Home » Warar »

Qaybtii 4aad:-Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?!

Sh. Aadan Cismaan Maxamed, Sh.  Axmed Cabdi Dhicisoow iyo Prof. C/qaadir Macallin Maxamed hadaladii ay ka yiraahdeen is waafajinta 4.5 iyo Dastuurka Federalka KMG….

  • Warbixintii…… Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

Sheekh Aadan Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa culumaa’udiinkii Soomaaliyeed ee dhawaan ugu dhamaadey siminaarkii Is-waafajinta shareecada Islaamka iyo Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo aan weydiiyey sida la isuwaafajinao federaal, 4.5 iyo shareecada Islaamka ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “dadd badan oo muslimiin ah, ayaa waxaa la yiraahdaa, yacni shareecada Islaamka iyo dastuurka in la is-waafajiyo Alle subxaanahu watacaalaa shareecadiisa, samaawi weeye oo ilaahay soo dirsadey, Rasuulkiisa Muxamed (SCW) usoo dhiibey, Kitaabkaas Quraanka mid wax lagu darikaro ma aha, mid wax laga dhimikaro ma aha, xaqiiqadiisa ilaahay bay ku sugan tahay…, ninkii hawo ka qabo kitaabka Quraanka iyo Dastuurkaa la isku darayaa, taa waxay ka dhigan tahay, in qayb laqaato oo qaybna laga tago… ” Jawaabta oo dhameystiran halkan ka DHEGEYSO.

Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliya Sh, Axmed Cabdi Dhicisoow oo isna ka hadlaya is-waafajinta federal, 4.5 iyo Shareecada Islaamka ayaa wuxuu yiri “Dastuur maxaa loolajeedaa?, micnaha dastuur waxaa loola jeedaa, nidaamka Ummadd meel joogta ay ku dhaqmeyso oo ay isku hogaamineyso, dabcan Ummadda muslimka ah dhaqan aan islaam ahayn ma leh, dhaqanka keliya ee Alle subxaanahu watacaalaa laga aqbalayo waa Islaamka, ilaahayna wuxuu Aayad kale Quraankiisa ku sheegey qofkii doonaya waxa aan diinta Islaamka ahayn, laga aqbali mayo, Aakhirona kuwa khasaarey ayuu ahaanayaa oo naftiisa geeyey naarta…., marka shacabka Soomaaliyeed Dastuurkiisa waa Islaamka, ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisoow isagoo sharaxaad ka bixinaya Aayado uu soo daliishadey, jawaabitii uu ka bixiyey oo dhameystiran halkan ka DHEGEYSO.

Prof, Cabdiqaadir Macallin Maxamed oo isna ka hadlaya Is-waafajinta ayaa wuxuu yiri “waa su’aal fiican oo ka mid ah waxyaalaha la is-weydiiyey, hada waxyaalo KMG ah ayaa jira, ee hada lama dhihikaro Dastuur ayaa jira, marka waxaa la rabaa waxyaalahaas iyo waxa khaldan iyo waxa saxan si looga baxo, waa wax dadka Soomaaliyeed la doonayo in lala tashado, gaar ahaan dadka ahlu xal wal caqdiga ah ama dadka cilmiga leh oo aqoonta leh…” jawaabtii oo dhameytiran halkan ka DHEGEYSO.

Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sh, Axmed Cabdi Dhicisoow muxuu ka yiri Is-waafajinta federaalka,4.5-ka iyo Shareeca DHEGEYSO

Sh, Aadan Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa culimadii ka qayb gashey siminaarkii looga hadlayey arimaha dastuurka waxaa uu ka qaba DHEGEYSO

Prof, Cabdiqaadir Macallin Maxamed oo ka mid ahaa culumaa’udiinkii ka hadlayey arrimha dastuurka ayaa isna ka qaba fikirka DHEGEYSO HALKAN

La soco qaybaha kale ee Wareysiyada oo muhiim ah…..

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Qoraaladii hore ee 4.5 https://somalitalk.com/web/tag/4-5/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qaybtii 4aad:-Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka?! "

  1. adam saeed says:

    somaliya uma baahnakala qaybin shacabka somaliyeedna ama puntland ha ahaado ama somaliland ha ahaadee waa dad isku af ,isku diin, isku midab, isku dal, isku dad, ah waxba kuma kala duwana, waxay kaliya ku kala duwan yihiin waa qabiilooyinka ay ka kala tirsan yihiin, qabiilooyin isu tagay ayaana qaran wada dhista sameeyana umad laakiin sida somalidu doonayso qabiil qaran ma noqdo, markaa anigu waxan dhihi lahaa somalidu ha ka toosto hurdada oo wax ha garato oo ha ogaato inay wax dhow isu yihiin danina ay ka dhaxayso, qabaaisha 4.5 la leeyahayna dani uguma jirto dadka iyo dalka somaliyeed midna ee kaliya waxay dani ugu jirtaa dadka danaystayaasha ah. markaa somaaliyeey midooba.

  2. Aden Matan says:

    Walaal, miyayna fiicneen in riyada ka baxno oo xaqiiqda aan ku dhaqano. Soomaaliya u ma baahna wa laa how ee waxay u baahan tahay mabda kala haga. S/Land iyo Puntland waxay dhisteen nidaam. Ninka hadlayow aayd la hadlaysaa? aayd matalaysaa? Soomaalideed u hadlaysaay walaal? Waxaan kaa sugaayaa jawaab. Matan