Home » Warar »

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG “Waxaan si buuxda u cadeynayaa inaan u gudubney qoristii dastuurka Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya…”

 hadal uu u jeediyey labada gudi Baarlamaanka iyo gudiga madaxa banaann ee dastuurka.

Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG, Gudiyada Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudiga Madaxa Banaann ee Dastuurka, Hay’addaha caalamiga ah ee caawiya Wasaaradda Dastuurka iyo UNPOS ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Hoteel Kampinski ee Caasimada dalka Jabuuti 15/03/2010.

Kulan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay ku yeeshaan Jabuuti qaybahan kala duwan ayaa furitaankiisa waxaa ka Hadley wakiilada hay’addaha caawiya Wasaaradda Dastuurka iyo gudiyada Dastuurka Baarlamaanka iyo kan madaxa banaann ee Dastuurka, UNDP, NDI, UNPOS iyo Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Md, Madoobe Nuunow Maxamed oo halkaasi khubad isugu jirta mahadcelin, ujeedadda kulanka ay isugu yimaadeen, xusid waxyaabihii la soo qabtey, cadeyn in loo gudbey qorista dastuurka iyo baahida guud ee Gudiga ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri

“galabta halkaan waxaan u fadhinaa, mas’uuliyadii Ummadda Soomaaliyeed naga sugeysey, hadaanu nahay qaybaha Soomaalida halkan fadhida iyo Hay’adda balan qaadey in ay na saacidaan, si aan u sameysano dastuur qarankeenu leeyahay oo waafaqsan shareecada Islaamka, kulankan waa uu ka duwan yahay kuwii hore aan u qaban jirney, waxaan dhihikarnaa inaan ku is-taagney tubtii aan u mari lahayn qoritaanka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysan doono, rajadeena ah inaan diyaarino Dastuur Qaran, waxaan dhihikaraa cidna uma maqna ceelna uma qodna, waayo gudigii u xilsaarnaa inay qoraan dastuurka oo cidna ka maqneyn galabta horteena ayey fadhiyaan, sidaas si la mid ah waxaa dhinaca kale ka soo jeeda Gudigii Dastuurka ee Baarlamaan weynaha Soomaaliyeed wakiilka uga ahaa dalkaan in uu yeesho Dastuur Qaran, markaan ku biiriyo Hay’addaha taageera barnaamijkan waxaan qirikarnaa inaan ku socono wado wanaagsan” ayuu yiri Wasiir Madoobe.

bidix mas’uul ka socda AWEPA, midig Madaxa UNDP Somaaliya

Wakiilka Walad Cabdalla

Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo

Wasiirka isagoo ka hadlaya ujeedada shirka ayaa wuxuu khudbadiisa ku sheegey “ujeedada aan u fadhino galabta hadii aan u soo noqdo, waxaa weeye marka hore in ay is-bartaan labada gudi, Gudiga Madax banaann ee Dastuurka iyo gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka, kuna balamaan madashaan maanta aan joogno, waxaa na sugaayo hawl balaaran oo ay naga sugayaan Ummadda Soomaaliyeed, Dowladeena iyo Caalamka oo dhan, waana hawl Ilaahay nagula xisaabtamayo berito, oo ummadduna nagula xisaabsameyso beri, anaguna isku xisaabin doono berito oo caalamkuna uu markhaati ka yahay…” khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhgeyso.

Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey “Waxaa Dardaar Iga ah Aan Wada Duubano Dal Baa na Sugaaya, Dhiig Baa Daadanaayo ee Aan Joojino”

Prof, Maxamed Cisman Jawaarey oo isna ka socda Hay’adda UNDP, islamarkaana ah khabiirada dhinaca sharciga oo siminaarka casharo ka bixinayey hadal sharaxaad oo meesha ka jeediyey ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “intii la oran lahaa waa la sheegey, keliya waxaa la ii xilsaasrey inaan dhowr kelmadood magaca UNDP ku soo jeediyo hadalkana idiinku badan mayo, Jaalle Wasiir ujeedada loo qaban qaabiyey kulan hawleedkan IFCC iyo garab socodka gudiga PCC, waxaa looga jeedey oo loo qorsheeyey, IFCC in ay yeelato dhowr iyo lixdan fadhi seddaxda todobaad gudahood, ilaa iyo hadana kala bar oo bar waa inoo suurta gashey, Usbuuc walba waxaa qorshaha inoogu jira ugu yaraan shan qodob oo qorshooyinka ka mid ah inaan gaarno, waxaa inoo dheer qodobo kale oo u baahan go’aan qaadasho” ayuu yiri Prof Jawaarey.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa intaa ku darey isagoo sii sharxaya ujeedada kulanka gudiyada ayaa wuxuu yiri “ujeedadda kulanka laga lahaa waxay tahay, Soomaalidu way is-wada garaneysaa, laakiin in gudiyadu is hawl bartaan ayaan uga jeedney, taasoo ilaahay mahadiisa, wixii aan ku talo galney waa wada gaarney Usbuuca iyo barka aan wada joogney, waxaa kale oo aan leenahay ilaa iyo dhowr iyo toban ayaa inoo harsan inaanu gaarno 11 qodob ah inaan ku gaarno Usbuucan soo socda iyo barka aan ku guda jirno, amaan gaar ah waxaan u jeedinayaa sida ugu dhaqsaha badan ee ay isula hawl galeen xubnaha IFCC, maadaama aan la soo shaqeeyey labada gudiba, waxaan jeclaan lahaa inaan codkeyga ku kordhiyo gudiga PCC ee aan ku garanayey Kambala iyo kan labada kulan aan ku yeelanay Jabuuti, waa laba aad u kala fog, waxaana amaan u soo jeedinayaa PCC habka wanaagsan ee ay hada ku shaqeynayaan, su’aalaha ad adage e ay soo bandhigayaan iyo sida ay ugu diyaar garoobeen u hawl galaan”.

Prof. Jawaare Halkan ka dhegeyso

Ugu dambeyn Prof Jawaarey wuxuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyey “waxaan doonayaa inaan idiin sheego laba qodob keliya, sida hore loo sheegey dadka idiinla shaqeeya oo aan soomaalida ahayn, waa qolo UN-ka ka socda ama UNDP iyo qolo khubaro ah, labadan qolo waxa ay kala leeyihiin, hadii laba kelmadood oo gaaban idiinku sheegno, adinkuna tiina si fiican ayey banaanka u soo baxeysaa, UN-ka xilkiisa laba erey uun buu ka kooban yahay, waxaa weeyaan taageerid iyo la talin, labadaas ayey ku dhan tahay ee ma ahan qolo wax idiin yeerineysa, Khabiirna waxa loogu yeertey waxaa weeyaan fikrad iyo waayo aragnimo uu leeyahay, dhibaatada adiga ku haysata oo aad garan weysey ayaad u sheegeysaa ee xalkeeda maxay kula tahay, hadii labaad arin ay sidaas noogu wada cad yihiin, dastuurkan xilkiisa, qoristiisa iyo hindisihiisa siduu u socon lahaa waa soomaali, waxaan inta odayaasha ah ee cirada leh iyo kuwa caruurta anigoo ku hadlaya magacooda waxaan idiinka codsanayaa, in lbadiinaas gudi aad gacanta is-qabsataan hal ujeedo iyo hal bartilmaameed inaad yeelataan oo ah dastuur Soomaaliyeed mudo sida ugu dhakhsaha badan oo tabartiin ah aad ku soo saartaan, Gudi walba hadii uu goonidiisa u istaago sharaftiisa ayuu leeyahay, laakiin hadii aad isutagtaan oo aad hal ujeedo noqotaan, Baarlamaanka iyo Xukuumada dhamaan waad ka awood badan tihiin, anagu waxaan diyaar u nahay inaan si buuxda idiin kaalmeyno, waxaa dardaar iga ah aan wada duubano dal baa na sugaaya, dhiig baa daadanaayo ee aan joojino”.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG “Waxaan si buuxda u cadeynayaa inaan u gudubney qoristii dastuurka Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya…” "

  1. waa yaab says:

    waamaxey waxani ma ciyaar ciyaar ayey dadkani wadaan, Soomaalidii meeday, meeye dadkii dastuurkani khuseeyay, meeday Puntland, Somaliland, Jubooyinka, Bay iyo Bakool, Galgaduud, Galmudug, Who the hell this people think they are. And who the hell this tfg things they are. This is very chldish indeed!