Home » Warar »

Zenawi oo Sheikh Shariif kala hadlay si degdeg ah in uu usoo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub ee DFKMG

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo Arbacadii (Sept 29, 2010) gaarey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Meles Zenawi.

Waxaana wada hadalkooda ubucdiisa uu diiradda saaray ra’iisul wasaaraha cusub ee loo soo magacaabayo xukuumadda Kumeelgaarka ee Soomaaliya, waa sida ay faafisay warbaahinta xukuumadda Itoobiya ee ENA. Waxaana warbaahintaas Itoobiya ay sheegtay in ra’iisul wasaaraha DFKMG la soo magacaabayo dhowaan.

Raa’isul wasaaraha ay soo magacaabistiisa ka wada hadleen Zenawi iyo Shariif waxa uu bedelayaa Cumar C/rashiis oo is casiley khilaaf madaxda xukuumaada Kumeelgaarka ah awgeed.

Zenawi waxa uu Sheikh Shariif ku yiri: “Soo xulashada Ra’iisul Wasaaraha cusub ee bedelaya ra’iisul wasaarahii hore waa in uu noqdaa mid aqbalaad ka hasta dhinacyada oo dhan”, Waxana Zenawi oo hadalka ku adkeeyey “Sida loogu baahan yahay in ra’iisul wasaare cusub degdeg loogu soo magacaabo.”  Waxaa markaas Sheikh Shariif uu Zenawi u xaqiijiyey ” in uu ku dadaali doono sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra’isal wasaare cusub oo ay ku qanci doonaan dhammaan dhinacyada kale.” Waa sida ku cad warbixinada hoose ee ay faafiyeen xukuumada Itoobiya iyo xukuumadda KMG.

Kulankii September 29, 2010 (Wada hadalka ra’iisul wasaare cusub)

Marka taariikhda dib loo raaco, Febraayo 3, 2009 (oo ahayd 3 maalmood kaddib markii la dhaariyey Sheikh Shariif) waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay Meles Zenawi. Kulankaas 10 maalmood kaddib ayaa Sheikh Shariif waxa uu Ra’iisul Wasaarihiisii koowaad u magacaabay Cumar C/rashiid (Febraayo 13, 2009).

Kulankii Feb 3, 2009 (Wada hadalkii ra’iisul wasaarihii cusubaa)

Sheikh Shariif waxa uu 2006 ka mid ahaa madaxdii ugu saraysay Maxaakiimtii Islaamiga ahayd ee hanjabaadda u jeediyey Xukuumadda Zenawi (arrintaas oo sabaabtay in ciidamada Itoobiya galaan Soomaaliya oo xasuuq ba’an ka geystaan) –  sidaas daraadeed marka dib loo raaco siyaasadaha soo jireenka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa laga dheehan karaa in Zenawi uusan doonayn in xukuumadda Sheikh Shariif ay guulaysato. Waxaana cad dal hasta dhul Soomaaliyeed in uusan siyaasad wanaagsan la rabin “Madaxda Soomaalida xorta ah.” (Akhri faalladii Maxamed Macallin Cismaan).

Dhanka kale baarlamaanka DFKMG ayaan weli go’aan ka gaarin waxa laga yeelayo 15 xubnood oo ka mid ah 30-ka (ama 29-ka xubnood) ee DFKMG u soo sameeyey Dastuurka Qabyada ah, kuwaas oo Sheikh Shariif uu hore ugu tilmaamay in ay yihiin sharci darro oo waxay qoreen uu sharci darro ku noqonayo. Weli DFKMG ma shaacin in ay tahay in markale la soo bilaabo qoritaanka Dastuur ay yeelato Xukuumadda FKMG, mar haddii madaxweynaha DFKMG uu guddigaas sharci darro ku tilmaamay.

  • Hoos ka akhri warka  ay faafisay DFKMG ayadoo soo xiganaysey warbaahinta Itoobiya iyo warkii ENA oo English ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’isal wasaaraha Ethiopia.

Addiss-ababa, (TFG,ENA): Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa kulan kula qaatay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia magaalada Addiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Sh. Shariif iyo Males ayaa wadahadaladooda waxaa ay diirada ku saareen arrimaha Soomaaliya.

Labada Masuul ayaa sidoo kale ay wadahadaladooda iskula soo qaaday arrinta magacaabida Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la magacaabayo, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibada.

Ra’isal wasaare Males ayaa soo jeediyay in Ra’isal wasaaraha cusub ee la dooranayo uu noqdo mid badali kara kii hore islamarkaana uu noqdo shaqsi ay doonayaan dhamaan dhinacyada kale.

Ra’isal wasaare Male ayaa sidoo kale tilmaamay in magacaabida Ra’isal wasaaraha cusub ay keeni karto in ay meesha ka baxdo dhibaatooyinka ay wadaan kooxda Al shabaab, islamarkaana ay sahli doonto in ay doorasho ka dhacda dalka.

Madaxweyne shariif ayaa isna dhiniciisa sheegay in uu ku daddaali doono in uu soo magacaabi lahaa Ra’isal wasaare cusub oo ay ku qanci doonaan dhamaan dhinacyada kale, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay wadajir ah ula shaqeyn doonto wadamada Xubnaha ka ah IGAD, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.

  • Warka waxaa faafisay DFKMG, warkii ENA hoos ka akhri.

Meles Holds Talks with Somali TFG President

Addis Ababa, September 29, 2010 (Addis Ababa) – Prime Minister Meles Zenawi met and held talks here on Wednesday with the President Federal Transitional Government (TFG) of Somalia, Skeik Sherrif Sheik Ahmed.

Meles and Sheik Sherrif’s talks delt on prevailing situation in Somalia.

The talks centered on the new Prime Minister of Somalia to be elected soon according to a Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs

Prime Minister Meles said on the occasion that the Prime Minister to be elected who will replace the former Prime Minister of the country should be a person who can have acceptance by all sides.

Pointing out that the election of the new Prime Minister would help stop the unsolicited pressure being exerted by Alshabab, Meles stressed the need to hold the election soon.

The President said on his part that his exerting efforts towards the election of the Prime Minister who can be accepted by all sides.

He also said Somalia would work jointly with IGAD member countries and of African Union and the international community.

T-7:09-9:31 PM

E-11 minutes

—END—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Zenawi oo Sheikh Shariif kala hadlay si degdeg ah in uu usoo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub ee DFKMG "

  1. abdulaziz says:

    scw
    waan salaamayaa dhamaan soomalida samaha jecel iyo qaran nimada
    waxaan aad ula yaabaa marka laga hadlayo arimiha soomaliya
    dhaqanka dadka ku qaraabta magaca somalida ee na hortaagnaa 40 sano ee la soo dhaafay
    dad keenuna uma bislaan inay is ka daayan adeecida sanamka loo yaqaan qabiilaka
    waxaa run ah in la heli doono in sha,alaahu shaqsiyad ku shaqaysa qaran nimo iyo cadaalad sinaan ala kacab sasho
    somalitalk guul waa astaantii qaranimadeena

  2. Osman says:

    Raiisulwasare ninka Somalia u noqonaya ayaa itoobiya,jabuuti,mareekan iyo rer yurub lagu kala qancinayaa ??????????????????
    kuwooda yaa lagu qanciyey.
    Kolley lax waliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa dulli annagaa doorannay.hunguri been hawaas jago ah iyo huhaa qabiilna shaqo ka dhigannay.
    Aqoonyahankeni annagaa bah dilnay oo marki dambe ku qasabnay inuu qabqable karraani u noqdo.
    culimadeenni annagaa bahdilnay oo ku qasabnay carrur yar inay caacaayaan.
    ganacsatdeenni annaga bahdilanay oo irrid walba dhac iyo canshuur aan waxba lagu qabanayn iyo duqayn suuqiisi ku kallifnay inuu dawlado shisheeye garab rarato uga ganacsado maalin walabana lagu gubo dukaamadooda.
    Runta markaan isu sheegno qabaail kala deggan oo islaaya ayaannu asa;lkeeni ahayn tii umabaana mar walaba isugu biyo shubanaynaa no matter si kasta oo la isugu dayo in qaran jira oo dunida la jaan qaada lanooga dhigo.Tusaale waxa kuugu filan dawlad kasta oo dalka laga dhiso waxaa daba yaaca oo ou nacam leeya qabiilka ay ka dhasheen madaxweynaha iyo raiisulwasaaraha.waxaana dawaldda ugu mucaaradsan qabiilka ay awakl aano ama is nacayb ka dhaxayn jirtey reerka ay ka dhasheen labadaas nin.
    bal haddana tijaabada ku celi oo kala beddel labada element ee madaxwynaha iyo raiisul wasaraha kana soo dhig kuwi ugu necbaa dawladda waxaad arkaysaa subaxaas kuwi ugu taageerada badnaa dawaldda in ay ugu neceb yihiin.yaab badanaa.
    waxa kale oo nasiib darro a marki debedaha la yimid oo duni cusub oo loo siman yahay la yimid annaguna aan minority aad uayr oo indho go’an ah halki aan Somalinimo ku shaqayn lahayn kaayaga jabuuti ka yimid ,kii kenya ka yimid kii itoobiya ka yimid iyo kii koonfur iyo somaliland ka yimid oo aan ku fekeri alhayn iskuullo carrurta soo saara hanti iyo dhaqaale,caafimaad iyo dhaqaatiir fiican sidi dadka loogu heli lahaa oo nolol cusub oo la qabsan karta meesha lagu nool yahay loogana wacyi gelin laha bulshada khataraha ku duugan meelaha ay u soo gureen ee calamka .
    sheekadeenni waxay noqotey jaaliyaadda reer hebel ayaa shirey oo baaq kusoo sarey inay dawladda ku meel gaarka kala noqdeen taageeradoodi kaddib marki habel jagadii laga qaaday.alla caloolxumo weynee!!
    waxa iigu yaab badnayd hal xaflad oo la yiri Somali haku muujiso midnimadeeda ooha dhigato in dadki ay u kala jebisay intaas oo firqo oo qabiil qabiil la isu layn gaarey.kaddib dhawr xafladood oo isla xafladdi ah la qabtey.
    Waa meeshaas meesha lanaka ilbaadsadey oo dullinimada naloo baday.waxanse ku rajo weynahay in maalin uun ay noo kici doonaan wiilal aan dan iyo aabi ka lahayn qabiilka ay kala yihiin iyo dano danayste iyo qabqable oo mideeya dalkaan difaaca sharafteenna,qarannimadeena iyo diinteennaba.soona celiya muwaadin somaliyeed oo cisi ku jooga dunida xornimana uga ganacsada ugu socdaala ugana shaqaysta.

  3. ahmed says:

    asc waxaan dhihi lahaa somalida meesha looga taliyo ayaa ah wadanka ethoipia waa in lagala taliyaa wax kasta oo ay sameynayaa somalida ha ahaado madaxweyne ama ha noqoto resalwasare ileen ayaga ayaa noqon wayay dad isku xiran

  4. mohamed says:

    asc.waxaan halkan ka salaamyaa dhaman umada somaliyeed mel kasta oo ay joogaan,salaan ka bacdi wax la sheegaahi ma harin,hadana afak naga ayaa iska qoyan oo wax un baanu sheegaynaa marka waxaan oran lahaa haku waato xiligiisa madaxweynuhu, waa madaxweyne gacan ku jira.

  5. kamaal says:

    Sheekh shariif waxuu ku mash-quulsan yahay inuu koofiyad idinkana waxaad ka hadlaysaan inuu wadan maamulo..
    sheekh shariif waa qofka aduunka ugu jaahilsan ee madaxwayne sheegta..Waa run in alla ha u naxariistee uusan MAXAMED SIYAAD WALIGII TAGIN ADDID ABAB oo ay ku taalo xarunta Igad. inuu loo diri jiray mareeye ama qof ka soo hooseeya…Maxamed siyaad waa iskala waynaa inuu tago Amxaar af-uraaye meel uu joogo…maantana WIXII KA SOO HORJEEDAY WAXAY JILBAHA HAYSTAAN MELEZ ZANAAWI…SSDF,SNM,USC,..Taas waxay kuu sheegaysaa in Amxaaro niman ay soo korisay oo aan wadanka inay wax ka badaal rabin lakiin reer ama jeebkiisa U shaqaysanaayay ay wadanka gacanta u galeen.

  6. cali aadan says:

    somalia waxay gacanta u gashay cadawgeedii masiirkeediian waxaa ka talinaya ethiopia oo cadawaad dheer kala dhaxaysay waxaana arrintaas sababa u ah hogaamiyaal aan wadini ahayn oo un eegaya oo kaliya maslaxadooda

  7. Osman says:

    Somalia dagaalki sokeeye lagu riday xukuumaddi Siyaad barre kaddib wixi dawlado ahaa ee soo marey dhamaan waxa lagu soo dhisay shirweyne ay maal gelinaysay beesha caalmku ayna uga hooseeyeen ururrada Iigad oo ay horboodayso itoobiya iyo midaowga afrika oo xaruntiisu tahay addis.
    Maalgelinta somalia dawladdeedu ku socotaa waxa bixiya dawladaha caalmka welina somalia kama dhalan dawlad cagaheeda isku taagta taageero buuxdana ka haysata shacabkeeda lehna ciidan ayadu ay mushaar siiso oo ilaalaiya nidaamka iyo kala dambeynta dalka.
    Haddaba qof aan isagu haysan dhaqaale uu isku meel mariyo,haysan taagero buuxda ee dadkiisa.lahayn ciidan ku filan oo uu wax ku meel mariyo iskuna ilaaliyo waa ku qasbanyahay wixi loogu taliyo inuu yeelo.
    Waad i dhihi kareysaan muu haddaba meesha isaga tago muxuu ka qabanayaa? jawaabtu waa maxay macno ah oo sameeynaysaa kategidda hebel haddi hebello farabadan ay diyaar u yihiin inay beddelaan.
    Calaacal wax ma taree aan ismaqal yeelanno oo wixi aannu isku khilaafsannahay dhaamantteen kuwa mucaaradka sheeganaya iyo kuwa dawladda sheeganayaba ka wada hadalno kadibna cududdeenna iyo caqligeenna mmel isugu geeyno maalinkaas ayaan xornimadeenna,sharafteenna iyo qarannimadeennaba hana karnaa.laakiin marka ninna buuraha asiya laga hagayo midna addis iyo amerika laga hagayo midna qabiil hagayo midna jeebiisu hagayo oo dhuuni u joog yahay walle tani waa yartahay ee wax kasii fool xunna wa u joogi doonnaa haddan ilaahay naga badbaadin.

  8. faysal says:

    feysal
    aniga waxey ilatahay soomaaliya in ay san heleyn madax wax hogaamisa sidaas dardeed waxaan u baahanahay 30 sano oo maamulka nalooqabto si ay nooga baxdo qabyaalada iwm waayo hada somalida ma u muuqato kuwo dalkooda wax uqaban karo waxa ay qabankaraan uun waa in uu qofba qofka kale wax ka sheego oo kaliya.

  9. waagii m s barre shirarkii muhiimka ahaa midowga afrika laguna qaban jiray addis ababa soomaaliya waxay u dirsan jirtay wafdi heer hoosaad ah colaadda labada dal aawgii maantase nasiib darro shariif wuxuu la tashi u aaday addis qurun waa arrin foolxumo xambaarsan ma xishoode shariif afguduud ilaahay ku cadaab

  10. cawaale says:

    AS WR WB,

    Waxaan aad uga xumahay in Shariif uu la tashiyo kala sameeyo Meles cida uu jecel yahay inii raisul wasaare ka noqdo soomaliya, waa wax aan u cuntamin dadka soomaaliyeed, mana aha sharaf, markaa waxaan kula talinayaa shariif inuu go’aan adag qaato sida markii uu ahaa hogaamiyaha maxkamadaha ee uu ku baaqay in dagaal lagu qaado Ithopia, Waxa shariif u haray wax ka yar sanad inuu xukunka hayo sidii loogu akhriyay warqada Spain, markaa shariif go,aan qaado maadaama uu xukunkii kaa dhamaaday, oo ku biir shabaab raalina geli, ama wadanka iskaga dhoof oo aad Adis ababa si aad ugu noolaatid waayo waxaad ku shaqaynaysaa sida u Males ku faro, (Allow Soomaali ka qabo kuwa aan garashada lahayn),

    Dahir

  11. Xassan Yare says:

    Dadka Jawaabta faalada qoraya waxaan rabaa in aan u sheego in aay kawar
    sugaan inta uu soo dooranayo Raisul-wasaare.
    Waxaa dhicikarta in uu helo qof Ilaahey ku aadiyay oo lagu nasto,
    Dhibaatadana ka badbaadiya ummaddan rafaadsan.
    Hadda Shariifku waa kaligiis, wax yar baana u harsan, Intaas u harsan Ilaahey ha noo keeno Qof sii gaarsiiya si nabadi kui jirto.
    Faale fool xun oo laga sii bixiyo qofkii oo aan wali la magacaabin, lana oqoonin waa nasiib darro. Soomaaliyeey wax iskula hara. Waa la daalay
    ee isqabqabsiga faraha badan joojiya.

  12. Magan says:

    Waad mahad san tihiin somalitalk intaa ka dib. Anigu waxaan oran lahaa
    Maanta ma joogto inaan farta isku fiiqfiiqno {haddii gacantaadu godkaa gasho waa inaad ku daddashaa sida ugu fudud inaad godka ugala soo baxdo hadaad xoo kula soo bax is tiraahdana waxaa laga yaabaa inay kaa go’daba}
    Haddaba maanta waa iska cadahay in somaliya aynan gacan ku jirin waayo 1991 kasoo bilaw illaa maanta ayaa somalidu iyaga gacantooda ay isku baabi’naayeen illaa iyo maanta oo2010 la maraayo waxa meel walba ku dhimanaayo waa dadkeenii . haddaba waxa waxaas ugu wacane waa qabiil haddii shiikh shriif qabiilkiisu aysan ku garab taagnayn inuu ethiopia u talo doonto ma aadi lahayn mana dhici lahayn in AMISOM ay gumaado maalin walba shacabka . hadaba adeerayaal aan iska dayno riwaayada wadanka somaliya ilama aha inuu gacan ku jiro .

  13. khadar says:

    Fiiro Gaara Dhamaan waad salaamantihiin Qurayaash : Dawlada soomaali itobiya : Iyo dawlada shiikh shariif: dawlada soomlida itoobiya waxaa lagarida madaxwayna ha 2009:2010 waxaa loodoortay labamdax wayne Midi waa Daauud midna Waakan hadahaysta Maxamed : Aan udago dawlada soomaliya loodhiso iyo ta aan kasoo sheekeeyay waa isku mid isku meel ayaa laga dhisaa lagana dumiyaa 2008:2010 waxaa loodhisyay : Nuurcade iyo Gacma dheere iyo Cumar c/rashiid iyo goonjeex 6iyo kan la soowado maxay markaa kukaladuwanyihiin taa Jigjiga iyo Taa Muqsho waxaa ladhihi karaa taa jigjiga ayaa dhaanta sawaxay isu taqaanaa inlagumasayto iyo inlootaliyo ayay iso taqaana waxa ayhesho way cuntaa wax ay waydana way kasamraan markaa soomaalida muqdish mana samraan waxna macunaan ; mahmaah soomilya oo ah: ana kuma cuno insi kuma cuno jina kuma cuno ala idankii adna hays cunin: sidaa weeye soomaalido oo dhan markaa ala hainoo sahlo

  14. khadar says:

    salaamulaah bacda salaan waxaad fiirisaan siyaasda soomaali kinal fay iyo samaalya mumulka jigjiga :sanadkii waxaa loo dhisaa : 3 sadex madaxwayne midba midka kale caayayo :samaliya wasidaa labasano 5 shan raysal wasaare ayaa loodhisay mala iswaydiiyay wamaxay waa isku meel ayaa laga dhisaa lagana dumiyaa eesidaa hala ogaado

  15. Hadalka nuxurkiisu waa in Shariifku uu soo magacaabo nin ay Dawladaha dariska iyo reer galbeedku raali ka yihiin oo ka haysta kalsooni( Marka Zenawi leeyahay raysalwasaaruhu waa inuu noqdaa mid dhinacyada oo dhan qanciya waxa uu ka wadaa Itoobiya iyo saaxiibadeed) Waxaan ognahay in anaga Soomaali ah aanu nahay hal dhinac lakin dhinacyada oo dhan waxbaa ku jira. waligay ma maqal mana arag Shariif ka horow Madaxwayne dal oo wadatashi ugu tagaya wadan kale Raysalwasaaraha uu soo magaaabayo. nasiib xumo weynaa

  16. cabdikafi says:

    kadib markan darsay fiiriyeyna xaladda somaliya waxa ii muqday in sharif uu san lahayn wax fiiro siyaasaded iyo mid dhaqan dhaqale, kaliya wa in doonaya in uu kumushaxo magaca dadka(somalida) ay kahartay waxa yarka laguna gumaday gacantisa, intas kadib waxan kulatalinaya in sharifku inta goor goortahay in uu raadsado meshii uu kunoolanlaha kuna cunilaha wixii dhaqale aha ee dalalka dibindaabyada laga soo qaatay(America,and europe) .

  17. Shariif sababta uu u aaday itoobiya waa in uu meles waydiiya in uu soo diyaariyay ruuxii u magaacaabi lahaa raiisul wasaraha kalinka 6aad ee dhulkii la oran jiray Soomaaliya . “ilaahow u gar gaar Soomaaliwayn”