Home » Faallo »

Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 1aad)

Kacaankii ay u magacdareen kacaankii-warshadaha marka uu ka bilawday dhulalka reer yurub ee uu ingiriisku ugu horeeyay bartimihii qarnigii 18aad, ayay xoogagii reer yurub u tafaxayteen inay raadsadeen dhulal ay ka helaan agab cayriin oo ay ku qalabeeyaan warshadahooda. Waa tii ay qaybsadeen dhulalkii iyo dadyawgii africa, ayaga oo inaba ha yaraatee u aabe yeelin dadka deegaanadaas dagan.

Dalkayagan Burkina-faso waxaa qayb ahaan u halay gumaystayaashii reer yurub kii ugu arxanka darnaa ee faransiiska. Markii koowaad oo ay wadanka soo galeenba waxay isku dayeen inay tir-tiraan dhamaan luuqadihii kale ee dadkeenu ku hadli jiray, ayna ka dhigeen mamnuuc in lagu hadlo luuqad aan faransiis aheen.

Marka xigta waxay bulshadii ka dhax samaysteen koox calooshood u shaqaystayaal ah oo u badnaa dadkii hantida lahaa oo ay si gaar ah u naasnuujin jireen, dadka intiisa kalena madaxa ayay uga istaagnaayeen, ayaga oo gaashanayaa kooxahaasi. Intaas waxaa dheer waxay tir-tireen wixii dhamaan xadaarad iyo qayim aan laheen, aana ka dhaxalnay aabayaasheen. Badalkeeda waxay noo sameeyeen oday dhaqameedyo iyo wadaado(krishtin) gacan ku samays oo ayaga daaha gadaashiisa ka maamulaan.

Ninka hadalka ii wada waa Ibrahima dialo, nin gaari kire ah noogu wada magaalada caasimada dalka Burkino faso ee Ouagadougou. Aniga oo kamid ahaa koox kasocotay iskuul kuyaal wadanka kuyaal woqooyiga yurub. Waxaana safar ku joognay wadankan in todobaad ah. Ibrahim todobaadkaas aan wadanka joognay il-gaar ah ayuu igu hayay, asaga oo dadka intooda kale iiga qaraabaysan jiray.

Malahayga waxaan islahaa waa miskiin iska danyar ah, oo raba inaad wax uun u garato maadaama uu xaga midabka kugu xigsanayo. Cuqdadaas anayba igu jirtaaye, ibrahim waa nin ladan, oo xaas iyo caruur intaba leh. Waa nin haya warbixin iyo taariikh aad u badan, rabana qof ka dhagaysto, laakiin ka baqaya kooxaha uu la shaqaysto ee wakaalada dalxiiska dalkaas oo aan ogaleen in dadka martida ah looga sheekeeyo hoogii iyo ba,ii uu faransiisku mariyay dhulkan, maantana uu ku hayo wali. Xili habeen ah oo ay dhalinyartii kale ay magaalada khamri iyo tamashle u doonteen ayaan ibrahim iska helnay afaafka hotelka aanu daganeen. Markiiba waa kii i geeyay maqaaxi ay ku kulmaan dadka da,yarta ah oo habeenkii ku caweeyaan. Waa kii ii qabtay sheeko dheer. Sheekadaas uu ibrahim iiga sheekeeyay ayaan rabaa maanta idinla qaybsado.

Ibrahima ayaa ku wateee: horaantii qarnigii 19 aad, ayaa waxaa yurub ka qarxay dagaalkii ey ugu magac dareen (dagaalkii 1aad ee aduunka), xaga kalena waxaa xoogaystay iska caabinta iyo gumaysi diidka shucuubtii ay gumaysan jireen. Markaasay fahmeen in gumaysigan tooska ah uusan sii socan karin, balse badalkiisa loo baahanyahay gumaysi kale oo dadban. Markiiba waxay tababar iyo bar-baarin ku bilaabeen jiilkii ayaga badali lahaa marka ay meesha ka baxaan.

Waxay wadanka ka fureen akaadamiyo ciidan oo tiro badan, iskuulo dhawr ah iyo xarumo lagu xanaaneeyo caruurta aan aabaha laheen. Waxbarashadaas waxaa gacanta ku hayay dad gumaysiga u shaqeeya, oo caruurta wax alaala wixii ay rabaan u dhigi jiray, ayagoon ka leh u jeedo fog oo ah in ubadkan noqdaan bari faransiis madow ah. Waxay 100% xooga saareen xaga ciidanka oo ay cudud aan caadi laheyn u yeeleen, intaas waxaa ka daran waxay mushaar fiican u qoreen dhamaan askartii kasoo baxday kuliyadahaas.

Intaas waxaa garab socday inay sameeyeen sharciyo iyo xeerar ku jaan go an danaha gumaysiga, balse la huwiyay magacyo qurux badan, ayaga oo gaashanaya odayaal jeebka loo buuxiyay, laguna dhahay xaga dhuunta nagala socdo, waxaan idiin keenana saxiixa.

1960 Waxaa lasoo gaaray xiligi kala wareega labada nooc ee gumaysiga, waxaa haatan dalka oo dhan gacanta ku hayo dadkii nus-qarniga inta ka badani uu tababarka ku socday, meel walbe iyo taako walba oo dalka kamid ahna waxaa joogo masuul, hoos taga masuul kale, kaas oo isna hoos taga mid kasii sareeyo, ilaa ay jaran-jarantu ka dhacdo Paris. Shucuubtii neceybka u qabtay gumaysiga cad, waxaa loogu sheegeeyay xornimo ayaad qaadateen.

Waa taan dabaal dagnay, calan gaar ah samaysanay, dal iyo dadna aan ismoodnay oo ay na gashay dadnimo iyo dad xor ah oo wax qabsan kara baa tihiin. Waxaan meel walbe dadkeenu isla dhex mareen dhag dheer dhimatay dhulna nabad. Balse sheekadu sida aan moodnay ka qoto dheere, gumaysigii aan niri tag, albaabka intuu ka baxay ayuu daaqada kasoo galay, asaga oo markan wata midab ka duwan kii hore, iyo magac ka qurxoon kii hore.

Madaxweynahii Burkina Faso ee 1983 - 1987.. Isha Sawirka: wikipedia

Madaxweynahii Burkina Faso ee 1983 – 1987..
Isha Sawirka: wikipedia

Hadii markii hore la dhihi jiray gumaysi, hada magaciisa waa dowlada sharciga ah, hadii ninka meesha fadhiyaa uu ahaa cadaan, maanta waa nin madow ah oo waliba laga yaabe inaad walaalo tihiin. Dad aan marnaba sina u matalin danaha iyo dadnimadeena ayaa meesha naloo fadhiisiyay. Ayagana korka ayaa laga naas-nuujin. Faqri, gaajo, waxbarasho la aan, shaqo la aan, taajir faqiiriinta adoonsada ayaa noqday hubka cusub ee gumaysiga.

Waxay dhulkeena ka dhigteen meel ay u iib geeyaan waxa ay warshadahoodu soo saaraan, ayaga wax alaale wixii nacfi iyo kheyraad lahaa dhulkeenana habeen iyo maalin dal-dasha, ayaga jeebabka u biixiya kuwa meesha dawlad ahaanta noogu fadhiyay. Talada wadanka waxaa gacanta u gashay hal qoys. Oday ayaa madaxweyne ah, wiilkiisuna waa wasiirka macdanta iyo kheyraadka, wiilkiisa kalena waa wasiirka maaliyada, walaalkiina waa wasiirka arimaha dibada, xaaska uu qabo walaalkeedna waa safiir, iwm. Dadka intiisii kalena waxay noqdeen masaakiin marti ku ah dalkoodii.

Thomas sankara

Thomas sankara

Goor aan rajo dhignay, dadka intiisii badnaana ay noqdaan kuwo ku quncay lana qabsaday nolosha caynkaas ah, Ayaan habeen madow kooxdii dawlad ku sheega ahayd waxaa af ganbiyay koox ciidan ah oo hogaaminayay captan Thomas Sankara.

Thomas aabihiis wuxuu kujiray dawlada, wuxuu kamid ahaa dabaqaha sare, balse wuxuu ahaa xaq u dirir ilaa yaraantiisii necbaa qaabka ay dawlada ula dhaqmayso dadkeeda. Dadkii u ciilqabay inay mar uun arkaan isbadal cusub ayaa dariiqyada isa soo tubay, ayagoo farxad iyo reyn-reyn la ooyayo.

Gumaysigii faransiiska ayaa markan lasoo baxay waji cusub, wuxuu soo dhaweeyay afganbiga, ayagoo caay iyo eedeyna isugu daray maamulkii ay ayagu gacantooda ku dhiseen. Waxay ku eedeeyeen inuu galay xuquuqul insaanka danbiyo ku lid ah iyo sheekooyinkoodii caanka ahaa, balse ujeedadu ay ahayd inay ku beer laxaysadaan ciidanka wadanka afganbiyay oo taageero buuxda ka haysta dadka wadanka kunool oo dhan. Intaas waxaa dheer, maadaama ay ahaayeen dhalinyaro aan maamulka waayo aragnimo dheeri ah, waxay rabeen inay isaga dhigaan gacan ka weyn oo caawinayso, rabtana inay tusto dariiqa sax ee lagu gaaro horumarka.

Thomas oo si xeel-dheer ula socotay sheekada fransiiska iyo ujeedooyinkiisa, ayaa cirka u laalay dhamaan wixii ay dastuur iyo xeerar ay qoreen oo dhan, islamarkaana wadanka kusoo rogay xaalad deg-deg ah ilaa ay wadanka maamulkiisa sifiican gacanta ugu dhigaan.

LINK: http://somalitalk.com/tag/sankara/ – Kala soco qaybta xigta..

Qore: Said mahamud muuse
Email: said.mahamud10 [oo ah @] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 1aad) "

  1. asc mashaa allaah runtii waataariiq dhaxalgal u ah umada soomaaliyeed ee wax aqrisa adigana allaaha ku barakeeyo ee noo dhamaystir mahadsanid

  2. keenadiid says:

    waxaan aad uga helay farshaxanimada uu qoraaga usoo bandhigay sheekada iyo qaabka quruxda badan ee isugu taxay dhacdooyinka

    africa oo dhan ayay ka dhacday tanoo

    qaybta labaad si deg-deg ah kusoo geli, waana kuu hanbalyeynayaa

  3. Siciid oday says:

    Asc
    Aadban ugu hambalyeynayaa qoraaga waa dhambaal xiiso leh oo xambaarsan taariikh casharo badan laga baran karo.

    Waa sugi lanahay qeybta 2 aad ee hanugu daahin ilaan wax ma sugi karnee kkkkkk