Qoraalkii Norway: Khiyaano Qaran oo Qayaxan
- Warbixin SomaliTalk.com | July 25, 2014
______________________________
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ka qaybgalay xafladdii xiritaanka
kalfadhigii 4aad ee Golaha Baarlamaanka oo qabsoomay 22kii July 2014, ayaa sheegay in uu
Qaramada Midoobay (QM) u gudbiyay warqad ku saabsan xadeynta Badda Soomaaliya. Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in qoraalka ay QM u gudbiyeen 21kii
July 2014 ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo shisheeyeba isugu jirta , kuwaas oo lagu soo
kireeyay cashuurtii laga uruuriyay shacabka Soomaaliyeed (gadaal ayaan ka rki
doonaa cidda bixisay kharashka). Waxaa kale oo uu
madaxweynuhu sheegay in ay gudbiyeen wixii xuquuq ahaa ee ay Soomaalidu laheyd,
cidna aysan dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay meelaha loo dacwoodo u
dacwooto. Haddaba SomaliTalk oo dib-u-eegid ku sameysay qoraalka loo gudbiyay QM ayaa waxay
ogaatay in khudbadda Madaxweynuhu ay aheyd mid lagu marin-habaabinayo shacbiga
Soomaaliyeed. Waxaa waadax noqotay in qoraalka madaxweynuhu gudbiyey ay
diyaarisay Norway. Qoraalkaas Norway waa mid dhabarjebin ku ah go'aankii xalaasha ahaa
ee ay baarlamaanka Soomaaliya ku
diideen heshiiskii is afgarad (MOU), wuxuuna
ka marqaati kacayaa sheegashada Kenya ay qayb sheeganeyso Badda Soomaaliyeed. Sida qoraalka ku
cad, warbixinta loo gudbiyay QM oo sida muuqata aysan
Soomaalidu wax badan kala soconnin, waxaa diyaariyay oo iska kaashaday;
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, hay'adda bartoorka u qaabilsan Norway
iyo hay'adeedda sameysa khariidadaha (mapping). Waxaa kale oo xusid mudan in DFS diyaarinta gudbinta warbixintan uu ka caawiyey
Mr. Harald Brekke, oo ahaa xubin ka tirsan guddiga xadaynta badaha intii u
dhaxaysay (1997-2012). Mr. Harald Brekke waa reer Norway, waana isla ninkii
Kenya ka caawiyay qoraalkii rasmiga ahaa ee ay Kenya u gudbisatay QM (May 6,
2009), kuna sheeganeysay bed weyn oo badda Soomaaliyeed ka tirsan.
Khariidada Kenya gudbisatey oo muujinaysa xad-gudubkeeda badda Soomaaliyeed
(eeg UN website)
Waxaa is weydiin mudan waxay tahay: Madaxda DFS ma la socdaan doorkii uu
Mr
Harald Brekke ku lahaa sheegashada Kenya? Haddii aysan madaxda Soomaalidu waxba
kala socon ninkaan, waa ku ceeb. Haddii wax ka ogaayeenna, waa in ay ka
jawaabaan sababta ay qoraal xaasaasi ah oo muhiimad gaar ah u leh shacabka
Soomaaliyeed ay ugu aamineen shaqsi ay taariikhdu
madowdahay, mugdina ku jiro, horena uga eexday Soomaalida.
Yaa bixiyey Lacagta ku baxday diyaarinta dabinkaan? Sida kor ku xusan, Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud markii uu hadalka ka
jeedinayay xiritaankii kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka wuxuu sheegay in kharashka ku
baxay diyaarinta warbixinta loo gudbiyey QM ay tahay mid laga bixiyey cashuurta
laga qaado shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, warbixinta uu madaxweynaha u gudbiyey
QM (July 21, 2014), waxaa ku cad in Dawladda Norway ay bixisay gebi ahaanba
kharashka ku baxay diyaarinta warbixinta iyo gudbinteedaba. [All expenses
related to the preparation of the present submission have been covered by the
Government of Norway.]. Waa yaabe Madaxweyne Xasan ma wuxuusan si fiican u
akhrin qoraalka uu gudbiyay, mise si ula kac ah ayaa loo marin habaabinayaa
umaddaan la dulmayo? Qoraalka Norway waa khiyaano Qaran
Marka si deggan loo akhriyo
warbixinta ka kooban 23 bog ee Norway u diyaarisay
badda Soomaaliya, taas oo madaxweynaha DFS uu u gudbiyey Qaramada Midoobay asagoo aan marsiin baarlamaanka, waxaa si cad u soo baxaya qodobadan:
1. Waxaa la soo cusboonaysiiyey "muran gelintii Badda Soomaaliya", waxaana
warbixintu ku celcelinaysaa in uu jiro aag kamid ah badda Soomaaliya oo lagu
muransan yahay. Waxaana aad iyo aad u cajaa'ib badan in mid ka mid ah
khariidadaha la socda warbixinta lagu asteeyey dhul-badeedka Soomaaliya
qaybtiisa u dhow Jubada Hoose in muran la geliyey (eeg sawirka hoose) - waxaana xusid mudan
khariidada muranka muujinaysa in Soomaaliya gudbisey, halka khariidada Kenya
gudbisatay ay mujinayso in Kenya dhulkaas sheeganayso (waa tabcadii iyo xeeladdii
ay Kenya raadinaysay laga soo bilaabo 2009 oo uu u hirgelinayo Madaxweyne Xasan..
waa aqbalaad dhulkayga igu qabso, iyo sheegashada Kenya oo si miyir la'aan ah
loogu meeldayayo.)
Khariidada ay diyaarisay Norway ee uu madaxweynaha DFS u gudbiyey QM (eeg UN
website)
(Khariidada inta buluugga ah ee saddexagalka waa badda Soomaaliya ee muranka la geliyey)
2. Waxaa la soo cusboonaysiiyey heshiiskii is afgaradka badda ee Kenya & Soomaaliya
- Taas waxaa daliil u ah in warbixinta ay ku qoran tahay sidan: Macluumaadka ay hadda
Soomaaliya gudbisay waxaa ka mid ah aag ay ku muransan yihiin labada dal ee
xeebta, waxaana Soomaaliya diyaar u tahay in ay wada-xaajood la gasho Kenya si
loo gaaro heshiis ama is-afgarad... "Somalia is ready to enter into
consultations with the Republic of Kenya with a view to reaching an agreement or
understanding..." (waa arrintii uu diiday baarlamaankii KMG ahaa oo boodhka laga
jafay ... waxaana arrimahani ku soo beegmeen ama soo shaac baxeen xilli la
fasaxay baarlamaankak hadda jira). Waa mucjisee maxaa keenay in Kenya ay
sheegato oo ku dooddo in ay leedahay bad kaabiga u saaran Kismaayo, halka
madaxda Soomaaliduna ku doodayaan in lagu muransanyahay?
Bogga 9aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website)
Sidoo kale warqad uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad
sidan: “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale
oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada
xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.
Warqadda uu saxiixay madaxweynaha DFS eeg halkan
3. Qoraalkaan loo diray QM wuxuu badda Soomaaliya qaybta TERRITORIAL WATER ku soo
koobayaa 12 mayl-badeed, sidaasna meesha laga saarayaa Law no. 37 oo dhigaya in
badda Soomaaliya Territorial Sea/Water uu yahay 200 mayl-badeed. (Halkan
ka eeg faraqa u dhaxeeya 200nm oo EEZ iyo 200nm oo Territorial Water)
Bogga 7aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM (eeg UN website)
Maxaa ku aasan afeefta Norway? Waxaana xusid mudan,
oo wax lala yaabna ah, in dowladda Norway ay ka afeefatay
qoraalkii ay iyadu maalgelisay oo ay diyaarisay. Waxay ku afeefatay in aysan
shaqo ku laheyn cawaaqibka ka soo baxa qoraalkan, waxayna afeeftaas ku muujisay
isla qaybo ka mid qoraalkaas. Sow haddaba cajiib ma aha in qoraalkii ay Norway
diyaarisay ay sharuuud ka dhigtay in aysan masuul ka ahayn natiijada ka soo
baxda ee xagga sharciga ee la xiriirta xadaynta badda? Waxaa Muuqata in Norway
ku baraarugsantahay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu qoraalkani hirgalo.
Waayo waxa cad in ay Soomaaliya ku waayi karto baaxad aad u weyn badeeda ah.
Taasna waxaa laga yaabaa iney keento dood iyo dacwooyin sharci oo daba dheeraada.
Nasiibdarro, waxa ay ka afeefaneyso Norway uma muuqdaan madaxda Soomaalida ee
maanta. Maxaa la gudboon Soomaalida? Shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankoodu waxay horay uga dhiidhiyeen isku
daygii fashilmay MOU. Maanta tan taagani waa mid ka sii halis badan middii
shalay. Waxaa Soomaalida la gudboon in ay aad u feejignaadaan, kana horyimaad
iskudayada xaqooda lagu duudsiinayo.
Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2014
Norway oo
Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo
Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
Dec 20, 2012 Wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Norwey Mr. Heikki Holmas
booqday Muqdisho, lana kulmay madaxweyanaha DFS iyo guddoomiyaha baarlamaanka
... EEG HALKAN
*****
Akhri Law No 37 oo AfSoomaali loo rogey *****
|