Home » Warar »

Shir Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa’udiinka oo ay qodobo ka soo bexeen

Shir muddo saddex maalmood magalada Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa maalintii Khamiistii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo looga hadlayay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka iyo helidda xoog mideysan oo islaami ah oo socday 25-27/05/2010 ayna ka qeyb galeen Culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo Abwaannada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo baxay Bayaan ka kooban dhowr qodob oo kala ah:-

« In la xoojiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka

« In la ogaado jihaadka Soomaaliya ka socda in uu yahay mid waajib ah oo saaran qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

« In dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ay u midoobaan jihaadka, qof walibana uu ka qaato qeybta kaga aaddan.

« In Culimaa’udiinka, odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo Abwaanadu ay kaalintooda muhimka ah ka qaataan jihaadka.

« Shirka waxaa ka soo baxay in la magacaabo Guddi ka kooban 11 xubnood oo dabagal ku sameeya wixii ka soo baxay shirweynaha muddada saddexda maalmood socday.

Sidoo kale shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray baaq ka kooban 10 qodob oo u qorna sidan:

= Shirku wuxuu ugu baaqayaa qolada Soomaalida ah ee gaalada la safan in ay Gaalada ka soo haraan, Ilaahayna u Towbad keenaan, walalahooda muslimiinta ahna ay dhinac ka soo raacaan.

= Shirku waxa uu ku baaqayaa in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka.

= Shirku wuxuu cambaareyn u soo jeedinayaa kuwa loo yaqaano beesha caalamka ee faragelinta ku haya dalka, dadka iyo Diinta.

=  Shirku waxa uu ku baaqayaa in meel looga soo wada jeesto gaalada iyo gaalo raacyada si loo koryeelo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

= Shirku waxa uu cambaareynayaa hay’adaha isku sheega inay u doodaan xuquuqda aadanaha ee ka qeyla dhaamiya marka la fulinayo xuduudda sharciga Alle, isla markaana ka aamusa xasuuqa ciidamada cadowgu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

= Shirku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dadka Muslimiinta ah ee Ilaahay wax siiyay inay caawiyaan walaalahooda barakacayaasha ah ee dhibaateysan.

= Shirku waxa uu ku baaqayaa in runta loo sheego Culimada sida qaldan ummadda wax ugu sheegeysa, looguna baaqo inay jihaadka garab istaagaan.

= Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan Mujaahidiinta in ay mideeyaan xooggooda si loo helo hoggaan Islaami ah oo ummadda u horseeda dowlad Islaami ah.

= Shirku wuxuu ka soo horjeedaa waxa loogu yeero 4.5 ee ummadda Soomaaliyeed lagu kala qoqobayo, laguna kala sareysiinayo. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.