Home » Warar »

Xildhibaan Xayd oo lagu diley Muqdishu wuxuu ahaa Khabiir Waardiyeyn Jirey Badda Soomaaliya

Xildhibaano ku sugan Minnesota Oo Tacsi Tiiraanyo leh U diraya Qoyska Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd  iyo Baroor Diiq Loogu sameynayo hoolka Shirarka Safaari Ee Magaalada Minneapolis July 6, 2014.

tacsiXildhibaan Maxamed Axmed Keynaan, Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf (Direed), Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur, Xildhibaan Cali Ameeriko iyo Xildhibaan Sandheere oo kala jooga Muqdisho iyo Minnesota ayaa  Tacsi Tiiraanyo leh u direy Qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo magaalada muqdisho dabley dharka ciidanka  ku lebisan ku dishey gurigii hore ee hooyooyinka.

Waxayna Alle uga baryayaan in uu Jannadii fardowso ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan aan dhamaan ka siiyo

Xildhibaanadan oo si weyn uga caroodey falkan toogashada ah ee lagu diley Marxuum Xayd, ayaa si addag u cabaareey, isla markaana waxay ku tilmaameen kuwa falka geystey in ay ahaayeen kuwii ugu cadowsanaa Qaranka soomaaliya, iyagoo ka xun wadaniyadiisa iyo islaam nimadiisa ayey falkan u geysteen, Xukuumada soomaaliya waxay si ay ku jirto add adeyga ugu soo jeediyeen cid allaale cidii ka dambeysey in la horkeeno sharciga iyagoo eedeyn culus u soo jeediyey sida ay uga gaabisey ilaalada mas’uuliyiinta iyo tan amaanka guud dalka.

xayd1Xildhibaanadu waxay go’aansadeen in baroor diiq loogu sameeyo Gobolka Minnesota, waxayna shacabka soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota u soojeediyeen in ay ka soo qayb galaan baroor diiq loo sameynayo Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd July 6, 2014 oo lagu qaban doono hoolka shirarka safaari ee magaalada Minneapolis.

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan Isagoo Ka Hadlaya Dilka Xildhibaan Xayd “Wixii Jira Koleey Waa Iska Soo Bixidoonaan, Laakiin Waxaa Geeriyoodey Khabiirkii Badda Waardiyeyn Jirey…”

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan oo ay qaraabo isku dhow ahaayeen oo aan wax ka weydiiyey Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ayaa ka Hadley taariikh-da Xildhibaan Xayd, xiligii uu ku soobiirey xildhibaanada, xilalkii uu ka sooqabtey dowladihii kala duwanaa ee dalka soomaaliya soomarey, cida (lagu tuhmayo in ay)  ka dambeeysey dilkiisa, waxa laga yaabo in uu sababsadey, xaas iyo caruur waxa uu ka tegay iyo waxa lagu xasuusan doono.

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “Innaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun, waxaa saaka 9:00 iyo shan daqiiqo lagu diley Magaalada Muqdisho Xildhibaan Admiral, Maxamed Maxamuud Xayd, xildhibaanku waxaa uu ka tirsanaa gudiga difaaca ee Baarlamaanka soomaaliya, waxaa uuna soo qabtey xilal kala duwan oo Xildhibaan iyo wasiiro ah, wuxuuna ahaa oday aqoon fara badan u leh arrimaha badda iyo arrimaha ciidamada waxaa uuna soo shaqeynayey ilaa iyo Kontameeyadii, wuxuu ahaa wadani daacad ah jecelna dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu ahaa dadkii deegaan ahaan aan ka bixin dalka, wuxuuna deganaa inta badan Sucuudi Carabiya, intiisa badan waxaa uu ka shaqeynayey magaalada muqdisho, waxaa uu baarlamaanka ka fariisan jirey safka ugu horeeya wuxuuna ka mid ahaa odayaasha baarlamaanka ugu da’daweyn uguna khibrada badan lana tixgeliyo oo lana ixtiraamo, waxaa lagu yaqaanaa daacad iyo hawlkar nimo”.

Mar uu ka hadlayey Xildhibaan Keynaan dilka marxuumka ayaa wuxuu yiri “Dilkiisa waxaa geystey seddax nin oo hubeysan, waxay wateen gaari, waxayna ka soo raaceen hoteel uu deganaa oo ku dhegan masaajidka Marwaas inta aysan soo gaarin guriga hooyooyinka ayey soo dhaafeen waxayna isku gooyeen gaarigii ay wateen, kadibna waxaa ka soo degtey seddax nin oo xiran direyska ciidamada dowladda, waxaana ay ku bilaabeen rasaas, waxaa gaariga la saarnaa Xildhibaan Cabdullaahi Coonka oo ay isku hoteel deganaayeen, waxaa la socdey askari ilaalo ah oo ay ku soodareen qolada Hoteelka, waxaa kale oo la socdey xubin xog-haynada baarlamaanka ka mid ah oo la yiraahdo Maxamed Maxamuud Seysey oo isaguna dhaawac ah, waxaana difaac galey askarigii la socdey waxaa halkaa ku geeriyoodey Jenneraalka iyo askarigii difaacayey, Xildhibaan Cabdullaahi Coonka ayaa ka badbaadey, waxaana sheegtey nimankii arr-gagixisada ahaa ee Al-shabaab, waxay caado u yeesheen arrimahan oo kale”.

Keynaan wuxuu keloo sheegey “wax-yaabaha lagu aqoonsankaro waxaa ka mid ah difaaca badda iyo aqoonta dheeraadka uu u lahaa arrimaha badda, arrimaha wadaniyada iyo soomaalinimada, wixii jira koleey waa iska soo bixidoonaan, laakiin waxaa geeriyoodey khabiirkii badda waardiyeyn jirey, horena waxaa loo laayey dad badan oo aqoonyahano ah oo cid walba leh, hase ahaatee su’aashu waxay noqoneysaa yaa leynaya dadka, yaase u haraya dalka ayuu is weydiiyey xildhibaan Keynaan.

Mar aan weydiiyey xildhibaan Maxamed Keynaan cida loo sababeynayo marka laga reebo qoladan sheegatay ayaa wuxuu yiri “dowlada ayaa looga baahan yahay wax-garadkii soomaaliyeed oo dhan ayaa la dili jirey, raadiyayaasha ka jira Muqdisho dhamaantood waxay ka hadlayaan, in uu sababsadey arrimaha badda, waxaa kale oo ka mid ah dagaalada soo noq noqdey ee ka dhacaya dalka iyo hogaamiye xumida ka socota meesha, baaritaan waa in la sameeyaa oo lagu cadeeyaa cida ka dambeysey”.

Xildhibaan Keynaan waxaan weydiiyey xilalka uu soo qabtey Marxuum Xayd “ wasaaradaha uu soo qabtey waxaa ka mid ah warfaafinta, deegaanka, gaashaan dhiga, inta badana wasiir kama uusan dhici jirin ”.

Waxaan keloon weydiiyey Xildhibaan Keynaan wax uu sababsadey oo la tuhmayo in ay jirto wuxuu yiri “ fadhiga baarlamaanka kama soodaahi jirin, wuxuu ahaa nin warkiisu cad yahay oo dadkana wax bara, koleey waxaan dhihi karaa daacad nimo ayuu sababsadey”.

Maxamed Keynaan waxaan weydiiyey marxuumka goorta Xildhibaan-nimada uu ku soo biirey “waxaa uu ku biirey sidii dowladihii KMG-da ahaa loo bilaabey 2000 ilaa maanta, waliba waxaa lagu xasuusan doonaa markii la abuurayey baarlamaankii ugu horeeyey ee KMG ahaa ee Carta, waxaa uu ka mid ahaa dadkii wax ka soo aas aasey, waxaana halkaas ka muuqana waxa wax-garadka loo dilayaa, maxaa wadaniga loo dilayaa, waxaana nasiib daro ah qofkii runta ka hadla in la dilo, sababtoo ah, waxaa cajiib ah sida uu uga Hadley markii ay dowladda Turkiga codsadeen dhul xeebta soomaaliyeed ah, si fiican buu u sharxay oo wuxuuna yiri Xeebta nagama xigsan karaan wadan kale oo ajnabi ah, maxaa yeeley waxay halis gelin karaan qaranimada iyo dowlad-nimada.

Sidoo kale mar laga hadlayey burcad badeeda, waxaa uu yiri burcad badeeda aad ka hadleysaan waxaa iiga muhiimsan kuwa badeena suntan ku shubaya oo xaalufinaya, iyaga maa laga hadlo inta xeer loo sameynayo burcad badeeda, haddaan anniga awood leeyahay, iyagaan hub siin lahaa. Waxaa kale oo aan xasuustaa mar madaxweyne Xasan Sheekh uu baarlamaanka la hadlayey hadaladii adkaa ee uu kula hadli jirey baan xasuustaa, xili ra’iisul wasaaraha nala joogey hadalada uu ka yiri baanu garaneynaa, waqtiyadii ugu dambeeyey cidna kama baqi jirin wax kasta runta ayuu ka sheegi jirey wax badan baa laga baran doonaa fikirkii iyo dareenkii uu wadeyna ma dhimanayo oo waa socondoonaa haddii alle idmo” ayuu hadalkiisa ku soogebagebeeyey Xildhibaan Keynaan.keynaan1

Sida aynu ognahay in mudo ah, waxaa oo la bartill-maameedsanahey Saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida siday u dhan yihiin, gaar ahaan kuwii Xooga Dalka Soomaaliya, NSS-tii hore iyo Booliiskii hore. waxaa sidoo kale la raacinayey khubarada dhinaca aqoonta maadiga iyo diinta, waxayna socotey in badan, waxaa sare u kacay dilalka shekh-siyaadka muhiimka ah ee qaranka soomaaliyeed uu lahaa, ugu dambeyn waxay gaartey in wadaadadii hub qaataan, halkaasna uu ka bilowdo kacdoon diimeed.

Taasina waxay dhashey in arrintii ay ka sii darto oo Wariyayaashii iyo Dumarkii la ugaarsado, laakiin marka xaqiiqada looga hadlo, waxaa is-weydiin mudan maamulada is-magacaabey ee dalka soomaaliya ka jira, mid kasta halka looga taliyo, waxaa joogta ugu yaraan seddax sarkaal Itoobiyaan ah oo mid si waafi ah loo garanayo waxa uu qabto, halka labada kale iyo kuwo ka badan oo qarsoon ay ka buuxaan guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka min tuulo ilaa baadiyo, iyadoo ay u dheer tahay ciidamo hubeysan oo inta badan buux dhaafiyey xuduud beenaadka dalka soomaaliya ilaa gobolada dalka qaarkood. Balse dadkan wax leynayo marka si qoto dheer loo eego eegmooyinka qalallan, hawshu waxay u muuqataa khubarada ka dhamee kadibna dalka oo dhan la wareeg!!.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk
Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com

…………….

Halkan ka akhri taariikh nololeedkii marxuumka

…………….

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Annagoo ah Janan Maxammad Abshir Muussa Mataan iyo Xirsi Bulxan Faarax iyo ilmahayga, annagoo ka xun geeridii naxdinta, murugada, iyo tiiraanyada lahayd ee Walaalkeen Marxuum Muxammad Muxamuud Xayd. Waxaan ugu ducaynaynaa Marxuumka in Eebbe geeyo Jannatula Fardowsa, Afadii, ilmihii uu ka tegey, guud ahaan qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Allaah ha u naxariisto Marxuumka walaalkeen; Muxammad Muxamuud Xayd.

Aammiin

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

waxaa tacsida soo tebiyey
1. Maxammad Abshir Muussa Mataan
2. Xirsi Bulxan Faarax iyo Asli Cismaan

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Xayd oo lagu diley Muqdishu wuxuu ahaa Khabiir Waardiyeyn Jirey Badda Soomaaliya "

  1. inaa lilaahi wainaa ilayhi raajicuun

    waxaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa geeridda marxuum maxamed maxmauud Xayd ilaahay waxaan uga baryayaa inuu unaxariisto kana waraabiyo janatul fardaws, samir iyo iimaannna kasiyo qarabadiisii iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed.