Home » Warar »

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ay maanta ay ku yeesheen ku Caddeeyey in Wixii Haatan ka dambeeya ay ku biireen Xarakada Alshabaab

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta (Arbaca July 25, 2012) kulan ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga Hadley qaabka loo ansaxinayo Dastuurka Qabyada,iyo qaabka loo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowladda Soo socota , waxaana uu kulankaas si weyn loogu cambaareeyey madaxda sare ee Dowladda KMG oo ay sheegeen in ay maroosadeen taladii dalka islamarkaana si weyn uga hor yimid Sharuucdii u taaley dalka.

Xildhibaan Bood Cabdulle Magan oo ka hadley Kulankaas ayaa sheegey in Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda ay ku xadgudbeen Sharciyadii wadanka u yaaley islamrkaana waxaa uu sheegey in ay diyaariyeen Dastuur ka Hor imaanaya Sharaceeda islaamka iyo sharuucda Dalka u taal islamarkaana ku xadgudbaya Qaranimada Soomaaliya, Xildhibaan Bood Cabdulle Magan ayaa sheegeen in masuuliyiinta ugu sareysa ay ka baxeen balamadii ay u qadeen ummada Soomaaliyeed

“Wixii haatan ka dambeeya waxaan ku biirney Xarakada Alshabaab waayo iyagaa hadaf leh isl;amarkaana waxaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay noogu yeeraan dad ka mid ah Xarakada Alshabaab waayo Madaxda Sare ee Dowladda waxay ku xad gudbeen sharcigii i u yaaley Wadanka iyo Diinta islaamka “ ayuu yiri Xildhibaan Bood Cabdulle Magan oo u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka hortagaan Dasuurka haatan la doonayo in wadanka laga hirgeliyo.

Xildhibaan Cabduqaadir Shiikh Ismaaciil oo ah Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Dastuurka oo ka hadleu kulankaas ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa waxaa uu ku eedeeyey in in ay Dastuur ummada Soomaaliyeed aysan u Codeeyn la doonayo in ay dalkaan ka hirgeliyaan isagoo sheegey in qododbo fara badan oo Dasuurka mid ay ka hor imaanaya sharuucda u degsan dalka iyo diinta islaamka waxaa uu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan Dastuurka Qabyada ee la doonayo in Xoog lagu hirgeliyo

Waxaa maalmahaan isa soo tarayey ka hor imaanshaha Dastuurka ee la doonayo in dalka laga hirgelliyo waxaa Qayla dhaantii ugu dambeysey ay ka timid Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaalliyeed oo u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay dhigaan Banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Dastuurka qabyada oo uu sheegey in uu ka hor imaanayo Shareecada Islaamka isagoo soo dhaweeyey Go’aankii ay qaateen Odyaasha Beelaha Hawiye ee ay kaga baxeen Shirkii la doonayo in lagu ansaxiyo Dasuurka Soomaalliaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.