Home » Faallo, Warar »

Maxaad kala socotaa xaalada Badda Soomaaliya Oo xiligan ay ku wajahan yihin khatara Muuqda iyo kuwa Qarsoonba Q-3aad

waraysiga qaybtan 3-aad ayaa ka hadlaysa xogta rasmiga ah ee Madaxwayne Xasan Sheikh gudbiyey, kuna saabsan xadaynta badda. Xogtaan waxaa markale lagu daray in muranbaddeed uu ka dhaxeeyo anaga iyo Kenya.

Waraysiga Xasan Dhooye oo faah faahsan dhagayso Guji

Madaxwayne Xasan Sheikh oo markale Muran baddeed kii Soomaaliya iyo Kenya soo celiyey.

Qayb ka mid ah xogtuu gudbiyeyna waxaa ku qoraa sidan;

page 9.”The unresolved issue of delimitation of the continental shelf between the Federal Republic of Somalia and the Republic of Kenya is to be regarded as a “maritime dispute”

Tarjumaaduna waxay noqonaysaa. boga9-aad.

“Arinta aan laxalin ee calaamadinta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriya Fedaraalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Kenya, waxaa loo eegayaa, “Muran baddeed”

Sidoo kale waxay u qornayd sidan; qaar kamid tuduc isla boga 9-aad ku qornayd. Markale xasuusnaada waxaan ka hadlaynaa xogta rasmiga ah ee xadka qalfoofka qaaradda ee badda Soomaaliye ee Madaxwayne Xasan Sheikh u gudbiyey Qarammada Midoobay July 21, 2014.

The present submission by the Federal Republic of Somalia includes the areas under dispute between the two coastal States. Somalia is Ready to enter into consultation with Republic of Kenya with a view to reaching an agreement or understanding which will allow the Commission to consider and make recommendations on submissions by each of the tow coastal states in the areas under dispute…. ”

Tarjumaaduna waxay noqonaysaa.boga 9-aad

“Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya akhbaarta ay hadda gudbisay waxaa ku jira aaga ay ku muran san yihiin labada wadan ee xeebta. Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho Jamhuuriyada Kenya taasoo ah aragti ku aadan in lagaaro heshiis ama is-faham kasoo u ogolaanaya gudiga (gudiga xadaynta baddaha) inay tixgaliyaan sameeyaana talooyin ku aaddan gudbisashada mid kasta oo ka mid ah labada wadan ee xeebta (Kenya iyo Somalia) ee la xiriirta aaga lagu muransanyahay…”

Qoraalku waa dheeryahay markale ayaan si faah faahsan uga hadli doonaa insha allaah.

Qoraalkii Is-Afgarada ka ee Kenya lala galay

Qaar kamid ah qoraalkii hore ee Is-fahamkii la diiday aan dib u yar jaleecno aana isu fiirino si ay inoogu cadaato waraysigu arinta uu ka hadlayo, iyo siday isku mid u yihiin qoaalkii ladiiday iyo kan hada lagudbiyey. waxaa ka mid ahaa Isfam MOU-gii iyo xogtii lagu xareeyey oo horay loodiiday sidan”;

“Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”). Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED”. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.”

Qaybkale kale oo isla heshiiskii isfahka ee ladiiday.

“Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Guddiga”), marka Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira.”

Sidoo kale waraysigan ayaa ka hadlaya in Madaxwayne Xasan noqday madaxwanihii ugu horeeyey ee yiraahda badda Soomaliyaa waa Exclusive Economic Zone,EEZ. (Aaga gaarka ah ee dhaqaalaha) Dhulbadeedkii Soomaaliya mulkiga u lahayd-na ka dhigay 12 mayl baddeed.

Waxaa kale oo waraysigaan faah faahinayaa Sharciyadii badda Soomaaliya gaar ahaan, Sharciga Law. 37 oo soo baxay 1972.

Waraysiga oo aad uga bogayn doonto xog badan oo ka mid ah khartarta badda Soomaaliyeed hada ku wajahantahay. Waraysigan waxaa qaaday idaacada danan oo ka howl gasha Magaalada Muqdisho, aalaabana xil iska saarta arimaha badda Soomaaliya la xiriirta.

Waraysiga Xasan Dhooye oo faah faahsan dhagayso Guji

Hassan Dhhoye

Faafin Somalitalk

Xog dheeri iyo tixraac:

Halkan ka akhriso Xogta soo noolaynaysa Muran baddeed kii oo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyey  Qarammada Midoobay July 21, 2014

Halkaan ka akhriso Heshiikhii Isafgarad ama MOU badda Soomaaliya dhaxal wareejinayey

Halkaan ka akhriso Go’aankii  Golihii Wasiirada ee xiligii Dowladii Raysal wasaare  Saacid

Halkaan ka akhri Go’aankii Taariikhiga ahaa ee Baarlamaanka Kumeel gaarka Soomaaliyeed waxba kama jiraan kaga dhigay heshiiskii isfamka Kenya ay la gashay Dowladii Cumar Cabdirashiid

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.