Home » Warar »

Dastuurka Soomaalida Loogu soo samaynayo Jabuuti oo wax laga Bedeley Qodobkii ahaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka”

Waxaana Lagu siyaadiyey eray macne yaal kala duwan yeelan kara….

Dastuuradii hore Soomaaliya waxaa ku qornaa: “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka.” Laakiin Dastuurka Qabyada ah ee hadda (2010) Soomaalida loogu soo samaynayo Jabuuti waxaa ka muuqata in la bedeley qodobkaas, sida aan warbixintan ku arki doono….. HALKAN KA AKHRI…. WARBIXINTA

Qodobka Dastuurka wax laga bedeley Halkan ka akhri

Qodobka Dastuurka wax laga bedeley Halkan ka akhri
https://somalitalk.com/dastuur/dastuur.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Dastuurka Soomaalida Loogu soo samaynayo Jabuuti oo wax laga Bedeley Qodobkii ahaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka” "

  1. İnaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. walaalayaal ma ahan in la inagu mashquuliyo dastuur soomaaliya ha loo qoro, ma iswaydiiseen dhibka soomaaliya ka taagan halka uu uga yimid?!!!.
    walaalayaal waad ogtihiin oo dastuurkii (Allah subxaanahu watacaalaa) inoo soo dajiyay baa dhexdeena yaal, ma isagii baan ku qanci waynay? ma soomaali baa nacday? ma la fahmi waayay? kuwa wax qoraya yaa dirsaday? .İdinka ayaan jawaabta idiin daayay.

  2. xaaji says:

    Aad ayey xaqiidii u majhadsanyihiin walaalaha somalitolk iyo raga qoraaladan aadka iskugu xilsaaray waxan oranayaa lama yaabsani arinkan waayo sanadahan danbaba dawlad dibada laga soo dhisay dastuurkeeda banaanka loga keenayo mushaarkeeda banaanka looga keenayo qilaafkeedana bananka lagu soo heshiisiinayo marka aniga wax cusub ma arko waagii soomaali ayada hawleheeda umadaxbanaanaato allaha nagaarsiiyo waadmahadsantihiin

  3. daahir says:

    asc walaalayaal dhamaantiin oo u taagan iftiinka umadiina iyo dalkiina hooyo waana wax lagu farxo in lahelaa dhalin lamit ah kuwii hore ee umada gaarsiiyay xuriyada iyo doladwaanaga intaas kadib aniga oo ah daahir cali abtidoon kuna nool holand waxaan jacelahay in aan ka qeyb qaato doodaha taarikhiga ah oo waxtarka umada iyo dalka uleh hadii aan ka hadlo fikirka bada iyo kantastuurka cusub waxaan aamin sanahay in dowladii hore wixii ka dambeeyay eeysan matali karin umada iyo dalka somaliyeed sabab waxaan oga dhigaa arintaas in ay xur u aheyn daabka midida

  4. Ibcad Jr says:

    Bahwaynta Somalitalk waxaan markale lee yahay, aad iyo aad ayaad ugu mahad santihiin sida aad markasta Tooshka ugu ifisaan wax kastoo mugdi danbe u keeni kara mustaqbalka danbe ee wadanka iyo kan maanta aan joogno. Waxaa hubaal ah in markasta aad u taagantihiin horumar iyo muuqaal wacan oo Dadka iyo Dalkuba yeeshaan. Dastuurkan cusub ee hada qabyada ah ee hadba shay lagabadalyo sidii Bible kii u malayn maayo in uu noqon doono mid umada Somaliyeed Sharci u noqondoona. Waxaa is waydiinleh waa kuwama dadka sharcigan qoraya ama dajinaya, ma Somalibaa mise waa dadkale oo raba in ay Darduurkooda noo soo minguuriyaan. Somalidii ladhihi jiray waxaybay barteen waagii hore dad jira mahan illa inyar oo Allah u naxariistay mooyee. Caaqiidadooduna maba gaarsiisna inay fahmaan waxa sharciga ka qabo in sharuuc kale la agdhigo. Inta aan ka arkay dadka loogu yeero aqoonyahaniintii wadanka 100-1 ayaa Cilmi maadigiisa iyo Cilmi diinigiisu isla socon karaan. Lakiin waxaysan wali fahmin in laga baxay waqtigii aqoon yahan weeye hebel la oran jiray oo hada Somalida wax baratay ay aad u soo kordhayso Falilaahil xamdu washukru.

  5. alaso says:

    asc walaalayaal aad ayaad umahad santihiin s,talk , intaa kadib walaahi waxaa nasiib daro ah in dad aan diinta dalka iyo dadkaba ehel u aheyn in soomaalida ilaah kusalidey, taana waxaa keeneysa in qoloba ay qolo dabad ku heysato oo anu jirin wax damiir dadnimo ah

  6. Markale ayaan u mahad naqayaa bahda somalitalk dadalka ay ugu jirto badbaadinta dalka iyo dadka
    walalaha fikradooda ka dhiibtan arinkan idinkuna aadbaad u mahad san tihiin dhamaantiin. walalaha qaarbaa odhaahdoodu u badan tahay in arinkan ay ka wayn tahay dhibaatada dalkii iyo dadkii haysta markaa aysan habaonayn in arinkan iyo khaladadka kale aan laga hadlin inta wadanka dhibta laga saarayo oo xooga la isugu geeyo badbaadinta wadanka. Aniguse waxaan qabaa in ay arintani ka mid tahay dhibta ay u baahan tahay in laga hortago waayo finadu sideedaba markay bilaw tahay ayay wacan tahay in la awdo hadii ay kula degto way adkaansaa in aad ka saartid gurigaaga sida maanta ay u adkaatay si aynu uga dhex baxno fitnada wadankeenii halkaa gadhsiisay mida kale maxaa ku jaban inagoo raadinayna maslaxada wadankeenii iyo isu keenista umadeenii oo ka dawaynayna xumaanta baabi isay in aynu ka ilaalino in dhibtii hore aan mid cusubi ku soo kordhin mida khaladka oo la isu sheegaa maaha in la isdilayo ama la isnacay e waa jiritaanka nolosheena waxaan aaminsanahay bahda somalitalk waxay jecelyihiin in aan noolaano oo sii jirno waa sidaas waxa ay inoogu sheegayaan khaladkeena si aynu u saxno aana la inooga faidaysan arinkani wuxuu u baahan yahay qoraal dheer e waxaan ku soo koobayaaa isa sixistaankeenu waa nolosheena

  7. Xusni says:

    Xaqiiqdii saaxiibada Somalitalk ku taageersan Qormadaan kooban, Ma is weydiiseen Guddiga howshaas ku howlan cidda dirsatey oo ay matalaan?, Halkeese dasuurkaas la geyn oo aqbali. Taariikhdii hore waxaan ka dhaxalney tusaalana noogu filan inaan wax la isku raacsaneyn wax ka soo qaad laheyn. dastuuro kan ka horeeyey iyo dowlado kmg oo isdaba yaac ah halkey ku dambeeyeen. Aniguse ujeedada qoraalkeygu waa Nabad iyo Nolol aan ka wada shaqeyno si wadajir lehna aan u abaarno xeerarka ummada iyo dalka min raas kambooni ilaa raascaseer yeelanaayo.
    Ma garan karo darmiirka qofka leh xanuun iguma hayso nolol xumada, Nabad la’aanta, baa’baya aafeeyey Soomaaliya in maanta mowduuc active ah laga dhigo wax aan meelna ka soconeyn ama aan mudneyn in dood xitaa loo soo qaado xiligan. Cid dhegteer ah ma jirtee howlo kastaa ee la qabto Priorities ama MUDNAAN ayey kala leeyihiin waana in NOLOL iyo Nabadgelyo ummaddu heshaa ka dibna inagoo dhan waxaan diyaar u nahay qorono, ee joojiya hagardaamada siyaasada xambaarsan.

    Dhibaatooyinka kale ee aad soo tirisey iibsiga hantida qaranka, sunta badda iwm, waa wax ilaa hada socda,
    Ninka leh dulmiga aad taageerteen, waa nasiib darada na haysta ee nin jecleysiga iyo damiir la’aanta ummadeena qeybisey. Aniga xaalada nololeed ayaan u arkey mudnaanta 1aad. Dulmi ka weyn ma jiro nabad iyo nolol yaa la helin cida leh. Deegaan hadduu Nabad ku naaloonayo, kheyrkaana la jeclow. waana mid ay tahay in la iftiimiyo.

    XUSNI

  8. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Maxamed Bashiir Jaamac, siduu u qeexay arrinta waan ku raacsanahay, sabtoo ah addiga haddii aad leedahay waxaan qaatay ku dhaqanka Diinta Islaamka waa waajib markaa in aad ku dhaqanto Quraanka ka riimka oo oranaya aayada ah LAKUM DIINAKUM WALIYA DIIN, aadan sameysan Dastuur ka hor imaanaya Quraanka Kariimka ah, ayaddoo kelmada ah OFFICIAL ay la mid noqoneyso Xuriyada qofka, ayadoo wixii soo hara loo daayo Alla Subxaanihu Watacaalaa, waxaan filayaa arrinta kale ee ah dadka Dastuurka sameynaya yaa u dirtay, walaal Ibraahim Cali Maxamuud maanta ma ah in qof kasta oo Soomaaliyeed ee isku xilqaama in dalkiisa wax u qabto ee Aqoonteeda leh in laga daba hadlo ee la yiraahdo yee u dirtay, oo waxaad rabtay in dadka ayaga Dastuurka Isku xilqaamay in soo sameeyaan ay ku dhisnaadaan Nidaamka 4.5ka ee dibka inoo dhigay, addeer dadka haddiiba ay Aqoontooda leeyihiin arrintaa iyada ah waxaan filayaa in ay istaahilaan in looga mahad celiyo ee ma ah in la daba gallo, annigu horay ayaan ugu hambalyeeyey Aqoonyahanadaa isku xil qaamay howsha adag ee Dastuur u sameynta Dalka, haddii eebe ku guuleeyo Guddiga arrintan waxaan filayaa in ay noqon doonnaan dad Taariikhda xusi doonto haddii Alle idmo, ee waxaan leeyeahay Aqoonyahanada ayaga ah ha niyad jabinna ee howshiina halkaa ka sii wada .

    ALLAA MAHADLEH

  9. Salaama calaykum, salaantaa kadib, waxaa is weeydinleh horta dadkan kushiraya djabuti yaa dirsaday? yay metelaan dhibaatada somalia haysata waxaa kamid ah qof waxaan loo dirsan iyo cid uumetelaajirin oo intuu wax iska soo samaysto meelahaa kaga sheekeeya taasna iminka waa laga gudbey, midakale DIINTA ISLAAMKU waa diinta keliya ee wadanka lagaga dhaqmayo diinaklena waa kaxaaraan in laga hadlana waa khalad qofkii diinkale wata ha atgo meelaha diintaa kale laga haysto laakiin somalia kama shaqaynayso diinkale weligeed. wixii waxaa ku hamiyayana waa ISKA HADLOOW INA IGARE. SALAAMA.

  10. isse says:

    la yaab maleh wixi ku dhaca soomalida. manta, dalkeeda iyo diinteda iyo dadnimideeda, waxayna iyadu isu geysan looma geysan, markii aad shalay is cuntay oo aad madfac isla dhacday sida idinko gaalo muslin udagalamaya, markad matadii iska dubateen oo dalkii ad iska qaxiseen, oo aad qaybqayb ukala go deen, kuwii qaxay ay gaaalo iyo cadow u gacan galeen kuwa wadanka tabar ay ku reebtayna, gaajo iyo xabad dil iyo dhac ay wehel u noqotay , marnaba laydin kawayay soomaliyey , qof caadil ah ama koox caadil ah , ee dhibkaan ka dhiidhiya, kana hortaga, hanoqoto, culomo iyo caamana aad wada noqoteen kuwo danaystayaal ah, xataa kuwa is yirahda manta dhibkan jira gacan kagaysta ama ka hadla koox walbuu yahayba culomo ama caamaba waxu isugu soo biyo shubanayaa, dann uuleeyahay oo gaar u ah, hadalka yuu ila tagine, nin qufac lasoo booday, ayaa saxibkiis ku yiri shifo shifo,, waxuu ugu jawabay tani shifo way soo dhaaftay , macnaha xanuunka soomali hayaa maanta in ladaaweeyo wey soo dhaaftay, dastuur meel laga badalay oo kaliya waxkasheegiisa waa hadal ku eg ila arka oo an wax qabad lahayn, ee midnimadeena luntay aan radino hadii lahelaaayo iyada wax qabad lehe, hadii kale waa maacalesh,

  11. Waa waadix sida loo qoray , waxaana cad in u jeedadu tahy in islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dalka, balse ay diimaha kale iyana jiri karaan. Tusaale ahaan haddii la yiraahdo af soomaaligu waa afka rasmiga ah ee soomaaliya micnuhu waxa weeyey in afaf kale oo dalka looga hadlaa ay jiraan. Waxaase is weydiin leh waa ayo dadka bedelaaya dastuurka , yaa u siiyey awoodaas ma yihiin dad leh aqoon heerkaa gaarsiisan mase yihiin wadaniyiin lagu kalsoonayhay. Suaalahaas waxaa ka jawaabi doona maalmaha soo socda.

  12. Aad baad ugu mahadsan tihiin bahda somalitalk hawsha aad uma somaliyeed u haysaan. arinkani waa arin aad muhiim u ah waana arin u baahan in si fiican tooshka loogu i fiyo sidaad horeba ugu ifiseen hagardaamo badan oo dalka dadkaba lala maagaa sida
    1 iibsigiii xaafuun 2 sunta bada lagu shubay 3 shirkadihii maafiyada ahaa e batroolka wadanka loo saxeexay 4 badii la iibdasay 5 iyo dulmanayaashii aad u hiiliseen iwm. Hawsha aad haysaan qof caqlina waa ogyahay doqona loo sheegi maayo. waxaadna ogaataan in qalinkiinu uu muhiimyahay somalina wax wayn u soo hooyay sida xaafuun iyo shirkadii batroolka oo arinkoodii shiiqay waxay dib ka noqon Rabibaa og e iyo badii la dhacay oo aan wareegeedii hore ku guulaysanay in kastoo tuugtii wali noolyihiin xoogna leeyihiin wax kastaana dhici karaan. waxaan idin leeyahay waxaad tihiin dal jirayaal e ha daalina Rabina ha idinla garab galo dadka raba in ay idin qalin daaraana ha u joojinina.

  13. Abu Jacfar says:

    Asslamaau calaykum waad mahad san tihiiin reer somalitalk sidaa tooshka u ladaba taagnaada dibin daabyada iyo marin habaabinta la rabo in bulshada qodaxda isha looga geliyo … waxaase la yaab leh ninka leh yaan qaladka la is tusin yaan marin habaabinta laga hadlin iska, dhoohnow, dhagdheer ahow macnaha dad ban waxa weeye nuumuu maa faaaza illan nuwamu.

  14. Husni says:

    Ma kula tahay inuu wanaag ku jiro inaad fikir iyo ujeedo qilaaf hor leh abuuraayo oo ugub ku ah somalida inaad abuureyso? Nabad iyo Nolol laga shaqeeyo miyeysan aheyn hadda ay tahay inaad baraarujiso intii aad cagta cagta u saari laheyd dowlad ama koox aan awood iyo nololba u hayn oo aad garan karto dhamaadkooda. Haddiise aad wanaag ula jeedo, ma tahay waqtigaan inaad dab holcaayo baasiin la daba orodo. Somalitalk, ogaada waxa wanaaga ku jiro waa deminta colaada jirta oo luqadeeda aad isticmaasho, iskuna daydo inaadan fidno bilow u noqon. ma garan karto danta idiinku jirta arrinta dastuurka ee aad hadda la soo boodeen. nabad iyo nolol markaan helno ayaan qaladka saxeynaa ee nolosha yaan loo qoonsan.
    Sow ma aragtid maashaakilka diineed ee gudaha ka jira inta uu la eg tahay oo xitaa masjidkii gudahiisa uu weerarkii ku ekaadey.

    Balanteena ha noqoto inaadan naseexadeyda naqdin oo nabad ka shaqeyso biyo iyo baad aad la daba taagnaataan bedelka basiinka iyo tooska istiinka gaaban.

    Husni