Home » Faallo »

Taariikhda Nololeedkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd

Halkan Ka Akhriso Taariikhda Nololeedkii “AHUN”Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd , Oo Ka Tirsanaa Mudanayasha Barlamaanka Dowlada Soomaaliya ;Shalayna Lagu Dilay Magaalada Muqdisho’’BY-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’

 

Taariikhda Nololeedkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ,Janaral Maxamed Maxamuud Xayd wuxuu dhashay horaantii sanadkii 1943 kuna dhashay degmada Beer ee  gobolka Togdheer Somaliland  ,wuxuu dugsiga hoose dhaxe iyo dugsigii quraanka ku soo bartay magaalada kalkacyo ee gobolka galgaduud kuna soo barbaaray ,dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay magaalada muqdisho dugsiga sare ee Jamal Cabdi nasir ee ku magac dheera ‘’ALAAHIGA’’ ka dib wuxuu shaqadii ugu horeysay ka bilaabay Macaliinnimo oo uu ka noqday bare macaliin dugsiyadaa waxbarashada magaalada muqdisho mudo laba sano ah,

xayd1Admiral Janaral Maxamed Maxamuud Xayd waxaa uu ka gaaray heerkiisa aqoonta waxbarasho meel sare isagoo qaatay laba shahaado oo kala duwaan ,shahaadadisa koowaadna ku qaatay Label Enjiner ‘dhismaha maraakiibta’’ iyo Shahaadadiisa labad oo uu ka qaatay Kuliyada Sharciga ‘’International Low’’Admiral Janaral Xayd wuxuu si fiicaan ugu hadli jirey inka badan 7-luqadood oo ay ka mid yihiin ‘’ENGLISH, CARABI, TALYAANI ,FRANCE, RUUSH, SPANISHKA IYO LUQADA AFKIISA HOOYO EE SOOMAALIGA, waxaanu waxbarasho dibadeed ugu baxaay dalalka MASAR ,TALYAANIGA ,IYO DALKA RUUSHKA,

Sanadkii 1955 kii wuxuu u baxay couraskii ugu horeyay oo uu u dhoofay dalka Ruushka wuxuuna dalka ku soo noqday isagoo Sarkaal Xidigleh ah sanadkii 1960 wuxuu ka dib hormood u noqday iyo aasasayashii ciidamada bada soomaaliya wuxuuna xilal kala duwaan ka qabtay taliiskii ciidamada badda soomaaliya sanadkii 1965 wuuxu noqday Hogaanka Taliiska ciidamada Bada ee magaalada Barbara .mudo ka dib waxaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho hogaanka ciidamada bada ,1969 kii markii ciidamada malatariga soomaaliya ay la wareegen talada ee uu dhashay kacaankii 21-octoober sanadka ka dib 1970 ilaa 1974 kii waxaa loo magacaabay oo uu xilka qabtay magaalada kismaayo isagoo isku hayeey ,gudoomiyaha maxkamada gobolka kismaayo ,taliiska ciidanka gobolka kismaayo iyo dekada kismaayo halkaas oo uu mudo afarsano ah sadexdaa xil isku hayay .

Muda yar ka dib sanadkii 1975 kii wuxuu jagoo ka qabtay wasaarada gaashandhiga soomaaliya isagoo noqday hogaaanka waaxda taliiska cilmi baadhista wasaarada gaashan dhiga soomaaliya oo uu mudo hayay,sanadkii 1978 waxuu noqday  hogaanka xafiiska wada shaqaynta ee ciidamada mudo ka dib wuxuu noqdaay horaantii 1980  Hogaanka Xiriirka Arimaha Dibada ee Ciidamada Waxaa Jeneral xayd uu ka mid noqday SHANTII UGU SAREYSAY SARAAKIISHA CIIDAMADA SOOMAALIYA isagoo ka gaarey darajada sare ee ADMIRAL JENERAL MAXAMED MAXAMUUD XAYD ,

1986 KII ADMIRAL XAYD wuxuu ka mid ahaa madaxdii siyaasiyiinta ee saluugay taliiskii dowlada kacaanka ee Siyaad Bare wuxuuna noqday dadkii sida gaarka ay dowladii kacaanku u tilmaamsatay kana horyimiid kali taliisnimadii iyo awood sheegashadii siyaasada dowladii dhaxe ee soomaaliya waxaana Admral xayd wakhtigaa lagu tilmami jirey siyaasi qunyar socod ah una janjeera dhanka bidix oo lid ku ah xukunkii kacaanka ka dib isla sanadkaas 1986 ayaa dowladii kacaanku ay gacanta ku dhiigtay lagana qaaday jagooyinkii iyo xilalkii kala duwanaa ee uu hogaanka ciidanka u hayay waxaanu xirnaa oo uu xabsiga ku jirey mudo ilaa laba sono ah ka dibna 1988 kii ayaa la soo daayay isagoo Buulka laga dhigay wax xil ahna dib loogu dhiibiin ,

Admiral Janaral Xayd ka dib 1991 kii markii ay burburtay dowladii dhaxe ee kali taliiska ee soomaaliya wuxuu mudadii ka dambaysay ku noolaa Boqortooyadda dalka Sacuudi Arabiya gaar ahaan magaalada Jidda ,Admiral Janaral Xayd sidaa siyaasada kagamuu hadhiine wuxuu sanadkii 2000 kii ku soo noqday masraxa siyaasada isagoo markii ugu horeysay noqday Xildhibaan ka mida mudanayaasha dowladii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta dalka jabuuti ee lagu soo doortay Madaxweyna ‘Cabdi Qaasim salad xasan ‘’ ka dib wuxuu isla xildhibaan iyo wasiir buuxa  ka noqday dowladii ku meel gaadhka Madaxweyne Cabdulahi Yusuf isagoo loo magacaabay  Wasiirka Wasaarada Dalxiiska Iyo Duurjoogta ,intii ka dambaysayna wuxuu ahaa ilaa intii shalay la diliin xubiin mudane barlaamanka dowlada federalka soomaaliya wuxuu sidoo kale xubiin ka ahaa gudiga difaacada ee barlamaanka soomaaliya isagoo door weyn ku lahaa golaha barlamaanka ahaana xubiin firfircoon oo magac iyo miisaan culus ku leh mudanayaasha barlamaanka soomaaliya iyo qaranka soomaaliyeedba .

 

Admiral janalar M M Xayd wuxuu ahaa muwadiin wadaniya oo jecel qaranimada soomaaliya iyo wada jirka umada wuxuu ku caan baxay afgaabni iyo dhowrsanaan xilkasnimo ku jirto wuxuu ahaa nin had iyo jeer isku kalsoon oo ku faana wuxuu yahay isagoo ka soo jeeda Beelaha Gabooye ‘’gaar ahaan beesha Muse Dhariye ee reer Somaliland balse aan ku soo barbaariin dhulkiisa hooyo ee uu u dhashay Somaliland ,

Wuxuu ahaa nin jecel cadaalada iyo sinaanta waxaanu ku dadaali jirey siduu ugu hiiliyo cadaalada waxaa si gaara loogu xasuusan karaa kaaliintii uu ka qaatay barnaamijyadii lagaga doodayay quursiga iyo isla waynida mala awaalka ee beelaha soomaaliyeed sheegtaan wuxuu had iyo jeer jeclaa inuu hormood iyo xubiinba ka noqdo xaq u dirirka sinaanta iyo cadaalada waxaa sidoo kale lagu xasuusan karaa kaalintii uu ka qaatay ee uu uga horyiimid sadbursigii iyo awood sheegashadii habka xukuun qaybsiga iyo saamiga dowladeed ee xukuumadihii kumeel gaadhka ahaa ee soo maray dalka soomaaliya isagoo si caad oo geesinimo ku jirtana uga horyimiid ma baadiidii halku dhigyadii saad qaybsiga sida Afarta Beelood Iyo ATHERSKA iyo 4.5 kuna tilmaami jirey inay saadqaysigasi yahay shay xaaraana oo ka baaxsan diinta islaamka iyo bini aadamnimada ay umadi wax ku qaybsato .

 

‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMED XAYD ‘’ waxaa uu guursaday hal xaas oo hada nool waxayna u dhshay 8- caruura ,oo kala ah 3-wiil iyo 5 –gabdhood waxaanay gaarayaan intuu ifka kaga tagay wuxu dhalay iyo waxay sii dhaleen ee uu awoowga u ahaaba inka badaan 38- qof alah ha sii siyaadiyee aamiiinnnnnnnnnnnnnnn..

Taariikh nololeedka ‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMED XAYD ‘’ maahan midaan halkan ku soo koobi karo waxayse maaliintii shalay ahayd maaliin ruuntii intii taqaanay muuqiisa iyo magaciisa eheladiis qaraabadiis iyo saaxiibadiisa siyaasiyiinta iyo mudanayaashii xildhibaanada ay isku ahaayeenba maaliin murugo badaan oo qofkasta ku reebtay tiiraanyo xanuunbadan ka dib markii shalay barqadii ay dablay hubaysan oo gacan ku dhiiglayaala ay isagoo sooman  marxuunku ku dileen magaalada muqdisho halkaasna ugu geeriyooday rasaas lala dhacay ,waxay si gaara shalay maaliin qiiro iyo tiiraanyo badan u ahayd beelaha gabooye ee uu ka dhashay gaar ahaan beesha Muse dhariye oo uu u ahaa Muraayadii ay isku arkaayeen iyo halyaaygii ku dhaaranayeen ,waxaan alah swt uga baryayna inuu ilaahay janadiisa fardowsa ka waraabiyo eheladii qaraabadii iyo qoyskiisa xaaskiisa iyo awlaadiisa iyo dhaman umada soomaaliyeed iyo beelaha gabooye inuu ilaahay Samir iyo iimaan saadaqa inaga wada siiyoo aamiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn yaa rabi…

 

Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa intii iga caawisay ee aan ka wareystay Taariikh nololeedka ‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMUD XAYD ‘’waxaanan si gaara ugu mahad celinaya ‘’Cornal-Cabdi Gune Bootaan” kuna magac dheer”Cornel-Bootan” kuna nool gobolka Ontario dalka Canada ahaana sarkaal sare oo xilal sare ka soo qabtay taliiskii hogaanka ciidamada dalka soomaaliya.. iyo mustafe Maxmed maxamed xayd iyo faadumo maxamed maxamud xayd oo ka mid ahaa caruurtu dhalay Janarl Xayd’’kuna kala nool dalalka Holand iyo Sweden..

 

Qore soo diyaariye ‘’Barkhad Xaaji Cabdi ‘’MrGaboye ‘’

Kitchener Ontario Canada ..

Email: abokoriye1@hotmail.com

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.