Home » Warar »

Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, Documentary dhamaystiran

Sh. Abdulqadir Nur Farah

Documentary-gan qaybo kamid ah horaa loo daabacay, hadase waa markii ugu horaysay oo isagoo dhamaystiran la faafiyey, muhiimadiisa darteed ayaana keentay in markale la faafiyo, wuxuu sawir buuxa kaa siin  doonaa Caalimkii Sh. Abdulqaadir kumuu ahaa iyo faafinta dacwada Islaamka muxuu ugu fadhiyey.

Muuqaal taariikhan (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu kulahaa Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ahaa caalim si wayn looga yaqaanay geeska Afrika iyo Caalamkaba. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii loo dilay Sheikha, cidii dishay, sababtii loodilay iyo ehelka Sheikha oo arintaan markii ugu horaysay sharxaya.

Waxay ahayd goor aan Salaadii casar ka baxnay waxaan joogay magaalada Boosaaso, warxun wax ka dhakhso badan gabar ayaa markiiba isoo wacday markaasay igu tiri mamaqashay in Sh. Cabdulqaadir la dilay intaan is diidsiiyey, ayaan iri iikaadi, markiiba waxaan wacay Sh. Ahmed Cabdisamad oo aan ku ogaa Garoowe, igama qaban, waxaan ku xijiyey Sh. Cabdiqani Qorane, wuxuu iigu jawaabay Sh. Cabdulqaadir illaahay ha u naxariisto, isagoo salaad Casar kujira oo Masaajidka ku jira ayaa Madaxa laga toogtay, hadana maydkiisii ayaan korjoogaa.

Subxaanalaah, murugo badanaa, Salaad, Masaajid, Sheikhaas dada ah, fadliga uu ummada Soomaaliyeed ku leeyahayna aan nina ka qarsoonayn, tolow yaadilay, tolow maxaa loodilay, maxaa Masaajidka loogu dhexdilay, su’aalo aad u badan ayaa Maskaxdayda mashquuliyey.

Islama markiiba qofkasta oo soo gaari karay Garoowe meeshiisii ayuu kasoo dhaqaaqay, waxaana ceeryoontay Garoowe, Muuqaal taariikheedka ayaad ku arki doontaa meelihii laga yimid.

Qoraalakan waa hordhac kooban, insha allaah markale ayaan soo qori doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya safarkaygii Puntland iyo dhacdadii aan la kulmay.

Illaahay ayaa mahad dhamaanteed leh ii qadaray inaan fursad u helo inaan aruuriyo qayb kamid ah taariikhdii Sh. Cabdulqaadir, Muuqaal taariikheedna ka samayno kaalintii uu ku lahaa dacwada Salifiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya iyo wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

Muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, b)Barbaaridii Sheikha iyo waxbarashadiisii, t) Faafinta dacwada iyo bilowgii saxwada Soomaaliya iyo kaalintiisii, J) Waxqabadkiisii, Mawaaqiftiisii iyo marag fur dadkii yaqaanay, x) Sidii loo dilay, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo hadalkii ay ka yiraahdeen, qoyskii Sheikha, Culimmadii Soomaaliyeed iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Gabagabada Muuqaal taariikheed kana waxaad sawir buuxa ka qaadanaysaa sidii madashii la isugu yimid ahayd, aaskii Sheekha iyo qaar ka mid ah dardaarankii Sheikha.

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa tan illaahay kadib, dhamaan dadkii tirada badnaa ee ka qayb qaatay hirgalinta muuqaal taariikheedkan, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa qoyska Sheikha oo iyagoo marxalad adag ku jira naga ogolaaday inay dowrkooda ka qaataan M. Taariikheedkan. Somalitalk.com iyo halgan.net waan uga mahad celinayaa faafinta Muuqaal Taariikheed kan.

Qayb kamid ah muuqaal kan  waxay ka hadlaysaa Waxqabadkii Sheikha ee baaxada lahaa qaybada ka mid ah, markii aan raad raac kusamaynay waxqabadkii Sheikha waxaa muuqatay inaan lagu dabooli kari waqtigaan kooban sidaas daraadeed waxaan kasoo qaadanaynaa intaan ka gaaray.

Sheikha waxqabad kiisa kuma koobnayn dacwada oo kaliya ee wuxuu ahaa mid isu dheeli tiran, oo daboolaya dhinacyo badan, haday ahaan lahayd dhinaca Waxbarasha, gurmadka iyo gargaarka banii’aadanimo, caafimaadka, dadka dhimirka ka xanuunsan, siyaasada, nabadaynta iyo qaybaha kale ee arimaha bulshada.

Waxaa kaloo  looga hadlayaa doorkii uu kulahaa aas aasida xarakaad ka Islaamka ee Soomaaliya ka hirgalay.

Waxaad baran doontaa markaad filimkaan dhamaysato kumuu ahaa Sh. Abdulqaadir, Sidoo kale waxaad ka garaabi doontaa dilkii Sheikha ka dib sidii dunidii laga yaqaanay Sheikha halmar isula kacayday murugo iyo caro wada socota, taasoo qiraysa fadliga uu Sheikhu ummadaan ku dhexlahaa.

Sidoo kale waxaad ku xasuusanaysaa xadiiskii Nabiga (scw)

((إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ ))
[البخاري عن أبي هريرة]

“Illaahay markuu jeclaado adoon wuxuu u yeeraa Jibriil, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow, wuuna jeclaadaa jibriil, wuxuuna u dhawaaqaa sammada ahalkeeda, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada, wayna jeclaadaan sammada cida kusugan, markaa kadibna dhulka ayaa loo dhigaa qubuul (aqbalaad)

Waxaan u rajaynaynaa Sheikha dadkaas inuu ku jiro, illaahay isaga iyo anagaba hanagu daro.

Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye. talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, Documentary dhamaystiran "

  1. B. Diini says:

    Waxay ahayd maalin murugo badan ku beertay  guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ducaadda ah  ee ka shaqeyneynayay fidinta iyo baridda dhaqanka suuban  ee Diinteena daahirka  (Islaamka ) ah ee uu Alle ku manaystay Umadda Muslimiinta ah oo ay ku jiraan Shacabka Soomaaliyeed.

    Shiekha iyo Ducaada lamid ah qeyr badan iyo ajir aan la soo koobi karin ha siiyee waa kuwa horseedka u ah in umadda soomaaliyeed u iftiimayaan, baraana diinta islaamka..

    Ma suuroobeyso qof Muslim, mumin Alle yaqaan ah inuu ku kaco fal noocaan oo kale ah kaasi oo lagu daminaayo iftiinka iimaanka iyo islaamka.

    Dadka dhibka u geysanay culimadda waa jaahiliin aan ogeyn waxa ay sameeynayaan balse waxaa laga yaba ineysan ba ogeyn cida ay sida dad ban ugu adeegayaan.

    Alle ha tuso wadda xaqa ah kuwa Dilaya culimadda iyo ducaadda. Alle ha hanuuniyo hanaka sa saaro fikirka qaldan oo ay sida lama filaanka ah ku xambaareen.  Falalka arxan daradda ah ee ka dhanka Ducaadda waxaa loo baahan yahay in si hoose ay shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan sababta rasmiga ah ee ka dambeyso.  Waxaa suuro gal iney dalka ku jiraan Dad ay Diwladdo kale keensadeen loona soo tababarey iney Soomaaliya indha ka tuuraan. Sababtoo ah qofka dacwadda ka shaqeynayo waa uu umadda u haya howl weyn…
    DILALKA noocaan  iyo kuwo lamid ah ba waxay noqon karaan, waxa loo yaqaano Dagaalka qabow. Ama dagaalka qarsoon. Kaasi oo aan la arki karin Actors ka ama jilaayashasha ciyaarta. balse wiil soomaali ah ee aan waxba ogeyn ama caqli ku filan heysan, si qaldan inta loogu mar habaabiyo oo dilo Wadaad caalim ah oo Umaddoo dhan ay jeceshahay…Waa ayaan darro iyo Nus.

    umadda Soomaliyeed waxay ahayd in cashir ka bartaan dhibatooyinka iyo musoobooyinka noocaan oo kale, waxay ahayd in dhalinyaradda laga bad baadsho halaaga ay u horseedayan dalka iyo dadka soomaliyeed..

    Waxa ugu fudud ee laga baran karo arintaani waa in Siyaasad fiican oo NADIIF AH ay yeelato Soomaaaliya, gaar ahaan Xiriirka Caalamiga ah. Sababtoo ah Dalka marxaladihii kala duwana ee uu soo maray, waxaa ku baxay iyadoo aan la ogeyn, tirakoob rasmi ahna laga heysan Dad badan oo qiimo iyo maamus fiican ku dhex lahaa Shacabka Soomaliyeed, balse aysan jirin cid ( dowlad,hayad,urur ) iska xilsaartay in si fiican loo ogaado sababta loo dilaayo ducaadda iyo dadka diinta u shaqeynaayo, yaase ka dambeeyo..

    Xal ka ugu weyn ee mustaqbal waa in  xal waara loo hela, waxa loo yaqaano “Data Drain”

    Data drain waxaa la yiraah Xog guuris ama xogta wadanka,shacabka oo guurto. Taasi oo gacan u gasha ama masuul ka moqdaan Dowladdo kale. Taasi oo laga yaabo iney mararka qaar dhacdo iney ku faraxsaneyn siyaasadda iyo Nidaamyadda ka jira wadankaasi.  XOGTA WADANKA waa iney taala wadanka gudihiisa, tusaale ( facebook).
    Waa social network oo ay ku xiraaraan dadweynaha caalamka. Shirkadaani waxa ay xogta ku keydisaa waxa loo yaqaan ‘Datawarehouse’  data warhousekaas waxaa ka kaluumeysto dowladdo faro badan, waxa ayna ku xiran tahay waxa ay dowladdu rabto iney qabato. Ka waran haddii data warehouse-yadaasi- xog kasta oo qof somali ah leeyahay ay gacanta ku hayaan shirkaddo aam Soomaali ahayn, ayna suuro gal tahay sida dhacdo ineyba kugu diin ahayn, ayna jecleyndiinta islaamka ah ama dadka muslimiinta. Shurkadaasi haduusan qof soomali ah ama muslim ah kamid ahayn shaqaalaheeda ma is leedadahay xogta ay ka heyso dadweynaha dunidda. Waxaa xaqiiqo ah iney xogahaasi ay xagal daacis ku sameyneyso. Ayna fudud tahay ineu gacan qaldan gasho. Taasi way dhacdey. Weyna dhaceysa hadii aan umadda Soomaaliyeed hada aysan firkirin kana maarmin shirkadaha ( coprationka kala ah : google,facebook,watsapp,viper,microsoft iyo apple ) badeecadda ay shirkadahaani soo saaraan waa badeeco already la soo dagaal geliyey. Dadka isticmaalo aqoon badan uma laha, inta ay kala socdaa waa inya yar ee xaysiiska oo ay ka maqleen idaacadaha iyo websitryadda. Balse qorsha rasmiga ah waa uu ka duwan yahay midkaasi. Waa badeeco loo sameystay in lagu xado xogta dadweynaha caalamka. SOOMAALIDA waa iney ogaadaan. Waa in la helaa ururo soomaali ah ama Looyaro shacabka u sheego technoliyga. Cusub ee duniadda ku soo siyaadey isticmalkoda iyo sababta ka dameyso badercadda. Tusaale hadii ay badeecadaasi leedahay ama uu lee yahay nin yahuudi ma isticmaaleysaa adigoo heli karo mud qof muslim ah uu wato. Jawaabta waxaa waaye Maya
     Qofka muslimka waa inuu wax ka gataa marka hore qof kale ee muslika ah. Ka hor NINKA yahuudiga ah. Sababtoo ah qofka yahuudiga waa u sahlan inuu ku qoyaano, waxaa ugu wacan waa kala duwanaashaha Diinta. Marka soomaaliyeey arinta dunidda ka socoto maanta wacyi badan kama heysano. Ee waa inan helna dad inaga wakiil ah oo bartey cilmiga tiknologyga kuwaasi oo u fududeeyo sgacabka Dulman ee Soomaaliyeed ee maalinkasta midka wax galka ah ama ku jira shaqadda u haayo shacabka sida arxandaradda ah loogi dhex dilaayo goobaha cibaadda.

    Haddii aydnaan hada ogeyn maalin ama mar aan dhaweyn ayaa ogaan doontaan – goortaasina waa mar Xeero iyo fan dhaal ay kala dhaceen- waa waqti midka wax qaban karo uusan jirin.

    Hadda inta fursadda la heysto- waa in laga fiirsadaa weliba si taxadar badani ku jiro BADEECOOYINKA TIKNOLOGYGA laga keeno dalka mareykanka gaar ahaan computeradda, laptopyada iyo mobileada..qarnigaani aan ku jirno intoodda badani waxay isku bedeleen monitoring device. Allad laga xado,ogaado,lagala socdo Isticmaalaha.

    Soomaalida waxa looga baahan yahay iney dib u helaan Xogta nuwaadinka, xogtaasina ay noqotaa mid wadanka taalo ayna masuul ka tahay shirkad wadani ah, haddii aan si kale idin kugu sheego – Datawarehouse- halaga dhuso dalka, sidoo kale ha lagu dhiiro gwliyo shirkadaha wadanka joogo iney sidoo kale masuul iska saraan in Dalka laga hurgeliyo social networks, xogtiisa xogta lagu keydiyana ( data warehouse) kaaso uu yaalo DALKA SOOMAALIYA. Waa waajib qof kastoo masuul Soomaali ah saaran in Xal waara laga Gaaro waxa loo yaqaan DATA DRAIN, oo ah xogta wadanka oo guurta ama loo raro wadamo kale…Waa lug kamid lugihii uu wadanka ku taagna ama kaabayashii uu laha dalka oo bur burey, balse aan weli lahelin cid ka shaqeyso in dalka xogtiisa  loo soo celiyo dalka. Si kale hadaan u iraahdo wa in Data warouse ka uu ku Yaalo Dalka Soomaliya. Taasi waxay u noqoneysa umadda soomaaliyeed Badbaado Qaran. Iyo in jiritaanka umaddnimo aysan Mugdi gelin. MAR haddii aqoonyahankeedii, ingineerkeedi iyo culamadeedii la dilaayo, cida disheyna iyo Sababtuna aynan Dhamanteen ( Soomaalidda ) aqoon. Ma Jahli ka xun baa jiro. Waa Maya.

    Waa inaan si qoto dheer leh isaga eegna, gudi quburo Soonaali ah oo ku taqasuusey dhanka Tiknologydana loo xil saaraa xalinta Data drainka- uu dalka cagaha kula jiro, taasi oo mararka qaar ka xun Drought ka ama Abaarta…

    Hal app (wattsap) iyo wixii lamid ah, oo aad moobilka ku shubto waxa uu ka awood badan yahay mobile ka aad isticmaaleyso-  shirkadaasi waxay adigoon ogeyn kagala baxeysaa Mobile kaaga, dhamaan wixii sawiro,contacs iyo document ah oo aad ku keydisyo mobile kaaga. Bal ka waran haddii xogtaaasi si shaci darro ah oo joogto ah ay u Quudaneyso Mosad ama hey ada sirdoonka Yahuudda..

    GUNAANADKII – SOOMAALIDA WAXAY KU MAAH MAAHDAA NIN ADUUN JOOGOO MAXAA ARAGTI KUU LAABAN –  waxay ila tahay waxaa la joogaa waqtigii aan xalin lahayn ama xil isaga saari lahayn Soo celinta xogta Umadda Soomaaliyeed.

    Shiekh cqaadir iyo culimadda kale ee Soomaaliyeed ee dhimatay Naxariisti janno Alle ha siiyo.. aamiin yaa rabi.
    Waad mahadsan tihiin