SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DASTUURKA: 2010

Dastuurka Qaybada ah ee Soomaalida Loogu soo samaynayo Jabuuti oo wax laga Bedeley Qodobkii ahaa "Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka"...

Waxaana Lagu siyaadiyey eray macne yaal kala duwan yeelan kara.... ama laga fahmi karo (different interpratations)

  • Warbixintii SomaliTalk.com | May 23, 2010

    Dastuuradii hore Soomaaliya waxaa ku qornaa: "Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka." Laakiin Dastuurka Qabyada ah ee hadda (2010) Soomaalida loogu soo samaynayo Jabuuti waxaa ka muuqata in la bedeley qodobkaas, sida aan warbixintan ku arki doono.....

Guddiga Dastuurka u samaynaya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ayaa 20 May 2010 waxay Hotel Kempinski ee magaalada Jabuuti ku soo bandhigeen hordhac ku saabsan Dastuurka Qabyada ah (Draft Constitution) ee DFKMG iyo hawshii ay qabteen intii guddigaasi jirey (oo nuqul kamid ah uu soo gaaray SomaliTalk).

Haddaba qodob kamid Dastuurka Qabyada ah ee loo samaynayo Soomaalida kuna saabsan Qaranka iyo Diinta (State and Religion) ayaa u dhigan sidan:

  • Islam is the official religion of the State.

Hadalka waxaa loo dhigay in diinta Islaamku tahay tan official-ka ah ee Qaranka. ee lama dhehin sida hoos ku qoran:

  • Islam is the religion of the State.

Macne aad u baaxad weyn ayay xambaarsan tahay kelmeddaasi (official), taas oo yeelan karta tarjumaado kala duwan - Waxaa durbadiiba maskadaada ku degdegeysa "maxaa loo isticmaalay kelmedda "official" - ma diimo kale oo aan official ahayn ayaa la maldahayaa. Waa hadal u baahan in si degdeg looga laabto. Waayo sida aan hoos ku arki doono waa kelmed ku cusub ama UGUB ku ah Dastuurka Soomaalida. (FG. Waxaa la bedelay hadalkii ahaa Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka. Waxaa lagu bedeley Diinta Islaamka waa diinta "OFFICIAL-ka" ee Qaranka."

(Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa markuu arkay in kelmeddaas "Official" ee lagu siyaadiyey ayaa yiri: waxaad xusuusataan tusaale ahaan marka luqadaha dal laga hadlayo haddii dadka dalkaasi ku hadlaan luqado badan waxaa luqadda "Official-ka' ah laga mid kamid ah luqadahaas, sidaas darteed marka laga hadlayo dal hal diin leh maxaa sababay in kelmeddaas loo adeegsado, ayuu is weydiiyey. Waxa la bedelayaa waa macnaha qodobkaasi uu lahaa, ayuu raaciyey.).

Si loo fahmo macnaha weyn ee hadalkaasi xambaarsan yahay waxaan dib u jalleeceynaa Dastuuradii uu Qaranka Soomaaliya ku soo dhaqmayey laga soo bilaabo xornimadii (1960) iyo sida ay u dhigeen qodobkaas ku saabsan Diinta iyo Qaranka.

Dastuurkii 1960:

  • (1960) Art.1 (3): L'islam e religione dello Stato. (Islam shall be the religion of the State.)

Dastuurkii Juun 1960 Qodobkiisa 1aad oo ku saabsan Qaranka, farqadda 3aad waxay dhigaysaa: Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka. Marka aan eegno Tarjumaaddii 2007 ay DKMG ku samaysay dastuurkii 1960kii qodobkaasi tarjumaadiisu waa : "Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka." (Eeg Tarjumadii DKMG ku samaysay Baydhabo 25/05/2007).

Dastuurkii 1979:

  • (1979) Q.3aad (1)  Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka.

Dastuurkii ay Ciidamadu soo saareen (Muqdisho July 1979), Qodobka 3aad (oo ku saabsan Diinta) waxa uu dhigayaa "Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka".

Dastuurkii 1990:

  • (1990) Art.3 (Religione): (1) L'Islam e' religione dello Stato. (2) E'viettata la propaganda di religioni diverse dall'Islam.

Dastuurkii la soo jeediyey 1990, Qodobkiisa 3aad, farqadda 1aad waxa uu dhigayaa (Islaamku waa diinta qaranka), farqadda 2aadna (Lama faafin karo diin kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka). Halkaas waxaa ku cad in qodobkii Diinta lagu xoojiyey in aan diin kale dalka lagu faafin karin (inkasta oo xukuumaddii burburtay isagoo aan  dastuurkaasi weli si rasmi ah u dhaqan gelin)

Dastuurkii 2000:

  • (2000) Q.2aad (2) Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka

Dastuurkii DKMG loogu soo sameeyey magaalada Carta ee dalka Jabuuti (August 2000), Qodobkii 2aad (oo ku saabsan Diinta), farqaddiisa 2aad waxaa si qeexan ugu cad "Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka". Halkaas waxaa ka cad in qodobkii dastuurkii 1990 eee diinta lagu xii xoojiyey in aan diin kale iyo afkaar ka soo horjeeda diinta islaamka lagu faafin karin dalka.

Dastuurkii 2004:

  • (2004) Q.8aad (1) Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dastuurkii DFKMG loogu soo sameeyey Eldoret/Nairobi (2004),  Qodobkiisa 8aad (oo ku saabsan Dawladda iyo Diinta), waxa uu dhigayaa "Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya." Dastuurkaas oo ah kan ilaa hadda u yaal DFKMG ee hadda. (FG. Dastuurkii Soomaalida loogu qoray Eldoret/Nairobi waxaa laga saaray qodob ku jirey dastuurkii 1990 iyo 2000 ee Carta oo ahaa "dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka ." - Shacabka Soomaaliyeed arrintaas waa loo hoos geliyey maadaama aan cod loo qaadin dastuurkaas, shacabka Soomaaliyeedna lagala tashan.)

Dastuuradii hore ee Soomaaliya

Haddaba:

Marka si xeel dheer loo eego Dastuuradaas ay ku soo dhaqmayeen Dawladahii soo maray Soomaaliya iyo xukuumadahii Kumeelgaarka ahaa, waxaa cad in qodobka ku saabsan diinta uu u dhignaa: "Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka" ama "Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya." Taas oo 2007 markii ay DFKMG ka fekereysey in Dastuurka shacabka loo soo bandhigo dhigo ay Dastuurkii 1960 u tarjumeen "Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka." iyo "Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka."

Waxaa xusid midan in Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka. Arrintaas oo kadambaysay kaddib markii 14-19 bisha Febraayo 2009 ay culimada Soomaaliyeed kulan ay Muqdisho ku sheegeen ay ku baaqeen in DFKMG hirgaliso laba qodob oo ahaa Ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in ay dalka ka saarto ciidamada Shisheeye.

Haddaba su'aashu waxay tahay, Dastuurka markale lagu qorayo Jabuuti, ee loo qorayo Soomaalida, maxaa keenay in lagu soo siyaadiyo kelmedda "Official"? taas oo shaki iyo macnayaal kale yeelan karta. Arrintaas in ay Jawaab degdeg ay ka bixyaan waxaa laga sugayaa Baarlamaanka DFKMG iyo shacabka Soomaaliyeed oo is garabsanaya.

Tan kale maxaa hor taagan in la qoro: "Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka".

Dastuurka lagu qorayo Jabuuti oo lasoo bandhigi doono bisha June (2010) ayaa DFKMG waxay qorshaynaysaa in uu noqdo "Dastuur Joogto ah", sida Sheikh Shariif ku xusay khudabadii uu ka jeediyey istanbul, May 22, 2010, isaga oo yiri: "Waxaan ku guda jirnaa Qorista Dustuur joogto ah oo dalku yeesho, kaasoo laga soo jeesan doono Bisha June ee na soo aaddan.."

Qoraalka kasoo baxay Guddiga Dastuurka DFKMG: HALKAN KA AKHRI (pdf).

Dhegeyso Hadalkii Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka DFKMG (mp3)

 


Eeg halkan

Wararkii guddiga Dastuurka Ka akhri http://somalitalk.com/tag/dastuurka/

Tixraac: Dastuuradii hore ee Soomaaliya:

___________________________
Faafin: SomaliTalk.com | May 2010


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: