Umuuqda in waxladilo oo wax laburburiyo 20 sano hadda kadib waxaa laweynayaa tariikhdii soomaaliyo waana qorshaha laguu dagay ama hanoqoto Gabayo ama sugaan ama tariikh ay lahaan Jirtay waa tagaysaa Markaas ayaana tuuri doontaan Dhagixii Falastiin 1978 ayaa burburkaan ama in dagaal aan is waafaqo lahayn dhaco ayaa ladagay waxaana kushiray Moskow madaxweynaha maraykanka iyo kan rushka markaas kuwii talada hayey kadibna waxaa la aas asay afar urur aan dabna kalaqadan xantana kala qarsada dalka iyo dadka burburintiisa ayaa loo aas asay. hadii talada dalka ayqabtaana ay isku dagalaan sidii bayna noqotay waxayna kala ahaayeen
    1)SSDF
    2)USC
    3)SNM
    4)SPM
    GUNTII IYO GABA GABADII ILAHAY BAA NOOMAQAN TUSAALE BADAN AYAA JIRA MALINTII AY KADAGALAMYEEN XAMAR HOGAAMIYO KOOXEEDYADII MARAYKAN C/LAAHI YUUSUF OO AHAA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA DAQADAHA AYUU KADALACDAY WUXUUNA UBEEYAY HOGAAMIYE KOOXEED MALIINTII LAGA ADKAADAYNA DAQADAHA AYUU KADALACDAY AYAGANA XATAA MUUSE SUUDI OO XABSI KU INDHOOLOOBAY WAA SOO DAYN WAAYEY
    HALA TOOSO OO DOWLAD HALA RAADIYO XAL MAHAN IN AAN DIABADA WAREEGNO AMA DALKA IYO DADKA BURBURINO
    WAA FIKIRKAYGA AAN KA QABO SOOMAALIYA.
    MJAMA
    BOSASO SOMALI

  3. a s c xalka soomaaliya kuma jiro ciidan shisheeye oo dalka la keeno ciidan shisheeye oo dalka la keeno hore ayaan u soo aragnay soomaaliya meesha aan nabadda aheyn waa muqdisho ee baaydhabo kismaayo jowhar iyo hiiraan uma baahno ciidan shisheeye oo meeshu waa nabad ee taas hala ogaado haddiise ciidan shisheeye la keeno dalka natiijadu waa dagaalo kale oo hor leh abaaro cuduro iyo balaayo oo dhan ee taasi garta tan kale miyaan ku fiirsanaa dadkeena qasuuqa labaad ee xabashidu doonayso soomaaliyeey dalkiina ka ilaashada cadowga xabashida

  4. cabdirahmaan says:

    asalaamu calaykum.walaala yaal aad ayaad umahadsantihiin hadaad tihiin somalitalk,waxaan jeclahay anigoon qofna wax kasheegayn inaan dhiib to fakarkayga ku aadan ,jaamacatu altisaam walaalayaal sida aan lasocono wadankanaga waa wadan lugusoo duulay oo cadaw dhexfadhiyo.wadaada waxay yiraah deen dambiga waxaa qaadanaya labada qolo. quraanka ilaahay waxuu kuyiri haday labakoox oo muslina isqabato he shiisiiya.haday midkood diidana isugataga.waa marka koowaade ra yigaygu waxuu yahay wadanka gaalo ayaa joogta kanatimid ugandha. culumadana .waxay iska indha tirayaan gabre iyo shariif oomaalinwaliba ku siisocda adisababa.hadii xaalada anaga gudahayaga ahaan lahayt macquul ayay ahaan lahayd.

  5. M.M. Guled says:

    Somalia waxay u baahantahay hoggaan maamul yaqaan ah oo daacad iyo caddaalad ah, kasbada shacabka kalsoonidiisi luntay kana tirtira dhaawacyada qabyaaladdu ku reebtay maskaxdiisa, dhaqaalahana aan lunsan oo isku filleyssiiya inta yar ee dalka ka soo baxda kuna bixiya ciidanka amniga qaranka somaaliyeed, kuwa maskaxda laga xadayna soo dhaweeya, kalsoonida caalamkana kasbada dantoodana ku kooba midda qaranka ee guud, shacabkana ku hanuuniya wadaninnimo.

  6. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waxba runta yaan laga leexleexanin Xalka Soomaaliya waxay ku jirtaa in Ciidan Dlalka Dibadda loo keenno, ka dib Ciidankaa markey Amaanka dalka Soomaaliya la wareegaan oo ay Amniga oo dhan sugaan Gogol looga dhigaa Soomaali Magaalamadaxda ee MUQDISHO, ka dibna Axsaab Siyaasadeed la sameysto, lana diyaariyo Dastuur Dowladeed ee Soomaali leedahay, ka dibna shacbiga Afti loo qaado, doorashooyin xor ahna loo diyaariyo Shacbiga Soomaaliyeed, waakaa Xalka ee waa in Run lala yimaadaa ee waa in laga gudbaa maaweelada qof kastaba isku madadaalinayo xaqiiqda waa taa.

    Wabillaahi Towfiiq