Home » Warar »

Warcad oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mahiga kuna saabsan doorashada Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) –

Muqdisho, 10ka September 2012 – Maanta dadka Soomaaliyeed waxay horey u qaadeen tallaabo weyn ee waddada nabadda iyo barwaaqada. Maanta Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay – si degan, sharaf leh oo u fiirsasho leh – ku dhammeeyeen xilligii ku-meelgaarka, waxayna si buuxda u doorteen Mudane Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo Maxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu wuxuu ahaa mid ay Soomaalidu leedahay una wada dhantahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu wuxuu mid nabad ah oo habaysan loona qabtay si dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kaleba.

Waxaan soo marnay waddo dheer oo aad u dhib badan si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Muddo hadda laga joogo hal sanno iyo xoogaa ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda istaagay. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay Dowladda Federaalka Ku-Meelgaarka Soomaaliya ay ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa, waxaa la gaaray horumar aad u ballaaran. Haddaba caawa waxaa Soomaaliya ka dhacday hawshii dimuqraadi ee ugu weynayd muddo 40 sanno ah, kaasoo ku soo gabagaboobay doorashada Baarlamaan Soomaaliyeed ee cusub, oo ay soo xuleen tiro ballaaran oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka, Baarlamaanka ayaa doortay Madaxweynaha Soomaaliya ee cusub oo talada dalka haynaya muddo afar sanno ah. Waxaa taas ka horeysay doorashii Baarlamaanka cusub iyo Golihii Ansaxinta Dastuurka oo ay soo doorteen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa dhammaaday xilligii ku-meelgaarka – wixii hadda ka dambeeyana Soomaaliya waa inay xooga saartaa sidii lagu heli lahaa xasillooni, dibuheshiisiin iyo in la dhiso hay’adihii maamulka oo la joogtayn karo, lalana xisaabtabi karo, awoodna u leh inay u adeegaan dadweynaha.

Waxayu bogaadinaynaa dhammaan musharaxiinta, natiijada doorashadu waxay doontaba ha ahaatee. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa kuwa guuleystaan inay noqdaan kuwo muujiya sharaf iyo geesinimo, kuwa laga guuleystayna inay si xushmad leh ugu qancaan natiijada. Waana inay dhammaantooda ka shaqeeyan horumarinta Soomaaliya si loo gaaro mustaqbal ifaya. Dadka Soomaaliyeed dhammaantood waa inay ka shaqeeyaan dibuheshiisiin si loo gaaro maslaxadda ummada iyadoo la eegayo marxaladdan taariikhiga ah ee ay Soomaaliya marayso.

Weli waxaa dhiman wax badan oo u baahan in la qabto, haddana dadka Soomaaliyeed waa inay ku faanaan geeddi-socodkan. Waxaan dadka Soomaaliyeed u dirayaan hambalyo diiran. Waxaaa la jooga waqti rajo iyo yididiilo leh. Waa cusub ayaa Soomaaliya u billowday.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir Saraakiisha UNPOS u Qaabilsan Isgaarsiinta Guud
Nick Birnback, + 254 41 350 6855 (Office) or + 254 739 976 888 (Mobile)
Fadlan eeg rugta Internet‐ka (website): www.unpos.unmission.org

(Rev.1)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warcad oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mahiga kuna saabsan doorashada Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya "

  1. SA2012 says:

    Ilaah baa quluubta daalacdo, isagaana taladiisa saaraney, kuna dacweeney ciddaan wadanka u dhalan AMA wadanka dhashayba ee foowdo, ficilo xun iyo faragelin aanaan ku habooneeyn qadiyadeena.

    ilaahayoow waxaanaan ogayn baad ogtahaye Magantaada na sii, Dhamaan waxing xarigaaga hayaa

    Aaaaamiiin

    Ayeeyo Abshiro Sulugle