Home » Warar »

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar “Markaa Qofka Maanta Madax Ka ah Soomaaliya Ama Ka Soo Ahaa Labaatankii Sano Ee Ugu Dambeeyey, Waa Khaso Ee Waa Inaad Xishoota” Waraysi

Shir looga hadlayo halka ay mareyso xaalada Soomaaliya, waxa keeney dhibaatooyinka jira, sida looga bixikaro iyo cida ka saarikarta ayaa maalintii lixaad ka socda Hoteel Shariton ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Shirkan oo ah mid al-baabada u xiran, islamarkaana uu sooqaban qaabiyey Mac-hadka Daraasaadka Culuumta Siyaasada iyo Is-tiraatiijiyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo qayb-galey aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Malaysiya, is-wiidhan, Norwey, Holand, dalalka Carabta iyo Afrika, shirkaas ayaa wajigiisa labaad gelaya.

Prof. Axmed I. Samatar

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee shirkan ka qaybgalaya, islamarkaana ah xubnaha wax ka hogaaminaya shirka oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey halka uu ka socda shirka ayaa waxaa uu ka muujiyey shirka niyad wanaagsan qaabka uu u socdo shirka, islamarkaana ku tilmaamey shirarkii hore looqaban jirey kuwo aysan danta Soomaaliya ka tarjumi jirin, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed loo horseedo aragti ka duwan kuwii hore looga soo gudbey oo hanata rabitaankooda.

“Dadka Soomaaliyeed hooga haysta, iyadoo la la’yahay hogaan Soomaaliyeed oo la yimaada, daacadnimo, akh-laaq , Edeb iyo karti aad u wanaagsan, waayo khatartu wey adag tahay, waxa maanta jooga ama hogaanka haya, waa wixii nasoomarey oo waa isku mid, kartidaradooda waa tan maanta halkaa nadhigtey,….. markaa qofka maanta madax ka ah Soomaaliya ama ka soo ahaa labaatankii sano ee ugu dambeeyey, waa khaso ee waa inaad xishootaa…”

Wareysiga Prof. Axmed Samatar  oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/axmed_samatar_2010.mp3]

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk.
fatxumaalik@hotmail.com

VIDEO: “Farmaajo Waxa uu Ra’iisul Wasaare u yahay dal tirada dadkiisu tahay 2-million oo qura” sidaas waxaa yiri TV-ga Itoobiya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Prof. Axmed Ismaaciil Samatar “Markaa Qofka Maanta Madax Ka ah Soomaaliya Ama Ka Soo Ahaa Labaatankii Sano Ee Ugu Dambeeyey, Waa Khaso Ee Waa Inaad Xishoota” Waraysi "

  1. abdullahi says:

    waxaan salaamayaa dhamaan aqooyanaha waxaan rajeeyaa in ay noqdaan kuwii ku guuleeysto .laakiin madaxa waxaa ku heeysaan in soomaalidda ay ka daashay shir iyowax la mid ah ;sababatoo ah dadku waxay taagan yihiin kuwaan ma kuwii oo kalaa mise?ilaah qurraankiisa waxuu ku yiri laa taqnadhuu min raxmitilaah.bardo soomaalidda kama quusan in maalin ee arkaan dowlad iyo kala danbeeyn.hadii alla idmo .

  2. cadawe cali says:

    marka hore waan salaamayaa prof samatar iyo dhamaan aqonyahanada kale ee la joogta. tankale waxaan leeyahay prof samatar waa nin somali metelikara meel walba oo ay joogaan waaanan jeclaan lahaa maalin ay ahaataba in samatar oo somaliya go aamin kara arimaheeda la arko sidaasi daraadeed waxaan waxaan leeyahay prof samatarow allaha kula garab gallo wax kasta ee wanaag ah ee arinta somaliya aad ka qabaneysid intii wax garata somali dhab ah waxan ka codsanayaa ay ku garab galaan prof samatar arinta uu wado.

  3. ali says:

    Somalitalk waan idiinku hambalyeeynayaa howsha aad u qabataan mujtamaca somaliyeed .
    prof. samatar dadbadan ayaa kula coloobay danqashada uu ka danqanaayo dhibka haysta shacabka somaliyeed iyo ka hadalka arimaha somaliya . INA SAMATROW HAKA DAALIN WELIGAA HOWSHA AAD ISU XILSAARTAY .

  4. Wadani says:

    Asalaaamu calaykum
    Gobolka uu ka soo jeedo Pr. Ahmed samatar waa soomali dhaba waana dadka ugu jecel soomalinimada maalinta ay xamarnabad noqoto ee la dowlad soomaliyeed xamarka shaqaysana waa hubaal in Boorama laga taagi doono calankii soomaliya. Pro. Ahmed samatar waa halyay soomaliyeed oo aan habeen iyo dharaar ka daalin inuu ka hadlo arimaha soomaaliya maantana waxuuu bilaabay ficilkii markaaa waaa in ladaba galaa waanan ugu mahad celinayaa fikirkiisa iyo dareenkiisa wadaninimada leh waxaanan rajaynayaa shirka ay bilaaabeen aqoonyahanka uu ka midka ayay samatar inuu guulaysto

  5. Abdi says:

    Acww.
    Salaan kadib.

    Aad ayuu prof.ugu Mahadsan yahay aragtidiisan ka turjumaysa wanaag loo horseedo shacabka soomaaliya runtiina waa arin kamaqnayd xalka somalia oon markii horeba meesha oolin sababtoo ah shacabka soomaaliya Waxaa gacanta ku dhigay dawlado daris ah iyo kuwa shisheeye oo naxariis daran iyo kuwo soomaaliyeed oo horboodaya oon wax kalagaranayn dadkii aqoonta lahaana dawladahaasi way Uga dhaarteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada soo dubatay somaliya
    haatan arintan waa Guul usoo hoyatay umada soomaaliya ee horey haloosiiwado.

    Guul .

  6. jamaal says:

    professorka waxaan leeyahay gobolki uu ka yimid somalia waa ka baxay calan kale iyo dawladnimo ayuuna sheegtey.
    Asaga iyo aqoonyahannada kale ee ka yimid gobolkaas waxaa ay ku guulaysan waayeen dadkooda inay ka dhaadhiciyaan in dadkeenna iyo dalkenna aan burburin awooddeenana aan la wiiqin.
    Markaa waxaan rajaynayaa in asaga iyo ragga kaleba ay qayb juhdigooda ka mid geliyaan sidi ay cilladaas gurigoodi ka taagan xalkeeda raadiyaan si ay somalia arrinteeda hogaanka ugu qabtaan waana mudanyihiin xaqan.

  7. Dal Jir says:

    Prof. Samatar, isaga mooyee cid kale wax ma taqaan, isaga mooyee cid kale Soomaalinimo kuma jirto, isaga mooyee cid kale uma danqato danyarta dhibaateysan, isaga mooye…… isaga mooyeeee… isagaaa mooyeee.

    Get Real Dear Prof. If you want make change, make change you own people first, then make change your region or state, and ONLY then you can lead or speak on behalf of Greater Somalia. Stop Pls. for taking advantage the tragedy of innocent Somalis, get real… get your acts together… and go there in Mogadishu and feel the heat and ONLY then rest of Somalis will give you much respect your seeking in North America.

    Just Brotherly Advice.

  8. Abwaan mohamed hassan says:

    ASALAAMU CALEYKUM WARAXMA TULAAH

    Salaanta ka dib, runtii profka wuxuu ka hadlaaya wax dan u ah umada somaliyeed marka waxaan rajeynaaya umada somaliyeed iney noqdaan kuwa qaata waanada profka insha alaah