Home » Warar »

Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay..

20 Sano oo Caddalad Darro, colaad & dagaal, barakac & qaxootinimo ah oo u buuxsamey Soomaaliya —

Bishan December 2010 waxaa Soomaaliya u buuxsamaya 20 sano oo dawlad la’aan ah, oo uu ka socdey dagaal galaaftay in badan oo aan waxba galabsan, islamarkaasna halakeeyey shacab Soomaaliyeed oo aan tiradooda la qiyaasi karin, saamayna ku yeeshay hab-nololeedkii guud ahaan qowmiyadda Soomaalida ee degta dhulka hodonka ah ee Cirifka Bari ee Qaaradda Afrika.

Dagaalka iyo degannaan la’aanta 20-ka sano waxaa barbar socotey caddaalad darro aan gabasho lahayn, eex iyo sed-bursi ay koox yari jajuub ku haystaan, halka malaayiin Soomaaliyeed ay dayac iyo darxumo ku haysato xeryaha barakaca, xeryaha qaxootiga ee Afrika iyo meelo kale ee dunida ah, in badana ay ku dayacan yihiin xabsiyada caalamka.

Labaatankaas sano marna shacabka Soomaaliyeed si daacad ah looma weydiin waxa ay doonayaan iyo nidaamka ay doonayaan in lagu maamulo. Balse waxaa lagu jajuubay arrimo ay ka mid yihiin:

  1. Dagaal lagu abaabulo koox hebel iyo beel reer hebel ayaan iska dhicinaynaa,
  2. Maamullo iyo Dawlad Goboleed-yo ayaan samaysanaynaa oo loo bixiyo magacyo dalka lagu kala qoqobayo, kana leexday hadafka midnimada Soomaaliyeed,
  3. Dawlado lagu soo dhiso dalal aan doonayn haba yaraatee maslaxad Soomaaliyeed (dalal xoog ku haysta dhul Soomaaliyeed sidee uga talinayaan maslaxad Soomaaliyeed!)
  4. Nidaam loo bixiyey Federaalisam iyo 4.5 (AFAR IYO NUS).
  5. iwm

Bishii December 1990 canugii dhashay maanta waa 20-sano-jir. Kii maalintaas jirey 20 maanta waa 40 jir, kii 40 jirka ahaa maanta waa 60 jir, kii 60 jirka ahaana waa 80 jir, kii 80 jirka ahaana waa 100 jir. Waxaa halkaas ku lumay hal FAC ama hal JIIL (ama waxa luqadda Talyaaniga lagu yiraahdo Una generazione) oo waqtigoodii kaga lumay colaad & dagaal, waxbarasho la’aan, xannaano la’aan, kala irdhow, darxumada qaxootinimo iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo salka ku haya nabad la’aan iyo dawlad caddil ah oo aan ka jirin dhulka ay degto qowmiyadda Soomaalidu.

Haddaba waxaa la soo gaaray xilligii ay shacabka Soomaaliyeed markale si dhab ah u fekeri lahaayeen, ayagoo is weydiinaya:

  1. Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo kale oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay in Soomaaliya ku sii jirto?
  2. Mase waxaan ka fekernaa sidii xal rasmi ah oo dhab aan u gaari lahayn – Xal ka yimaada shacabka Soomaaliyeed, oo aan laga sugin cid kale?

Jawaabta waxaan u dhaafeynaaa akhristayaasha. Fadlan jawaabtaada iyo taladaada oo KOOBAN hoos ku qor adigoo si dhab ah oo daacad ah uga fekeraya xalka Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Soomaalidu diyaar ma u tahay 20 sano oo la mid ah 20-kii sano ee la soo dhaafay.. "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Goorkastaba mahad iyo bogaadin iga guddooma shabakadda Somalitalk.com iyo dadka damqashada Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
    Waxaan dhaammaan naloogu bishaareeyay in ummadda Nebi Muxammed (NNKH) inaan sidii ummadihii hore loo haligeynin, taasoo ka dhigan 40 sano waa muddadii TIIH lagu asiibay reer Banuu-Isra’iil. Waa yaabe waxaad moodaa inaan leenahay astaamo uu lahaa tiih sida guuraa-ma degenimada, jahawareerka, muwaafaqo xumida iyo sababta ugu weyn ee arrinkaa keentay oo aheyd dhaqangelin li’idii amar Alle.
    Waa un lakala miirmirmi kuwa dulmigooda loogu daw galo oo towbad li’i iska haligma iyo kuwa ay dulmeen,, waxaan leeyahay Allah (SW) naftiisa ayuu dulmi ka xarrimay inaan dhexdeenn isdulminaana wuu naga xarrimay,, Waxaa ballan ah in axadkii qeyrkii ku gardarooda ifka lagu abaal marinayo tii aakhirana uu la kulmayo haddii aan layska cafin waa sidaa caddaaladda.

  2. GULED says:

    aniga waxaan ka baqayaa in laga waaya dalka soomaaliya Qof soomaali ah, waa haddii sida ay hadda ku socoto ku sii socoto ,oo aan arragno dalkeenii oo qoom kale deggay anagana Qoxootimadda si toos ah u sii gal , soomaaliya waxay noqotay dal aan dad lahayn , soomaalina waxay noqonaysaa dad aan dal lahayn , waa wax dhici karro arrintaas iyadda ah qof waliba ha xasuusnaada , colaada & dagaaladda sukeeya , & nidaam la’aanta waa wax aan awoodna in aan anaga joojin inta iska dayno danaha gaarka ah, aan u sow wada jeedsano danta guud & aan dalkeena iimaansano dadkeena dhowr na qof waliba sidaa ayuu darajo ku hellaya & danbi dhaaf dhan waliba leh.

  3. Osman says:

    waa runtiin walaayaal 20 sano ma ahee maalin kale in lagu daro ma habboona mana awoodno.
    Waxaase suaal ah ninku marka uu tabayo in wax ka maqanyihiin ayuu raadiya ama ka welwelaa.
    Somalidu siyaasad iyo xiriirka caalamiga ah iyo btaariikhda caalmkaba waa ka madowdahay, diinta xataa si fiican uma wada yaqaannaan hadi kale xoolo lama kala dheceen dadna dhiiggiisa intaas lama bannaysteen.
    aqoonta maaddiga ah xitaa cwax yaqaan waa yaryayahay.cilmi dhaqaale viyo maaliyadeedna iskaba daa.
    Somalida qaar iyaga waxa ay noloshuba la tahay garabkaaga raro, meeshi kaa soo horbaxda iska deg waxaad cuni karto cun qayrkaana ika dhici.
    qorshe sanad ,shan sano toban sano wax la yiraa haba sheegin.raad raac wixi qaldamay iska daa markaa ma dareemi karnaa horta in 20 sano ay wax naga qaldanaayeen mase nagu haysaa inteenna badan maalin kasta oo caalmku hore tallaabo u qaaday annaguna aan gadaal u qaadnay.markaas ayaan ka guban karraa kana qomamayn karnaa wixi aannu gacmheenna ku keensannay oo dhibaato ahaa.

  4. CABDIQANI says:

    WAAN IDIN SALAAMAAY BAHDA SOMALITALK

    WAXAN KU SOO KOOBAAYA
    ILLAHBAA AWOODA LEH EE DAWLAAD CAADIIL AH
    DADKUNA DACAAD U YAHAY HA INA SIIYOOOM

  5. Ahmed says:

    Assalamu Alaikum wa Rahmatullahi wa Barakatuhu,

    Hadda ka hor baan saadaalinay 91kii inta dhibka Soomaaliya uu socon doono: oo aan ku soo koobnay 5 sanno, 10 -15 sanno iyo qofkii ugu danbeeyey oo yiri labaatan 20 sanno.

    Ma doonayo in aan maanta markale saadaaliyo dhibtu inta ay sii socon doonto. Waxaanse Allah ka rajeynayaa in uu dhibkii dhammaaday oo ay bilaabaneyso dheeftisii. wassalam

  6. ali says:

    waxaa runtii aad iyo aad murugo u ah in ilaa hadda aysan fari kaqodnayn arimaha soomali tii ilaahase waa gooni. waxaan xasuustaa 20 Kahor anaa iskuul dhiganaya joogana caasimadii Soomaaliya Muqdisho oo Imtixaan Teram ah leh ayaan waxaan arkay anoo sidii caadiga ahayd ku sii socda iskuuulkii aan dhiganayey una diyaar garoobay subaxdaas imtaxaanka ayaan kusoobax Farmashi udhexeeya iskuulka iyo Guriga aan daganaa oo dab ka holcayo aadna ugubanaya waan yaraha sii dhaafay oo waxaan is iri malaha Farmashiga dabbaa si khaladan uqabsaday ee dhaaf waxaan kusuu baxay dad qaar wax tuur tuurayaan iyo dad luuqluuqyo ku qarsoon oo gagabanaya markaas ayaan cabsaday waana dareemay in aysan xaaladdu caadi ahayn waanan soo laabtay oo iskuulkii ma aadin waana markii iiguba danbaysay goobataa iyo iskuulkiiba. kadib dagaalkii xamar waa sii socday wixii dhacayna waa dheceen ee halkaas aan uga dudbo. waxaa maskax dayda kusoo dhaca mararbadan dhalinyaradii faraha badnaa ee aan iskuulka isladhiga naynay xagee qabtee, maxay kudanbeeyeen haddaanse anig u iska hadlo waxaan markaas jiray 19 Sano waxaa iga lumay 5 Sano oo kale oo haba yaraatee aanan wax faa’iidaysan oo aan soomaaliya sii joogay. Waxaa kale oon kafakaraa waxaan muddu 15 Sano ah jooga Qurbo (Yurub) waxaana hadda jiraa 39 Sano (40tanba iska dheh) wax yar oo wabarasho ah aaban faa’iideystee yey wax utaraysaa waxaan bartay hadii anan rajaba qabin in soomali inta aan xoooga leeyahay ay caadi kusoo noqonayso. Waxaan arintaas saa uleeya waxaa ila mid aha sida walaalkeen qoraalka kubilaamay kumanaan soomaaliyeed oo cilmigoodii iyo qoogoodiiba ayaga kaliya ku egyahay ama waddamo kale kafaa iideysteen sida Yurub iyo Ameerikaba oo qof dhaliyaro ah oo 20 sano jirka kuna soo baxa qarash aad ufarabadan soo barbaarintiisii iyo waxbarashadiisiiba oo markii waddankiisu manaafa caadsan lahaa ay heleen manfa ciisii oo waliba raqiis ah. Tusaale ahaan waxaan usha qeeyaa Shirkad reer yurub ah wixii iga soo galana waxaan kubixi yaa Guri kiradiis, Cunno iyo Qarash kale oo intuba gala waddankan aan daganahay. Hadda ba aniga iyo Kumanaan kale oo soomaaliyeed oo ila mid ahi maxay soomaliya uhayaan
    Allaw sahal umuuuraha.

  7. Omar M Barre says:

    RUNTII, waa su’aal macquul ah in dadka Somaliyeed ee Wadaniyiinta ahi isweydiiyaan, sidatani ma inoo danbaa 20 sano oo kale?
    Caqligii waa inaku jiraa, laakiin sidee ayaa loo istcimaalyaa ayaa isweydiin mudan gaar ahaan caqliga qaybtiisa wanaagsan ee wax dhisi karta?
    Somali haddaan nahay saddex cudur oo aan dawo u baahan ayaa na haysta: mid waa Qabiilka oo si xun loo isticmaalo oo laga dhigtay Caymiska keliya ee qofku ku xiran yahay malaha markii la waayey dawlad dammaanad qaada baahidii qof ahaaneed iyo bulsho ahaaneed, dhibaatada ugu baaxadda weyn ee qabiilku nagu hayaa waxay tahay isagoo noqday SEEFTA LAGU KALA GOOYO MIDNIMADA SHACABKA iyo WADAJIRKEENNA waxaanna oran karaa WAA CUDURKA MIDNIMADA SOMALIYEED !!, sidaa awgeed, Maxaan ku bedelan karnaa cudurkaa halista ah oo sida (AIDS)-ka baabinaya xubnaheenna muhiimka ee midnimada shacabka lagu burburiyo marwalba, Maxaa kallifa in qofka somaliga ahi sheikh, iyo shariif uu qabiilka u dabran yahay haddi ay xaq wadaan waa la gartay, ka warran haddii ay baadil wadaan oo shiikhkastii aanu oran Karin baadilka joojiya reerkaygow?
    Ma dhabbaa haddii caddaalad buuxda la helo in arrintaasi daawo loo heli lahaa, taas waxaan u deynayaa xeel-dheerayaasha shacabka u qarsoon, iyagaa ka hadli doona.
    Tan kale waxaa jira cudur labaad waa JAHLIGA ummadda badankeed ka haya dhinaca Caqiidadooda Diinta iyo Cilmiga Maadiga ah, oo aanay lahayn marjac aqooneed, ma suurtageli kartaa waxkasta ka hor in ummadda loo qorsheeyo in ay hesho aqoon Diimeed oo huwan CAQIIDO SAX AH ah iyo abuuris boqollaal Macaahid, kulliyado iyo Jaamacaood oo ummadu wax ka baran karto qiimo kasta ha inoo ku kacdee, inkastoo dadaal badan ay rag badani wadaan haddana waxaa loo baahan yahay in kuwaas la dhiirigeliyo kuwa kalena la abuuro, dhibaatada ugu weyn ee aqoon la’aanta naga haysataa waxay tahay Ummadda oo aan lahayn aqoon ay ku kala saaraan SAXA iyo KHALADKA oo marar badan laga yaabo in ay KHALADKA DOORTAAN, waa nasiib darro ina wada haysata in aad timir iyo Dab kala garan weyne ama SAMAAN inta aan ka weecanno aan XUMAAN raacno.
    Cudurka saddexaad waxay tahay oo shacabka halakaysay: Isticmaalka MUKHAADARAADKA gaar ahaan QAADKA waayo dhaqaalaha aan ku burburino cunista qaadka iyo waqtiga aan ku lumino haddii aan wax kale u isticmaali lahayn, waxaan aaminsanahay in aan qof ahaan iyo bulsho ahaanba horumar baaxad weyn gaari kari lahayn, waxaanna gaarnay heer layna ka xukumo Beeraha qaadka ee wadamada deriska ah, wuxuu kaloo qaadku baabi’iyey QOFNIMADEENNII (Shakhsiyaddi qofka Somaliga ah) !
    Waxaase hadda ka daran in dawlado xor ah ay ku xisaabtayaan dhaqaalaha JEEBABKA SHACABKEENNA ku jira sidii ay ugala bixi lahaayeen maalin walba, iyadoo shacabkeennii kuwa badan caajo la Silicsan yihiin, qaarkood waayeen waxyar oo dhaqaale ah oo ay caruurtoodii Dugsi quraan ama Iskuul kaga bixiyaan ama maalintaas luqmad ku gataan.
    Marka, Sidee ayaan DAWO Qaran ugu heli karnaa dhaqaalaheenna macno darrada ugu qulqulaya wadamo aan ABAAL, LIB iyo IXSAAN midna inoo ku hayn??
    Haddii la awoodi waayo in la joojiyo maan wadankeenna ka beeranno si ay inoo ku baaqato malaayiinta dollar oo inoo ka baxa abaal la’aanta, iyadoo la og yahay haddii dawladdu ku dhawaaqdo in qaadkii la joojiyey ay dhaqso kalsoonida u waayeyso, sow cajiib ma aha?
    Arrimahaan waxaan oran karaa waa qodobo ka mid ah kuwa hortaagan in aan MASIIRKA UMMADDEEENNA meeel fiican SAARNO, waase talo SOMALI u taal haddii ay doonayaan in ay 20 sano kale sidaa ku sii jiraan, kolba cidina dawlad u dhisi mayso, waayo maxay kaa faa’iideysaa ciddii dawlad kuu dhistaa? Ma la isweydiiyey? Waxaan ku soo gabagabeeynayaa Towfiiqda Alla hayna waafajiyo iyo talada san.

  8. Asww. wax eynu ku koobi karno ma aha halkan laakiin bal ta iigu daran aa ka iraahdo Halkan. Somalida waxey tirahdo madax meel ka sareeso oo la salaaxo ma jirto.Waxan ula jeedaa meel ka danbeyso oo diin. qaran iyo Uur dooxnimo dhalaan iyo waayeel iyo boob gabasho laheyn ma jirto intuba soo martey somali iyo kuwa kala dardaran. Hase ahaatee waxa aad moodaa iney inta badan somaali quusasho taagan yihiin waa nasiib wanaagsan Alla mahada leh.waxaa hadana xusayaa ineysan kuwii sabrin codowgii ama cudarkii ee ugu yaraan Labatan sanoo kalebe oo dan waxaad arki doontaa bakteriyadii oo naf bax ahaa oo marwalba madaxa kor u qaadeyso ee yaan la quusan somali wey soo Laaban iyadoo qurux badan oo ubax bixisey Rabi raxmadiisa lagama quusto. Ee wali Luuqyadey ku Gaban yahiin iyagoo malaayiin la dhuumaleysanayo Rajo ka qabo iney waji kale ku yimaadaan. Ilaahey waxaa ka rajeynayaa in Aduunka ku mariyo ciqaabtooda oo adoonka danbiga laga galey ilaahey nolosha ku tuso ciqaabtooda kuwa dulmey iyagana waxaan ilahey ugu baryayaa in Albaabki Toobada weli furan tahey uu ka faaideysto cafis weydiista Umada Somaliyeed. waa u fursad isaga iyo caruurtiisa caruurtoodo. waxa iga keeney calaalka fursada jirta oo in laga faaidesto u baahan weeye cida ey quseysoWaslaamu caleykum waraxmatulahi wa barakatu

  9. inaqasim says:

    Assalaamu caleykum waraxmah.
    Xalka somaliya kuma jiro wax aan ka aheyn kitaabka quraanka ah iyo sunada Nebiga csw, qofkii ka doona meel kalena lugooyo iyo hungo baa u dambeysa.
    Milicso gobalada looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo inta ka soo hartay sida puntland somaliland jibuti villa somaliya,waxaa lagu tilmaami karaa jano dad ku jira iyo kuwa ku jira jaxiima ALLE hanaga badbaadiye’e.

  10. HAYBE says:

    aniga waxay ila tahay in somalia iyo somaliduba aanay diyaar u ahayn inay kusii jirto 20sano oo lamid ah tii lasoodhaafay waa hadii lahelo umad soomaliyed oo og inay dhulka leedahay dadka kunoolna ay yihiin dadkiisii aanayna jirin meel lagu doorsadaa, ogna in maalin alle hortiis inuu istaagi doono lagulana xisaabtami doono. qiyaas fiican ayaadna soo bandhigteen weliba aniga si dhabah iitaabatay oo ah waxaan jaamacadii soomaliyeed kabaxay maalintii ay dawladii soomaaliyeed dhacday 20sano waxaan dhexjoogay soomaaliya oo aanan maalin uqadha kabixin inkastoo aan shaqo la,aan badani igi dhicin alxamdu lilaah laakiin aan jeclahay inaan kabaxo gunimadda ihaysata somalidu way kasoo horkalaaban ladahay udaalidda qabiilka ilaahay hanaga xoreeyo inshaa allaah.
    wabilaahi tawiiq.

  11. Asc. Hadii aan si kooban uga hadlo 20sano ee soosocda iyo Soomaali,sida daahirka ah soomaaliya xalkeedu waxuu ku xiran yahay diinta islaamka oo ay fahanto ,sida ay u fahantay Qabyaalada iyo qabiilka .Qadobka labaad ,qofka soomaliad hogaaminaaya waa inuu noqda qof soomaalida matala ee aan matalin wadamada shisheeyahay,20kii sano ee la soo dhaafay waxaa nahogaaminaayey dad aan soomaaliad matalin.sidaas darteed 20ka sano ee soosocda waa inaan doorano dad soomaalinimadu qaymo laleedahay. Abdishakur

  12. Cabdi says:

    Xaqiiqdii waa wax aad u naxdin badan, waan xaqiiq jirta, waxaase kasii naxdin iyo murugoba badan in xalka meel dhow uusan ka muuqan.Ummada dadkii hogaankooda nasiibka u heleyna eeyba Madiidan/Kabo qaadyo u noqdeen cadow banaanka la taagan oo aan qarsaneynin in uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley una fuulayo in Soomaalida sida eey ku jirto eeysan ka bixin oo ebidkeed/waligeed nabadi eeysan ka dhalan.
    Xalka ummada wuxuu ku jiraa in la helo hogaan, aqoon , wadaniyad dhab ah, Karti iyo maskax dheeri ah isku darsadey, sadex arimoodna in eey isku xaga galiyaan eey ka go’an tahay:
    1- In la helo hogaamiye yaal eey ka go’an tahay oo eey dhab ka tahay xal u raadinta Ummadeena Soomaaliyeed, oo aan ku fikireyn maalmo eey Villa Soomaaliya Askar Ajaanibi ku dhex waardiyeyso, shirar magaas uuna uga qeybgalaan, ama kama sii xune iyadoo ummadi dhamaaneeyso, dhaqaale sameysasho hadafkooda ugu weynba uu yahay.
    2-Isu dheeli tirka Danaha wadankeena, kuwa wadamada dariska inaga leeyihiin iyo kuwa caalamka dheer intaba.
    3-Dad dareensan si dhab ahna u yaqaana waxa sababey wixii dhacay, si xalkeeda u sahlanaado, si Kal iyo laab ahna ugu dadaala in eeysan dib dambe inoogu soo noqon.

  13. ali says:

    Cadaalad darrada 20 jirsatay waa wax somalida gacanteeda ay ku kasbatay , Dowlad Goboleed , 4.5 waxaas oo dhan waxaa looga gon lahaa bal mar uun in la heshiiyo . Hadana shacabka waxay la kala safteen kooxo macag diimeed ku qaraabanaaya iyo maato aan shaqo ku lahayn midkoodna hadana dhibaato badan ay ka soo gaarta .
    Mamul goboleed iyo isku tashi waxaa tusaale fiican u ah cayaaraha maanta ka socda Garowe . Ma waxaad ku talinaysaa in Xamar loo xayirnaado inta ay nabad ka noqonayso ? .

  14. acww si kooban markaan u sheego mustaqbalka soomalaiya ee labaatanka sanno ee soo socda waa arin Qayb ah oo Illaahy uun uu og yahay laakiin aragti kooban soomaaliya waa fahamtay cudurka dilay oo ah 1- qabyaalad nuugaysa naaska cadowga Illaahy iyo cadowha muslimiinta soomaliya ee Ethopias ,usa,eu,Iggad,etc,, 2- dawlad shisheeye cadow ahi ay soo dhiseen oo aan wax rabataan ah ummadaan muslinka ahi u hayn ,sida shuuciyadii.demoqradigii ka horeeyay kana danbeeyay,, qayb qaybin,, waxaa ay umadaani garteen in dawlada uu ILaahay u dooray ay qaataan oo ah dawlo Islaami ah…iyadaana lagu horumari karaa ,laguna iloobi karaa waxiii cadowgu uu na baday…