Home » Warar »

Prof. Jawaari oo u dhoofay Norway

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Jimacadii u dhoofay dalka Norway.

Waftiga jawaari waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka laabaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
image
Intii uusan Muqdisho ka dhoofin, Jawaari oo ka hadlay safarkiisa waxa uu yiri “Waxaan u amba baxayaa shir sanadle ah oo ay caalamka iyo Scandinavian-ka ay isugu imaanayaan, sanadkastana waxaa looga hadlaa arrimo gaar ah, balse sanadkaan waxaa lagu fala qeyn doonaa dhismaha Dimoqraadiyadda, waxaana si gaar ah Aniga iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Norway shirka ku ah marti sharaf, waxaana u bandhigi doonaa wixii horumar ah ee la gaaray, si dalkaan loo gaarsiiyo 2016-ka bartilmaameedka la hiigsanayo oo ah hanaan doorasho oo xor ah” waa sida ay kasoo xigatey idaacadda ku hadasha afka DFS.

Booqashadii tan ka horeysey ee wafti uu hoggaaminayey Pro. jawaari ay ka tageen Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, waxaa si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsan xeer ay Norway u diyaarisay in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37. HalkanAkhri

Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax galay toddobaadkan July 22, 2014, ayaa waxaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud uu qoraal kusaabsan badda Soomaaliya u gudbiyey Qaramada Midoobay, qoraalkaas oo ay ku caddahay in ay diyaarisay Norway, gebi ahaana kharashkii diyaarinta xogtaas ay bixisay Norway… akhriHalkan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Prof. Jawaari oo u dhoofay Norway "

  1. guulaysta guulaystayaaloow

    waa arin aad ukhatar ah, waxayna cadaynaysaa inaan waxwalbaa iibkayihiin soomaaliya nasiib darro.. hayeeshee kuwa maseexdayaal ah baa ujooga dalka iyo dadka oo ay kamidyihiin somalitalk waana ku mahadsanyihin..arinta kale dhul iyo bad aysan raali ka ahayn shacabkeena sharafta leh masoconayso

  2. Muna says:

    Somali talk aad baad u mahadsan tihiin.Bilad geesi baad mudan tihiin Alle ha idin xiftiyo idinka iyo muwaadiniinta soomaaliyeed oo dhan. Aad baan uga xumahay muwaadin waa nagu yar yahay balse 5% baa ilaa wali nool, kuwaas baa mar kasta i dhiira galiya. Jawaari shaki kuma jiro in uu arintaan badda u aadayo Norway waayo inagu Scandinevia ma nihin, hadii shirkii sanadlaha ahaa ee Scandinevia furmayo inaga maxaa inooga gidiish ah ma Europe baan daganahay? Waxaan dhihi lahaa Jawaari iyo kuwa la mid ahba Ilaahay ka cabsada, oo aduunkaan abid kuma noolaanaysaan lacagna wax idin tari maaysee Kitaabka Alle ee aad ku dhaarateen ka cabsada. Waxaan oran lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed (NFD, Ogaadenya, Djibuti, Somaliland, Puntland, Muqadisho land, jubaland , baay land) meel kasta oo aad joogtaan intiina caqliga lahoow kaca, oo manta soomaalinimada ku hiiliya. Arintaan isku meel ha looga soo jeedsado. Waa in aan baddena bad baadinaa Alle na barinaa.

  3. M osman goodir says:

    Waan ka xumahay in qof somali ah ka shayo arintan
    Waa in la gurmadaa

    Noo Sheega maxaan qabnaa dadkasomaliyeed haddii aan nahay

    Waxaa umahad celinayaa dadka u dadaalaya wadanka somaliya iyo dadkiisa

  4. Ahmed says:

    waxaa ammaan mudan wadaniyiinta mar walba u taagan inay il feejigan wadankooda ku ilaaliyaan qatar walba oo ay dareemaana gabbosho la’aan ka digaya(sida :somalitalk)-allaah ha idin dhowro.
    kollay norway waa cadaha maslaxad soomaaliyeed uma ordayso,kenyana wayba haddaysatay .
    innaga soomaali ah(inta soomaalinimadu damqayso) iyo baarlamaankeena waa inaan si cad uga hornimaadno ,warqadaha rag muraad lihi maalin walba cadowga soomaaliyeed u qorayaan,baarlamaanku waa awoodaaye mar kale ha kaco oo sharcigii badda soomaaliyeed ee 1972 dii ha soo nooleeyo ,sharci dastuuri ahna ha ka dhigo si aan mar dambe loogu hunguriyoon.
    soomaali ha noolaato
    wadanigu ha jiro
    somalitalk waara geesuyaalow

  5. ascww waxaan ka xumahay sidaan ugu farxay habeenkii loo doortay baarlamaanka soomaaliya iyo halka aan maanta ka taaganahay.

    waxaan is lahaa waa waayo arag,in badan so joogay goob joogna u ahaa dawladdii siyaad barre iyo wixii dumiyay,wadka waa loo siman yahay lkn waxaan lahaa waa oday,xagga aakhiradana u sii dhawaanaya oo raba inuu wanaag kaga tago dunidan.

    waxaas oo dhan jawaari kuma hayo waxaana hadduu qoraal kayga arkayo aan dhahyaa hadalkii ay ku tiri gabadha aryadda ahayd ee reer putland ee wax ka baranaysay jaamacadda jigjiga ee uu la ooyay,kaas oo ahaa illaah baan kugu dhaarshaye cadaalad nagu haq ayadaa na deeqdee.

    badda soomaaliyana adaa leh oo soomali ahmasuulna ka ahe yaan cidla cadaw ka qaadan adoo jooga oo gudoomiye baarlamaan maanta ahe.

    xasuuso adoo aqoon lagugu tuhmayo wixii shariif sakiin diiday inaadan qaadan,waxaana anigu kugu tuhmayaa in norwey aad wax la wadi,haddi hadalkaygaas iyo tuhumadayu been tahay is caddee oo hayeelin in badayada la qaato.

    kenya waxay diiday in qaxooti soomaaliyeed hadda wixii kaanbeeya dalkeeda ku noolaado adiguna mawaxaad rabtaa in aad badayada siiso dadka ay soo cayrisey miyaad enya siinaysaa waxay ku noolaan lahaayeen ee hantida uahaa,waan ku tuhmaynaa jawaari waxaan kugu tuhmaynaa caddaalad daro iyo inaad norwey la wado qorshaha ay badayada ku dhacayso.