Home » Faallo »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

saxiixaQoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

(Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014 , waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37 "

  1. SomaliTalk says:

    Walaal adiga qudhaadu hubso, 200nm oo EEZ ah waa ka duwan tahay 200nm oo Territorial water ah, marka walaal haddaad hubisid waad arki doontaa in ay u kala duwan yihiin sida 1kiilo uu Subag ah aysan ula mid ahayn 1kiilo oo saliid caddey ah.

    Marka akhri linkigan oo ku saabsan faraqa u dhaxeeya EEZ IYO TERRITORIAL SEA http://somalitalk.com/2011/badda/difaac64.html

    Caadilka waxaa lagu gartaa marka laga gar helo uu qiraa garta, marka haday kuu xaqiiqowdo faraq 200nm ee EEZ IYO territorial water, ayaan ogaan doonaa jawaabtaada inta aad caadil tahay. Waadna mahadsantahay.

  2. Nadra says:

    Asalama Alleykum! Mahadsanidin Somalitalk, waxaa tihiin halyeeyo Alle ha idin xiftiyo waxaa tihiin webka kaliya ee mar kasta soomaali baddeda ka hadla. Waxaan aad ula yaabanahay xagee lagu arkay dal madaxweeynahoodii gadanayo? Calamka ma ka dhacdaa tan oo kale? Soomaalida maxaa si ka ah horta, what do they call a president? A president selling his own people and country? Saxaafada soomaaliyeed ma somalitalk kaliyaa? Qabiil kaba waay ka hadlaan ee badda maxaay uga hadli la yihiin? Mise ninka bada laga gadayo waa ajaanib oo macno ma leh. waxaan hubaa ninka gadanaya haduu soomaali ahaayn lahaa in dhulka gariiri lahaa.

  3. Saxiibayaal somalitalk qaladkiinu wuu batay marks waxaan idinka codsanaynaa inaad si fiican uga fiirsataan inta aydin faafin maqaalada aaad qortaan waayo waxaad tiraahdeenmadaxwaynuhu wuxuu gudbiyey in bada somalia tahay 200nm halka ay ka ahayd 200nm marka laba tiro waa iskumid ee maxaa qaldan ma waxaad kawadaan 20nm somalitalk maxaa iska badalay