Go’aamo aan weli la shaacin oo ay isla gaareen aqoonyahanno uu shir uga socdey Jabuuti…
Prof. Xuseen Warsame oo aan waraysi kula yeelanay magaalada Jabuuti ayaan wax ka weydiinay shir beryahan ka socdey Jabuuti iyo waxa uu ku saabsan yahay.
Prof. Xuseen oo sheegay in uu halkan kaga qaybgelayo kulan aqoon yahanka Soomaaliyeed oo jabuuti ay marti gelisey, taladana ayaga laga doonayo.
Waxa uu waraysiga ku xusayaa sidii shirkani loo soo abaabuley iyo waxyaabaha ilaa hadda uga qabsoomay kulankooda. Waxana uu sheegay in uu shirkaasi soo gabagaboobey, ayna go’aamo ka soo saareen, inkasta oo aan weli la soo bandhigin go’aamadaas.
Waraysiga Prof. Xuseen Warsame Halkan ka dhegeyso
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/prof_xuseen_warsame.mp3]Shir looga hadlayo maamulada Somaliland iyo Putland oo lagu qabtey Jabuuti
Shir ay si wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Cilmi barista dhaqaalaha iyo Bulshada ee Geeska Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo ay ka soo qayb galeen 20 xubnood oo kala socda 8-Jaamacadood oo ka jira maamulada Somaliland iyo Putland, qaar ka mid ah Hay’adaha nabada ee ka shaqeeya dalka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Ururadda Bulshada Soomaaliya oo ka socdey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa laba ka mid ah xubnaha shirka wareysi gaar ah aanu la yeelaney.
Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa fikir mideeya maamulada Somaliland, Putland iyo khataraha ku soowajahan bulshada degan labada maamul sidii ay isaga kaashan lahaayeen islamarkaana loogu adeegi lahaa dadka Soomaaliya jooga ee dhibaatooyinka balaaran ay soogaareen, ayaa Intaa aan la soo gebagabeyn shirka, waxaa inoo suuragashey in aan wax ka weydiino Madax Cilmi Baarista Dhaqaalaha iyo Bulshada Geeska Afrika Cali Ciise Cabdi iyo Madax Xiriirka Is-gaarsiinta Caalamka ee Hay’addan HESPI, Cali C/qaadir, ujeedooyinka shirkan, cida soo qaban qaabisey, sababaha keeney xiligan in la qabto shir noocaan oo kale iyo arrimo kale o muhiim ah ayaa labada mas’uul si wadajir ah u weydiiyey su’aalahan.
Wareysiga labada Mas’uul oo dhameystiran halkan ka dhegeyso
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/sl_pl.mp3]Waxaa waraysiyada qaaday:
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk.
fatxumaalik@hotmail.com
…..
— Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay..
s/c dhamaam wallaalaha soomaaliyeed ee foyoow intan ka dib waxaan oran lahaa fakirkeeyga anigoo ka hadlaya runtii deg dega ma fiicno waryaasha ama idacadaha sandkaan wax walbe ayey iska qoraan marka waxaan leeyahay wallaalaha somaliyed in aysan ku degdegin eedaynta wallalah jabuuti waayo ma hubno albaabada gadaashooda waxa ka dhaca ama labo nin waxeey ku sheekaystaan ee waa wax mala waal ah waxeey shabakadah qoraan waayo ma u maleeynayo jabuuti oo walaalkood ka weyn ee somali haysta in maanta ay geesha iska eegi laheey waayo eriteria iyo ethiopia ayeey dhexda ugu jirtaa marka waa uun dad somaliyeed marka yaan la deg degin hooyadaa keey dhashay ayaa kaa daalaya haduu arko in aanad hore u socon laheeeyn iskaba daa jabuuti oo ah dal koraya oo aan tabar ama awood ay nagu xanbaareeyn laheeyn.marka warki oo kooban dajiya banooniga.wswrwb.
Salaam dhamaan, Aniga sidey ila tahay waxba yaan Dolada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Djibouti la eedeynin… Soomaalia iyo Soomaalidaba waxa heysata waa wax ay iyagu isu keentay iyagana xalin karta waxba yaan lagu mar marsiyoon dowladaha kale… Taariikhda dib haloo xuso? 1991-kii iyo waxii ka horeeyayba inta somaali is eryaneesay ama bur burka bilowgiisa Djabouti ma lug bey ku laheed waa maya? waxay ka mid tahay dowladaha ka danqada danaha iyo dhibka somaaliya.. ee aan u duceena somaalida iyo somaaliyaba. waa fikradeyda.
asc Jabuuti dadka iyo dalka somaliya godob weyn ayey ka gashay oo taariikhi ah cawaaqib xumana ku noqoneysa mustaqbalka jiilasha cusub ee Jabuuti ee aan walaalaha nahay. Madaxda jabuuti waa og yihiin dhagarta qabiil, siyaasi, cunaqabateyn, dhaqaale rarid, aqoon rarid, mashaariic ku fulin danaha dadka iyo dalka soomaliyeed.
Anoon faafaahineyn dhagarta madaxda jabuuti, waa noo qoran tahay dhagartoodu buugaag ayanna ka sameyn doonnaa mustaqbalka la wada akhristo inshaa allaahu.
HEYBAD WAXAAN KU LEENNAHAY DHULKEENNA HOOYO.
Aniga waxaan u arkaa jabuuti, in badan dhibaatada somaliya ka socota in ay dhankooda ka qayb qaateen, xaraasha gaalada aduunka ee wadankeenii ku soo duulay ee cadaanleh, ee madow leh, in ay ayaguna ka qeyn qaateen RAQDA UBADKA SOOMAALIYEED.
Allah ayaainoo aari maalin ay noqotaba,ama somali hunguri doon ah,ha noqdo ama gaal islam la dirir ah ha noqda.
Jabuutiyeey mar unbaan kula xisaabtami.