Home » Warar »

Warbixn dheer oo ku saabsan Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Arbacadii si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Muqdisho

Gelinkii hore ee maanta Arbaca ayaa waxaa Xarunta Akademiyada Jen Kaahiyey ee Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ka bilowdey Fadhigii Ergooyinka ee Dastuurka lagu ansixinayay. Ergooyinka ayaa loo qaybiyay qoraalo uu Dastuurku ku qoran yahay kuwaasoo loo sheegay in ay soo akhristaan si ha dhow marka ay ka soo baaraan degaan looga ansixiyo.

Waxaa ugu horeyn halkaa ka Hadley Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga isagoo sheegey in dastuurka sameyntiisa ama ka baaraadegiisa uu soo socdey Muddo 7 Sanno isagoo u soo jeediyey ergooyinka ka qaybgaleya in ay si weyn uga doodaan islamrkaana ay ansaxiyaan Dasuurka.

“Waxaa soo marney Waqti adag oo xaalada ay saamixi weysey in aan ku hoyono Magaalada Muqdisho maanta waxaan ka soo kacney goobihii aan xaley seexaney anagoo bad qabna marka waxaan idiin ku baaqayaan in aad ayaahiina ka tashataan islamarkaana aad ka gudubtaan marxalada kala guurka si aad u yeelataan Dowlad rasmi ah”ayuu yiri Mahiga.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha  DFKMG Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali gaas oo isna ku dheeraadey heerarakii uu soo marey Road Map-ka iyadoo maanta ay nasiib wanaag ay tahay in aan ka doodno qodob ka mid ahaa qododabadii ugu muhiimsanaa oo ah Asaxinta Dastuur uu yeesho Dalka soomaaliya kaasoo u horseedaya in laga baxo ku meel gaarka

“Waxaan Guud ahaan dalka ka soo xuleney 850 Qofood maadaama ummada Soomaaliyeed aysan xiligaan u Codeyn Karin Dasuurka dalka marka qof kasta oo meesha fadhiya waxaa uu matalayaa 13 kun oo qof oo soomaali ah marka waxaa la idiin kaga baahan yahay in aad dalka u horseedaan nabad iyo Dowlad rasmi ah”ayuu yiri Raiisul Wasaare Gaas isagoo u mahadceliyey Wasaarada dasuurka iyo Guddiyadii kala duwan ee ka soo qaybqaatey Dasuurka maanta idiin hor yaal

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Shariif xasan Shiikh Aadan oo ugu horeyn u mahadceliyey Ergooyinka ka qayb galaya Shirweynaha lagu ansaxinayao dasuurka Qabyada isagoo ku tilmaaey maalin taariikhi ah waxaana ummada Soomaaliyeed u baxaya Iftiin ay ummada uga baxayaan Ku meel gaar waana arrin Bilow marka waxaan idiin kula dardaarmayaa in aad wixii qaladaad ah aad ka saartaan.

Shariif Xasan ayaa sheegey in haddii maanta aad u Codeysaan Dasuurkaan in ummada Soomaaliyeed ay ka baxayso dhibaatada haysata waana arrin aan filayo mid aan dib ugiu soo cesheneyno Qaramadeenii sidaa darteed dadka soomaaliyeed waa in ay xoojistaan Dowladnimadiina islamarkaana u guntataan sidii aad gacmaha isku qabsan lahaydeen.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey intii gacanta ka geystey sameynta Dastuurka isagoo sheegey in wixii celado ah loo bahan yahay in aad ka saartaan , sidaaa darteed dasuurkaan waa mid guul u ah ummadda Soomaaliyeed

Shiikh Shariif ayaa sheegey in ergooyinka looga fadhiyo in ay la yimaadan Dulqaad iyo samir sidaa darted waxaa maanta aad gacantiina ku jira Masiirkii ummada Smaaliyeed waxaana Shiikh Shariif u mahadceliyey Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowlada Federaalka sida ay nabad ugu soo dabaaleen Caasimada Soomaaliya marka maanta waa maalin taariikhi ah oo aan ku dhayeeyno wixii dhibaato ah ee uu soo marey Ummada Soomaaliyeed

“Waxaa idiin ka codsneynaa in aan ansaxino si qof kasta oo soomaali ah u gaaro Dasuurka waxaana sugeynaa Ummadda Soomaaliyeed oo Gacmaha is qabsatey , waxaan sugeynaa dalka oo yeesha Dowlad rasmi ah , waxaan sugeynaa Ciidamada qalabka sida oo fulinaya Sharciga sidaa darted soomaaliya waxay u baahan tahay in la xoojiyo Heykalkoodii Dowlanimo, waxaa u soo jeedinaya Salaadiinta Soomaliyeed in Suldaankii aan Haween ku soo darin in aan laga aqbali doonin”ayuu yiri Shiikh Shariif

“Dad baa qaba in dalkaan uusan u baahneyn Dastuur maadama ay yihiin dal islaam ah marka Dastuurka aan sameyneyno waa mid ka tarjumaya Hanaanka Dowladninmo marka wixii qaladaad ah ee ka hor imaanya waa in aad ka saartaan “ayuu yiri Shiikh Shariif oo u mahadceliyey Dowladihii u soo gurmadey Ummada Soomaaliyeed

Ammaanka Goobta ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo si aad ah loo ilaalinayo dhaq dhaqaaqa Xubnaha goobtaas ku sugan kuwaasoo la sheegay in aan la ogoleyn dhaq dhaqaaqyada faraha badan sida saxaafadda oo dhaq dhaqaaqooda aad loo xakameeyay.

Si kastaba shirkan ayaa waxaa uu socon donna muddo Sagaal Maalmood ah kaasoo ugu dambayntana lagu soo xulayo Xubnaha Baarlamaanka qaybta ka noqonaya iyadoona isla Bishan dhamaadkeedana la dhaarin doono Xildhibaanada Barlamanka.

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ay maanta ay ku yeesheen ku Caddeeyey in Wixii Haatan ka dambeeya ay ku biireen Xarakada Alshabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.