Home » Warar »

Minneapolis: Mutamarkii 10aad ee Waqooyiga Ameerika oo la qabanayo June 18, 19 iyo 20, 2010

Qofkuu Illahay Khayr la doono, Diinta ayuu fahansiiyaa

Waxaa Farxad u ah Xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic Center inay idiin soo gudbiso Mu’tamarkii 10-aad ee sanadlaha ahaa. Abuubakar wuxuu idinku bishaaraynayaa sanadkan in Mu’tamarka labalaariyey,laguna daray qaybto siyaado ah, 1-Qaybta Soomaaliga oo usii kala bixi doonta ilaa sadex qaybood, waxaa kabixi doona Muxaadaraad iyo duruus isku marbaxaya. Sanadkan Mu’tamarku wuxuu xooga saari doonaa FIQIGA, sida; Fiqul Cibaaddaad, fiqu Siyaasah Ash-Sharciyah iyo fiqul mucaamalaad. Iyo qaybta English-ka oo loo diyaariyey Qaaco qaada 2000 oo qof ayna ka bixi doonaan ilaa 40 muxaadaraad iyo Barnaamijyo isugu jira. Iyo Qaybta caribiga oo loogu tala galay sanadkan inay ka faa’iidaystaan Culumada iyo dulaabul-cilmiga, Qaaacadaasna waxaa kabixi doona Duruus ay soo jeedinayaa Culimo waawayn sida Fadiilatu Dr.Shiikh Salah Al-sawi. (Culimada ka hadli doona HALKAN ka akhri)

Mu’tamarka Sanadkan maadaama uu yahay kii 10-aad waxaa lagu soo kor dhiyey Barnaamijo xiiso leh, sida aad ka arkaysid Flayerka, fadlan ku darso qorshahaaga, maalmaha Jimcaha, Sabtida iyo Axada ee Bisha June 18,19,20- 2010.

Faah Faahin intaa dheer booqo www.abuubakar.org ama soo wac 612-871-8600

Culimada muxaadarooyinka soo jeedin doona ka eeg halkan GUJI

Jizaakumulaahu khayran
Xarunta Abuubakar

FLYERKA iyo Culimada ka eeg halkan

FLYERKA iyo Culimada ka eeg halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.